Home Blog Page 3038

Dowladda oo soo bandhigtay shaqsi ka tirsanaa A,S

Sabti-December-23-2023-{HMC}  Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan guutada 14-ka October ayaa maanta deegaanka Jannaale ee gobolka Shabeelaha Hoose kusoo bandhigay nin la sheegay in uu katirsanaa dagaalyahannada A,S oo isku soo dhiibay ciidanka milatariga

 

Cabdirashiid Maxamed Cabdi {Indhacadde} oo kooxda A,S katirsanaa muddo shan sanno ah ayaa kasoo baxay kooxdaasi, waxa uuna xiriir lasoo sameeyay iskuna dhiibay ciidanka dowladda ee Jannaale ku sugan

 

Ninkan oo kasoo jeeda magaalada Baydhabo ayaa sheegay in kooxda A,S ku biiray sannadkii 2018-kii, waxa uuna tilmaamay in uu kasoo qeyb qaatay dagaallo badan oo ka dhacay gobolada Baay iyo Shabeelaha Hoose.

 

Waxa uu sheegay Cabdirashiid Indhacadde in dhibaatooyin badan kala soo kulmay kooxda A,S intii uu katirsanaa, waxa uuna xusay in uu go’aansaday in uu isaga soo tago kooxdaasi uu sannadaha badan kasoo tirsanaa

 

Dowladda Soomaaliya ayaa deegaanno lala duwan maalmihii lasoo dhaafay kusoo bandhigtay xubno katirsaaa A,S, kuwaa oo dowladda sheegtay in ay kasoo baxeen kooxdaasi kana faa’iideesteen cafiskii loo fidiyay.

Dowladda Soomaaliya oo Faah faahisay khasaaraha ka dhashay weerarkii Jeexjeexa ka dhacay

Sabti-December-23-2023-{HMC}  Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa xalay saqdii dhaxe iyo saakay aroortii hore duqeymo dhinaca cirka ah ku garaacay dhulka Howdka ah ee Jeexjeexa oo u dhexeeya deegaannada Caad iyo Cadaley ee Koofurta gobolka Mudug

 

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa sheegay in weerarka lagu beegsaday goob ay isku aruursanayeen dagaallamayaal katirsan A,s , sidoo kale lagu diyaarinayay qaraxyo baabuur

 

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalka ka dhacay howdka Jeexjeexa lagu dilay 50 xubnood oo katirsan kooxda A.s , kuwaa oo isugu jira saraakiil iyo dagaalyahanno, waxa uuna intaa ku daray in weerarka lagu dhaawacay 40-dagaalyahan oo kale

 

Weerarkan ka dhacay koonfurta gobolka Mudug ayaa imaanaya xilli ciidamada dowladda ay wadaan howlgalo ay ku doonayaan in guud ahaan A,s kaga saarayaan gobolkaasi, gaar ahana dhulka howdka ah ay ku dhuumaaleesanayaan.

Kooxa burcadbadeeda ah oo markab labaad mar kale ku afduubtay xeebaha dalka Somalia

Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in mar kale kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ay qaadeen weeray cusub oo ay kusoo afduubteen markab 2aad, xilli uu marayay meel u dhow xeebaha degmada Eyl

 

Warbixin kasoo baxday hay’adda la socodka ganacsiga badaha ee dalka Britain ayaa lagu xaqiijiyay weerarkan oo dhacay Jimcihii shalay, kaas oo lagu afduubtay markab yar

 

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in koox hubeysan oo burcadbadeed ah ay markabkaas oo ahaa mid ganacsi ay ku qabteen xeebaha Puntland, balse ay haatan wadaan baaritaano

 

Sidoo kale waxa ay hay’addu sheegtay inay la hadashay mas’uuliyiinta shirkadda iska leh markabkaas oo xaqiijiyay inuu u gacan galay kooxaha burcadbadeeda Soomaalida

 

Tani ayaa sii kordhineysa welwelka laga qabo in burcadbadeedda Soomaalida ay mar kale dib usoo laba kacleeyeen, kadib muddo ay ka caaganayeen xeebaha Soomaaliya

 

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo laba todobaad ka hor ka dhacay Badda Gacanka Cadmeed, kaas oo lagu soo afduubtay markab weyn oo lala soo aaday xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada xeebaha ee bariga maamul goboleedka Puntland

 

Markabkaas ayaa lagu magaacaabaa Ruen, waxaanalaga leeyahay dalka Bulgaria, balse waxa uu ku socdlaayay calanka Malta, isaga oo ku soo jeeday dhanka Soomaaliya

 

Wararka ayaa sheegaya in haatan markabkaas uu ku sugan deegaanka Durdura oo qiyaastii 250km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso halkaas oo uu baroosinka dhigtay, ka dib markii uu joojiyey socodkii uu dhowrkii cisho ee la soo dhaafay uu sameynaayay

 

Dhanka kale ciidamada badda ee Ururka Midowga Yurub ayaa dhankooda wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan weerarada burcadbadeeda Soomaalida, si looga hortego

 

Afduubkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ka dhaca Xeebaha Soomaaliya ku dhowaad 10 sano, taas oo kasoo bilaabaneyso sanadkii 2017-kii oo laga adkaaday burcadbadeeda.

Dowlada Uk oo Soomaaliya ugu deeqay 9 milyan oo Doollar

Sabti-December-23-2023-{HMC}  Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta ee loosoo gaabiyo (FCDO) ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Horumarinta Dibadda ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan $9 milyan oo Doollar oo lagu darayo mashruuca ADRifi

 

Mashruucaan waa mid Bangigaga Horumarinta Afrika oo Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka SODMA ay fuliye ka tahay, Xafiiska ayaa ballanqaadkaan sameeyay intii lagu guda jiray shirkii Caalamiga ahaa ee lagu falanqaynayay arrimaha isbaddelka cimiliiada COP28 ee ka dhacay Isutagga Imaaraatka Carabta

 

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa deeqdaan uga mahadceliyay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta {FCDO} ee Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Horumarinta Dibadda isaga oo sheegay in uu ku ammaanan yahay kaalintaan

 

Tallaabadaan waa mid ka qaybqaadan karta xakamaynta iyo wax ka qabashada xaaladaha bani aadamnimo ee Soomaaliya sida raadadkii ay ka tageen abaaraha, Daadadka Roobka Dayrta ee curtay horraantii Oktoobar 2023 & Fatahaadda Webiyada Dalka.

 

{DAAWO MUQAALKA} Sadaali Kulanka Adag ee Udhaxeeya Liverpool vs Arsenal oo Ku Guulayso $30.

Sabti-December-23-2023-{HMC} Sadaali Kulanka Adag ee xiisahah badan una dhaxeeya kooxaha kubada cagta ee Dalka Ingiriiska ee Liverpool vs Arsenal oo Ku Guulayso $30.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Villa Somalia oo shaacisay Xiliga lasoo Afjaraayo AS jooga Galmudug iyo HirShabeelle

0

Sabti-December-23-2023-{HMC}  Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in kooxda As lagu soo afjari doono laba bil gudahood, loogana xoreyn doono dalka.

La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud ayaa sheegay, in illaa iyo bisha Febraayo ee sanadkan uu qaadan doono howlgalka kooxda As looga xoraynayo Galmudug iyo HirShabeelle.

La-taliyaha amniga ayaa sheegay, inuu howlgalka hadda dib u billowday, kadib markii waddooyinkii ay biyuhu xireen dib u furmeen.

Wuxuu sheegay, dowladda Soomaaliya iyadoo cashar ka qaadanaysa weeraradii khasaaraha badan dhaliyay ee dhacay, inay si feejignaan ah ay dib ugula wareegayso degaannadii ay kasoo baxeen ciidamada dowladda.

“Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Wajigiisiii koobaad waa soo afmeermay, waxaana qorshaha noogu jiro in si dhaqsi leh loo soo afjaro dagaalkaan ka hor bisha February ee 2024,” ayuu yiri la taliyaha amniga qaranka.

Wuxuu sheegay, Soomaaliya inay guul weyn u tahay, iyadoo aan kaashanayn ciidamo shisheeye inay ciidamadeeda qalabka sida iyagu dagaal kala hortageen kooxda As.

La-taliyuhu wuxuu sheegay, howlgallada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland inay ku yimaadeen dib u dhac sababa la xiriira roobabka kala xiray waddooyinkii la mari lahaa.

Kooxaha burcadbadeeda oo markab labaad ku afduubtay xeebaha Somalia

0

Sabti-December-23-2023-{HMC}  Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in mar kale kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ay qaadeen weeray cusub oo ay kusoo afduubteen markab 2aad, xilli uu marayay meel u dhow xeebaha degmada Eyl.

Warbixin kasoo baxday hay’adda la socodka ganacsiga badaha ee dalka Britain ayaa lagu xaqiijiyay weerarkan oo dhacay Jimcihii shalay, kaas oo lagu afduubtay markab yar.

Hay’adda ayaa shaaca ka qaaday in koox hubeysan oo burcadbadeed ah ay markabkaas oo ahaa mid ganacsi ay ku qabteen xeebaha Puntland, balse ay haatan wadaan baaritaano.

Sidoo kale waxa ay hay’addu sheegtay inay la hadashay mas’uuliyiinta shirkadda iska leh markabkaas oo xaqiijiyay inuu u gacan galay kooxaha burcadbadeeda Soomaalida.

Tani ayaa sii kordhineysa welwelka laga qabo in burcadbadeedda Soomaalida ay mar kale dib usoo laba kacleeyeen, kadib muddo ay ka caaganayeen xeebaha Soomaaliya.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo laba todobaad ka hor ka dhacay Badda Gacanka Cadmeed, kaas oo lagu soo afduubtay markab weyn oo lala soo aaday xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada xeebaha ee bariga maamul goboleedka Puntland

Markabkaas ayaa lagu magaacaabaa Ruen, waxaanalaga leeyahay dalka Bulgaria, balse waxa uu ku socdlaayay calanka Malta, isaga oo ku soo jeeday dhanka Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in haatan markabkaas uu ku sugan deegaanka Durdura oo qiyaastii 250km dhanka bari kaga beegan magaalada Boosaaso halkaas oo uu baroosinka dhigtay, ka dib markii uu joojiyey socodkii uu dhowrkii cisho ee la soo dhaafay uu sameynaayay.

Dhanka kale ciidamada badda ee Ururka Midowga Yurub ayaa dhankooda wada dadaallo dheeraad ah oo ku aadan weerarada burcadbadeeda Soomaalida, si looga hortego.

Afduubkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo ka dhaca Xeebaha Soomaaliya ku dhowaad 10 sano, taas oo kasoo bilaabaneyso sanadkii 2017-kii oo laga adkaaday burcadbadeeda.

DFS oo ka Hadashay Duqeyn ka dhacday saldhig weyn oo kooxda AS ku diyaarinayeen Qaraxyo

0

Sabti-December-23-2023-{HMC}  Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka oo garab ka helayay ciidanka xoogga dalka ayaa saakay aroor hore weerar dhinaca cirka ah ku qaaday saldhig weyn oo kooxda AS ku lahaayeen koonfurta gobolka Mudug.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in weerarka saakay aroor hore dhacay lagu beegsaday howdka Jeexjeexa oo u dhexeeya deegaannada Caad iyo Cadaley, halkaas oo ay isku aruursanayeen dagaalyahanno katirsan as.

Saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday gaadiid kooxda As qaraxyo ku diyaarinayeen, waxa ayna xuseen in weerarkaasi khasaaro badan lagu gaarsiiyay AS.

Diyaaradaha dagaalka dowladda Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha dhinaca cirka ah ay ku beegsanayaan kooxda Al Shabaab, duqeymo maalmihii lasoo dhaafay dhacay ayaana lagu dilay saraakiil iyo dagaalyahnno katirsan AS.

{DAAWO MUQAALKA} Villa Somalia oo shaacisay in As lasoo afjarayo Bilaha soo socda,

0

Sabti-December-23-2023-{HMC} Villa Somalia oo shaacisay in As lasoo afjarayo Bilaha soo socda,

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaaahinta Hiiraanweyn 23/12/2023

0

Sabti-December-23-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO