Home Blog Page 2995

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamada Gobolka Galgaduud oo maanta Dhageeysaneysa eedeysano loo haaysto Dil

0

Jimco jan-5 2024-{HMC} Maxkamada Gobolka Galgaduud oo maanta Dhageeysaneysa eedeysano loo haaysto Dil

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn. {5.1.2024}

Jimco january -5-2024-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdirahman Mo,alim Muse

Farsamadii :Yasiin Ali Ahmed

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Israa’iil oo duqeeysay Degaannada Rafah & Khan Younis

Jimco jan-5 2024-{HMC} – Ugu yaraan 32 ayaa lagu dilay Khan Younis halka 5 lagu dilay Rafah, sida laga soo xigtay ilo maxalli ah iyo wakaalada wararka Falastiin ee Wafa.

Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa sheegay in howlgallada koonfurta Gaza, oo ay ku jiraan duqeynta xeryaha qaxootiga iyo hore loogu dhawaaqay ‘goobo nabdoon’ oo rayid ah, ay sii socon doonaan.

 

Duqeyntaan ay weli Ciidamada Israa’iil ka geysanayaan Magaalada Qasa iyo degaannada ku dhow dhow ayaa kusoo aadaya xilli Israa’iil ay ku adkeysaneyso inay sii wadeyso duqeymaha, balse Mareykanka uu sheegay in ay ku dadaalayaan sidii ay gargaar u heli lahaayeen Shacabka falastiiniyiinta.

Soomaaliya ma leedahay Ciidan badeed oo hor istaaga doonista Itoobiya ee badda?

Jimco jan-5 2024-{HMC} – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin oo maanta kormeer ku tegay taliska ciidanka badda Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidanka baddu ay yihiin “kuw ku filan difaaca biyaha Soomaaliyeed”.

Waxaa uu shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay leedahay awood ay kaga hortagi karto cid kasta oo kusoo xadgudubta madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, ayna sameyn doonan wax kasta oo dadaal ah.

“Waxaa la’idinka rabaa inaad u diyaar garowdaan, cadowga guduhu waxba nagu qaadan maayo, cadow dibadeedna sidoo kale waxba nagu qaadan maayo,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sidoo kale amray in ciidamada badda Soomaaliyeed ay si deg-deg ah u howlgalaan, ayna gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta badda Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ciidamo cusub oo badeed usoo tababartay dowladda Eritrea, kuwaas oo sanadkii hore ee 2023 lagu soo celiyay gudaha dalka.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto dhalinyarada cusub ee ku biirtay ciidamada badda, si loo badiyo tiradooda.

Hadabba intee ayay la’eg tahay awoodda Ciidanka Badda Soomaaliya ?

Tirada ciidanka badda ee Soomaaliya waa mid kooban, iyada oo booqashadii uu ku tagay taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin taliska ciidanka badda kadib, ay warbaahinta dowladdu soo bandhigtay askar ku labisan direyska ciidamada badda ee Soomaaliya,

Sida ay shaacisay shabakadda qiimeynta awoodaha milatari ee dalalka caalamka, Global FirePower, Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka badaha.

Kornayl Macow oo ka faallooda arimaha amaanka iyo ciidamada ayaa sheegay in ciidanka badda Soomaaliya ay jjiraan balse awodda ay leeyihiin ay tahay mid kooban .

Waxaa uu tilmaamay in sanadihii danbe ciidanka badda Soomaaliya dib u dhisa fiican lagu sameeyay wallow aysan awooddin in si buuxada ay u ilaaliyaan dhamaan biyaha Soomaaliya .

“Ciidanka badda Soomaaliya waxaa ay haystaan doomaha dheereeya oo dhowr iyo toban ah, waxaa ay difaaci karaan ilaa 12 mayla oo biyaha Soomaaliya oo keliya, laakin ma awooddan in badda oo dhan ay ilaaliyaan “ ayuu yiri Kornayl Macow.

“Ciidankii Soomaaliya ee badda ee lahaa ingineeriga,makaaniga lahaa,oo kuwa quusa lahaa hadda ma jiraan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay .

Inkasta oo sanadihii danbe xeebaha iyo biyaha Soomaaliya ay ilaalinayeen Ciidamada badda caalamiga ah ee la dagaalamaan kooxaha burcad badeedka; Axmed kaboole oo ka falanqeeya arrimaha amniga ayaa qaba in ciidanka badda Soomaaliya uu hadda dib u dhis ku socado balse aysan lahyeen awood badan.

” Waxaan ognahay in Soomaaliya aysan hadda ka jirin ciidan baddeeda oo ka difaac maraakiibta shisheeye ama dal kale oo ku soo xadgudbay” ayuu  sheegay Axmed Kaboole.

Itoobiya Ciidan badda ma leedahay?

Korneyl Macow waxaa uu sheegay in ka hor intii Eritrea aysan ka go’in dalka Itoobiya ay lahayd ciidan bad, balse markii danbe ay burbureen markii Eritrea ay dal madax banana noqotay sidaasna ay ku raacday dhul xeebeedkii ay Itoobiya ku xisaabtamayasay.

Abiya Axmed, Ra’iisulwasaaharaha Itoobiya ayuu Kornayl Macow sheegay in hadda uu bilaabay in uu dib u abaabulo ciidankii badda ee Itoobiya isaga oo heshiis la galay Faransiiska.

“ Faransiiska ayuu Abiya Axmed heshiis la galay oo u tababaray ciidanka badda, waxaana ay hadda ay ku sugan yihiin magalada Adis-ababa, laakin biyo badeedka caalamiga ah meel ay ka joogaan ciidan badd oo Itoobiya leedahay ma jiraan” ayuu yiri Kornay Macow.

Faransiiska ayuu sheegay in ilaa iyo hadda uusan fulin heshiis uu la galay dalka Itoobiya oo ahaa in uu siiyo maraakiib madam aysan jirin dakada ay ku soo xirtaan.

“ Hadii Itoobiya Maraakiibta Faransiiska uu ballan qaaday la siiyo waxaa ay noqno doonta kuwa iska socda biyaha caalamiga ah, taasna Itoobiya kharash uma hayso” ayuu Korneyl Macow.

Sidoo kale Timothy Walker, oo ah cilmi-baare dhinaca badda ah oo ka tirsan ISS, ayaa tilmaamay in tobanaan sano ay qaadanayso in Itoobiya ay yeelato ciidan baddeed oo dhammaystiran.

“waxay qaadan doontaa tobanaan sano soo iibinta maraakiibta iyo tababarka ciidamada.” ayuu yiri

khuburada ka faallooda arrimaha amaanka iyo baddaha ayaa qaba in aysan jirin suurtagalnimada ah in Soomaaliya iyo Itoobiya uu dhex maro dagaal dhanka badda ah.

” Ma jiro ciidan Itoobiya badda u jooga, Soomaaliyana ma lahan awoodda ay biyaheeda ku ilaashato, marka ma jiro dagaal ka dhici kara dhanka badda oo dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya” ayuu yir Korneyl Macow.

Mowqifka Dalalka Islaamka ee heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya ee Biyaha Somaliya

Khamiis jan-4 2024-{HMC}  – Bayaan culus oo kasoo baxay Ururka Iskaashiga Islaamka ee OIC, isla markaana ay qayb ka tahay Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay heshiiskii muranka dhaliyay ee ay kowdii bishan Addis Abaab ku gaareen Somaliland iyo Itoobiya.

Ururka OIC oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ku caddeeyay sida ay u diidan yihiin is af-garadkii dhex maray maamulka Somaliland yo Itoobiya, kaas oo ay ka carootay Somalia.

Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) Mudane Xuseen Ibraahim Daaha ayaa shaaca ka qaaday in si cad ay uga soo horjeedaan xadgudubka dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah madax-bannaanida dhuleed Soomaaliya.

“Waxaa naga go’an ixtiraamka madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubinta ka ah OIC si waafaqsan Axdiga Ururka Iskaashiga Islaamka iyo sharciga caalamiga ah,ka dib Heshiiska Isfahamka ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Itoobiya iyo Somaliland,waana in la ilaaliyo lana ixtiraamo madax-bannaanideeda iyo wadajirkeeda dhuleed,si loo helo amniga, nabadda, iyo xasilloonida gobolka ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Tani ayaa noqoneyso tallaabo kale oo guul diblomaasiyadeed ah oo ay gaartay dowladda Soomaaliya oo haatan ay is hayaan Itoobiya, kadib damacii Abiy Axmed ee baddeenna.

Soomaaliya ayaa guullo waa weyn kasoo hoyneyso fagaarayaasha caalamka sida dalalka saaxibada la ah iyo ururada calaamiga ah ee ay xubinta ka tahay, kadib heshiiska badda ee Isniintii lagu gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimada waddanka Itoobiya.

Go back

Your message has been sent

Warning
Warning
Warning
Warning

Warning.

Horay waxaa sidaan oo kale uga hadlay arrintan xasaasiga ah, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, IGAD, Mareykanka iyo waddamo kale oo waa weyn.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya oo arrintan ka duulaya ayaa xiriir toos ah la sameeyay Amiirka dalka Qatar iyo madaxweynaha Masar oo uu kala hadlay arrimo soo kordhay, gaar ahaan inay kasoo horjeestaan heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya.

Dhammaan tallaabooyinkan waxa ay xoojinayaan go’aanada dowladda Soomaaliya uga soo horjeesatay xadgudubka Itoobiya ku sameysay madax bannaanida Soomaaliya.

Si kastaba, xiisadda soo cusboonaatay ee Soomalaiya iyo Itoobiya ayaa kasii dareysa, waxaana sidoo kale isaga soo taraya walaaca ay muujiyaan dalalka gobolka iyo caalamka.

Dowladda Turkiga oo mowqif adag ka istaagay xad gudubka Itoobiya kula kacday Soomaaliya

Khamiis jan-4 2024-{HMC} Mr. Öncü Keçeli Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa war ka soo saaray heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya iyo Somaliland kala saxeexdeen January 1, 2024.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Itoobiya ay Somaliland u aqoonsato dal ka madax banaan Somalia, taas bedelkeedna laga kireeyo dhuul badeedka Somaliland qeyb ka mid ah.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mr. Öncü Keçeli ayaa walaac ka muujiyey Heshiiskii Isfahamka ee ay Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxiixdeen Addis Ababa iyadoo aaney ka warqabin oggolaanshana ka haysan Dawladda Soomaaliya.

“Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibeda ee Turkiga

“Waxaan u rajaynaynaa in khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhameeyo wada-xaajood toos ah oo dhexmara Soomaalida, waxaanan ku celinaynaa inaan taageerayno hindisayaasha wadahadalka labada dhinac” ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Turkiga.

Dawladda Soomaaliya ayaa is-afgaradka ku tilmaantay mid xadgudub ku ah qarannimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana Soomaaliya ay u yeeratay safiirkeedii Itoobiya.

Horay waxaa uga hadlay Midowga Yurub, Mareykanka, Ururka Jaamacada Carabta iyo qaar ka mid ah dalalka caalamka ayaa ku baaqay in la ixtiraamo madax-banaaniada iyo midnimada Soomaaliya.

Turkey objected to the Somaliland and Ethiopia agreement on the Somali Sea

0

Thursday jan-4 2024-{HMC} We note with concern the Memorandum of Understanding for Partnership and Cooperation, which was signed between Ethiopia and Somaliland in Addis Ababa on January 1, 2024, without the knowledge and consent of the Government of Somalia.

We reaffirm our commitment to the unity, sovereignty and territorial integrity of the Federal Republic of Somalia. We emphasize that this position is also a requirement of the international law.

Today, as in the past, we wish the settlement of disputes between Somalia and Somaliland through direct negotiations among Somalis and we reiterate our support for initiatives in this direction.

Madaxweyne Deni oo war ka soo saaray doorashada Gudoonka cusub ee Baarlamanka Puntland

Khamiis jan-4 2024-{HMC}  Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Hambalyo u diray Guddoonka cusub ee uu doortay Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland

 

“Waxaan u hambalyeeynayaa Baarlamaanka 6-aad ee Dowladda Puntland oo maanta doortay Guddoonkooda, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Baari Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Wakiillada Mudane Maxamed Maxamuud Ciise

 

Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale ka hadlay muhimada ay leedahay doorashada gudoonka golaha wakiilada Puntland

 

“Guddoonka cusub ee Golaha Wakiilladu wuxuu Astaan u yahay Dimuqraadiyadda Puntland oo guuleysatay, maadaama Guddoomiye Cabdirisaaq Axmed Siciid uu ahaa Guddoomiyihii Guddigii Ku meel gaarka aheyd ee Doorashooyinka Puntland {TPEC} kuwaasi oo ku guuleystay qabashada Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka Puntland, Waxaan u rajeynaya Baarlamaanka cusub iyo Guddoonkooda in alle u fududeeyo masuuliyadda loo igmaday oo hadda ay ugu soo horeyso diyaarinta iyo qabashada Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Hambalyo,” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Somali MP calls for relocating AU headquarters from Ethiopia

0

Thursday jan-4 2024-{HMC} A prominent Somali politician has criticized Ethiopia for hosting the African Union headquarters while undermining Somalia’s sovereignty and territorial integrity.

Abdirahman Abdishakur warsame, a former Planning Minister and current MP, took to X (formerly known as Twitter) on Thursday to slam Ethiopia’s role as the host country for the continental organization.

He said that Ethiopia’s actions were in “contradiction” and “disregard” of the AU charter, which he said was based on the “fundamental principles” of respecting the sovereignty, unity, and territorial integrity of member states.

He also voiced his support for the idea of relocating the AU headquarters to another country that would “uphold and respect” the organization’s core values. He argued that this would enhance the security, peace, and stability of the region.

The AU headquarters, which is located in the Ethiopian capital Addis Ababa, has been hosting the organization since 1963.

Kenyan MPs from northeastern region denounce Ethiopia’s interference in Somalia

0

Thursday jan-4 2024-{HMC} A section of the Kenyan Parliament from the northeastern region has expressed its strong opposition to Ethiopia’s meddling in the affairs of the Federal government of Somalia, and urged the international community to intervene. The MPs accused Ethiopia of violating Somalia’s sovereignty and undermining its stability.

The Somali representatives in the Kenyan Parliament also appealed to the Kenyan President, William Ruto, to call for an urgent meeting of the Intergovernmental Authority on Development (IGAD) to address this issue. They warned that Ethiopia’s actions could escalate the conflict and jeopardize the peace and security of the region.