Home Blog Page 3036

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn 23/12/2023

0

Sabti-December-23-2023-{HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Shugri Baryare maxamuud

Farsamadii : Maxamed Ibraahim Axmed 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Doon u rarnayd ganacsato Soomaaliyeed oo ku gubatay Gudaha Badda iyo Guud ahaan hantidii saarnayd.

Sabti-December-23-2023-{HMC} Waxaa galabta dab ka kacay doon u rarnayd ganacsato Soomaali ah, taas oo sida uu noo xaqiijiyey wasiirka warfaafinta ee Galmudug, Abshir Cabdi Sheekhow, sidday badeeco gaadiid u badan.

Doonta ayaa marka ay gubanaysay waxa ay maraysay inta u dhaxaysa dekadda dalka Cumaan ee Salalah iyo jasiiradda Sokotra oo qiyaastii 240 kilomitir u jirta dhulka Soomaaliya.

Sida uu noo sheegay wasiir Abshir, wax khasaare nafeed ah ma jiro balse waxba kama badbaadin hantidii saarnayd.

Doontan oo lagu magacaabo Furaat 3 ayaa 12 bishan kasoo kicitantay magaalada Dubai ee dalka isutagga Imaaraatka Carabta, waxayna ku jeedday dekadda magaalada Hobyo.

Ma cadda sababta dhabta ah ee keentay in ay doontani basbeesho kuna gubtaan dhamaanba badeecadii saarnayd oo isugu jirta bagaash iyo gawaari 100 xabbo ku dhow.

{DAAWO MUUQAALKA} Markhaatiyashii difaaci lahaa Cabdi Iley oo xarig iyo jirdil la iskugu daray

Sabti-December-23-2023-{HMC} Markhaatiyashii difaaci lahaa Cabdi Iley oo xarig iyo jirdil la iskugu daray

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Wasiir Fiqi” Xoolaha iyo Beeraha waa halka dhaqaalaha ugu badan uu dalka ka helo mashruucaana

Sabti-December-23-2023-{HMC} Wasiir Fiqi” Xoolaha iyo Beeraha waa halka dhaqaalaha ugu badan uu dalka ka helo mashruucaana

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Saaxiibadii AUN khadiijo Maxamed diiriye oo buux dhaafiyey guriga ay ka daganed Muqdisho.

Sabti-December-23-2023-{HMC} Saaxiibadii AUN khadiijo Maxamed diiriye oo buux dhaafiyey guriga ay ka daganed Muqdisho.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

Xasan Sheekh oo xilka ka qaaday Lataliyihii Xiriirka Caalamiga ah iyo Isuduwaha Barnaamijyada

Sabti-December-23-2023-{HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka ka qaaday Mudane Nasa Cige oo ahaa Lataliyaha Madaxweynaha ee xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada

 

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Lataliyaha Hore wakhtiga uu usoo shaqeeyey dalkiisa, isagoo tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso xoojinta xiriirka ay leedahay caalamka si waafaqsan dahana iyo arrimaha hortabinta u leh shacabka Soomaaliyeed

 

Madaxweynaha Janhuuriyadda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in masuuliyiinta dowladdu ay ugu shaqeeyaan shacabka Soomaaliyeed si masuuliyad leh oo ilaalinaysa qiyamka iyo nidaamka dowladnimada.

FAAH FAAHIN Weerar loo adeegsaday toorey oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Sabti-December-23-2023-{HMC} Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar loo adeegsaday toorey oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada caasimada ah ee Muqdisho, gaar ahaan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

 

Falkan ama Weerarkan oo si gaar ah uga dhacay xaafadda Seybiyaano ee dagmada hodan ayaa waxaa gaystay nin ku hubeysnaa Mindi ama Toorey oo weerar ku qaaday ciidamo ku sugnaa halkaasi.

 

Ninka ayaa la sheegay inuu ku qaylinayay Allaahu Akbar, kadibna uu beegsaday ciidamo ku sugnaa bar koontarool oo ku taalla halkaasi, waxaana ka dhashay dhaawaca hal askari.

 

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in isna la toogtay ninka weerarka gaystay, waxaana soo gaaray dhaawac, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

 

Dhaawac ninka ayaa sidoo kale la geeyay isbitaalka, waxaana hay’adaha amniga ay sheegeen inay wadaan baaritaano ku aadan dhacdadaasi.

 

Muuqaalo iyo sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya toogashada ninkan, isla markaana ay ku hareereysan yihiin ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

 

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan uu ka tirsan yahay Al-Shababa, isla markaana uu weerarka sidaas ku qaaday, balse laamaha amniga ayaa ku haya baaris.

 

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli ay maalmihii u dambeeyay daganeyd xaaladda Muqdisho oo shaqo fiican laga qabtay marka loo eego sidii hore.

{DAAWO MUQAALKA} SSC- Khaatumo oo go’aan rasmi ah ka gaartay 17-kii xildhibaan ay Puntland ku lahaayeen

0

Sabti-December-23-2023-{HMC} Golaha sare ee dhaqanka SSC- Khaatumo ayaa ku dhawaaqay in aysan wax xildhibaano ah u dirsan doonin maamulka Puntland, sidoo kale, kuwii horey u joogayna aysan u cusboonaysiin doonin inay kusoo laabtaan kuraastooda.

Golaha dhaqanka SSC ayaa sidoo kale sheegay in aysan jiridoonin cid kasoo jeeda SSC- Khaatumo oo iskusoo sharrixi karta madaxweyne ku xigeenka Puntland.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen labada xubnood ee kasoo jeeda SSC Khaatumo ee ku jira guddiga xallinta khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka Puntland, inay is iscasilaan.

Go’aannadan iyo kuwa kale oo dhowr ah ayay golaha dhaqanka SSC- Khaatumo soo saareen ka dib kulan ay saakay ku yeesheen magaaalada Laascaanood, halkaas oo laga cabsi qabay inuu ka dhaco mudaharaad reer SSC ugasoo horjeedaan in xildhibaano loo diro Puntland.

Isimmadu waxay ka digeen in suuqa laga qorto xildhibaanada beesha Dhulbahante, waxayna sheegeen dhammaan odayaashii saxiixi jiray inay go’aan midaysan ku qaateen in aan Puntland loo dirsan wax xildhibaan ah.

Garaad Jaamac Garaad Cali oo kamid ah isimmada soo saaray go’aannadan, ayaa sheegay in ay ka taliyeen midnimada iyo wadajirka dadka reer SSC- Khaatumo.

Go’aanka isimmada SSC ayaa kusoo beegmay, iyadoo Puntland ay ku jirto xaalad doorasho ah, islamarkaana ay siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda degaanadaas SSC Khaatumo ay isku diyaarinayeen inay buuxiyaan kuraasta beelahooda.

Sidoo kale, siyaasiyiin uu kamid yahay madaxweyne ku xigeenka Puntland ay u hanqal taagayeen xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland, kaasoo mar walba loo dooran jiray qof kasoo jeeda beesha Dhulbahante.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Markhaatiyashii difaaci lahaa Cabdi Iley oo xarig iyo jirdil la iskugu daray

Sabti-December-23-2023-{HMC} Madaxweynihii hore ee Dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ( Cabdi Iley) ayaa sheegay in markhaatiyadii isaga difaacayay ay Booliska Addis Ababa ugaysteen jidh dil iyo xarig, sida uu Cabdi Iley uu ka hor sheegay Maxkamadda.

Cabdi Iley waxa uu sheegay in saddex maalmood ee u dambaysay xarig iyo jir dil loogaystay 5 kamid ah Markhaatiyadiisii isaga difaacayay, sida ay sheegtay BBC da qaybta Afka Axmaariga oo soo xiganaysa mid kamid ah dadkii sida dhow ula socday arrinka Maxkamadda.

 

Dadkan Markhaatiyada ah ee difaacayay Cabdi Iley ayaa la sheegay in xarig iyo jir dil dilka loogaystay kaddib markii ay Maxkamadda kasoo muuqdeen Talaadadii aynu soo dhaafnay, si ay uga difaacaan eedaha loohaysto Madaxweynihii hore ee degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar Cabdi Iley .

Mid kamid ah dadka markhaatiga difaaca u ah Cabdi Iley ayaa la sheegay inay horey isku dacwad u ahaayeen Cabdi Iley oo ay isla xidhnaayeen kana mid ahayd xubnihii xukuumaddiisii hore, balse Maxkamaddu ay kiiskeeda laashay saddex sano kahor, wakhtigaa oo iyada lagu waayay wax dambi ah.

Balse Maxkamadda oo dhagaysatay eedda uu Cabdi Iley ujeediyay Booliska ee ah in boolisku xarig iyo jir dil u gaysteen dadkii isaga markhaatiga difaaca u ahaa, ayay Maxkamaddu Booliska ku amartay inay ka jawaabaan arrintaas, balse Booliska ayaa sheegay inaysan jirin wax u xidhan iyaga oo ku saabsan dadka la sheegay inay markhaatiga u yihiin Cabdi Iley, marka laga reebo hal gabadh oo ay sheegeen inay hayaan Faderal Boolisku.

Cabdi Maxamuud Cumar oo 5 sano kahor loosoo xidhay rabshadihii 2018kii ka dhacay magaalada Jigjiga ayay Dowladda Itoobiya ku eedaysay Cabdi Iley inuu ku lug lahaa rabshadahaas, isagoo sameeyay kicin bulsho isla markaana hubaynayay kooxo loogu magac daray Heego, balse Cabdi Iley eedahaas waa uu iska fogeeyay.

Cabdi Iley ayaa muddo 8 sano ah waxa uu Madaxweyne ka ahaa Dowlad degaanka Soomaalida, waxaana xilkiisii Madaxweyne uu waayay 4tii Agoosti 2018 xilligaas oo rabshadihii u waynaa ee abid degaanka ka dhaca ay ka dhaceen magaalada Jigjiga, kaas oo dad badan ay ku dhinteen burbur hantiyeedna uusoo gaadhay magaalada Jigjiga.

A British sea monitoring agency says another vessel has been hijacked near Somalia

0

CAPE TOWN, South Africa (AP) — Another vessel has been hijacked near the coast of Somalia, a British sea trade monitoring agency said Friday, raising more concerns that Somali pirates are active again, nearly a decade after they caused chaos for international shipping.

A dhow trading vessel was seized by heavily armed people near the town of Eyl off the coast of Somalia, the United Kingdom Maritime Trade Operations said. It cited military authorities as the source of the information.

The agency did not offer any details on who the hijackers were but said an investigation is underway.

The European Union’s Naval Force reported that a Maltese-flagged merchant vessel was hijacked in the nearby Arabian Sea last week and moved to the same area off Somalia’s coast. The bulk carrier Ruen had 18 crew onboard when it was hijacked near the Yemeni island of Socotra, around 240 kilometers (150 miles) off Somalia.

One crew member was evacuated to an Indian navy ship for medical care, the EU Naval Force said. Suspicion has also fallen on Somali pirates for that hijacking, although the EU force said the hijackers and their demands were unknown.

There has been a recent surge in attacks on commercial ships in the Red Sea by Iran-backed Houthi rebels from Yemen, disrupting a major global trade route. The Houthis targeted Israeli-linked vessels over the Israel-Hamas war initially, but then escalated their attacks, hitting ships without clear ties.

The Pentagon said last month that five armed assailants who hijacked a commercial ship near Yemen and were captured by U.S. forces were likely Somalis and that attack — initially blamed on Houthi rebels — was “piracy-related.”

Somalia’s maritime police intensified its patrols following the announcement.

Attacks on vessels by Somali pirates peaked to more than 350 between 2010 and 2015, but had declined drastically since, largely due to patrols by U.S. and other allied naval forces.