Home Blog Page 408

Dadka Somaliland u safraya oo caqabad kala kulmaya nidaamka dal-ku-galka danabaysan ee Soomaaliya

0

Isniin 20 Act 2025 {HMC} Dadka u safraya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, ee ka imaanaya dibadda, ayaa sheegay in ay caqabado kala kulmaan nidaamka dal-ku-galka danabaysan (E-visa) ee ay dowladda Soomaaliya soo rogtay, iyadoo qaarkood laga reebay duulimaadyadii ay ku safrayeen.

Cabdiraxmaan Aadan, oo kamid ah qurbajooga Somaliland, oo shalay safar ku soo maray magaalada Dubai, ayaa Galaydh TV u sheegay in isaga iyo dad kale oo Hargeysa usoo safrayay lagu xidhay in ay fiisaha Soomaaliya soo qaataan. Kadib markii ay isku dayeen in ay dalbadaana, dowlada Soomaaliya ay ka xidhay nidaamkii, isla markaan ay muddo dheer go’doon ku ahaayeen Dubai.

Markii aan Dubai imid oo aan doonayay in aan u soo baxo dhinaca Somaliland ee Hargeysa, waxa dhacay in markii aan miisaankii tagay laygu yidhi ma sidata fiise. Waxaan tusay waraaq odhanaysa in qofku uu fiisaha ku qaato markuu yimaado; waxayna nagu yidhaahdeen sharciga Somaliland ma garanayno,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan.

Waxa uu sheegay in kadib markii ay fiisaha Soomaaliya soo heleen oo ay Hargeysa yimaadeen lagu amray in ay bixiyaan 60 dollar qofkiiba, iyagoo sheegay in aanay aqoonsanayn fiisaha Soomaaliya. Waxa uu sheegay in taasi ay ku noqotay dhib weyn.

Waxa uu intaas ku daray in maalinkasta qiyaastii ilaa 40 qof oo reer Somaliland ah diyaaradaha laga reebo arrintan fiisaha awgeed. “Marka waxa muuqata in dowladdii aanu dooranay qof kastaa shaqadiisii dayacay, oo dadkii shacabka ahaana lagu leeyahay waxbaanu wadna,” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee KAAH, Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa isna sheegay in lagu xanibay madaarka Dubai, isla markaana loo sheegay in uu soo qaato fiisaha Soomaaliya inkastoo markii dambe lasoo fasaxay.

“Aniga laygu yidhi Dubai ma haysata fiise, oo muran ku baxay, maanta way ka sii adkaatay. Dowladeena laga aqbali maayo, waa ku dhaliil, waraaqo ayaanu qornay, waa ku dhaliil. Waxa laga raba barnaamij ay kula dagaalanto barnaamijka E-visaha, waa in ay barnaamij E-visa ah sameeyaan, oo dadku halka ka qaato,” ayuu yidhi Xaashi.

Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan kusoo rogtay dadka u safraya Muqdisho, Hargeysa iyo magaalooyinka kale in ay online ku dalbadaan dalku-galka, taasi oo caqabad weyn ku noqotay dadka u safraya Somaliland, maadaama Somaliland ay diiday nidaamka dal-ku-galka Soomaaliya.

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 20-10-2025.

0

isnin, 20 Oct 2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 20-10-2025.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Dani ”Puntland Amniga ka ka jira waxaa keenay Ciidamada”

0

isnin, 20 Oct 2025 {HMC} Madaxweyne Dani ”Puntland Amniga ka ka jira waxaa keenay Ciidamada”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Hirshabeelle oo Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan

0

isnin, 20 Oct 2025 {HMC} Hirshabeelle oo Xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliland oo Lagu Xiray dad La shaqeeynayay Dowlada Soomaaliya.

0

isnin, 20 Oct 2025 {HMC} Soomaaliland oo Lagu Xiray dad La shaqeeynayay Dowlada Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wasiir Cumar ”Xukunka Maxkamada Galgaduud si Cadaalad ah uma dhicin wan kasoo horjeedaa”

0

isnin, 20 Oct 2025 {HMC} Wasiir Cumar ”Xukunka Maxkamada Galgaduud si Cadaalad ah uma dhicin wan kasoo horjeedaa”

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

MW Hirshabeelle oo xilka ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan

Isniin 20 Act 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta wareegto rasmi ah ku shaaciyay xil ka qaadis iyo magacaabis cusub oo ka dhacday maamulka gobolka Hiiraan.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in laga qaaday xilkii Guddoomiyihii Gobolka Hiiraan, Muuse Salaad Wehliye, isla markaana xilkaasi loo magacaabay Maxamed Xuseen Maxamed, oo noqon doona guddoomiyaha cusub ee gobolka.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa guddoomiyaha cusub ku booriyay inuu dardar geliyo howlaha maamulka gobolka, wax ka qabto xaaladaha amni ee ka taagan Hiiraan, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo inuu la shaqeeyo bulshada deegaanka si loo xoojiyo nabadda iyo horumarka.

Lama oga ilaa hadda sababta rasmiga ah ee Cali Guudlaawe uu xilka uga qaaday guddoomiyahii Gobolka Hiiraan, Muuse Xuseen Maxame

RW Xamsa & Wakiilka Gaarka Midowga Yurub oo kawad hadlay Iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha & Siyaasadda?

0

Isniin 20 Act 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Dalka Masar kula kulmay Wakiilka Gaarka ah Midowga Yurub ee Geeska Afrika Dr. Annette Weber oo ay kawada hadleen xoojinta iskaashiga Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Xamsa Cabdi Barre ayaa wafdiga Midowga Yurub u sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran guullo muhiim ah ka gaartay Amniga, Siyaasadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya saddexdii sanno lasoo dhaafay, haatan ayuu tilmaamay la sii dhammaystirayo waxyaabaha u dhiman.

Waxa uu soo hadal qaaday la dagaalka ‘AS’ oo uu sheegay in guullo waa weyn ay ka gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya, dib u dhiska ciidanka Qaranka iyo tayaynta adeegyada Bulshada ayuu xusay in xoogga la saaray.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub ee Geeska Afrika Annette Weber ayaa sheegtay in ay bogaadinayso waxqabadka Xukuumadda, waxa ay dhankeeda ka ballanqaadday in ay kordhineyso la shaqaynta si loo gaaro hiigsiga Mustaqbal wanaagsan.

Midowga Yurub ayaa Soomaaliya gacansiiya, waxyaabaha uu ururkaas ka taageero waxaa kamid ah dhinaca Amniga iyo dhaqaalaha, Ururkaan ayaa kol hore ku dhawaaqay in uu kordhinayo wadashaqaynta kala dhaxaysa Xukuumadda Federaalka.

Mucaaradka ah oo si adag u Cambaareeyay xarig Muqdisho loogu geystay Zamzam Cumar Cali?

0

Isniin 20 Act 2025 {HMC }  Madaxweynahii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Raysal wasaarahii hore Xasan Cali Kheyre ayaa si adag u cambaareeyay xiriga Xalay loogu geystay gudaha magaalada Muqdisho Zamzam Cumar Cali oo la tilmaamay iney ka mid aheyd dadkii dhawaan laga barakiyay xaafadda Siinaay ee degmada Warta Nabadda.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay haweeneydaan kasoo kaxeeyay hoygeeda, taasoo maalmahii lasoo dhaafay eedeymo culus u jeedineysay dowladda Fedaraalka Soomaaliya.

Haweeneydaan ayaa dhawaan kasoo muuqatay kulamo dadweyne oo ay soo abaabuleen xubnaha mucaaradka, halkaas oo ay ka sheegtay in dhibaato loo geystay iyada iyo qoyskeeda.

Xariga haweeneydaan waxaa sacaado kadib si adag ugu dhaliilay dowladda xubnaha mucaaradka ah oo qoraalo kala duwan kasoo saaray xariga haweeneydan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu kasoo saaray xariga haweeneydan ku tilmaamay afduub, isagoo sheegay inuu sii kordhayo tacaddiga ka socda magaalada Muqdisho oo ay dowladdu kula kaceyso dadka shacabka ah.

“Waxaan si adag u cambaareynayaa xariga iyo tacadiyadda sii kordhaya ee ka socda Magaaladda Muqdisho gaar ahaan dhacdada ugu dambeysay ee caawa gurigeeda loogala baxay Samsam Cumar Cali oo ka mid ah dumarka suuqa Siinaay, wuxuuna afduubkaasi hoosta ka xariiqayaa sida madaxda dowladda Federaalka ah ay ugu tumanayaan sharciga iyo nidaamka dowliga ah” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale xusay in falkaan foosha uu ku soo aadayo, iyadoo ay ciidanka Booliska sii wadaan barakicinta bulshada ku nool magaalada Caasimadda ah, islamarkaana la isugu darayo xarig iyo barakicin.

Dhinaca kale Raysal wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Khayre ayaa isna soo saaray qoraal uu ku cambaareynayo xariga ZamzamCumarCali, wuxuuna ugu baaqay dowladda iney si deg deg ah kusii dayso Zamzam Cumar Cali.

“Waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo hooyo Zamzam Cumar Cali oo duruufo adag ku korinaysa carruur agoon ah, kana joogsado xarigga hooyooyinka, barakicinta danyarta, iyo boobka dhulka dantaguud oo cuuryaaminaya horumarka dalka, dadka, iyo dowladnimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Xasan Cali Khayre

{DAAWO MUQAALKA} Taliye oo Odawaa oo Amar Dul dhigay Ciidamada Dowladda

0

isnin, 20 Oct 2025 {HMC}  Taliye oo Odawaa oo Amar Dul dhigay Ciidamada Dowladda

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA