Home Blog Page 3142

Magaalo lacag abaal-marin ah siineysa qofkii soo sheega xogta qof tuugsanaya !

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Warbaahinta dalka Hindia ayaa aad u hadal heysa ammar kasoo baxay masuuliyiinta maamulka Hyderabad ee ku taalla Koonfurta dalka Hindia, kuwaa oo doonaya in magaaladaasi laga mamnuuco dadka tuugsanaya.

Maamulka magaalada ayaana sheegay in qorsheenayaan kahor 15-ka bisha December ee sannadkan in magaalada laga sifeeyo gabi ahaan dadka tuugsanaya, kuwaa ay ku eedeeyeen in ay wax u dhimeen sumcada magaalada iyo dadkeeda.

Waxaana loo ballan-qaaday dadka soo sheega sidoo kale keena xogta dadka magaalada ku dhax tuugsanayo in la siinayo abaal-marin lacageed oo dhan 500 oo rupee oo u dhiganta 7 doolarka Mareykanka.

Taliyaha booliiska ee magaalada Hyderbad ayaa ku dhawaaqay labo billood oo magaalada laga mamnuucayo dadka tuugsada, waxa ayna booliiska bilaabeen in meelaha qaar ka qab qabtaan dadka tuugsada.

Tallaabadan booliiska iyo masuuliyiinta magaalada Hyderbad qaadeen ayaa la sheegay in ay salka ku heyso booqasho magaaladaasi ku tageyso Ivanka Trump oo ah gabadha madaxweynihii hore ee Mareykanka, waxaana arrintan beeniyay masuuliyiinta magaalada.

Israa’iil oo baahisay muuqaal ku saabsan dadka Xamaas afduubatay oo Isbitaal la geenayo

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Milatariga Israa’iil ayaa siidaayay muuqaal kaamirooyinka CCTV-ga ah oo muujinaya laheysteyaal Israa’iiliyiin ah oo la geynayo isbitaalka al-Shafa, oo ah isbitaalka ugu weyn Qasa, kaddib weerarradii 7-dii Oktoobar ee Xamaas.

Afhayeen u hadlay ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in mid ka mid ah dadka la qafaashay oo ahayd haweeney askariyad ah lagu dilay halkaas.

Waxa uu sheegay in 19-sano jir ka tirsaneed ciidamada Israa’iil oo lagu magacaabi jiray Captain Nova la dilay ka dib markii isbitaalka la keenay iyadoo dhaawac fudud ah.

Israa’iil ayaa ku celcelisay in Xamaas ay isbitaalka al Shifa ka dhigtay saldhig, balse Xamaas ayaa arrintaa beenisay.

“Saaka waxaan ku wargelinnay qoyska Nova, sidaan ogaannay, waa la afduubay oo waxaa lagu hayay guri ku dhow isbitaalka al-Shafa,” afhayeenka milatariga Israa’iil Daniel Higri ayaa sidaa u sheegay wariyaasha.

Xamaas ayaa hore u sheegtay in Marciano Nova oo ka tirsanayd ciidamada Israa’iil lagu dilay weerar cirka ah oo ay Israa’iil fulisay, kaas oo ay milatariga Israa’iil sheegeen in uu dhacay 9-kii November.

Afhayeenka milatariga Israa’iil Rear Admiral Hagari ayaa dib u daawaday muuqaalka CCTV oo uu sheegay in laga soo bilaabo subaxnimadii 7-dii October, maalintii Xamaas ay weerar kedis ah ku qaaday koonfurta Israa’iil kaas oo ay ku dhinteen 1,200 oo Israa’iiliyiin ah. Tirada dadka Xamaas qafaalatay ayaa lagu sheegay 240 qof.

Nin ku eedeysan dilka Hooyo iyo Carruurteeda oo maxkamad ciidamada lasoo taagay

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Maxkamadda ciidmada Qalabka sida ayaa u fariisatay dhageysiga kiiska xubna katirsan Al Shabaab, kuwaas lagu soo eedeeyay qaraxyo ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho oo dad shacab ah ay ku dhinteen.

Maxkamadda ayaa waxaa lasoo taagay eedeysane lagu magacaabo Yuuqow Caliyow Xaaji oo lagu eedeeyay inuu Al Shabaab u qaabilsanaa dhanka amniyaadka, uuna ka howlgalayay caasimadda, gaar ahaan waddada dheer ee xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye.

Ninkan ayaa si gaar ah loogu eedeeyay inuu ka dambeeyay qarax miino oo ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir, kaas oo lagu dilay ugu yaraan 4 qof oo kala ahaa hooyo iyo laba carruur ah oo ay dhashay iyo sidoo kale darawal mooto Bajaajleh ahaa

Xeer Ilaaliye Ku Xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Axmed Cabdalle ayaa sheegay inuu ninka halis ahaa, isla-markaana uu ka shaqeynayay sidii uu u beegsan lahaa dadka shacabka ah ee mara waddadaasi.

“Ninkan wuxuu isku kor dilay laba wiil oo aan qaan gaar ahayn iyo hooyadood waa ninka maalin walba waddada Afgooye aadeyso illaa Muqdisho isku xirto la raadsanaayay inuu qarax dhigo oo uu dad badan ku laayo bis” ayuu yiri ku xigeenka xeer ilaaliyaha ciidamada.

Maxkamadda waxaa sidoo kale kasoo muuqatay haweeneyd Ruqiyo Jaamac Khayre oo iyana lagu eedeeyay inay hubka u kaydin jirtay argagixasada taas oo laga soo qabtay deegaanada Ceelasha Biyaha,lana shaqeyneysay eedeysanaha.

Xeer ilaalinta ayaa Maxkamadda ka codsatay in eedeysanayaasha lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay ‘khatar ku ahaayeen’ amniga guud ee dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada, G/Sare Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa soo xiray fadhigan, wuxuuna sheegay in go’aanka ay dib ka shaacin doonaan.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka

0

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn 20/11/2023

HOOS KA DAAWO WARARKA UGU WAAWEYN 

 

{DAAWO MUQAALKA} WAR DEG DEG AH 120 Askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku biiray Ciidanka Danab.

0
Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} WAR DEG DEG AH 120 Askari oo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo ku biiray Ciidanka Danab.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Khadiija Diiriye “ sanadkan inta uusan dhamaan waxaa la hergelin doonaa dhamaan hinside sharciyeedyada caruurta

0
Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Wasiirka Khadiija Diiriye “ sanadkan inta uusan dhamaan waxaa la hergelin doonaa dhamaan hinside sharciyeedyada caruurta

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DHAGAYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdi Majiid Isxaaq Osmaan Iyo Yasiin Daacad 

Farsamadii :Muuse Ali Herrow

HOOS KA DHAGEYSO WARKA Duhurnimo

{DAAWO MUQAALKA} Ra’isul Wasaare Xamse “waxaa Indhaheyga kusoo arkay dhibaatada ka taagan Doolow

0

Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} “waxaa Indhaheyga kusoo arkay dhibaatada ka taagan Doolow

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} GAROW isimmada SSC Khaatumo oo uyimid xal uhelista Khilaafka Doorashadda Pl

0
Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} GAROW isimmada SSC Khaatumo oo uyimid xal uhelista Khilaafka Doorashadda Pl

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Siddee dad ku haray gudaha Baladweyne ugu dhaxnool yihiin Fataahaada ku dhufatay Magaalada.

0
Isniin Nofembar 20, 2023 {HMC} Siddee dad ku haray gudaha Baladweyne ugu dhaxnool yihiin Fataahaada ku dhufatay Magaalada.

 

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA