Home Blog Page 3040

Wararkii Ugu Dambeyay Dagaal 70 xubnood looga dilay Kooda AS oo ka dhacay….

0

Jimco-December-22-2023-{HMC}  Warbaahinta Maamulka Jubbaland ayaa baahisay in in ka badan 70 xubnood As looga dilay dagaal culus oo maanta ka dhacay gobolka Jubada Hoose.

Ciidamada Jubbaland iyo Guutada 16-aad ee kumaandooska Danab ayaa galay godad waaweyn oo gabaad u ahaa kooxda As, halkaasna waxaa lamsheegay inuu ka dhacay dagaal aad u qaraar oo looga guuleystay kooxda.

Deegaanka uu dagaalkaasi ka dhacay ee AS lagu weeraray waxaa lagu magacaabaa Aboodin, wuxuuna ka tirsan yahay gobolka Jubada Hoose.

“70 tiro kor u dhaafeysa oo isugu jira maleeshiyaad iyo horjoogayaal ayaa looga dilay Khawaarijta dagaalkaas oo ahaa mid toos ah iyo duqeymo xaga cirka ah oo ay fulinayeen diyaaradaha saxiibada Soomaaliya ka caawiya la dagaalanka argagaxisada,” ayaa lagu yiri war uu baahiyey TV-ga Jubbaland.

Dadka deegaanka Aboodin ayaa  xaqiijiyey in kooxda AS ay ka baxeen halka uu dagaalka ka dhacay, iyaga oo wata meydad tiro badan iyo dhaawacyo.

Sidoo kale warbaahinta Jubbaland waxay baahisay qeyb ka mid ah muuqaal laga duubay dagaalka lagu dilay xubnahaas Shabaabka ah oo toos u socda, ciidamada Danab ayaa laga duubay muuqaalkaas, waxaana la arkayaa iyagoo toos u dagaalamaya.

Maalmahaan as-ka dagaalamaya Jubbaland waxaa ku socda howlgallo culus, habeen hore galbeedka Kismaayo howlgallo ka dhacay waxaa lagu laayey horjooge sare iyo maleeshiyaadkiisii, kuwaas oo halkaas lagu soo afjaray, sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka ciidamada Jubaland.

Sidoo kale duqeymo culus ayaa ka dhacay magaalooyin ay ku jirto Jilib, waxaana lagu beegsaday xubno sare oo AS ah oo uu ku jiro sarkaal lagu magacaabi jiray Daa’uud Khaliif, kaas oo horay Mareykanku uu madaxiisa u dul dhigay 10 milyan oo dollar.

Sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada, deegaanada Jubbaland waxaa toos uga bilowday wajiga labaad ee dagaalka AS, kaas oo dowladda Soomaaliya ay qorsheysay in Jubaland iyo K/Galbeed uu ka bilowdo markii Galmudug iyo HirShabeelle lagu soo xoreeyo wajiga koowaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalka AS, shaaciyeyna arrin ka go’an

0

Jimco-December-22-2023-{HMC}  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyey masjidka madaxtooyada ayaa ka hadlay halka uu marayo dagaalka AS ooga xoreynayo dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka la amray inay dhaqaaqaan, isla markaana lagu howlan yahay sidii AS loogu furi lahaa furimo dagaal oo hor leh, si khatartooda loo dhaafiyo umadda.

“Maalin kasta dhaar iyo sidaan ayaan yeeleynaa kuma jireyno, kama caajiseyno ciribtirka as, waa naga go’antahay waana soconaa, cabsi gelinta iyo wixii ay ku samey jireen dadkaan kuma sii fiirsa karno,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamadu ay maalin kasta jaraan Kiilo-mir hor leh, isla markaana ay dowladiisa ka go’antahay inay muddo kooban ku soo afjarto kooxda AS.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in hal fursad ay u furan tahay horjoogayaasha AS, taasi oo ah inay isku dhiibaan dowladda, xubnaha ajaanibta ahna ay dib ugu laabtaan dalkoodii.

“Fursada kaliya ee maanta ay heystaan waa in kuwa Soomaalida ah ay dadkooda iyo dowladooda isku soo dhiibaan, kuwa ajaanibta ahna ay ku laabtaan dalkoodii,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda uu hoggaamiyo aysan iska dhaafi doonin as  taas oo sababi doonta inay sii wadaan xasuuqii ay ku hey-jireen shacabka Soomaaliya.

“Dadkeygu ha ogaadaan maalin walba ciidanku horay ayey u socdaan dhul cusub ayey xoreeyaan, dalkeenu waa balaaran yahay, meelo howd ah oo ay ku dhuuntaan ama inay gaadmo wax ku dilaan waa iska dhici doontaa, waana dabeecadaha dagaalka,” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa aad u amaanay ciidamada dadka deegaanka oo ku shaqeeya duruuf adag, “Waxaa nagu waajib ah in ciidamdaas aan abaabulno oo garab istaagno, hiil iyo hoo, nin kasta waxa uu awoodo ayey maanta nooga baahan yihiin,” ayuu khudbadiisa ku soo gabagabeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 22/12/2023

0

Jimco-December-22-2023-{HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ; Cabdimaajid Cabdiraxmaan Aadan

Farsamadii :Cabdimajiid Aweeys Isaaq 

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO SAWIRADA} Halkee ayay ku dambeeyeen kooxdii Fanaaniinta Gargeysa ee Xiddigaha geeska?

Jimco-December-22-2023-{HMC} Kooxda xiddigaha geeska, waa kox faneed ka aas-aasantay magaalada Hargeisa ee caasimadda Somaliland, waxa ay abuurmeen iyaga oo ah koox faneed dhameystiran, sida abwaaniin kooxda muusigga garaacda, mullaxamiistayaal iyo fannaaninta laftooda ee ku luuqeeya heesaha kala duwan.

Aas-aasayaasha kooxda waxaa kamid ahaa Xasan Saleebaan Dhuxul Laabsaalax oo ahaa guddoomiyihii ugu horreeyay ee kooxda iyo mid kamida abwaaniinta ugu waaweyn isla markaana haatan ah xildhibaan katirsan baarlamanka Somaliland.

Sidoo kale laf dhabarta kooxda waxaa kamid ah Axmed weli Furinle oo kamid ah hoggaanka kooxda, muusiggana garaaca, iasga oo weli ka dhex muuqda kooxda.

Kooxda ayaa la’aas aasay xilli hore hase yeeshee waxa ay masraxyada Soomaalida si weyn u qabsadeen muddo hadda laga joogo dhowr iyo toban sano.

Xiddiguhu waxa ay caan ka ahaayeen guud ahaan gayiga Soomaalida iyagoo sameyn jiray bandhig faneedyo iyo heeso sanadle ah oo mar waliba ay si wada jir ah usoo saaraan.

Kooxda Xiddigaha geesku waxa ay soo mareen marxalado kala duwan iyadoo fanaaniin caan ka ahaa ay gebi ahaanba fanka isaga bexeen halka marba marka kasii dambeysana ay ku biirayeen fanaaniin kale, maamulka kooxda iyo hoggaanka sare ayaa is beddelay dhowr mar.

 

Fanaaniinta sida aadka ah ugusoo shaac baxay kooxda isla markaana fanka faarujiyay markii dambe waxaa kamid ahaa Maxamed Siciid BK, Cabdihani Xaashi, Xamda Queen iyo fanaaniin kale.

Kooxdu waxa ay safarro koox-koox ah iyo kuwo kali-kali ahba ku tegi jireen deegaannada kala duwan ee dalka iyo dibaddaba.

Cabdiraxmaan Cismaan Cambuur (Xaaji), waa guddoomiyaha haatan kooxda fanka ee Xiddigaha geeska, waana mid kamida abwaaniinta kooxda oo in kabadan 50 heeso ah oo uu sameeyay ay qaadeen fanaaniin kala duwan oo kooxda katirsan.

Fanaaniinta uu heesaha u sameeyay waxaa kamid ah, fanaanadda Yurub Geenyo oo uu u sameeyay ku dhawaad toban heesood, sidoo kale Khadra Silimo, Hodan Cabdiraxmaan, Ifraax Hrgeysa, Najma Nashaad iyo Xariir Axmed.

Sidoo kale heesaha caan baxay ee uu sameeyay abwaan Xaaji waxaa kamid ah heesta ‘Nacabku darbiyada ha jiiro’.

Guddoomiyaha ayaa waxa uu BBC-da uga warramay suugaantiisa, iyo waxa ku dhacay kooxda oo dhawaanahan aan la maqal iyadoo kamid ahayd kuwa ugu wax soo saarka badan fanka Soomaalida ee maanta.

“Kooxda xiidiguhu waa koox weli dhisan oo sideedii u shaqeysa, kooxdu haatan waxa ay waddaa qorshe ay ku qabaneyso barnaamijyadeedii sanadlaha ahaa ee fanka, halkaa oo lagusoo bandhigi doono in kabadan labaatan heeso ah, oo ay sameeyeen ilaa toban abwaan oo kooxda katirsan.”

Marka ay noqoto hadal haynta kooxda, waxaa jirta in aanay ahayd sidii hore isla markaana la’iska weydiinayo masraxyadii ay shidi jireen.

“Waa run waxaa jira gaabis dhinaca kooxda ah, markii horaba waxaa jiray in fanaaniinta ay mar qura soo wada bexeen dadkuna ay wada xiiseynayeen, hadda qudheeda waxaa jira qorshe aan ksuoo nooleyneyno bandhigyadii cajiibka ahaa ee kooxda oo sanadka cusubba uu ugusoo horreeyo”, ayuu yiri guddoomiye Cabdiraxmaan Cismaan Cambuur (Xaaji).

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan fanaaniin katirsan xiddiga kuna sugan meelo ka baxsan Somaliland oo ay kamid tahay fanaanadda Hodan Cabdiraxmaan iyo saygeeda Mursal Muuse, kuwaas oo qorsheynaya in ay soo saaraan heeso muuqal ah oo ay kooxdu sameysay.

Xigasho BBC

{DAAWO SAWIRADA} Waa kuma Soomaaligii ugu horeysay ee garsoore ka noqonaya koobka Qaramada Afrika ee 2024

Jimco-December-22-2023-{HMC}  Waxay ahayd wax u u jeclaa inuu noqdo markii uu yaraa – garsoore kubadda cagta – isagoo ciyaaraha xaafadaha deegaankiisa uu qaban jiray garsoor kooxaha ku ciyaarayey, xilliyada gaarka ee bisha ramadaanna uu qaban jiray garsoore.

Cumar Cabdulqaadir Cartan hadda waa garsoore caalami ah, wuxuuna BBC-da u sheegay inuu jeclaa inuu noqdo garsoore caalami ah, balse uusan jirin qof qoyskiisa oo isaga uga dayday garsooranimo.

Sanadkii 2014-kii ayuu Cumar sheegay in uu qaatay tababar garsooranimo uuna soo noqday garsooraha afaraad ee heerka saddexaad ee Soomaaliya.

Ciyaartiisii ugu horeysay ee garsoore dhexda ah uu noqday wuxuu dhexdhexaadiyey ciyaar heerka saddexaad oo dhexmartay kooxaha Midnimo Iyo Muqdisho. Halka 2016-kii uu noqday garsoore heerka kowaad ee Soomaaliya.

“Ciyaartii iigu dhibka badnayn anigoo ku cusub garsoooranimada ayaa la ii dhiibay inaan dhexdhexaadiyo kooxaha heerka kowaad ee dalka oo ay wada ciyaarayeen kooxaha Heegan iyo Jeeyo oo ka tirsan heerka koowaad ee horyaalka Soomaaliya, runtii waxay igu yeelatay samayn iyo waxaan wax badan ka bartay waayo anigoo aad u yar ayaa la ii dhiibay rag waaweyn oo ciyaaraya iyo laba kooxood oo dalka looga yaqaan kuwa ugu waaweyn uguna adag” ayuu yiri Cumar.

Garsoore-Cumar-Cabdiqaadir-Cartan

Cumar wuxuu intaas ku daray in bishii Diseembar sanadkii 2018-kii uu ku soo baxay liiska garsoorayaal loo doortay heer caalami ah.

Ciyaartiisii ugu horeysay ee caalami ah wuxuu dhexdhexaadiyey ciyaar ka dhaday dalka Kenya oo ay ku wada ciyaarayeen labo kooxood oo ka kala tirsan kenya iyo Jasiirada Madagaskar.

“Walaahi ciyaarihii aan ka qabtay horyaalka Soomaaliya iyo kuwa aan ka qabtay dibadda waxaa wax badan fududaa kuwa dibadda waayo waxay ciyaaraha ahaayeen kuwa calami ah oo kooxuhu ilaalinayaan anshaxa waxaana xasuustaa ciyaartii igu horeysay inaan bixiyey hal jaalle” ayuu intaas ku daray Cumar.

Garsoore Cumar oo dhexdhexaadiyey naadiyada ka kala tirsan dalalka Sudan iyo Ethopia

Heerka uu taagan yahay Cumar iyo ciyaarihii uu dhexdhexaadiyey.

Cumar hadda waa garsoore heer caalami ah oo u diiwaan gashan xirirka kubada cagta ee Afrika ee CAF iyo xiriirka kubada cagta ee adduunka ee FIFA.

Wuxuu sheegay in nidaamyo ay leeyihiin dhamaan xiriirrada caalamigaa ee dunida ka jira kuwaas oo hoos taga xiriirka kubadda cagta aduunka ee FIFA, sidaas darteedna isagu uu ka mid yahay garsoorayaasha u diiwan gashan xiriirka kubada cagta qaarada Afrika ee CAF.

Wuxuu sidoo kale Cumar ka qayb galay tababarro xirfadaha garsooraha oo caalami ah oo in ka badan labaatan garsoore oo Qaaradda Afrika ka socda loogu qabtay dalka Masar.

Tartamadii ugu waaweyntaa ee Cumar Cabdiqaadir Cartan uu ka mid ahaa garsoorayaashi qabtay waxaa ka mid ahaa tartankii CAF Under20 iyo CAF under 23 ee Qaarada Afrika.

Cartan wuxuu kale oo uu garsoore ka ahaa ciyaartii finalka ee CAF under 23 oo sanadkan ka dhacday dalka Marooko una dhaxaysay dalka Masar iyo Marooko.

Sidoo kale Cumar wuxuu garsoore ka ahaa ciyaaraha Champion league ee Qaarada Afrika gaar ahan wuxuu si la yaab leh u dhexdhexaadiyey ciyaartii afar dhamaadka Koobkaas ee u dhaxay kooxaha Al-Ahli ee dalka Masar iyo Esperance ee dalka Tuniisiya.

Ciyaarihii is reebreebka koobka aduunka ee ka dhacay dalka Qadar ayuu garsoore Cumar dhexdhexaadiyey saddex ciyaarood oo ka tirsanaa kuwii loogu soo baxay koobkaas sanadkii 2021-kii oo ay ciyaareen dalalka Togo iyo Namibia, Tansania iyo Benin.

isreebreebkii koobkii aduunka ee 2022-kii Qadar iyo Garsoore Cumar.

Dhanka kale Cumar ayaa sanadkan 2023-ka dhexdhexaadiyey ciyaar ka tirsan isreeb reebka koobka adduunka ee sanadka 2026-da lagu qabayo dalalka Maryakanka, Mexico iyo Canada taas oo ka dhacday dalka Koonfur Afrika una dhaxaysay Eswatini iyo Liibiya.

Xirirka kubada cagta ee Qaarada Afrika ayaa Cumar Cabdiqaadir Cartan u xushay liiska garsoorayaal qabanaya ciyaaraha koobka Qaramada Qaarada Afrika oo sanadka soo socda ee 2024-ka lagu qabanyo dalka Ivory Coast

Koobka kubada cagta ee Qaaradda Afrika ayaa la qorsheynayey in sanadkan 2023 la qabto hase yeeshee dib u dhac ayaa ku yimid oo sida la qorsheeyey waxaa la qaban doonaa 13-bisha janaayo ilaa 11 febraayo sanadka 2024-ta.

Cumar wuxuu sheegay inuu bixiyey kaadhka cas ilaa 2 jeer dhamaan tartamada caalamiga kubadda cagta ee uu ka qabtay Qaarada Afrika.

Arinta cajiibka ah ayaa ah in sidoo kale Cumar Cartan uu yahay garsooraha kaliya ee Soomaaliyeed ee u tababaran in uu isticmaalo VAR, wuxuuna ku qabtay habkan tartamo ka dhacay Afrika, isagoo haysta shahaadada aqooneed ee garsoorenimada VAR.

Garsoore Cumar oo garsoore VAR hayey kulan ciyaareed Qaarada Afrika ah

 

 

XIGASHO BBC

{DAAWO MUQAALKA} Maxey tahay Sababta ay u siidaayeen Burcad badeedda Soomaalida mid kamid ah bad maaxiyiintii Markab ay afduubteen.

0

Jimco-December-22-2023-{HMC} Mid ka mid ah shaqaalihii la socday markab ganacsi oo ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah, oo dhaawac ah ayaa lagu guuleystay in ciidamada badda Hindiya ay ka daad gureeyaan markabka MV Ruen.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

Jimco-December-22-2023-{HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 22/12/2023.

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dhameystirka dastuurka, hormarada la gaaray iyo Dagaalka AS

Jimco-December-22-2023-{HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo salaadda Jimcaha kula oogay Madaxda dalka, Masaajidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka ayaa ka hadlay dhameystirka dastuurka, hormarada la gaaray iyo halka uu marayo halganka dalka lagaga xoreynayo Al shabaab.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay dilka horjooge sare oo lagu Magacaabo Macalin Ayman

0

Jimco-December-22-2023-{HMC} Hawlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Mareykanka ayaa lagu dilay Macalin Ayman oo ahaa horjooge sare oo katirsanaa kooxda Alshabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay macalin Ayman inuu ahaa horjooge ka dambeeyay abaabulka weeraro Shabaabku ka geysteen gudaha dalka iyo dalalka dariska, dilkiisuna uu yahay qodax ka siibantay dadka Soomaaliyeed.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sheegtay inay ka go’an tahay beegsiga horjoogayaasha Alshabaab iyo dagaalamayaasha kooxdaas. Waxayse tilmaamtay inay weli fursad u haystaan in ay isku soo dhiibaan dowladda dibna dadkooda uga mid noqdaan si ay naftooda uga badbaadsadaan hawlgalka Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah.

Burcad badeedda Soomaalida oo sii daayay mid kamid ah bad maaxiye ay dhawaan afduubteen.

0

Jimco-December-22-2023-{HMC} Mid ka mid ah shaqaalihii la socday markab ganacsi oo ay afduubteen burcad badeed Soomaali ah, oo dhaawac ah ayaa lagu guuleystay in ciidamada badda Hindiya ay ka daad gureeyaan markabka MV Ruen.

Sida la sheegay, ninkan oo qaba dhaawac aad u culus, kana mid ahaa shaqaalaha markabka, ayaa waxaa toogtay kooxda burcad badeedda, intii uu socday howlgalka afduubashada.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa u suurtagashay in ay xaqiijiyaan sii deynta badmaaxa dhaawaca ah iyaga oo wada hadal la yeeshay horjoogayaasha burcad-badeedda.

Waxaa loo qaaday deked kutaala dalka Cumaan, si uu u helo daryeel caafimaad oo aasaasi ah.

Markabka MV Ruen, ayaa weli gacanta ugu jira burcad badeedda Soomaali ee qafaashay 14-kii December.

Markabka ayaa haatan lagu haystaa meel kutaala xeebaha bariga fog ee Puntland.

Weli lama oga in burcad badeedu ay dalbadeen lacago madax furasho ah sidii horey loogu yaqaanay kooxaha burcad badeedda.