Home Blog Page 3039

{DAAWO MUQAALKA} Waa kuma Musharax Guuleed Saalax Barre ?

0

Sabti-December-23-2023-{HMC} Ololaha Doorashada Madaxtinimada Puntland oo Meel Xasaasi ah Maresyso

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Golaha Ammaanka ee QM oo isku raacay qaraar ku baaqaya in gargaar bini’aadanimo la geeyo Gaza

0

Sabti-December-23-2023-{HMC}  Ka dib maalmo badan oo wadahadalo xooggani ay ka socdeen xarunta Qaramada Midoobay ee New York, ugu dambayn waxaa Golaha Ammaanku meelmariyey qaraar ku baaqaya in gargaar bini’aadanimo oo degdeg ah la geeyo marinka Gaza, ka dib markii Maraykanka oo laga baqayey inuu adeegsado codka diidmada qaxayan, uu ka aamusay.

“Maanta waxaa golahani uu ku baaqay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo gargaarka bini’aadanimo loogu ogolaanayo marin ammaan ah, iyada oo aan la carqaladaynaynin iyo in la abuuro jawi lagu gaadhayo heshiis xabbad joojin ah oo waari karta” sidaas waxaa sheegtay Linda Thomas-GreenField oo ah danjiraha Maraykanka u joogta Qaramada Midoobay.

Linda ayaa intaas ku dartay, in si degdeg ah loo sii daayo maxaabiita, iyada oo ugu baaqday labada dhinac ee Israa’iil iyo Xamaas-ba inay ixtiraamaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada. Waxay sheegtay in Maraykanku uu “aad uga niyad-jabsan yahay” inaan qaraarkan lagu soo darin, in la cambaareeyo weerarkii Xamaas ay ku dishay 1,200 ee Israa’iiliyiinta ah.

Ruushka oo qaraarkan ka aamusay ayaa isagu doonayey in la xoojiyo luuqadda uu ku qoran yahay qaraarkani, isaga oo ku tilmaamay qabyo qoraalkii ugu dambeeyey ee ay dabada ka riixaysay Washington inuu ahaa “mid aan nuxur badan xambaarsanayn”.

Diplomaasiyiinta ayaa tan iyo maalintii Isniinta waxay ka shaqaynayeen qaraar qabyo qoraal ah, oo ay soo diyaariyeen dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu, iyaga oo doonayey in lagu qanciyo Maraykanka, inaanu adeegsan codkiisa diidmada qayaxan.

Maraykanka ayaa hore codka diidmada qayaxan ugu isticmaalay qaararkii hore ee la horkeenay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo guuldaraystay.

Qaraarkan ugu dambeeyey ayaa la fududeeyey luuqadda lagu qoray, waxaana laga saaray in si toosa loogu baaqo xabbad-joojin degdeg ah, taas bedelkeeda waxaa dhinacyada loogu baaqay inay abuuraan jawi lagu gaadhayo heshiis xabbad joojin ah oo waara. Maraykanka iyo Israa’iil ayaa haatan ka soo horjeeda xabbad-joojin lagu baaqo, iyaga oo ku doodaya inay caawinayso kooxda Xamaas.

{DAAWO MUQAALKA} Mahad Salaad oo Booqday Caawa Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

0

Jimco-December-22-2023-{HMC} Mahad Salaad oo Booqday Caawa Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Hoos u dhac weyn ayaa ku yimid Dakadaha Israiil kadib Weerarada Xuutiyiinta Yaman ay la beegsanayaan

0

Jimco-December-22-2023-{HMC} Hoos u dhac weyn ayaa ku yimid Dakadaha Israiil kadib Weerarada Xuutiyiinta Yaman ay la beegsanayaan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Kulan duco ah oo loo sameeyay qaar ka mid ah dadkii ku baxay gacanta AS.

0

Jimco-December-22-2023-{HMC}  Kulan duco ah oo loo sameeyay qaar ka mid ah dadkii ku baxay gacanta AS.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 12/22/2023

0

Jimco-December-22-2023-{HMC} Dawadayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Yasiin Cali Axmed

Farsamadii :Maxamed Baryare Xaamud

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARARKII UGU DAMBEYAY

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Lafta Gareen “Waa qasab in aad Sanadkaan Koobka So qadaan Kooxda Koonfur Galbeed”

0

Jimco-December-22-2023-{HMC} Madaxweyne Lafta Gareen “Waa qasab in aad Sanadkaan Koobka So qadaan Kooxda Koonfur Galbeed”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Ciidamada ammaanka Turkey oo xirtay 304 qof oo lala xiriiriyey Daacish

0

Jimco-December-22-2023-{HMC}  Ciidamada ammaanka Turkey ayaa xiray 304 qof oo la tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish, kadib howlgallo wada socda oo laga fuliyey gudaha dalka, waxaa sidaas maanta sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Ali Yerlikaya ayaa sheegay in tuhmanayaasha lagu xiray 32 gobol oo dalka ka mid ah, balse intooda badan ay ku sugan yihiin saddexda magaalo ee ugu weyn Turkiga ee Istanbul, Ankara iyo Izmir.

Howlgalka oo loogu magac daray “Geesiyada-34” ayaa waxaa si wada jir ah u fuliyay sirdoonka booliska iyo cutubyada la-dagaalanka argagixisada, Yerlikaya ayaa sidaas ku sheegay barta X.

Weli ma jiro wax macluumaad oo ku saabsan dhalashada tuhmanayaasha.

Daacish ayaa weeraro dhowr ah oo dhimasho badan ka geystay dalka Turkiga, waxaana ka mid ahaa toogasho ka dhacday goob lagu caweeyo oo ku taalla Istanbul 1-dii Janaayo, 2017, weerarkaas oo ay ku dhinteen 39 qof intii lagu jiray dabaal-degga sanadka cusub.

Ma cadda haddii howlgalkii ugu dambeeyay uu qeyb ka yahay howlgallada amniga lagu xaqiijinayo kahor dabaal-degga sanadka cusub.

“Ma jiri doonto wax nasasho ah oo ay helaan argagixisada, sababtoo ah nabadda, midnimada iyo wadajirka qarankeena aan jecelnahay,” ayuu yiri Yerlikaya. “Dadaalka sare ee ciidamadeena amniga dartiis, dagaalkeenu wuxuu usii socon doonaa si aan kala go’ lahayn.”

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa X soo dhigtay muuqaal muujinaya howlgallada, oo ay ku jiraan ciidamada la-dagaalanka argagixisada oo albaabo jebinaya, gacmaha ka xiraya tuhmanayaasha, islamarkaana u sii kaxeynaya gaadiidka booliska.

AP

Waa kuma wiilka Soomaaliga ah ee markii ugu horeysay garsoore ka noqonaya koobka Qaramada Afrika

0

Jimco-December-22-2023-{HMC}  Waxay ahayd wax u u jeclaa inuu noqdo markii uu yaraa – garsoore kubadda cagta – isagoo ciyaaraha xaafadaha deegaankiisa uu qaban jiray garsoor kooxaha ku ciyaarayey, xilliyada gaarka ee bisha ramadaanna uu qaban jiray garsoore.

Cumar Cabdulqaadir Cartan hadda waa garsoore caalami ah, wuxuuna BBC-da u sheegay inuu jeclaa inuu noqdo garsoore caalami ah, balse uusan jirin qof qoyskiisa oo isaga uga dayday garsooranimo.

Sanadkii 2014-kii ayuu Cumar sheegay in uu qaatay tababar garsooranimo uuna soo noqday garsooraha afaraad ee heerka saddexaad ee Soomaaliya.

Ciyaartiisii ugu horeysay ee garsoore dhexda ah uu noqday wuxuu dhexdhexaadiyey ciyaar heerka saddexaad oo dhexmartay kooxaha Midnimo Iyo Muqdisho. Halka 2016-kii uu noqday garsoore heerka kowaad ee Soomaaliya.

“Ciyaartii iigu dhibka badnayn anigoo ku cusub garsoooranimada ayaa la ii dhiibay inaan dhexdhexaadiyo kooxaha heerka kowaad ee dalka oo ay wada ciyaarayeen kooxaha Heegan iyo Jeeyo oo ka tirsan heerka koowaad ee horyaalka Soomaaliya, runtii waxay igu yeelatay samayn iyo waxaan wax badan ka bartay waayo anigoo aad u yar ayaa la ii dhiibay rag waaweyn oo ciyaaraya iyo laba kooxood oo dalka looga yaqaan kuwa ugu waaweyn uguna adag” ayuu yiri Cumar.

Cumar wuxuu intaas ku daray in bishii Diseembar sanadkii 2018-kii uu ku soo baxay liiska garsoorayaal loo doortay heer caalami ah.

Ciyaartiisii ugu horeysay ee caalami ah wuxuu dhexdhexaadiyey ciyaar ka dhaday dalka Kenya oo ay ku wada ciyaarayeen labo kooxood oo ka kala tirsan kenya iyo Jasiirada Madagaskar.

“Walaahi ciyaarihii aan ka qabtay horyaalka Soomaaliya iyo kuwa aan ka qabtay dibadda waxaa wax badan fududaa kuwa dibadda waayo waxay ciyaaraha ahaayeen kuwa calami ah oo kooxuhu ilaalinayaan anshaxa waxaana xasuustaa ciyaartii igu horeysay inaan bixiyey hal jaalle” ayuu intaas ku daray Cumar.

Heerka uu taagan yahay Cumar iyo ciyaarihii uu dhexdhexaadiyey

Cumar hadda waa garsoore heer caalami ah oo u diiwaan gashan xirirka kubada cagta ee Afrika ee CAF iyo xiriirka kubada cagta ee adduunka ee FIFA.

Wuxuu sheegay in nidaamyo ay leeyihiin dhamaan xiriirrada caalamigaa ee dunida ka jira kuwaas oo hoos taga xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA, sidaas darteedna isagu uu ka mid yahay garsoorayaasha u diiwan gashan xiriirka kubada cagta qaarada Afrika ee CAF.

Wuxuu sidoo kale Cumar ka qayb galay tababarro xirfadaha garsooraha oo caalami ah oo in ka badan labaatan garsoore oo Qaaradda Afrika ka socda loogu qabtay dalka Masar.

Tartamadii ugu waaweyntaa ee Cumar Cabdiqaadir Cartan uu ka mid ahaa garsoorayaashi qabtay waxaa ka mid ahaa tartankii CAF Under20 iyo CAF under 23 ee Qaarada Afrika.

Cartan wuxuu kale oo uu garsoore ka ahaa ciyaartii finalka ee CAF under 23 oo sanadkan ka dhacday dalka Marooko una dhaxaysay dalka Masar iyo Marooko.

Sidoo kale Cumar wuxuu garsoore ka ahaa ciyaaraha Champion league ee Qaarada Afrika gaar ahan wuxuu si la yaab leh u dhexdhexaadiyey ciyaartii afar dhamaadka Koobkaas ee u dhaxay kooxaha Al-Ahli ee dalka Masar iyo Esperance ee dalka Tuniisiya.

Ciyaarihii is reebreebka koobka aduunka ee ka dhacay dalka Qadar ayuu garsoore Cumar dhexdhexaadiyey saddex ciyaarood oo ka tirsanaa kuwii loogu soo baxay koobkaas sanadkii 2021-kii oo ay ciyaareen dalalka Togo iyo Namibia, Tansania iyo Benin.

Dhanka kale Cumar ayaa sanadkan 2023-ka dhexdhexaadiyey ciyaar ka tirsan isreeb reebka koobka adduunka ee sanadka 2026-da lagu qabayo dalalka Maryakanka, Mexico iyo Canada taas oo ka dhacday dalka Koonfur Afrika una dhaxaysay Eswatini iyo Liibiya.

Xirirka kubada cagta ee Qaarada Afrika ayaa Cumar Cabdiqaadir Cartan u xushay liiska garsoorayaal qabanaya ciyaaraha koobka Qaramada Qaarada Afrika oo sanadka soo socda ee 2024-ka lagu qabanyo dalka Ivory Coast

Koobka kubada cagta ee Qaaradda Afrika ayaa la qorsheynayey in sanadkan 2023 la qabto hase yeeshee dib u dhac ayaa ku yimid oo sida la qorsheeyey waxaa la qaban doonaa 13-bisha janaayo ilaa 11 febraayo sanadka 2024-ta.

Cumar wuxuu sheegay inuu bixiyey kaadhka cas ilaa 2 jeer dhamaan tartamada caalamiga kubadda cagta ee uu ka qabtay Qaarada Afrika.

Arinta cajiibka ah ayaa ah in sidoo kale Cumar Cartan uu yahay garsooraha kaliya ee Soomaaliyeed ee u tababaran in uu isticmaalo VAR, wuxuuna ku qabtay habkan tartamo ka dhacay Afrika, isagoo haysta shahaadada aqooneed ee garsoorenimada VAR.

Waa kuma Cumar

Cumar Cabdiqaadir Cartan oo ah aabbe xaas iyo hal wiil leh waxaa sanadkii 1995-tii uu ku dhashay xaabada Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Heerkiisa waxbarashada hoose, dhexe iyo sare ayuu ku qaatay isla Muqdisho isagoo heerka kowaad ee jaamacada ku qaatay daraasaadka horumarinta.

Wuxuu BBC-da u sheegay inuu heerka uu gaaray arsoorka kubadda cagta ee Qaarada Afrika ay ugu suurto gashay dadaal shaqasi ahaaneed oo muujiyey iyo kordhinta aqoontisa.

Wuxuu sidoo kale sheegay inuu rajaynayo inuu qaban doono kulamo waaweyn oo ka tirsan koobka aduunka.

ISHA BBC

{DAAWO SAWIRADA} Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday Hodan Diiriye iyo Ibraahim Ismaaciil Dhimbil

Jimco-December-22-2023-{HMC} Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ayaa maanta xukun dil ah ku kala riday laba eedeysane oo dilal horay uga geestay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday Hodan Diiriye Xuseen oo lagu helay dil bareer ah degmada Baledxaawo ugu geestay ninkeeda, waxaana maxkamadda ku heshay haweeneydan eedeymaha dilka ah ee loo soo jeediyay.

Sidoo kale maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku riday Dable Ibraahin Ismaaciil Dhibil Salaad oo lagu helay isna in dil bareer ah degmada Baledxaawo ugu geestay askari katirsanaa ciidanka booliiska.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maalmahan waday dhageysiga dacwada dilka ah ee loo heestay labadan gacankudhiigle , iyadoona maxkamadda ugu dambeyn Hodan iyo Ibraahim ku riday xukun dil ah.