Home Blog Page 3034

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda XFS oo ka tacsiyeeyey geerida AUN Marxuumad Maryan C/qaadir.

Axad-December-24-2023-{HMC} Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda XFS oo ka tacsiyeeyey geerida AUN Marxuumad Maryan C/qaadir.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Somalia oo shaaciyay inay xireen Nin Dil ka geystay Magaalada Nairobi

Axad-December-24-2023-{HMC} Booliska Somalia oo shaaciyay inay xireen Nin Dil ka geystay Magaalada Nairobi

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} G/G/Banaadir oo dhagax dhigay Dhismaha Laami cusub.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} ayaa dhagax-dhigay dib-u-dhiska Wadada Laamiga ee isku xera Isgoyska Kaaraan illaa Aargada Liido ee Degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan.

Mashruucan oo ay ka iska kaashanayaan maamulka gobolka Banaadir, kan degmada iyo dadka degaanka ayaa qeyb ka ah Barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doolar.

Dhagax-dhiga wadadaan oo noqoneysa wadadii 15-aad ee uu dhagax-dhigo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale {Madaale} mudada sanadka iyo billooyinka ah ee uu xafiiska joogo, ayaa waxa ay door muhiim ah ka qaadaneysaa fududeynta isku socodka Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir iyo Dalxiiska xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabadda Dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa; Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye {Yabooh}, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Guddoomiyaha Degmada Kaaraan, Kusimaha Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis iyo qeybaha kala gedisan ee bulshada labada Degmo.

Qaar ka mid ah wadooyinkii uu bilo ka hor dhagax dhigay Gudoomiye Madaale ayaan weli wax dhisme ah laga bilaabin sida jidka dheer ee Buundooyinka oo aad u burbursan halka qaar kalena dhismahooda ay socdaan.

   

 

Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho soo bandhigay nin dil ka soo geystay dalka Kenya

Axad-December-24-2023-{HMC} Taliska ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay gacanta kusoo dhigeen oo la xiray eedeysane dil kas geystay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, kaasi kasoo baxday laamaha amniga dalkaasi.

 

War Qoraal ah oo kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo gudanaya waajib ka saaran ilaalinta sharuucda dalka ay soo xireen eedeysane baxsad ah, laguna magacaabo Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi.

 

Taliska ayaa sheegay in eedeysane Axmed Cabdiraxmaan uu gudaha Kenya ku dilay Marxuum Maxamed Xasan, isla markaana uu kasoo baxsaday magaalada Nairobi.

 

Qoraalka Booliska dowladda Soomaaliya soo saaray ayaa intaas lagu sii daray in Axmed Cabdiraxmaan Cabdullaahi la horgeyndoona Cadaalada. Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Booliska Kenya oo ay uga hadlayaan falkaasi ka dhacay dalkooda.

War hor leh oo ka soo yeeray madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya

0

Axad-December-24-2023-{HMC} Madaxweynihii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa maxkamadda ka hor sheegay in marqaatiyaashii difaacayay ay xireen oo ay garaaceen ciidamada booliiska dalkaas.

Xeer Ilaaliyaha ayaa dhanka kale faahfaahin ka bixiyay dhageysiga dacwadda mid ka mid ah marqaatiyaasha Cabdi oo horey u laalay eedeymaha loo heysto, balse hadda dib loo bilaabayo.

Waxaa uu sheegay in shan ka mid ah dadkii marqaatiyada u ahaa sadex maalin kadib xabsiga loo taxaabay markii ay maxkamada ka baxeen.

Afar ka mid ah shanta marqaati ee la sheegay in ay booliisku gacanta ku hayaan ayaa la dhaariyay si ay ugu marqaati furaan maxkamadda maalintii Talaadadii, sida uu BBC-da u sheegay qof ku si dhow ula socada kiiska dacwadd ka dhanka ah Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Bishii Agoosto ee sanadkii hore, ayaa Cabdi Maxamed waxaa lagu amray inuu iska difaaco eedeymaha ka dhanka ah Maxkamadda Sare ee Federaalka Itoobiya gaar ahaan Qeybta 1-aad ee La-dagaalanka Argagaxisada iyo Dastuurka.

Cabdi Maxamuud Cumar, oo muddo siddeed sano ah hoggaaminayey Deegaanka Soomaalida ayaa wajahaya dacwad uu xeer ilaaliyuhu u soo bandhigay oo ay ahayd in ay iska difaaco taas oo ah “kacdoon hubeeysan oo uu sameeyay iyo dambi uu ka galay dawladda oo ah in uu hurinayay dagaal sokeeye”.

Cabdi Maxamed waxa uu maxakamadda keenay ilaa 128 marqaatiyaal ah kuwaas oo difaacayay, bishii hore ee November waxaa bilaabatay dhageysiga marqaatiyaasha, iyadoo ilaa Talaadadii isbuucii hore la dhagaystay 23 marqaati.

Qof ka mid ah dadkii daawanayay dhageysiga dacwadda ayaa BBC Amharic u sheegay in marqaatiyaasha kale ee dhiman dhawaan la dhagaysan doono.

“Marqaatiyaasha ayaa la dhaariyay markii ay hor yimaadeen maxkamadda, magacyadooda iyo maqalkoodana la duubay” ayuu yir mid ka mid ah dadka goobjoogga ahaa oo BBC-da la hadlay.

Codsi loo gudbiyay maxkamadda ayaa lagu sheegay in “Marqaatiyaal la xiray lana garaacay kadib markii ay maxkamada horyimaadeen oo ay dhaarteen”.

Mid ka mid ah marqaatiyaasha la sheegay in ay boolisku xireen ayaa horay waxaa loogu soo oogay docwad la mid ah mid loo haysto Cabdi Maxamuud Cumar, balse waxaa la laalay eedeymihiisii saddex sano iyo siddeed bilood ka hor.

Intaas kadib waxaa loo diwaan galiyay in uu marqaati u yahay Cabdi Maxamuud, ka dib markii la soo afjaray kiiskiisa, wallow xabsiga lagu sii hayay in muddo ah sida uu BBC-da u sheegay qofka xog ogaal u ah kiiska ka dhanka ah madaxweynhihii hore.

Kadib markii uu Cabdi Maxamuud Cumar u gudbiyay maxkamadda codsi uu ku sheegay in la xiray marqaatiyaashiisa, Taliska Booliska Addis Ababa iyo Booliska Federaalka ayay maxkamaddu ku amartay inay kasoo jawaabaan sababta marqaatiyaasha loo xiray.

Booliiska Addis Ababa ayaa maxkamadda u sheegay in uusan jirin qof marqaati u ahaa madaxweymihii hore ee Dowladda Deeganka Soomaalida oo ayaga u xiran.

“Ma jiro maxbuus noo xiran marqaatiga 23-aad waaxaa haysta oo uu u xiran yahay booliiska federaalka,” ayaa lagu yiri jawaabta taliska booliska magaalada Adis Ababa.

Qareennada u doodaya Cabdi Maxamuud ayaa yiri “Go’aanka lagu sii wadi doono dacwadda loo haysto mid ka mid ah marqaatiyaasha difaacayay Cabdi waxaa ay xadgudub ku tahay dastuurka, sidaas darteed waa in la diidaa”. “Xuquuqda aan u leennahay in aan is difaacno waa in aan la carqaladayn,” ayuu yir.

Qareenka ayaa intaa ku daray in eedaysane Cabdi uu xaq u leeyahay in uu is difaaco sida uu qabo dastuurka.

Sida uu qabo dastuurka dalka Itoobiya, dadka la soo eedeeyo “Waxay xaq u leeyihiin inay soo bandhigaan ama ay keenaan maxakamadda caddaymo ay isku difaacayaan, iyo inay codsadaan in marqaatiyaashooda la horkeeno lana dhageysto,”.

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa shan sano ka hor loo xiray shaqaaqadii ka dhacday magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida.

ISHA BBC

Firdhiye oo ku baaqay shirwayne SSC-Khaatumo & Puntland ay uga arrinsanayaan waxa ka dhaxeeya

0

Axad-December-24-2023-{HMC} Hoggaamiyaha Maamulka Kumeel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku baaqay shirwayne ay isugu imaanayaan Maamulkiisa & Dowlad-Goboleedka Puntland si ay uga arrinsadaan wax aka dhaxeeya.

Firdhiye ayaa sheegay in Maamulka SSC-Khaatumo iyo Dowlad-Goboleedka Puntland ay yihiin labo Maamul oo deris ah kana dhaxeeya xiriir wanaagsan oo mid ehel iyo mid siyaasad ah loona baahan yahay in dhinac weliba uu dhanka kale xushmad u muujiyo.

Duubabka dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ayuu Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo usoo jeediyay in ay isugu yimaadaan kulankaan uu ku tilmaamay mid muhiim ah.

Ma sheegin waqtiga kulanka uu dhacayo & halka gogasha la dhigayo balse waxa uu carrabka ku adkeeyay in aan kulankaan looga maarmin sidii Maamulkiisa SSC-Khaatumo & Dowlad-Goboleedka Puntland uga wadahadli lahaayeen danaha isaga darsan.

“Maanta deegaanka kan laguma muransana oo Dadkii iska lahaa ayaa u tashaday oo maamul ay leeyihiin ayaa gacanta u haya, cid weliba waxa aan ugu baaqayaa rabitaanka & metalaadda Shacabka SSC-Khaatumo, xiriirka labada dhinac ma ahan mid goyn kara qaraar ama heshiis maalin lasoo saaray ee waa mid ku salaysan ehelnimo & derisnimo, waxa aan ku baaqayaa shirwayne SSC-Khaatumo & Puntland ay uga arrinsanayaan waxa ka dhaxeeya” Cabdulqaadir Firdhiye, Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo.

Garaadada Dhaqanka ee SSC-Khaatumo oo maalmihii u dambeeyay kulamo gaar gaar ah ku lahaa Magaalada Laascaanood ayaa ugu dambeyn soosaaray go’aamo ay ugu wayn yihiin in aanay jiri doonin Xildhibaanno ku metalaya Dowlad-Goboleedka Puntland.

Dowladda KENYA oo Sarkaal Ka Tirsan ciidamadeeda u Xirtay Shabaabnimo

0

Axad-December-24-2023-{HMC} Ciidamada ammaanka ee dalka Kenya ayaa Sabtidii shalay soo qabtay sarkaal kamid ah ciidamada dalkaas oo looga shakiyay inuu gacan saar la leeyahay kooxda As ee ka dagaalanta Soomaaliya, sidoo kalena weerarta dalkaasi.

Sarkaalka lasoo xiray ayaa ka howl-galayay deegaanka Likono ee ismaamulka Mombasa, wuxuuna Kenya u qaabilsanaa qorista ciidamada cusub ee ku biiriya Booliskeeda.

Wararka ayaa sheegaya in dhaq-dhaqaaqa ninkan laga shakiyay, kadibna ay soo xireen ciidamada sida gaarka ula dagaalama waxa loogu yeero argagixisada.

Warbixino dabagal ah oo lagu sameeyay ninkan ayaa muujinaya inuu jiro tuhun xoogleh oo ku aadan inuu si hoose ula shaqeynaya As, uuna qorayay dhalinyaro cusub, isaga oo sidoo kale wata shaqadii uu hayay dowladda, maadaama uu yahay sarkaal boolis ah.

Sidoo kale waxaa haatan bilaabatay maxkamadeynta sarkaaalkan oo loo haysto 4 dacwadood oo ay ka mid yihiin la shaqeynta as iyo inuu colaad ka horinayay gobolka,

Sarkaal lasoo xiray ayaa horay sidaan oo kale gacanta loogu soo dhigay, kadib shaki soo galay, balse waa uu iska bari yeelay, kadibna sidaas ayaa lagu sii daayey.

Laamaha ammaanka Kenya oo kiiskan gacanta ku haya ayaa sheegay in marka uu soo dhamaado baaritaankood ay natiijada las wadaagi doonaan warbaahinta.

Kenya ayaa waxaa inta badan howlgallo culus ka fulisa kooxda As oo beegsata ciidamada booliska iyo xarumaha muhiimka ah ee ku yaalla gudaha waddankaasi.

Dad shiishad cabbayey oo Nairobi lagu xirxiray

0

Axad-December-24-2023-{HMC} Sida ay qorayso warbaahinta dalka Kenya, shan iyo labaatan qof ayaa xabsiga loo taxaabay, 117 xabbo oo haamaha shiishadda ahna waxaa lagala wareegay iskaashatooyinka Shiishada ee xafadda Kilimani kadib howlgal habeenimadii jumcaha ay sameeyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Qaranka u qaabilsan ololaha ka hortagga Khamriga iyo Maandooriyaha (NACADA.

Maamulaha guud ee NACADA, Anthony Omerikwa ayaa hogaaminayay howlgalka ka dhacay Beerta lagu damaashaado ee Yejoka oo ku taal xaafadda Kilimani e magaalada nairobi, oo ah goob caan ah oo ay isticmaalaan dadka Shiishada isticmaala ee Nairobi.

Omerkiwa ayaa xusay in inkasta oo la mamnuucay Shiishada tan iyo 2017-kii, haddana isticmaalkeedu uu weli ku badan yahay dalka.

{DAAWO MUQAALKA} Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo fagaare kula hadlay Shacabka Laascanod

0

Axad-December-24-2023-{HMC}Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil oo fagaare kula hadlay Shacabka Laascanod

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Isku socodka shacabka Degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan oo dib usoo laabtay.

0

Axad-December-24-2023-{HMC}Isku socodka shacabka Degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan oo dib usoo laabtay.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA