Home Blog Page 2986

Somalia president signs law nullifying Ethiopia-Somaliland port deal

0


By Abdi Sheikh
Sunday January 7, 2024

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud signed a law nullifying an agreement by the breakaway Somaliland region to grant Ethiopia access to the Red Sea in return for recognition as an independent nation, he said late on Saturday.

Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed’s stated ambition to secure access to the Red Sea is a source of tension between the Horn of Africa nation and its neighbours and has raised concerns of a fresh conflict in the region.

Somalia, which considers Somaliland part of its territory, rejected the New Year’s Day deal that would allow landlocked Ethiopia to lease 20 km (12 miles) around the port of Berbera, on the Gulf of Aden with access to the Red Sea, for 50 years for its navy and commercial purposes.

Ethiopia would in return become the first country to recognise Somaliland as an independent nation.

“This evening, I signed the law nullifying the illegal MoU between the government of Ethiopia and Somaliland,” Mohamud posted on X, formerly Twitter, late on Saturday.

“This law is an illustration of our commitment to safeguard our unity, sovereignty and territorial integrity as per international law.”

The Somali president did not specify what the new law says or when parliament passed it.

There was no immediate comment from Somaliland or Ethiopian officials.

Abiy said in October that Ethiopia’s existence was “tied to the Red Sea”, adding that if countries in the Horn of Africa “plan to live together in peace, we have to find a way to mutually share with each other in a balanced manner”.

His national security adviser has said Ethiopia would offer Somaliland an unspecified stake in state-owned Ethiopian Airlines in return for giving it access to the Red Sea.

Reporting by Abdi Sheikh; Writing by Duncan Miriri; Editing by William Mallard

Kenya oo wax ka badashay go’aankeedii dalkugalka ee hadal haynta dhaliyey

0

Axad jan-7 2024-{HMC} Warsaxaafdeeda ay soo saartay waaxda socdaalka ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in wax looga baddalay go’aan ay hore usoo saartay oo ahaa, in muwaadiniinta awalba dalkugalka u baahnaa ay weli u baahan doonaan si ay usoo galaan Kenya taas oo liddi ku noqotay hadalkii madaxweynaha Kenya ee ahaa in gebi ahaanba la qaadi doono xayiraadda dalkugalka.

“Si loo kobciyo dalxiiska sarena looga qaado maalgashiga shisheeye ee dalka, dawladdu waxay meesha ka saartay dalkugalka looga baahan yahay muwaadiniinta dhammaan caalamka ee imaanaya ama dhaxsinka ku noqonaya Kenya” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Go’aanka hore ee soo baxay ayaa si qeexan lagu sheegay dalalka iyo dadyowga aan u baahan doonin dalkugalka, taas oo Soomaaliya ka saartay liiskaas maaddaama aan lagu darin dalalkaas.

Dalalka ku bahoobay ururka goboleedka dhaqaalaha ee Bariga Afrika oo ay dhawaan Soomaaliya ku biirtay ayaa mid mid loo xusay si loo cadeeyo in aysan u baahnayn dalkugal, halka Soomaaliya laga tagay.

Arrintan ayaa hadal hayn ka dhex dhalisay Soomaalida.

Waxay soo kordhisay dawladda Kenya, nidaam kale oo elektaroonik ah (ETA), kaas oo qofku uu kusoo dalban karo ogolaanshaha in uu dalka soo galo ah.

Madaxweynaha falastiin oo ka degay Masar si uu ula kulmo dhiggiisa dalkaas

0

Axad jan-7 2024-{HMC} Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa maanta oo Axad ah gaaray dalka Masar, halkaasoo uu kula kulmi doono dhiggiisa Masar Abdel Fattah El-Sisi.

Wakaaladda wararka ee Falastiin ayaa ka soo xigatay safiirka Falastiin ee Masar, Diyaab Al-Lowx, in Cabbaas iyo Sisi ay ka wadahadli doonaan siyaabaha iskaashiga laba geesoodka ah ee loo joojinayo dagaalka Qasa si degdeg ah oo waarta, iyo dadaallada Carabta, gobolka iyo caalamiga ah ee wax looga qabanayo masiibada bini’aadantinimo ee ka dhacday Marinka.

Labada madaxweyne ayaa sidoo kale ka wadahadli doona ka hortagga barakicinta Falastiiniyiinta iyo joojinta weerarada ka imaanaya Israa’iiliyiinta deggan Daanta Galbeed ee la haysto oo ay ku jirto Qudus, sida uu sheegay safiirka Falastiin ee Qaahira.

General Jimcaale oo soo dhaweeyay mudanyaasha Cusub ee Golaha Wakiilada

0

Axad jan-7 2024-{HMC} Taliyaha Ciidamada Kumaandoosta Danab Puntland General Jimcaale Jaamac Takar ayaa fariin adag u diray Wakiilada cusub ee Baarlamanka Puntland, wuxuuna carabka ku dhuftay in shacabka Puntland ay ka dhursugayaan isbedel ka dhaca dalka.

Waxaan xusuustaa in dalka uu soo maray khilaaf iyo marxalado adag, sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay mudanayaasha cusub ee baarlamaanka, isagoo u rajeeyay inaysan la mid noqon kii shanaad.

“Madaxweynihii hore ma ahayn nin nabadeed, balse dhowr dhibaato ayuu dalka ka abuuray, sidaas darteed shacabka Puntland waxay ka sugayaan baarlamanka 6-aad isbedel dhab ah oo farxad geliya.” ayuu yiri Jeneraalka

Jeneraalka ayaa xaqiijiyay in baarlamaanka 6-aad uu ku kalsoon-yahay in ay badbaadin doonaan Puntland, isla markaana aysan wax dagaal ah ku xalin doonin khilaafaadyada siyaasadeed sida baarlamaanka 5-aad.

Weriyaha Aljazeera ee Gaza oo wiil kale ku waayey duqeymaha Israel

0

Axad jan-7 2024-{HMC} Madaxa xafiiska Aljazeera ee Qaza Wael Al-Dahdouh ayaa wiil kale ku waayay duqeyn cirka ah oo Israel ay ku dishay laba wariye Axadii maanta Dhimashada wiilkiisa ayaa ku soo beegantay dhowr bilood ka dib markii xaaskiisa, laba caruur ah oo uu dhalay iyo ilmo uu awoowe u ahaa lagu dilay duqeyn uu isaga laftiisu ka warbixiyay ka hor inta aanu ogaanin dhimashadooda.

Todobo nin oo Falastiini ah ayaa lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geysatay meel u dhow degaanka Jenin oo ka tirsan Daanta Galbeed ee la haysto, sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka Falastiin Axaddii. Israa’iil ayaa xaqiijisay duqeynta, iyadoo ku tilmaantay raggan “argagixiso”. Afar ka mid ah dadka dhintay ayaa ahaa walaalo, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Falastiin ee WAFA. Israel ma aysan sheegin sababta ay ugu tilmaameen “argagixiso”.

Ugu yaraan 122 qof ayaa lagu dilay 265 kalena way ku dhaawacmeen duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha Israa’iil 24kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka Gaza. Muuqaalo laga soo duubay Isbitaalka Shuhadada Al-Aqsa ayaa muujinayay xubnaha shaqaalaha oo isku dayaya in ay daweeyaan dhibbanayaasha sida aadka ah u dhaawacmay..

Ururka Xoreynta Falastiin ayaa diiday qorshayaal ay soo jeedisay Israa’iil oo ku saabsan mustaqbalka Gaza, iyadoo ay sidoo kale soo ifbaxayaan khilaafyo ka dhex jira dawladda Israa’iil oo ku saabsan aragtideeda dagaalka ka dib. PLO – oo ka tanaasulay iska caabin hubaysan oo ka dhan ah Israa’iil heshiis nabadeed 1993 oo arkay aasaaska maamulka Falastiin – ayaa sheegtay in Mustaqbalka marinka Gaza ay go’aaminayaan dadka Falastiiniyiinta ah

Dhinaca kale, Cabsida laga qabo dagaal ballaaran ayaa sii kordhaya , iyadoo Xisbullah ay Sabtidii ku dhawaaqday inay wadar ahaan 62 gantaal ku dhufatay goob ay Israa’iil indha-indhayso oo ku taal xadka Israa’iil iyo Lubnaan, taasoo ah “jawaab bilow ah” oo ku aaddan dilka hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Xamaas ah kaasoo Israel ay ku qaarajisay Beirut.

Digniin cas oo ka digaysa gantaalada iman kara iyo firirka ayaa la soo saaray in ka badan 100 goobood oo ku yaal waqooyiga Israa’iil.

Xildhibaan reer Awdal ah ‘oo dambiile qaran’ ku tilmaamay MUUSE BIIXI

0

Axad jan-7 2024-{HMC} Xildhibaan Maxamed Xuseen (Maydhane) oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiiladda Somaliland ee laga soo doorto gobolka Awdal ayaa si adag uga horyimid heshiis beeneedkii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya.

Xildhibaan Maydhane ayaa marka hore dambiile qaran ku tilmaamay madaxweyne Muuse Biixi oo isagu Itoobiya u saxiixay qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, isaga oo ku dhowaaqay in reer Awdal difaacayaan baddooda.

“Ma aqbalayno hadaa reer Awdal nahay hadduu qof naga hadhayo. Marnaba ma aqbaleyno inta uu qof naga nool yahay in badda laga kireeyo ciddii damacaa ee dooneysa ee xoogga ku qaadaneysa, in laga kireeyo ama laga iibiyo marnaba ma aqbaleyno,” ayuu yiri Xildhibaan Maydhane.

Waxa uu intaas kusii daray “Caalamka kale waa laga kireyn karaa oo waa maalgashan karaan, laakiin ninkii hantidaada doonaya oo xoog ayaa ku qaadanaya ku cadeeyay, in aad tiraahdo heshiis ayaa lasoo galo ictiraaf ayaa ku bedeshay, oo umadda been loo sheego.”

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in ictiraaf lagu bedelin karin dhul, islamarkaana ay Itoobiya u hayn Somaliland ictiraaf, taasi oo uu ku tilmaamay mid lagu socodsiinayo damacii soo jireenka ahaa ee Itoobiya.

“Waxba ma aqoonsan karto Itoobiya, nin isaguba ku dhaamin ayaa ictiraaf kasoo siistay ma aqbalayno haddaan reer Awdal nahay hadduu qof naga hadhayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaan Maydhane.

Xildhibaanka ayaa ugu dambeyntiina taageeray banaanbax weyn oo maanta ka dhacay magaalada Boorama, kaasi oo looga soo horjeeday heshiiskii Addis Ababa ee dhawaan uu Muuse Biixi qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya ugu saxiixay Itoobiya.

Dibad-baxaas oo ahaa mid nabdoon, oo looga soo horjeedo damaca Itoobiya ee baddeena, ayaa waxaa guul-dareystay isku-day ay ciidanka Booliska ku rabeen in ay ku joojiyaan dibad-baxaan oo ay ku kala kaxeeyaan dadweynaha, maadaama dad aad u tiro badan isku soo baxeen.

Si kastaba, heshiiskaasi ayaa la kulmay diidmo xooggan, ayada oo si weyn looga soo horjeestay maadaama uu yahay mid masiiri ah, oo xad-gudub ku ah qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, uuna yahay damac soo jireen ahaa oo Itoobiya waligeed ku taameysay inay hesho Bad.

{DAAWO SAWIRADA} Shabakad Loo Haaystay AS oo Markale ay xukuntay Maxkamadda Sare ee Ciidamadda.

0

Axad jan-7 2024-{HMC} Maxkamadda Sare ee Ciidamada ayaa mar kale xukunno kala duwan ka soo saartay Koox loo haystay Argagixisanimo, waxa ay kawada shaqeeyeen Dilal qorshaysan iyo dhacdooyin kale oo Arbushaad ah.

 

Isku day ay ka sameeyeen 17-kii September Sanadkii 2022 Jid mareexaan Howladaag ayay ku fashilmeen, waxaana u sahalanaatay Ciidamada aan Muuqan ee Nabad-Sugidda in ay ku soo simeen gacmaha Sharciga.

 

Kooxdan ayaa ka koobnaa Koox Jugta Culus ah oo isticmaali jiray RBG, F1, AK-47, waxa ay sidoo kale lahaayeen Madax Maaliyadeed, Madax Caafimaad, Bajaaj iyo Gaari raaxo.

 

Qaarkood oo gacmaha dhiig ku leh kuwan kalane ay ku jireen Gurya qarsoon oo ay kooxdu ku lahayd Muqdisho Sida Gubta, Xaawa Cabdi, OOd-weyne, Alxayaat-Ceelasha, Ciise-Cabdi iyo Cali-Turcaaye ayay ciidamada amniga soo qabteen.

 

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiisaskan , fadhiyo kala duwan kadib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa xukunno kala duwan ka soo saartay kiisaskan, Toban iyo Todobadii Decmber Sanadii 2022 iyo Kowdii bishii July Sanadii 2023.

 

Xafiiska Xeer ilaalinta iyo ehelada Marxuum Maxamed Xaashi Faarax ayaa cod saday Racfaan iyo in la mideeyo kiisaska maadaama ay Maxakamda Darajada koowaad laba mar ay u fadhiisatay.

 

Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen Xafiiska Xeer ilaalinta 24 December sanadkii tagay , Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta xukun ka soo saartay kiiskaan.

 

1. Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow Maama iyo 2. Maxamed Daahir Abuukar (Ismaaciil) oo ahaa horjoogaha kooxdan ayaa isna laamaha amniga u soo gacan galau Feberuary 8dii 2023 aye Maxkamada Maxkamada Sare ee Ciidamada ku xukuntay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday Weerar Arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadkii 2022 balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October Sanadkii 2023.

3. Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu Xukumay Xukun Dil ah oo ah Qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga 18 June Sanadkii 2023, waxaana xukunsanaha dhaawacd dhabarka ah ka soo gaaray Xabado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan Geeriyoon.

4. Caddow Axmed Calasow ayaa isna lagu xukumay 4 sano oo Xabsi ciidan ah.

5. Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa isagana lagu xukumay 8 Sano oo Xabsi Ciidan, waxa ayna ahaayeen Madaxa Gaadiidka kooxda iyo Kan Caafimaadka.

6.Ibraahim Cabdullaahi Maxemed Xuseen oo lacag ka badan sedax kun dhex martay oo uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumau 5 Sano oo xabsi Ciidan ah.

7. Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle oo ahaa Furaha hayaha Guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo argagixisada ayaa lagu xukumay 3 Sano oo Xabsi Ciidan ah.

8. Saynab Ibraahim Aadan Xuseen ayaa laamaha Aniga u soo gacan gashay January 13dii 2023 waxayna ahyd keed hayaha Hubka kooxdaan waxa ayana Maxkamadda Sare ku xukuntay 8 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida.

SOMA oo Cambaareysay Weerar xarig iyo jirdilka ay ciidanka Soomaaliland u geysteen Howlwadeenada MMTV

Axad jan-7 2024-{HMC} Daladda Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA waxa uu cambaaraynayaa xariga iyo jirdilka ciidanka Soomaaliland ay kula kaceen Guddoomiyaha Warbaahinta MM Somali TV Maxamed Cabdi Ilig, Wariye Maxamed Andar iyo Ilyaas Cabdinaasir oo lagu xiray magaalada Hargeysa.

Xilliga Wariyayaasha dhibka loo geystay saxafiyiinta waxa ay toos ugu jireen dood ku saabsan heshiiskii badda ee dhawaan uu Madaxweyne Biixi la saxiixday Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abey Axmed.

Majirin wax wargilin ah oo ay la sameeyeen Ciidamada Soomaaliland madaxda MM Somali TV oo la xiriirto wax ay ka cabanayaan.

Somali Media Association -SOMA waxa aad uga xuntahay ayna macbaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarunta warbaahinta MM Somali TV iyo howlwadeenadeeda,falkan waxaa ay SOMA u aragtaa mid lagu cuburinaayo Warbaahinta Madaxabanaan.

Gabagabadii SOMA waxaa ay ku baaqeysaa in Soomaaliland ay ilaaliso badaxbanaanida warbaahinta iyo xuriyada hadalka ,Sharuud la aana lagu siidaayo Saxafiyiinta sida sharci darada ah loogu xiray Magaalada Hargeysa.

{DAAWO MUUQALKA} Hadal jeedinta Musharax Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdifataax Maxamuud Xaaji Cumar

Axadi jan-7 2024-{HMC} Hadal jeedinta Musharax Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdifataax Maxamuud Xaaji Cumar

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Hadal jeedinta Musharax Madaxweyne ku xigeenka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan

Axadi jan-7 2024-{HMC} Hadal jeedinta Musharax Madaxweyne ku xigeenka Puntland Dr Jaamac Faarax Xasan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA