Home Blog Page 3140

FINLAND oo Ruushka ku eedeysay ‘dhibaato ay qeyb ka yihiin’ dad Soomaali ah

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC}  Finland ayaa ku eedeysay Ruushka inay xuduuddeeda kusoo fasaxday muhaajiriin ka imanaya Bariga Dhexe iyo Afrika, sababo la xiriira inay ka careysan tahay iskaashiga difaac ee sii kordhayay ee Helsinki ay la leedahay Mareykanka, eedeymahaas oo Moscow ay beenisay.

Dadka ay ka cabaneyso Finland ee xuduudda soo galay ayaa waxaa ka mid ah Soomaali badan.

Qiyaasti 300 oo muhaajiriin ah, oo ka yimid dalalka Soomaaliya, Ciraaq, Yemen iyo Suuriya, ayaa toddobaadkan soo galay Finland ayaga oo kasoo gudbay xuduudda Ruushka, sida ay Reuters kasoo xigatay Ilaalada Xuduudda Finland.

Imaatinka dadkan ayaa Finland ku qasbay inay darbiyo ka taagto xuduudda ay la wadaagto Ruushka, si ay u joojiso muhaajiriinta sida xorta ah u soo galaya dalkaas.

Muhaajiriinta oo intooda badan ka kala yimid Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa yimid dalkan Nordic ah iyaga oo aan haysan dukumenti sax ah, waxaana ay dalbadeen magangelyo kadib markii lagu eedeeyay mas’uuliyiinta Ruushka inay ku caawiyeen inay u safraan aagga xudduudda ee sida aadka ah loo ilaaliyo.

Ku dhawaad dhammaan muhaajiriinta ayaa ku yimid aagga xuduudka iyagoo wata baaskiillo ay warbaahinta Finland iyo Ruushku sheegeen in la siiyay lagana iibiyay.

Moscow ayaa beenisay sheegashada ku saabsan in ay ka dambeyso qulqulka muhaajiriinta.

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Ruushka “ay aad uga xun yihiin in hoggaanka Finland uu doortay dariiqa uu si ula kac ah uga fogaanayo dhaqankii hore ee wanaagsanaa ee xiriirka laba geesoodka ah.”

Soohdinta dhulka ee Finland iyo Ruushka ayaa dhan 832 mayl (1,340 kilometer), waxayna inta badan dhexmartaa kaymo qaro weyn oo ku yaalla koonfurta, iyadoo gaaraysa woqooyiga Arctic.

{DAAWO MUQAALKA} Xisbullah oo weerar gantaallo iyo diyaarado ku qaaday Israa’iil

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC} Ururka Xizbullah ayaa sheegay in ciidamo ku sugan waqooyiga Israel ay ku beegsadeen diyaarado drone ah iyo gantaallo Isniintii, xilli kooxda ay kordhisay weerarada ka dhanka ah Israel.

Xuduudda Israel iyo Lubnaan ayaa si maalinle ah gantaallo la isugu weydaarsanayey tan iyo markii uu billowday dagaalka Israel iyo Xamaas, 7-dii October.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

 

{DAAWO MUQAALKA} Xasan Sheekh ma ku deg-degay tallaabada cusub ee uu u qaaday dhanka Eritrea?

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC}  Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay cilaaqaadka kala dhaxeeya waddanka Eritrea. Muqdisho ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ka heshay Asmara, si gaar ah tababar siinta ciidamada, wallow ay dalal kale bixinayeen kharashaadka tababarada.

{DAAWO MUQAALKA} Khudbadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee shirka London

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC}  Khudbadda Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee shirka London ayuu kaga hadlay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} DF Soomaaliya oo loo cusboonaysiiyay cunaqabateynta hubka ee saaran.

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC} DF Soomaaliya oo loo cusboonaysiiyay cunaqabateynta hubka ee saaran.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGAYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 21/11/2023

0

Talaado Nofembar 21, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Mustaf Cali Caddow

Farsamadii :Abdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA SUBAXNIMO

Gen. Jimcaale oo jawaab ka bixiyay baaqii nabadeed ee Odeyaasha Dhaqanka

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC}  Taliyaha Ciidamada Danab ee Puntland Jaamac Takar ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada ee Puntland, isaga oo u jawaabay baaqyo nabadeed oo ay odeyaasha
dhaqanka iyo ururada bulshada rayidka ka jeediyeen magaalada Garowe.

General Jimcaale ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu difaaco Puntland sida uu waligiis ballan qaaday, isagoo carabka ku dhuftay in uu isagu matalo mucaaradka, mucaaradkuna ay isaga matalaan.

“Waan soo dhaweynaynaa baaqyada nabadeed, waxaana ku dhawaaqayaa in aano aqbalnay, isla markaana ma doonayno in Puntland la dumiyo, waana ilaalinaynaa oo aan badbaadinaynaa.” ayuu ku daray.

General-ka ayaa carabka ku adkeeyay in uu ka shaqeyn doono sidii ay ku dhici laheyd doorasho ْXur & Xalaal ah oo waqtigeeda ku dhacda, kana fog damac shaqsiyadeed.

General Jimcaale ayaa ka mid ah taliyeyaasha Milateriga ee saameynta ku leh Puntland, waxa uuna diidan yahay in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha dhawaan xilka ka sii dagaya ee Siciid Deni.

Muxuu yahay heshiiska gabagabada ku dhow ee uu hogaamiyaha Xamaas kula jiro Israa’iil?

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC}  Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, ayaa sheegay inuu heer gabo gabo ah marayo heshiis ay yeelanayaan Xamaas iyo Israa’iil.

Saacadihii la soo dhaafay, wararku waxay sheegayeen in mas’uuliyiinta Xamaas ay heshiis la galayaan Israa’iil, kaas oo ku saabsan in la soo siidaayo dadkii ay Xamaas ka qafaalatay Israa’iil.

Wadaxaajoodka labada dhinac ayaa ka soconayay dalka Qadar, oo heshiiskan dhex dhexaadinayay.

Hogaamiyaha Xamas, Ismail Haniyeh, ayaa sheegay in kooxdiisa ‘ay u soo jawaabeen walaalahooda Qadar isla markaana ay ku dhowyihiin heshiis lagu joojinayo dagaalka’ sida laga soo xigtay warbaahinta Falastiin.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhaka Israa’iil.

Xizbullah oo weerar gantaallo iyo diyaarado ku qaaday Israel

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC} Ururka Xizbullah ayaa sheegay in ciidamo ku sugan waqooyiga Israel ay ku beegsadeen diyaarado drone ah iyo gantaallo Isniintii, xilli kooxda ay kordhisay weerarada ka dhanka ah Israel.

Xuduudda Israel iyo Lubnaan ayaa si maalinle ah gantaallo la isugu weydaarsanayey tan iyo markii uu billowday dagaalka Israel iyo Xamaas, 7-dii October.

Dagaalyahannada Xizbullah ayaa askar ku sugan galbeedka Kiryat Shmona ee waqooyiga Israel “la beegsaday seddex weerar oo ay fuliyeen diyaarado kuwa aan duuliyaha lahayn ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxda ay Iran taageerto.

Xizbullah ayaa intaas ku dartay wax yar kadib weerarka diyaaradaha ay sidoo kale madaafiic la beegsatay ciidamo ku sugnaa aaggaas.

Xizbullah waxay sheegtay inay sidoo kale “gantaalada Burkan” ku dhufatay xero ay Israel leedahay, waxayna sidoo kale sheegatay tiro kale oo weerarro ah oo ay ku qaadday goobo ka tirsan Israel.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in weerarka aanu kasoo gaarin wax khasaare ah.

Bayaan kasoo baxay ciidamada Israel ayaa lagu sheegay “in 25 weerar looga soo qaaday Lubnaan, kuwaas oo lala beegsaday goobo kala duwan oo ku yaalla xuduudda,” waxayna intaas ku dareen in “qaar ka mid ah gantaallada dhexda laga qabtay.”

Ciidamada ayaa intaas ku daray inay weerar jawaab ah ku qaadeen Xizbullah.

“Taankiyo, diyaarad dagaal, iyo diyaarad helikobter ah ayaa weeraray kaabayaasha argagixisada Xizbullah ee Lubnaan,” iyaga oo ka jawaabaya “weeraro ku wajahan dhulka Israel”, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada Israel.

Madaxa Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa bishan sheegay in kooxdiisa oo ah xulafada Xamas ay hub cusub u adeegsanayso Israel oo ay ku jiraan gantaallada Burkan, isagoo intaas ku daray inay qaadi karaan “culeys dhan 300-500 kg.”

Kooxda ayaa sidoo kale adeegsaneysay diyaarado drone ah markii ugu horreysay, kuwaas oo qaarkood gudaha u galay Israel, sida uu sheegay Nasrallah.

Sida dowladda Ingiriisku ugu bixisay lacag ka badan hal milyan oo doolar tarxiilka wiil Soomaali ah

0

Talado Nofembar 21, 2023 {HMC} Kiis dacwadeed oo muddo badan, ay ka taagnayd doodda dhanka sharcig ah oo ka socotay Ingiriiska ayaa ugu danbeeyn ku soo dhamaatay in halkaas laga soo musaafuriyo wiil Soomaali ah, oo lagu magacaabo Yacquub Axmed.

Yacquub ayay muddo dheer ku socotay dacwad la xiriirta Kufsi, oo ay ku wehliyeen saddex qof oo kale.

Kufsiga ayaa loogu geystay gabadh yar oo lix iyo toban jir ah, oo la qiyaamay dhisme ku yaal London shan iyo toban sano kahor.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa si adag uga hadashay kiiska wiilkan, oo ay dowladda Ingiriisku horey mar isugu dayday inay musaafuriso, iskudaygaas oo fashilmay.

Iskudayga fashilmay ee musaafurinta Yacquub

Yacquub Axmed oo hadda soddon jir ah ayay dowladda Ingiriisku iskudayday inay musaafuriso sanadkii 2018kii kadib markii ay maxkamad ku riday xukun sagaal sano oo xabsi kufsiga loo geystay gabadh yar darteed.

Laakiin rakaabka la socday diyaarada qaadi lahayd wiilkan ayaa gadood sameeyay kadib markii ay ogaadeen in qof la tarxiilayo uu la saaran yahay diyaarada.

Diyaarada Turkey Airlines ee ku hakn lahayd Istanbul ayaa Yacquub usii qaadi lahayd Muqdisho.

Laakiin askartii galbineysay wiilka ayaa ku qasbanaaday inay diyaarada isaga haraan kadib gadoodka rakaabka, halkaas oo uu ku fashilmay qorshaha tarxiilka Yacquub.

Wixii markaas ka dambeeyay, wiilkan ayaa ku sii sugnaa Boqortooyada Ingiriiska, iyada oo ay ku socotay dacwad horseeday in uu maxkamad kasoo muuqdo wax ka badan labaatan jeer.

Wargeysyada Ingiriiska ayaa baahiyay in wiilkan ugu dambeyn la tarxiilay Ingiriiska bishii hore, iyada oo ay ku baxday lacag badan oo caro dhalisay.

Hooyada dhashay gabadha la kufsaday ayaa warbaahinta u sheegtay inay ku faraxsantahay tilaabada la qaaday, iyada oo ay sheegtay inay rajeyneyso in musaafurintu ay gacan ka geysan karto in cadaalad ay helaan dhibeneyaasha la midka ah gabadheeda.

Doodda ku saabsan lacagta ku baxday kiiska Yacquub Axmed inta ay socotay
Dhaqaalaha ku baxay kiiska intii uu socday ayaa aad looga hadal hayaa gudaha Boqortooyada Ingiriiska taas oo ah mid aad u badan sida ay sheegeen dadweynaha dalkaasi.

Ku dhawaad hal milyan oo lacagta Giniga ah ayaa ku baxday muddadda dhagaysiga heerarka kala duwan ee dacwadda.

Lacagta ayaa isugu jirta mid la siiyay qareennada difaacayay Yacquub, mida lagu kireeyay diyaaraddii lagu masaafuriyay iyo kharash kale oo laga bixinayay hoyga iyo adeegyo kale14-ka toddobaad ee ugu horeeysa marka lagu soo cesho Soomaaliya.

Yacquub Axmed waxaa laga bixinayaa marka Soomaaliya lagu soo celiyo qarashka huteelka uu dagayo, ilaalada sugaya ammaankiisa iyo caafimaadkiisa oo dhamaan dowladda Ingiriiska ay bixinayso.

Lacagtaan ayay dadweynaha Ingiriiska waxay sheegeen in tahay mid aad u badan oo aysan mudnayn in canshuurta laga qaado la siiyo dad danbi ka galay dalkooda.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliya ee garoonka Aadan Cabdulle ee magaladda Muqdisho ayaa BBC-da u sheegay in ninkaaa aan laga soo dejin garoonka, aysanna hayn wax macluumaad ah oo ku saabsan.

Laakiin Sarkaal kale oo ka tirsan ha’yadda Socadaalka iyo Jinsiyaddaha Soomaaliya gaar ahan qeybt hubinta sharciydda ayaa BBC u sheegay in Yaqcuub Axmed Muqdisho lagu keenayay diyaaradda gaar ah oo Ingiriiska kasoo qaaday.

Kiiska dacwada Yacquub Axmed waxa uu banaanka keenayaa hababka cakiran iyo hanaanka sharciga ee masaafurinta ee Ingiriiska.

ISHA BBC