Home Blog Page 3141

{DAAWO SAWIRADA} Hooyadii Lagu Gablamiyay Garowe oo Fariin Gaar ah U dirtay Dhinacyada isku haayo Puntland

Talaado November 21, 2023 {HMC}  Xaaladda magaalada Garowe ayaa maanta deggan ka dib dhaqdhaqaaqyo ciidan oo shalay laga dareemay kuwaas oo sababay in qoysas tiro badani ka barakacaan xiisaddaasi.

 

Dadka ka barakacay xiisaddii shalay waxaa ka mid ahaa Cabdirixmaan Jaamac Muuse oo ahaa ardayda wax ka barta Jaamacadaha Garoowe ka dib markii la fasaxay Jaamacadiisa.

Wuxuu u safray magaalada Qardho oo qoyskiisu deggan yahay, hase yeeshee wuxuu ku dhintay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxaysay deegaanka Xaaji Khayr iyo magaalada Qardho. Maanta ayaa Cabdirixmaan lagu aasay magaalada Qardho oo meydkiisa la geeyey.

Cabdiraxmaan wuxuu ku jiray sanad jaamacadeedkiisii koowaad ee Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garowe, isagoo dhiganayey culuumta teknolojiyadda.

Wuxuu ahaa wiil madi ku ah labadiisa waalidba, aabbihiis Jaamac Muuse oo hore u geeriyooday wuxuu ifka uga tagay isaga oo qudha, halka hooyadiisna ay kaligiis wiilal ka dhashay.

Sahro Dhunkaal Jaamac oo ah hooyada dhashay Cabdiraxmaan ayaa BBC-da u sheegtay in shalay ay u ahayd maalintii ugu murugada badnayd, nolosheeda oo ay gaadhay heer ay waxba kala garan waydo.

‘’Waxaan ahay qof da’ ah hadda wiilna isagaan ka dhalay oo ‘madi’ buu igu ahaa, xaaladda qoyskuna waa mid danyar ah, anigu waxaan ahay qof waayeel ah oo xanuunsan, isaga uun baan eeganayey, waanse ku samray markii aan dul tagay maydkiisa meeshii shilku ka dhacay, xaalad adag ayaan galay laakiin waan ku samray qadarta Eebbe keenay” ayey tiri hooyo Sahra.

Afar gabdhood ayaa la dhashay Cabdirixmaan oo xagga hooyada walaalo kala ah, labo ka geeri horreeyey iyo labada hadda ku nool magaalada Qardho sida ay BBC-da u sheetay Hooyo Sahra Dhunkaal.

Hindi Mukhtaar Xirsi waxay walaalo yihiin Allaha u raxmadee Cabdiraxmaan, waxay sheegtay inay wayday wiilkii u ahaa garabka kaliya ee ay eeganaysay.

‘’Dareenkayga waa mid murugo leh, ifka isagaa walaal wiil ah ii joogay, isagiina waan waayey kaliya waxaan leeyahay kuwa xiisadaha colaadeed abuuraya ka joojiyadadka mushkiladda” ayey tiri Hindi.

Kumuu ahaa Cabdiraxmaan?

Sanadkii 2002-dii ayuu Cabdiraxmaan Jaamac Muuse ku dhashay magaalada Qardho, wuxuu waxbarashadiisa hoose ka dhammeeyey iskoolka agoonta ee Qardho, isagoo dugsiga sare kaga baxay dugsiga sare ee Shiikh Cismaan ee isla magaaladaasi.

‘’Wuxuu aad ugu fiicnaa waxbarashada, wuxuu kaloo gali jiray kaalimaha hore, hammigiisuna wuxuuu ahaa inuu waxbarashada meel fiican ka gaaro ka dib qoyska oo wiil uu u ahaana wax u qabto” ayey tiri hooyo Sahra Dhuunkaal

Cabdiraxmaan wuxuu ku biiray Jaamacadda Bosaso faraceed magaalada Garowe sanad jaamacadeedkii 2022 -2023-kii, isagoo baranayey maaddada IT-ga.

Walaashii Hindi waxay xustay inuu ahaa qof dadaal badan oo inta badan ku foogganaa inuu meel sare ka gaaro nolosha.

‘’Wuxuu noo sheegi jiray inuu nolosha qoyska wax badan ka baddalayo marka uu dhammaysto waxbarasha ee shaqo helo, markasta wuxuu ii ahaa saaxiib gaar ah, balse Ilaahay ayaa iga jeclaaday” ayey tiri Hindi.

Waa sidee maanta xaaladda Garowe?

Wali waxaa xiran goobaha waxbarashada magaalada oo shalay xirmay ka dib xiisaddii ka dhalatay dhaqdhaqaaqa ciidan ee magaalada Garowe.

Mana jiraan dad maanta magaalada ka barakacay marka laga reebo kuwii shalay ka barakacay.

Dadaallo lagu xallinayo xaaladda ayaa socda iyadoo qaar ka mid ah isimada dhaqanka ee SSC-Khaatumo ay gaareen Garowe si ay ugu biiraan xalka xaaladda taagan.

Dhinaca kale siyaasiyiin iyo waxgarad kale ayaa iyana isku xilqaamay sidii xiisaddu aysan u noqon mid intaa dhaafta.

Xigasho BBC

{DAAWO MUQAALKA} Booliska Dowladda Deegaanka Soomaalida oo qabtay 3 Gaari oo laga soo xaday Magaalada Addis Ababa

0
Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Booliska Dowladda Deegaanka Soomaalida oo qabtay 3 Gaari oo laga soo xaday Magaalada Addis Ababa.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Somalia president co-hosts global food summit with PM Sunak in London

0

Monday  Nofembar 20, 2023 {HMC}  President Hassan Sheikh Mohamud co-hosts a global food security summit with British Prime Minister Rishi Sunak, state media reports, just at the time Somalia is grappling with flush floods after long dry spells that have caused massive loss of lives.

According to state media, the meeting takes place on Monday [today] with organizers saying the summit is being heralded as a pivotal “reset moment” in addressing the ongoing global food security crisis. Somalia is one of the countries struggling with food insecurity.

“The focus will be on sustainable solutions to ensure food security, particularly in regions severely impacted by climate change, conflict, and economic instability,” Village Somalia noted.

Somalia’s severe food shortages are caused by frequent droughts and heavy rains, making it difficult for farmers to carry out uninterrupted farming. In this process, the country has found the United Kingdom as a pillar in matters of food security.

The UK’s expertise and resources combined with Somalia’s firsthand experience in dealing with food crises are expected to bring valuable insights to the discussions, authorities in Somalia said.

“The summit will feature various sessions focusing on innovative agricultural practices, climate-resilient farming, and international cooperation for resource allocation,” state media reports. “Special emphasis will be laid on supporting countries like Somalia, which are at the frontline of the food security battle due to geographic and sociopolitical factors.”

President Hassan’s involvement in the summit is seen as a crucial step in amplifying the voices of African nations in the global dialogue on food security. His leadership and insights are anticipated to drive meaningful conversations around tailored solutions for regions most in need.

Despite being an arid country, Somalia gives room to many farmers who use irrigation to increase food production.

Most farmers use water from Rivers Juba and Shabelle, which draw water to the Indian Ocean, with the country also enjoying 3,333 kilometers of coastline.

{DHAGAYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn 20/11/2023

0

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdimaajid Abdiraxmaan Aadan

Farsamadii :Abdimajiid Aweeys isaaq

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

Booliska DF oo shaaciyey qabashada xubno Daacish ah iyo kiisas kale oo culus

0

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo amni oo dalka ka dhacay, kuwaas oo lagu soo qabtay ugu yaraan 20 qof oo ku eedeysan dembiyo kala duwan.

Afhayeenka ayaa sheegay in xubnaha qaar maxkamad la hor geeyey halka kuwo kalena ay weli baaritaano ku socdaan.

Dadka la qabtay waxaa ka mid ah afar nin oo ajaanib ah, kuwaas oo lagu qabtay deegaanada Puntland, xilli ay u socdeen kooxda Daacish.

Raggaan ajaanibta ah waxaa la xaqiijiyey inay ka soo jeedaan dalka Marooko, sida uu shaaciyey afhayeenka booliska Soomaaliya, waxaana la sheegay inay u socdeen kooxda Daacish ee ku jirta buuraha Calmiskaad.

Nin kale oo Daacish ka tirsanaa ayaa saakay lagu qabtay Boosaaso, isagoo maleegaya qarax uu la damacsanaa shirkad ganacsi oo ku taalla Boosaaso, sida uu sheegay afhayeenku.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dalka dibadiisa caafimaad loogu qaaday askarigii isku dhigay qaraxii ay Shabaab la damacsanaayeen inay gudaha u geliyaan magaalada Dhuusamareeb.

Afhayeenka Booliska ayaa xusay in weli caafimaadkooda lala tacaalayo labo askari oo boolis ah oo ku dhaawacmay qarax ay fashiliyeen.

Qaraxaas oo is-miidaamin ahaa ayaa habeeno ka hor ka dhacay agagaarka Baar-Bulsho ee degmada Howlwadaag, waxaana ku geeriyooday naftiisa haligihii lagu soo xiray oo kaliya.

{DAAWO SAWIRADA} FAAH FAAHIN Sirdoonka Maamulka Puntland Oo Fashiliyay Qaraxyo Lala Damacsanaa Ganacsiyada Boosaso

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Maamulka Puntland, (PISA) ayaa sheegtay inay fashilisay Qaraxyo la doonaayey in lagu dhibaateeyo Shacabka magaalada Bosaso iyo hantidooda,

Qoraal kasoo baxay hay’adda PISA, ayaa lagu sheegay in hay’addu ay qaraxyadan fashilisay daqiiqado ka hor inta aysan kooxda soo abaabushay fulinin qaraxyadan.

Sida ka muuqatay sawirro lagasoo qaaday, waa dhowr miino oo ah kuwa dhulka lagu qariyo. Hay’adda PISA ma aysan sheegin goobaha bartilmaameedka u ahaa qaraxyadan.

Waxay kusoo beegmeen qaraxyadan, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay la bartilmaameedsanayay xarumaha ganacsiga ee magaalada Bosaso, waxaana muddo sanad gudaheed ah la gubay dhowr shirkadood.

Dhawaan ayeey aheyd markii qarax ayaa lagu weeraray xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Golis ee magaalada Bosaso. Hay’adaha amniga ayaa sheegay inay falalkan u dhacayaan si lacago baad ah looga qaado shirkadaha ganacsiga.

Golaha Ammaanka ee Qaramada oo cusboonaysiiyay cunaqabataynta hubka ee Saaran Soomaaliya

0

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiyay cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya ilaa dhamaadka sanadkan.

Golaha Ammaanku waxay kordhinta cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, ku ansixiyeen kulankoodii 9477th, 15kii Noofambar 2023.

Iyagoo ka hadlayay xaaladda Soomaaliya, waxay Golaha Ammaanku go’aamiyeen in xaaladda Soomaaliya ay weli tahay mid khatar ku ah amniga caalamka.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale cusbooneysiiyay shaqada guddiga khubarada ee la socodka cunaqabataynta Soomaaliya, ilaa iyo 31ka Diseembar 2023.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey golaha ammaanka uga codsatay in laga qaado cunaqabataynta hubka, iyadoo sheegtay in ay u baahan tahay inay hesho hub ay kula dagaalanto kooxda Alshabaab.

Waxay ahayd Janaayo 1992, markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu si wadajir ah u meel mariyey Qaraar tirsigiisu yahay 733, kaasoo cunaqabatayn dhanka hubka ah saaray Soomaaliya.

 

BBC journalist ‘gave evidence in Somali rapist’s deportation case’

0


By Louisa Clarence-Smith
Monday November 20, 2023

A BBC journalist was hired to give evidence used in a tribunal where a Somali rapist was trying to stay in the UK, it has been claimed.

Mary Harper, the BBC’s Africa editor, was hired as an expert witness by lawyers representing Yaqub Ahmed, in an attempt to block his deportation to Somalia, The Mail on Sunday reported.

The journalist has given evidence in at least seven further immigration cases in the past decade, including in support of a Somali who committed sexual assault on a deaf teenage girl, it was claimed.

Ahmed is a gang rapist who was jailed in 2008 for attacking a teenage girl in London after she was lured from Leicester Square to a flat in Crouch End.

His planned deportation in 2018 was stopped after holidaymakers on his flight from Heathrow to Istanbul staged a revolt prior to take-off after Ahmed claimed he was being separated from his family and would be killed.

Ms Harper was hired by Ahmed’s London lawyers, Wilson Solicitors, to give evidence in 2021, it is understood.

Appearing at a First-tier immigration tribunal in West London, Ms Harper reportedly told judges that Ahmed could be targeted by terrorist group al-Shabaab because it would want to punish him for raping a 16-year-old girl in the UK.

She is said to have claimed he could be harassed by Somali security forces and would struggle to find a job in Mogadishu’s construction industry because he lacked the right skills.

She also reportedly claimed that the Home Office plans to fly Ahmed to Mogadishu on a charter flight and put him up in a safe hotel would wrongly mark him out as a spy.

The BBC is facing questions about how Ms Harper was able to give evidence as an employee of the broadcaster.

BBC face ‘serious questions’
Dame Priti Patel, the former home secretary, said it was “appalling” that Ms Harper had given evidence.

She said: “I think there has to be serious questions about why a BBC journalist was allowed to give evidence in a case like this. Under what grounds did the BBC see that as appropriate?”

A BBC spokesman said: “There is nothing in the BBC’s Editorial Guidelines that prevents staff acting as expert witnesses who, as set out by the Tribunal Procedure Rules, are required to be objective and impartial in their evidence over any other obligation.”

The BBC declined to clarify whether Ms Harper would have been required to seek permission from the corporation before acting as an expert witness in the rapist’s hearing.

Ms Harper has served as the BBC’s Africa editor for almost 15 years, according to her LinkedIn profile.

The website also states that she was educated at £42,000-a-year Bedales School in Hampshire, before studying at Cambridge and the School of Oriental and African Studies.

Concerns surrounding objectivity

Immigration judges have raised concerns about the objectivity of her evidence, The Mail on Sunday reported.

“It was concerning to hear that she had not read thoroughly key material concerning the appellant’s case,” the judges reportedly said.

“The failure to do so and the failure to make reference to previous contrary findings by the tribunal when providing her opinion about risk caused us to have concerns about the objectivity of her evidence on this issue.”

Ms Harper’s evidence was said to have been criticised for “unhelpfully” citing cases that took place outside Mogadishu.

The judges disagreed with her warning about a charter flight in Ahmed’s case and said they agreed with the Home Office “that a charter flight would be a very unusual and counterproductive way to transport a spy”.

In a separate case involving a Somali with a history of offending, Ms Harper’s evidence was also criticised by a judge for lacking objectivity, it was claimed.

The judge said he could attach “little weight” to a report she had prepared, saying it “lacks the objectivity demanded and her review of the country information available is selective”, according to the Sunday newspaper.

Meanwhile, the judges in Ahmed’s case reportedly said they had “significant concerns” about her evidence “containing the same failings as those for which she had been criticised previously”.

Ahmed was reported to have been deported back to Somalia in August.

Ms Harper has been contacted for comment.

{DAAWO MUQAALKA} Afhayeenka Booliska oo ka warbixiyay Qarax la fashiliyay iyo in ka bada 20 AS ah oo laso qabtay.

0
Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Afhayeenka Booliska oo ka warbixiyay Qarax la fashiliyay iyo in ka bada 20 AS ah oo laso qabtay.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Ingiriiska oo Soomaaliya ugu Deeqday Boqol Milyan oo Doollar

0

London; Nofeembar 20, 2023; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macaluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka roobka ee barakiciyey kumannaan qoys.

Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay in Boqortooyadu ay bilaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhaftay in ay Boqol Malyan oo Doollar ay arrinkaas u qorsheeyeen.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha.

Madaxweynaha ayaa xusay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada beeraha, kuwaas oo argagixisada Alshabaab ay curyaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii beeralayda ahaa.


DHAMMAAD