Khamiis jan-18 2024-{HMC} “Heshiiska ay Somaliland iyo Ethiopia wuxuu inoo keenayaa faa’iido ay ugu horeyso Aqoonsigu”
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Khamiis jan-18 2024-{HMC} “Heshiiska ay Somaliland iyo Ethiopia wuxuu inoo keenayaa faa’iido ay ugu horeyso Aqoonsigu”
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Khamiis jan-18 2024-{HMC} Shil diyaaradeed oo sababay Khasaaro kala duwan oo ka dhacay Gobalka Baay.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Khamiis jan-18 2024-{HMC} Guddoomiye Maddaale Kuwa Bullaacadaha iyo Biyo Mareenada dul dagay haka guuraan intaanan ugu imaan
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Khamiis jan-18 2024-{HMC} Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeeybta Galmudug Gaashaanle dhexe Cabdullaahi Abuukar
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Khamiis jan-18 2024-{HMC} Dr Maxamed Cumar ayaa sharaxaya Shareecadda Islaamka marka loo eego Heshiis beeneedka Itoobiya iyo
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Khamiis jan-18 2024-{HMC} Ciidamo ka tirsan Difaaca SSC-Khaatumo oo beeniyey inay u goosteen Soomaaliland.
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Khamiis jan-18 2024-{HMC} Ciidamo kasoo baxay garabka Soomaaliland iyo Hubkooda oo lagu soo dhaweeyay Oog
HOOS KA DAAWO WARBIXINTA
Arbaco jan-17 2024-{HMC} — Mareykanka ayaa markii afaraad muddo ka yar todobaad gudihiisa weerrar xaga cirka ah ku qaaday kooxda xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay dalka Yemen, kuwaas oo taagero ka heysta Iiraa.
Weerarkan waxaa xaqiijiyay saraakiil ka tirsan waxaada difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka.
Ciidamada Mareykanka ayaa bartilmaameedsaday gantaallo gaaraya ilaa 14, kuwaas oo ay sheegaan in looga gol lahaa in lagu weerarro maraakiibta maraya badda cas.
Hore, xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay sii wadi doonaan weerarada ay ku qaadayaan maraakiibta badda cas gaar ahaanna kuwa xirriirka la leh Israa’iil ilaa bay yiraahdeen uu ka joogsanayo dagaalka Israa’iil ee marinka Qasa.
Duqeynta Mareykanka ayaa imaaneysa kadib markii Xuutiyiintu ay gantaallada balaatiga ah ku garaaceen maraakiib laga leeyahay Mareykanka.
Isla Mareykanka, waxaa uu liiska argagaxisada dib ugu daray kooxda Xuutiyiinta.
Hogaanka Xuutiyiinta ayaa tallaabada Washington ku tilmaamay inay tahay iclaamin dagaal.
Maamulka Biden ayaa Xuutiyiinta ka saaray liiska argagaxisada saddex sano ka hor, si ay ugu fududaato in gargaar la gaarsiiyo dalka Yemen oo ay ka jirtay xaalad bini’aadanimo oo quus ah.
Mid kamid ah hogaamiyeyaasha siyaasadda ee Xuutiyiinta, ayaa sheegay in dib ugu soo celinta Xuutiyiinta ee liiska argagaxisada aysan marna joojin doonin weerarrada ka dhanka ah maraakiibta badda cas.
Arbaco jan-17 2024-{HMC} — Wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistan ayaa sheegtay in Pakistan ay duqaymo ka fulisay gudaha Iran Khamiistii oo ay ku bar-tilmaameedsatay kooxo gooni u goosad ah, laba maalmood ka dib markii Tehran ay ku dhawaaqday inay weerartay saldhigyada malayshiyaadka xiriirka la leh Israel ee ku sugan gudaha Pakistan.
Warbaahinta Iran ayaa sheegtay in dhowr gantaal ay ku dhufteen tuulo ka tirsan gobolka Sistan iyo Baluchestan oo xuduud la leh Pakistan, waxaana ku dhintay saddex haween ah iyo afar carruur ah oo dhammaantood aan Iran u dhalan.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in “tiro argagixiso lagu dilay intii uu socday howlgalka oo lagu saleeyay xog sirdoon”, iyadoo ku tilmaantay weerarro xiriir ah oo si heer sare ah loo agaasimay oo lala beegsaday goobo ay ku dhuumaaleysanayeen argagixisadu.”
“Pakistan waxa ay si buuxda u ixtiraamaysaa madaxbanaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran. Ujeeddada kaliya ee shaqada maanta loo qabtay waxay ahayd in aan raadinno ammaanka Pakistan iyo danaha qaranka, taas oo ah mid aad u muhiim ah oo aan la carqaladayn karin.” ayay tiri wasaaradda arrimaba dibada ee Pakistan.
Ilo ka tirsan sirdoonka Pakistan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in duqaymahaasi ay fuliyeen diyaarado militari.
Sarkaal ka tirsan sirdoonka caasimadda Pakistan ee Islamabad, ayaa yiri: “Ciidamadeenu waxay qaadeen weerarro lagu bartilmaameedsanayo dagaalyahannada Baloch ee ku sugan gudaha Iran.”
Khamiis jan-18 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdirhman Muse
Farsamadii : Abdi maajid abdirxman aadan
HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO