Home Blog Page 401

{DAAWO MUQAALKA} iiraan oo ku Dhawaaqday ineeysan hishiis la galeeynin Mareeykanka

0

arbaco, 22 Oct 2025 {HMC}  iiraan oo ku Dhawaaqday ineeysan hishiis la galeeynin Mareeykanka

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

A.S oo dagaal Xoogan ku qaaday Xudur iyo xubno badan oo halkaas lagu dilay

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Maleeshiyaad ka tirsan ururka A.s ayaa xalay weerar ku qaaday duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool. Dagaalka ayaa ka dhacay meel ku dhow 8 km u jirta magaalada Xudur, iyadoo khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay

 

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si degdeg ah uga hortageen isku day weerar oo ay maleeshiyaadka A,S kusoo qaadeen. Ciidamada, oo helay xog cad oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyaadka, ayaa si degdeg ah uga jawaabay weerarka waxaana dagaal kooban oo aad u culus uu ka dhacay halkaasi

Inta la xaqiijiyay, ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxay dilay in ka badan 10 dagaalyahan oo ka tirsan maleeshiyaadka A,S. Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay hub culus, oo ay ka mid yihiin qori BKM iyo AK47

 

Taliyaha Guutada 9-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Yoonis Adan Xasan, ayaa warbaahinta u sheegay in guusha ay gaareen ciidamada ay tahay mid ka turjumaysa dadaallada joogtada ah ee lagu ciribtirayo Khawaarijta ee ku hanjaba inay ka waxyeeleeyaan shacabka gobolka Bakool

 

General Yoonis Adan Xasan ayaa tilmaamay in howlgalka ka dhacay Xudur uu yahay qayb ka mid ah qorshayaasha ciidamada Xoogga Dalka ee lagu ciribtirayo maleeshiyaadka A,S, kuwaasoo si joogto ah uga wadaan weeraro iyo falal amni-darro ah gudaha gobolka Bakool. Ciidamada ayaa xaqiijiyay inay sii wadi doonaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga gobolka, iyada oo aan loo ogolaan doonin Khawaarijta inay dhibaato ku hayaan shacabka

 

Weerarka ka dhacay duleedka Xudur ayaa qayb ka ah dadaallada dagaalka ee ka socda gudaha gobolka Bakool, halkaas oo ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay si joogto ah ula tacaalayaan weerarada Al-Shabaab. Gobolka Bakool ayaa waxaa ka taagan xaalad amni-darro oo ay ku dhuumaaleystaan maleeshiyaadka A,S, taas oo ka dhigaysa hawlgalada amniga mid muhiim ah.

Dibadbaxayaal careysan oo weeraray booliiska dalka Ireland

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Lix qof ayaa la xiray ka dib markii booliska Ireland lagu weeraray dhagxaan, baaruud iyo dhalooyin xilli ay ku sugnaayeen bannaanka hotel ay degganaayeen dad magangelyo doon ah magaaalda Dublin

 

Gaari booliis ah ayaa sidoo kale dab la qabadsiiyay hoteelka Citywest, fiidnimadii Talaadada. Ciidamo ka tirsan kuwa rabshadaha ka hortaga ayaa ka hor istaagay dibad baxayaasha in ay gaaraan hoteelka

 

Qaarkood waxay siteen fargeetooyiin iyo qalab beeraha, halka qaar kalena ay waxyeelo gaarsiiyeen darbiyada

 

Taliyaha booliiska Garda Justin Kelly ayaa yiri: “Falalka waxaa lagu tilmaami karaa oo kaliya tuugnimo.

Hay’adda WHO oo ka digtay halista faafitaanka Cudur Halis ah

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO oo ay wehliyaan Hay’ado kala duwan iyo Ururro Caalamaki ah ayaa si wadajir ah uga digay haddii aan dhaqaale loo helin ciribtirka cudurka Dabaysha in saamayn taban uu cudurkaas ku yeelanayo dadka u nugul

 

WHO ayaa dalbatay in la helo dhaqaale gaaraya $1.7 Bilyan oo doollar oo lagu maalgelinayo Tallaalkaan si loo helo daawada ay u baahan yihiin carruurta ku nool Dunida ee u nugul aafada ka dhalan karta cudurka kala dhima awoodda lixaadka qofka ee Dabaysha

 

Isbahaysiga Caalamiga ah ee Ciribtirka Dabaylaha GPEI, Ururka Caafimaadka Adduunka WHO iyo Sanduuqa Gates Foundation ayaa sheegay in hoos u dhaca Miisaaniyadda ay halis ku tahay kahortagga cudurka Dabaysha oo dunida dagaal adag ugu jirta sidii loo ciribtiri lahaa

 

Sanadka soo socda 2026 waxaa hoos loo dhigayaa miisaaniyadda iyada oo si tartiib-tartiib ah loo dhimayo ilaa laga gaaro sanadka 2029ka taasina ay khatar ku tahay sidii loo tirtiri lahaa cudurkaan oo kamid ah kuwa halista ah

 

Hay’adaha kala duwan ee Qaramada Midoobay hoostaga ayaa walaac ka muujinaya taageerro la’aanta haysata sanadihii u dambeeyay, waxa ay ku sheegeen in tani ay tahay dhabar jab xooggan maadaama taageero loo weynayo cudurro halis badan sida hadalka loo dhigay.

Dowladda Nigeria oo qabatay labo haween ah oo loo waday Soomaaliya.

0

Talaado 21, Oct 2025 {HMC} Guddiga Hisbah ee gobolka Kano ee dalka Nigeria ayaa badbaadiyey laba haween ah oo la sheegay in si sharci darro ah looga tahriibinayey gobolka Katsina islamarkaasna loo waday Soomaaliya.

Saraakiisha Hisbah ayaa sidoo kale xiray nin 43 jir ah oo lagu magacaabo Abubakar Adodo, kaas oo lagu tuhunsan yahay inuu ku lug lahaa isku dayga tahriibinta labada haweenka ah.

Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Hisbah, Sheekh Mujahid Aminudeen Abubakar, ayaa sheegay in howlgalka uu ka dhashay xog ay bixiyeen dad shacab ah oo ka shakiyay dhaqdhaqaaq tahriibin ah.

Saraakiisha Hisbah ayaa si degdeg ah uga falceliyey warbixinta, waxayna ku qabteen tuhunka goob basaska laga raaco ee magaalada Kano.

Labada haween ah ee la badbaadiyey ayaa lagu kala magacaabaa Hajara Ismail, oo 22 jir ah kana timid Funtua, iyo Bilkisu Haruna, oo 33 jir ah kana timid Kofar Marusa.

Waxaa la sheegay inay u socdeen magaalada Lagos, balse ay qorsheynayeen inay halkaas ka sii maraan dhanka Jamhuuriyadda Benin si ay ugu gudbaan Soomaaliya.

Sheekh Abubakar ayaa sheegay in tallaabada degdegga ah ee saraakiisha Hisbah ay ka hortagtay safarkii sharci darrada ahaa isla markaana ay xaqiijisay badbaadada haweenkaas.

Wuxuu intaas ku daray in ninka la tuhunsan yahay iyo labada haween ahba lagu wareejiyay Hay’adda Qaranka ee Ka Hortagga Tahriibinta Dadka (NAPTIP) si baaritaan dheeraad ah iyo dacwad rasmi ah loogu qaado.

Lama oga sababta ka dambeysa in haweenkaan loosoo tahriibin rabay Soomaaliya, inkastoo warbixinno hore lagu ogaaday in haween badan oo laga tahriibinayay Nayjeeriya loo isticmaalay in si qasab ah loogu shaqeysto.

Itoobiya oo la filaayo in ay dhawaan Hesho bad Cusub.

Arbaco 22, Oct 2025 {HMC} Sida ay baahisay warbaahinta laga lee yahay Dalka Itoobiya ee ‘Addis Standard’ oo xiganaysa khubarada dhulka ayaa ku warramaysa in uu wadakaas ku socdo ‘Dhul-dillaac xoogan’ loo badinayo Itoobiya in ay hesho bad cusub.

Dhul dilaaca ka socdo itoobiya Sannadihii la soo dhaafay uu sii socday dhul dilaacaas, waxaana la tilmaamay in qaraadda Afirka ay laba u kal qeyb samidoonto.

Arinta xiisahaa leh ee la tilmaamaayo waxa ay tahay in Soomaalida Dowlad deegaanka Soomaalida ay la go i doonaan Soomaaliya.

{DAAWO SAWIRADA} Ciidanka Gaarka ah oo howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyay Duleedka Muqdisho.

0

Talaado 21, Oct 2025 {HMC} Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Haramcad ayaa maanta howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyay daafaha magaalada Muqdisho.

Howlgalka oo qeyb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga caasimadda ayaa lagu bartilmaameedsaday goobo muhiim ah oo looga shakiyay dhaqdhaqaaqyo amnidarro.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa sheegay in ujeeddadu tahay kahortagga wax kasta oo halis ku ah amniga iyo xasilloonida magaalada, isla markaana lagu xaqiijinayo nabadda iyo kalsoonida shacabka.

Ciidanka Haramcad ayaa horey u sameeyay howlgallo miro dhal ah oo lagu soo qabtay dad iyo walxo khatar ku ahaa bulshada.

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Dani oo Weerar Afka Ku Qaaday DFS.

0

Talaado, 21 Oct 2025 {HMC} Madaxweyne Dani oo Weerar Afka Ku Qaaday DFS.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} {DAAWO MUQAALKA} Shuute iyo Askari soo dilay Saaxiibkiis.

0

Talaado, 21 Oct 2025 {HMC} Shuute iyo Askari soo dilay Saaxiibkiis.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

[DHAGEYSO WARKA] Warka Habeenimo ee Hiiraanweyn 21 10 2025

0

Talaado, 21 Oct 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo-  Yaasiin Ali Ahemed

Farsamadii. Muuse ali Herrow