Home Blog Page 3035

{DAAWO MUQAALKA} Gudoomiye Madaale oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Madaxda degmooyinka Muqdisho

0

Axad-December-24-2023-{HMC}Gudoomiye Madaale oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Madaxda degmooyinka Muqdisho

{DAAWO MUQAALKA} SSC Khaatumo oo Dacwo ka Gudbisay Dowlada ingiriiska.

0

Axad-December-24-2023-{HMC}SSC Khaatumo oo Dacwo ka Gudbisay Dowlada ingiriiska.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 24/12/2023

0

Axad-December-24-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Cabdimajiid Aweeys  isaaq

Farsamadii :Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Wiilka Falastiiniga ah ee geeridiisa ka dib ay u rumowday riyadiisii ahayd inuu caan ka noqdo YouTube-ka

0

Axad-December-24-2023-{HMC} Cawni Dowsi oo ahaa wiil yar oo 13-jir reer Falstiin ah doonayayna in mar uu caan ka noqdo barta Youtube-ka ayay arrintaas uu muddo dheere ku hamminayay u rumowday kadib markii uu geeriyooday.

Muqaal la soo galiyay bishii Agoosto 2022, waxa uu haystaa makarafoon isaga oo dhoolla caddaynaya waxaana uu sheegay in hammi weyn uu ka leeyahay kanaalkiisa YouTube-ka.

“Hadda aan iskiin baro, waxaan ahay Falastiini daggan Marinka Qasa, da’daydu waa 12 jir, ujeeddada kanaalkan waa in aan gaaro 100,000 kun, 500,000, ama hal milyan, oo saaxiibbo igu xiran ah” ayuu yiri.

Hal sano ka dib, Cawni waxa uu noqday mid ka mid ah carruurtii Falastiiniyiinta ee ugu horreysay ee lagu dilo dagaalka.

Ehellada ayaa sheegay in guriga qoyska Cawni lagu garaay duqeeymo ay fuliyeen ciidanka Israa’iil 7-dii Oktoobar, saacado uun ka dib markii rag hubaysan oo Xamaas ah ay soo galeen xadka Israa’iil, halkaas oo ay ku dileen ilaa 1,200 oo qof, 240 kalena ay qafaasheen.

Muuqaal hordhaca ah oo horey uu u duubay ka hor inta aan la dilin Awaan isla markaana uu ku lahaa waad ku mahadsantihiin saaxiibbada igu xiran in aad i gaarsiisaan 1,000, hadda waxaa daawaday in ka badan afar milyan.

Fiidyow kale oo si cod la’aan ah u ciyaaro tartanka, dagaalka iyo ciyaaraha kubbadda cagta ayaa malaayiin qof oo kale ay daawadeen.

Tirada dadka ku xiran hadda bartiisa waxaa ay gaarayaan ku dhawaad 1.5 milyan walina waa sii kordhayaan.

Dadka ayaa si weyn Faallooyin ugu bixinaya muqaaladii uu horey u soo galiyay “Fadlan na cafi, waxaan jeclaan lahaa inaan ku ogaanno ka hor intaadan dhiman,” ayuu yir mid ka mid ah dadka faallooyinka ka dhiibtay.

Eeddadiis, Calaa, ayaa sidoo kale tir wuxuu ahaa wiil “aad u faraxsan oo isku kalsoon” oo mar kasta albaabka iga furi” Xubin kale oo qoyska ka mid ah ayaa ugu yeedhay in uu ahaa “injineer Cawni” sababt oo ah jacaylkii uu u qabay kombayutarka awgeed.

Mid kale ayaa sheegay in 13-jirka uu astaan u noqday carruurta reer Falastiin ee lagu dilay guud ahan marinka Qasa.

Wasaaradda caafimaadka ee Xamaas ay maamusho ee Qasa ayaa sheegtay in in ka badan 20,000 oo qof ay halkaas ku dhinteen tan iyo markii uu dagaalku billowday,in ka badan saddex meelood meel ay carruur yihiin.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan carruurta ee Unicef ayaa ku tilmaantay “meesha ugu khatarta badan adduunka ee uu ilmuhu ku noolaado”.

‘Waxay ahayd boom’ lama filaan ah”

Maalintii ay Xamaas weerarka ku qaadday Israa’iil ay billowday duqeeymo aargoosi, Calaa waxay sheegtay gurigooda lagu burburinnay duqeymo culus.

Guriga ay dagganaayeen oo ka kooban saddex dabaq aya ku yaalla xaafadda Saytuun waxaana qeyb kasta ku nool qaar ka mid ah ehalka markii duqeyntu ay dhacaday.

Mid ka mid ah guryaha wuxuu hoy u ahaa Cawni, hooyadiis iyo aabbihiis, laba walaashiis ah oo ka waaweynaa, iyo laba walaalo ah oo ka yaraa.

Duqeyntaan waxaa sidoo kale kale bishii Oktoobar diiwaangelisay hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International.

“Laba bam ayaa si lama filaan ah ugu soo dhacay dhismaha dushiisa, wayna burburiyeen, aniga iyo xaaskayga waxaan nasiib u yeelanay inaan badbaadno sababtoo ah waxaan joognay dabaqa sare,” ayuu Maxamed oo ah Cawni adeerkiisa.

Waxaa uu intaa ku daray in isaga iyo dariska midna aysan ,midna helin wax diginin ah markii ay duqeeymaha lagu dhuftay.

Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) kama aysan hadlin weerarkan, balse waxay sheegeen in ay duqaynayaha ku bartilmaameedsanayaan garabka hubeeysan ee millatariga Xamaas.

Qoraal kasoo baxay ciidanka Israa’iil ayaa laguyir” Weerarka IDF ee bartilmaameedyada millatari waxay ku xiran yihiin qodobbo khuseeya sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan in la sameeyo taxaddarro macquul ah iyo qiimeyn ka dib in waxyeellada lama filaanka ah ee loo geysto rayidka iyo hantida rayidka aysan ahayn mid xad dhaaf ah” .

Waxay intaas ku dartay in IDF “ay ka xuntahay dhibaato kasta oo loo geysto dadka rayidka ah ama hantida rayidka ah ee ka dhalatay howlgalladeeda, waxayna baarayaan dhammaan howlgalladooda.

‘Wuxuu rabay in taageerayaashiisa uu badiyo

Ala’a oo ahyed walaashiisa ma aysan rumeeysan in geerida walalkeed markii loo sheegay blasé waxaa xaqiiqsatay markii xubno dhawo oo qoyeska ay u sheegeen ayada oo markii ku carartay Isbitaalka .

“Waxaan codsaday in aan arko meydadka, walalkay laakiin ninkeyga wuu diiday waayo wuxuu baqayay in xasuus galo ayay tir qoraal ay soo dhigtay barteeda facebooke ayada oo hadda ku sugan koonfurta Qasa oo ay u barakacday.

Cawni iyo 15 qof oo oo kale oo xubnaha qoyskeeda ah ayaa lagu dilay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas .

Waxay ku tilmaamtay inuu ahaa wiil deggan oo waxtar leh, Aabihii waxa uu ahaa Injineer kombuyuutar.

Wax yar ka dib dhimashadiisa, mid ka mid ah macalimiintiisa ayaa sawir uu kula jira y soo dhigay bartiissa facebooke isaga oo dhoola cadeeynaya.

Qoyska wiilka oo dhan oo ay ku jiraan afar walaalihiisa ah, hooyoadi iyo aabbihii ayaa lala dilay, Balse qaraabadii ka badbaaday weerarka ayaa sheegay in ay ku faanayaan sumcadda uu helay geeridii ka dib wiilkooda.

ISHA BBC

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Firdhiye””Ma jiri doono qof SSC ka soo jeeda oo ka qaybqaadan doona doorashooyinka Puntland’

0

Sabti-December-23-2023-{HMC}” Ma jiri doono qof deegaannada SSC-Khaatumo ka soo jeeda oo ka qaybqaadan doona doorashooyinka loo madlanyahay ee Dawladda Puntland, sidoo kale ma jiri doonaan cid SSC-Khaatumo ku meteli doonta goleyaasha Maamulka Puntland”

“Cid walba waxaan ugu baaqayaa in ay ixtiraamaan go’aanka iyo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo”

“Shacabka labada Maamul ee Puntland iyo SSC-Khaatumo waxaa ka dhexeeya xidhiidh aad qotodheer kaas oo aanu markasta xoojin doonno”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Magaca Sargaal Sarre oo AS looga dilay nawaaxiga Dagmada Jilib oo la shaaciyay

0

Sabti-December-23-2023-{HMC} Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay duqeyn diyaaradaha Mareykanka ay Axaddii ka fuliyeen meel u dhow magaalada Jilib.

Muqdisho ayaa warisay in howlgalka lagu dilay Macalin Ayman uu ahaa mid ka dhashay wadashaqeyn dhexmartay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka.

“Dilkiisu waa qodax laga saaray shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay maanta oo Khamiis ah Wasaaradda Warfaafinta.

Macalin Ayman ayaa, sidda ay muujinayaan macluumaad dhanka mukhaabaraadka ah, waxa uu ku lug lahaa weerarrada Al-Shabaab ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya iyo Kenya.

Dhanka kale, Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM ayaa xaqiijiyay in duqeynta oo ka dhacday meelku dhow degmada Jilib ay ku dileen hal dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

AFRICOM oo soo saartey war-saxaafadeed aysan la socon fahfaahin dhameystiran ayaa waxa ay ku sheegeen in  aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray dadka rayidka ah.

Horaantii sanadkan, Barnaamijka Abaalmarinta Caddaaladda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa abaal-marin lacageed oo dhan $10 milyan dul-dhigtay Macallin Ayman.

Ayman ayaa lagu eedeeyay in uu qeyb ka ahaa abaabulka weerarkii argagixisanimo ee Janaayo 5, 2020 ee lagu qaaday milatariga Mareykanka iyo Kenya ee ku sugnaa garoonka Manda Bay Airfield ee Kenya.

Somalia, US troops kill top Al Shabaab head with $10m bounty

0


Saturday December 23, 2023

Somali troops and US force this week killed a senior commander of the Al Shabaab militant group with a $10 million American bounty on his head, the nation’s Information minister said.

The Al Qaeda-linked Islamists have led a 16-year insurgency against the fragile central government and control swathes of rural Somalia.

Maalim Ayman, leader of the Al Shabaab unit Jaysh Ayman, was wanted by the United States over an attack on an air base in Kenya in January 2020 that left three Americans dead.

“Maalim Ayman, a senior leader of Al Shabaab, was confirmed to have been killed in a joint operation by the Somali National Army with assistance from US forces on December 17,” Information Minister Daud Aweis said on X on Thursday.

He said Ayman was responsible for “planning multiple lethal terrorist attacks in #Somalia and nearby countries.”

In January, the US State Department said Ayman planned the 2020 attack on the Manda Bay Airfield on Kenya’s northern coast, offering a reward of up to $10 million for information that could lead to his capture.

Washington has worked closely with Mogadishu to counter Al Shabaab, which has come under pressure from a Somali government offensive launched last year with the backing of local clan militias as well as air support from the US and African Union forces.

But after making significant progress in recapturing territory, the offensive has stalled, raising questions about the government’s capacity to fight the Islamists.

A study last year by George Washington University’s Program on Extremism said that Jaysh Ayman was formed by Al Shabaab in an effort to penetrate into Kenya.

The unit, which has exercised growing autonomy, includes foreigners, dual nationals and Kenyans both of Somali and non-Somali descent, it said.

An African Union force deployed in Somalia in 2007 with a six-month mandate but still remains on the ground.

{DAAWO MUUQAALKA} Imaam Maxamed Yuusuf oo goob fagaare ah ugu duceeyey AUN Wasiir Khadiijo Diiriye iyo Carruurteeda.

0

Sabti-December-23-2023-{HMC} Imaam Maxamed Yuusuf oo goob fagaare ah ugu duceeyey AUN Wasiir Khadiijo Diiriye iyo Carruurteeda.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} Boqor Cabdullaahi Geedi “Gabadheenna Khadiijo adduunka waa ka tagtaye Aakhiro Allaha ku karaameeyo”

0

Sabti-December-23-2023-{HMC} Boqor Cabdullaahi Geedi “Gabadheenna Khadiijo adduunka waa ka tagtaye Aakhiro Allaha ku karaameeyo”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 23/12/2023

0

Sabti-December-23-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Maxamed Ibraahim Axmed

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO