Home Blog Page 2994

UK iyo Denmark oo ka hadlay xiisadda ka dhalatay Is-afgaradkii Somaliland iyo Itoobiya

Jimco jan-5 2024-{HMC} — Dalalka UK iyo Denmark ayaa sheegay inay taageerayaan madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kadib markii Is-afgarad ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya.

Is-afgaradka ay la gashay Itoobiya, ayey Somaliland ku sheegtay inay marin-badeed 20 km ah kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50 sano ah, halka Itoobiya ay Somailand “u fidinayso aqoonsi.”

“UK waxay ka walaacsan tahay xiisadda kasii dareysa ee Geeska Afrika,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda UK ee Soomaaliya, kaasi oo lasoo dhigay barta X.

“Waxaan dib u xaqiijineynaa xushmadda buuxda ee aan u hayno madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya,” ayey ku dartay.

“Waxaan ku baaqeynaa is-xakameyn iyo wada-hadal si hab nabadeed loogu xalliyo arrimaha.”

Sidoo kale, safaaradda Denmark ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barta X ku sheegtay inay saaxiibada caalamka kula biireyso walaaca ay ka qabaan xiisadda Geeska Afrika.

“Waxaan carabka ku adkeynaynaa ixtiraamka buuxda ee aan u hayno midnimada-dhuleed iyo madax-banaanida Soomaaliya, waxaana ku boorinaynaa dhinacyada inay nabadda ilaaliyaan, oo ay raadiyaan wadahadal xal nabadeed waara loogu helo arrimaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaamtay “daan-daansi” ay Itoobiya ugu xadgudbeyso madax-banaanida Soomaaliya, waxayna ka codsatay Qaramada Midoobe iyo Midowga Afrika inay kulamo deg deg ah ka yeeshaan arrintan.

Madaxda Somaliland ayaa sheegay in heshiiska uu dhigayo in Itoobiya “ay si rasmi ah u aqoonsan doonto Jamhuuriyadda Somaliland,” balse tani ma aysan xaqiijin Addis-Ababa.

Itoobiya iyo Somaliland ayaa labaduba difaacay is-afgaradka.
La-taliyaha amniga qaranka ee Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Redwan Xuseen ayaa ku sheegay bartiisa X in in is-afgaradku yahay “tallaabo loo qaaday jihada saxda ah.”

Waxa uu sheegay in dawladda federaalka Itoobiya is-afgaradka ay la gaartay Somaliland uu u gogolxaarayo inay Itoobiya hesho saldhig milatari oo ay ka kiraysato Somaliland.

Sidoo kale, waxaa is-afgaradka difaacay Wasiirka Arirmaha Dibedda ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud ayaa sheegay in is-afaragadku uu dhigayo in Somaliland ay aqoosni ka hesho Itoobiya. Wasiirka ayaa ku eedeeyey dowladda Soomaaliya inay kasoo horjeedo horumarka Somaliland.

ATMIS hosts football match for IDPs in Jowhar

0

Friday jan-5 2024-{HMC}  Izsak Ahmed Hussein the captain of Towfik Internally Displaced Persons Football Team was looking forward to the football match against African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) soldiers stationed in Jowhar, the capital of Hirshabelle State.

Previously, when the football opponents faced each other five years ago, the match ended in goalless draw with no team managing to score.

This time around, despite the pulsating, end-to-end match that left partisan supporters yearning for more, the 90-minute game yet again ended in a barren draw.

Although no goals were scored Hussein expressed satisfaction with the match’s outcome.

“We have had a friendly match with BNDF on several occasions, and we are delighted to continue participating in similar activities to enhance cooperation between civilians and the military,” said Hussein.

He commended the strong defensive lines of both teams, that made it difficult for the strikers to find the back of the net, perhaps justifying the fair result of a draw.

The Deputy Chairperson of Towfik IDP Camp, Abdulkadir Aden Haji, who doubled as the team manager echoed the captain’s sentiments and commended the players for their remarkable skills and sportsmanship during the match.

“In 2018, we had a similar encounter that ended in a tie. Today, both teams competed and ended in a tie again. We are delighted to share this welcoming attitude as we celebrate the new year 2024,” said Haji.

Major Michael Ndikuriyo, ATMIS Deputy Civil-Military Cooperation (CIMIC) officer in Sector Five, praised both teams for honouring the match, emphasizing that such gestures contribute to enhancing relationship between AU troops and the local communities.

“As you are aware, our objective is to alleviate the suffering of people during or after a conflict. To achieve this, we must establish and maintain positive relationships between the community and ATMIS,” said Maj. Ndikuriyo.

He added that the match aimed to strengthen the cordial working relationship between the military and the community in their daily military operations within the Middle Shabelle region.

According to senior officials of the Burundi National Defence Forces, the objective of the tournament was to foster stronger bonds between ATMIS troops and the local community, while at the same time promoting sports as a tool for conflict resolution.

The event targeted IDPs residing in the Towfik Camp, who were displaced from their original homes by the recent El Nino-induced floods.

Sports play a key role within a peacekeeping mission by not only nurturing talents and promoting discipline but also fostering positive relations between the troops and the community.

The tournament attended by various ATMIS officials showcased a highly competitive football match between Towfik IDP camp and BNDF troops.

Xulka Gobolka Banaadir oo laga qaaday dhibcihii ciyaartii shalay ka dib markii..

Jimco jan-5 2024-{HMC} Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliyeed oo war qoraal ah ka soo saaray rabshadihii shalay ka dhacay Garoonka Stadium Muqdisho ayaa soo saaray Natiijo aysan ku farxin xulka iyo taageerayaasha gobolka Banaadir.

Xiriirka ayaa dhibcaha kulankii shalay siiyay xulka DG Hirshabeelle taas oo ganaax looga dhigay taageerayaasha gobolka Banaadir oo xiriirku caddeeyey in ciyaartu ka socon weysay dhankooda.

Waxaa shalay daqiiqaddii 70aad ee la hakiyay kulan u dhaxeeyay gobolka Banaadir iyo maamul goboleedka Hirshabelle ka dib markii taageerayaasha gobolka Banaadir oo sameeyey fowdo iyo rabshado laga wadi waayey ciyaarta.

Taageeerayaasha Banaadir ayaa ka carooday ciyaartoy ka tirsan kooxda oo laga saaray ciyaarta ka dib markii la siiyey calaamada casaanka ah.

Xiriirka Kubada cagta ayaa saddex gool iyo sadexdii dhibcood ee ciyaartaas siiyey xulka Hirshabelle, iyadoo Maanta cayaari doonaan K/Galbeed iyo Jubbaland..

WAR DEG DEG AH: Ciidamada NISA oo Xabsiga u Taxaabay Suldaan Hooleey.

Jimco jan-5 2024-{HMC}  Hay’adda nabad sugida iyo sirdoonka Soomaaliya NISA  ayaa  sheegay in ay xabsiga u taxaabtay Suldaan Hooleey oo ah nin baraha bulshadda Caan ka ah.

Sida la sheegay waxaa loo haystaa oo wax laga weydiin doonaa hadal uu dhawaan ku taageeray Heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay Somaliland la gashay Dowladda Itoobiya.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Puntland Oo La Magacaabay

0

Jimco jan-5 2024-{HMC}  Baarlamanka Puntland ayaa soo saaray Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Puntland oo dhacaysa maalinimada Isniinta.

Gudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada Puntland oo guddigan soo magacaabay wuxuu gudoomiye uga dhigay xildhibaan Cabdi Wali Yuusuf Warsame.

Guddiga oo todobo xubnood ka kooban wax dumar ah kuma jiro.

In ka badan 10 musharrax ayaa u taagan xilka Madaxweynaha, waxaana la filayaa in wax toban ka yar ay galaan xarunta doorashada.

 

{DAAWO MUUQAALKA} Dowlada Soomaliya oo kulan Deg Deg ah iskugu yeertay Madaxda Jaamacada Carabta

0

Jimco jan-5 2024-{HMC} Dowlada Soomaliya oo kulan Deg Deg ah iskugu yeertay Madaxda Jaamacada Carabta

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Hiiraanweyn{ 5-1-2024}

Jimco jan-5 2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Abdimaajid Abdirahman Addan

Farsamadii ::Muuse Ali Heroow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

Muxu yahay Culeyska ay Itoobiya wajaheyso?

Jimco jan-5 2024-{HMC} – Addis Ababa ma aanay sugeynin inuu Mareykanka istaagi doono halka uu sida deg degta ah uga istaagay damaca ay rabto inay ku qaadato qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya.

Heshiiska Addis Ababa ku dhex-maray Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed wuxuu tilmaamay in saldhig baddeed oo joogto ah la siinayo Itoobiya, taasi oo ka dhigan in uusan heshiiska aheyn mid sanado kooban ku eeg.

Ma jirto meel ay u noqon doonto Itoobiya haddii ay mar gacanta ku dhigto halka loo xariiqay.

Caalamka ayaa si weyn oo weliba deg deg ah waxaa uga soo jawaabay xiisadda kasoo cusboonaatay Geeska Afrika. Mareykanka oo ah dowladda casrigan ugu quwada weyn adduunka ayaa laaday heshiiskii ka dhacay Addis Ababa, waxayna sheegeen inay ixtiraamayaan madax-banaanida Soomaaliya ee waafaqsan xuduudihii 1960-kii.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ganafka ku dhuftay is-afgaradkii uu Muuse Biixi isku dayay inuu Itoobiya ku siiyo qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya, isaga oo og in weli Somaliland ay hoostagto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, marka laga tago gadoodka ay ku maqan yihiin 30-ka sanno.

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat waxa uu sheegay inay si dhow ula socdaan xiisadda ka dhalatay heshiiska ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo gobolka Soomaaliyeed ee Somaliland, waa sida uu u qorna warkii kasoo baxay Midowga Afrika.

Moussa Faki ayaa ku baaqay in la muujiyo deganaan iyo is tixgelin ka timaada labada dhinac, si loo yareeyo xiisadda ka dhex taagan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladda federaalka ah ee Itoobiya.

Waxa uuna intaas ku daray in la ixtiraamo madax-bannaanida, midnimada iyo sharafta dhuleed ee dhamaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika oo ay ku jiraan Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Kenya ayaa si deg deg ah u qaabishay Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, iyada oo kala hadashay xiisadda cusub ee gobolka iyo xoojinta xiriirka labada dal.

Baarlamaanka Carabta wuxuu si buuxda ula saftay Soomaaliya. Dhamaan dalalka, dowladaha iyo ururada illaa hadda soo hadal qaaday xiisadda ka dhex qaraxday Soomaaliya iyo Itoobiya, waxay la safteen Soomaaliya.

Sidoo kale Muqdisho waxay ganafka ku dhufatay oo ay ashkato ka gudbisay qoraal Arbacadii kasoo baxay Xoghayaha Urur-goboleedka IGAD, oo ah nin Itoobiyaan ah, kaasi oo u muuqday inuu lumiyay dhex-dhexaadnimadii ururka, iskuna dayay inuu caawiyo dalkiisa.

Sababta ay adduunyada ula safatay Soomaaliya waa heerka uu le’eg yahay gafka ay ku dhaqaaqday Itoobiya iyo sida indho la’aanta ah ee ay ku dooneyso inay bad ku hesho.

Midowga Afrika wuxuu ugu baaqay Soomaaliya iyo Itoobiya in wada-hadal la furo. Majiro illaa hadda dal, urur ama hay’ad caalami ah oo taageeray heshiiskan aan sharciyada haysan ee dhex-maray Muuse Biixi iyo Abiy Ahmed.

Taas bedelkeeda Itoobiya waxay wajaheysa culeys xooggan oo caalami ah, maadaama ay weysay cid ku taageerta isku deygaan.

Adduunyada hadda aad uguma xiiso qabto xiisad cusub, xilli lala tacaalayo xiisadda Gaza, midda Ukraine, midda Sudan iyo tan Xuutiyiinta Yemen. Waana adag tahay inay dalal waaweyn si indho la’aan ah iskaga taageeraan heshiis ay u jeedaan in uusan haba-yaraatee wax sharciyad ah ku fadhin.

Itoobiya ayaa la sheegay inay aad uga careysan tahay sida deg-degta ah ee ay Soomaaliya ugu adkaatay galaan-galka siyaasadda arrimaha dibadda.

Laakiin dadka ka faalloonaya arrimahan waxay leeyihiin dowladaha waaweyn ee adduunka aad isuguma ceebeeyaan arrimaha ay u jeedaan in aysan heli karin qeynuun caalami ah ama maxkamad taageeri larta, xilli sharci-yaqaanada caalamka la yaabeen sida qar iska tuurnimada ah ee dal weyn sida Itoobiya uu iskugu aamini karo in gobol ka tirsan Soomaaliya uu bad siin karo.

Maxeey Imaaraadku Wali uga aamusanyihiin heshiiskii Badda ee Addis Ababa?

Jimco jan-5 2024-{HMC} –  Tan iyo markii uu soo baxay heshiiska is-afgarad ee Addis Ababa ay ku gaareen madaxweyne Muuse Biixi iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed, waxaa iska soo daba baxayay bayaano caalami ah oo la xiriira xiisadda ka dhalatay heshiiskan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiskaasi, ayada oo Soomaaliya ay garab istaag ay muujiyeen ururro iyo dalal aan la filayey, halka kuwa kalena ay ka aamuuseen.

Imaaraadka Carabta ayaa kamid ah dalalka weli ka aamusan xiisadda taagan, xilli uu si weyn u daneeyo Soomaaliya, waxaana la is weydiinaya sababta dalkaan saaxiibka la ah Soomaaliya uusan uga hadlin heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ku gaareen Addis Ababa.

Maxay tahay sababta uu Imaaraadka uga aamusan yahay arrinkaan?
Axmed Saki Faarax Iidle oo ka faallooda xiriirka caalamiga ah ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta uu heshiiskan uga aamusan yahay isaga oo eeganaya danahiisa dhaqaale ee Somaliland.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in Itoobiya iyo Imaaraadka ay ku wada biireen ururkan BRICS oo ay hogaamiyaan Ruushka, Shiinaha, Hindiya, Koonfur Afrika iyo Brazil, ayna taasi keenayso in uu si weyn uga fiirsado oo uusan ku deg degin ka hadalka xiisaddan.

“Imaaraadku waa dalka kaliya ee maal-geliyey dowladda Somaliland ee u dhisay dekaddan Berbera marka iskaashigooda awgii waxay u muuqataa in ay Imaaraatku u yar dhowyihiin Somaliland iyo Itoobiya,” ayuu yiri Axmed Saki Faarax.

Sidoo kale waxa uu qabaa in haddii uu Imaaraadka ka hadlo xiisadda taagan ee ka dhalatay heshiiskii Addis Ababa “in Itoobiya uu taageero ayaa uga dhow in uu Soomaaliya ku taageero khilaafka ka dhex aloosan labada dhinac, ee ka dhashay xad-gudubka Itoobiya.

Marka laga imaado aamusnaanta Imaaraadka, waxaa Soomaaliya si weyn ugu muujiyay garab istaagay dalal uu kamid yahay Mareykanka oo ah dowladda casrigan ugu quwada weyn adduunka, ayada oo laaday heshiiskii ka dhacay Addis Ababa, islamarkaana xoojisay inay ixtiraamka madax-banaanida Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale ganafka ku dhuftay is-afgaradkii uu Muuse Biixi isku dayay inuu Itoobiya ku siiyo qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya, isaga oo og in weli Somaliland ay hoostagto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, marka laga tago gadoodka ay ku maqan yihiin 30-ka sanno.

Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay taageero caalami ah ugu heli laheyd difaaca dhulkeeda, kadib markii ay maalmo kahor burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Ahmed.

Maxaad ka ogtahay badda cusub ee Afrika ka dilaaci karta ee qaaraddana 2 u kala qeybin doonta?

Jimco jan-5 2024-{HMC} –  Bad cusub ayaa ka soo baxaysa Afrika sida lagu sheegay daraasada cusub.

Waxaa loo malaynayay in ay tahay natiijada geeddi socod qaadan doona inta u dhaxaysa 5 ilaa 10 milyan oo sano, laakiin natiijooyin cilmiyeed cusub ayaa tilmaamaya in tani ay dhici karto si ka dhakhso badan sidii la filayay.

Cynthia Ebinger oo ah Cilmi baare ka tirsan jaamacadda Tulane ee dalka Maraykanka sidoo kalena ah bare oo maaddada jiyoolajiga dhigaysay ilaa 1980-meeyadii ayaa tiri “waqtiga badda cusub la arkayo oo markii loo maleeynayay in muddo dheer ay qaadan doonin hadda waxaa la filaya in 1 milyan oo sano ama ka yar lagu arki doono”.

Sida laga soo xigtay shabakadda Google, Ebinger waxaa ay qortay maqaallo ka badan 16,000 kuwaasoo lagu daabacay joornaallada sayniska waana khabiiradda tixraaca iyo gundhigga u ah maaddada jiyoolajiga iyo deegaanka adduunka.

Sanadkii 2023, waxaa la daabcaday 17 qoraal, kuwaas oo intooda badan ku saabsan kanaalka cusub ee badda ah ee ka dillaaci doona gobolka Canfarta, ee ku yaal xudduudaha saddex oo ah mid aan ka fogayn Soomaaliya.

Xeel dheeryaasha cilmiga juquraafiga ayaa sheegay in badda cusub ay si gaar ah loogu arki doono dalalka Bariga Afrika, waxaana laga sameeyay cilmi baaris kala duwan.

Daraasadda la sameeyay ayaa waxa lagu lafo-guray falkii magma-ga oo ahaa dhul-beereedka Itoobiya ku yaal halkaas oo ah meel ay folkaano ka dhacaday taas oo socotay muddo 45 milyan oo sannadood ah.

Waxa kale oo ay tilmaamtay cilmi barista in “magma-ga ay tahay halka ugu badan ee badda cusub kasoo bixi doonto.”

Ballaarinta Badda Cas iyo labo qaaradood

Badda cusub ayaa markay dillaacdo waxaa qaaradda Africa ay noqon doontaa laba qaaradood, kuwaas oo kala ah, Qabcad Nuubiyaan (Nubian plate) iyo Qabcad Soomaali (Somali plate). Kadib waxa kala qaybin doona bad yaroo cusub oo dhexdooda ka samaysmi doonta.

Badda cas ayay khuburradu tilmaameen in ay halka ay tahay hadda ay ka durkayso ayada oo sanad kasta guurta 2.5 sentimitir, halka dhulka Soomaalida iyo dalalka dariska ah ay dhulkooda sidoo kale guuraan nus sentimitir waan sababta keentay laga cabsi qabo in qaaradda u kala qaybi sami doonto laba qaybood.

Biyo aad u badan oo milix ah aya ka imaan doona Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed kuwaas oo Badda Cusub noqon doona sida lagu sheegay daraasadda.

Dhulgariirkii ka dhacay dalka Itoobiya sanadkii 2005-tii ayaa lagu sheegay cilmi baarista in lagu arkay caddeymo badan oo arrinta xoojinaya.

Gobolka Canafarta ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay in xilligas uu ka dillaacay dhul dhan 60 kiiloomitir oo ka mid ah meelaha lagu laga cabsi qabo.

Daraasad la daabacay 2009-kii, oo uu hoggaaminayey Atalay Ayele, oo ka tirsan Jaamacadda Addis Ababa, Itoobiya qaba argti ah in kala go’a qaaradda uu yahay mid dhaw.

Waxaa laga yaabaa in tani ay dhacdo si ka dhaqso badan intii la filayay

Bishii hore, Ayele iyo Ebinger waxay ka mid ahaayeen koox sagaal saynisyahano ah oo daabacay daraasad lagu daabacay joornaalka Tectonophysics oo soo bandhigay qaabka 3D ee ficilada juqraafiga ee ka dhacaya gobolka.

Natiijooyinka waxa ka mid ah, in ay ogaadeen qolof cusub oo ka kacay dhulka iyo lakabka hoose ee dhulka gobolka Canafrta oo jilicsan.

“Dhacdooyinka daran waxay soo dedejin karaan habka furitaanka dildilaaca iyo helista marinka biyaha cusbada,” ayay tiri saynisyahannad Cynthia Ebinger, oo wareysi siisay BBC-da.

Waxay hadda ku qiyaastay in ay qaadan doonto wax ka yar hal milyan oo sano soo ifbaxa badweynta cusub ee ka soo baxi doonta biyaha Badda Cas.

“Dhibaatada ayaa ah in sayniska hadda jira uusan si sax ah u saadaalin karin dhacdooyinka sida qaraxyada foolkaanaha iyo dhulgariirrada.” Ayay hadlkeda sii raacisay

Cilmi-baaris lagu sameeyay khaladka weyn ee ka dhashay saxaraha Itoobiya ayaa ujeeddadeedu tahay, ka sokow ka jawaabista su’aalaha ku saabsan dhacdooyinka la filayo inay dhacaan boqollaal kun oo sano kadib , in la abuuro hanaan awood u leh inay si sax ah u saadaaliyaan masiibooyinka deegaanka mustaqbalka.