isnin, 20 Oct 2025 {HMC} Dhalinyaro Soomaaliya ah oo laga soo Badbaadiyey Magafayaasha Dalka Liibiya.
{DAAWO MUQAALKA} Taliye Sahal ”Jaad waa ka mamnuuc Xeryaha Ciidamada cidii lagu arkaane makamad ayaa la geeynaa”
isnin, 20 Oct 2025 {HMC} Taliye Sahal ”Jaad waa ka mamnuuc Xeryaha Ciidamada cidii lagu arkaane makamad ayaa la geeynaa”
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Dad ku Geeriyooday Diyaarad ku burburtay Dalka Hong Kong
isnin, 20 Oct 2025 {HMC} Dad ku Geeriyooday Diyaarad ku burburtay Dalka Hong Kong
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo Billowday qorshe looga hortagayo Dagaalada ka dhaca Gobolka Mudug.
isnin, 20 Oct 2025 {HMC} Puntland oo Billowday qorshe looga hortagayo Dagaalada ka dhaca Gobolka Mudug.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
{DAAWO MUQAALKA} Tahriibayaal Soomaali ku jirto oo ku Geeriyooday Dalka Taliyaaniga.
isnin, 20 Oct 2025 {HMC} Tahriibayaal Soomaali ku jirto oo ku Geeriyooday Dalka Taliyaaniga.
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA
Fariin Digniin Fatahaad ah oo ka timid Hay’adda SODMA
Qamiis 6 November 2025 {HMC} Ujeeddo: Digniin ku saabsan halis fatahaad oo ka imaan karta roobab mahiigaan ah
Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SODMA) waxay si rasmi ah u ogeysiinaysaa dhammaan bulshada ku nool magaalada Baladweyn in ay jirto halis fatahaad oo laga cabsi qabo in ay saameyso magaalada iyo nawaaxigeeda.
Warbixinaha saadaasha cimilada iyo xogaha laga helay dalka Itoobiya ayaa muujinaya in roobab mahiigaan ah ay ka da’ayaan dhulka sare ee webiga Shabeelle, taasoo keeni karta in biyo xoog leh ay ku soo fatahaan magaalada Baladweyn maalmaha soo socda.
Talooyin Muhiim ah:
Bulshada waxaa lagu boorinayaa in ay ka fogaadaan hareeraha webiga Shabeelle.
Dadka ku nool meelaha hoose ee fatahaadda u nugul waa in ay si degdeg ah u diyaariyaan meelo badbaado leh.
La soco wararka rasmiga ah ee ka soo baxa hay’adaha dowladda iyo warbaahinta maxalliga ah.
Ka qeyb qaado wacyigelinta bulshada si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara fatahaadda.
SODMA waxay la socon doontaa xaaladda si joogto ah, waxayna bulshada la wadaagi doontaa warbixinno dheeraad ah marka ay soo baxaan.
Madaxweyne Firdhiye oo soo magacaabay golihiisa wasiirrada oo ka kooban 21 xubnood?
Isniin 20 Act 2025 {HMC } Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdiqaadir Axmed Cali (Firdhiye), ayaa magacaabay Golihiisa Wasiirrada oo ka kooban 21 xubnood, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday xafiiskiisa.
Liiska wasiirrada cusub ayaa waxaa ku jira hal haweeney, halka qaar kalena ay yihiin xildhibaano iyo wasiiro hore uga tirsanaa maamulka Puntland.
Madaxweyne Firdhiye ayaa sidoo kale dib u soo celiyay qaar kamid ah wasiirradii hore ee maamulka SSC-Khaatumo, isagoo sheegay in magacaabistu ay tahay mid lagu dhisayo xukuumad isku dhafan oo waafaqsan baahida bulshada.
Weli lama magacaabin wasiir ku-xigeennada iyo wasiiru-dowlayaasha maamulka, waxaana la filayaa in lagu dhawaaqo maalmaha soo socda.
Ka hor magacaabista Golaha Wasiirrada, Madaxweyne Firdhiye iyo Madaxweyne ku xigeenkiisa Abwaan Cabdirashiid ayaa isku khilaafay saami qeysbiga Golaha xukuumadda, inkastoo markii dambe xal laga gaaray.
Isla maanta ayaa lagu wadaa in la dhaariyo xubnaha wasiirrada oo intooda badan ay ku sugan yihiin magaalada Laascaanood.
Beelaha ay kasoo jeedaan Golaha Wasiirada Maamulka Woqooyi-bari ee Madaxweyne Firdhiye magacaabay
Isniin 20 Act 2025 {HMC } 1- Wasiirka Cadaalada & Arrimaha Diinta; Yusuf Maxamed Cali. Hayb ahaa waa Dhulbahante, Barkad.
2- Wasiirka Arrimaha Gudaha; Ahmed Cali Yakhle. Hayb ahaan waa Warsangeli, Cumar, Bah-ogayslabe.
3- Wasiirka Maaliyadda; Cabdiqani Xuseen Hiirad. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Naaleeye Axmed, Reer Aadan.
4- Wasiirka Caafimaadka; Dr Adam Jaamac Muuse Hayb ahaan waa Dhulbahante, Xasan Ugaas.
5- Wasaaradda Qorsheynta; Cali Dhakaawe Warsame; Hayb ahaan waa Dhulbahante, Bah-hararsame
6- Wasaaradda Amniga; Cabdirisaaq Faarax Warsame Hayb ahaan waa Warsangeli, Cumar, Bihidoor.
7- Wasaaradda Tamarta & Biyaha; Cabdi Xasan Maxamed. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Cumar Waceys.
8- Wasaaradda Macdanta & Batroolka; Mustafe Cabdinaasir Cismaan. Hayb ahaan waa Warsangeli, Dubeys.
9- Wasiiradda Waxbarashada; Daahir Cabdirisaaq Axmed. hayb ahaan waa Dhulbahante, Khaalid.
10- Wasiiradda Kaluumaysiga; Ismaacil Shiikh Saalax. Hayb ahaan waa Warsangeli, Warlabe.
11- Wasaaradda Arrimaha Qoyska; Saynab Calwaash. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Yaxye.
12- Wasaaradda Deegaanka; Siciid Maxamed Abdirahman. Hayb ahaan waa Warsangeli, Aadan Siciid.
13- Wasaaradda Xanaanada Xoolaha; Mahad Siciid. Hayb ahaan waa Warsangeli, Dubays.
14- Wasaaradda Hawlaha Guud; Jaamac Faarax. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Reer Hagar.
15- Wasaaradda Duulista; Axmed C. Shire; Hayb ahaan waa Warsangeli, Reer Xaaji.
16- Wasaaradda Ganacsiga; Abdiweli Xuseen. Hayb ahaan waa Jibraahil, Ogaadeen.
17- Wasaaradda Warfaafinta; Axmed Abdirasaq Diiriye. Hayb ahaa waa Dhulbahante, Qayaad.
18- Wasaaradda Beeraha; Cabdikarin Maxamuud Cabdi. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Cali-geri.
19- Wasaaradda Gargaarka; Maxamed Diiriye Faarax Shariif. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Nuur Axmed.
20- Wasaaradda Ciyaaraha; Ibraahin Reygal. Hayb ahaan waa Dhulbahante, Hayaag.
21- Wasaaradda Dekeddaha & Gaadiidka Badda; Cabdulqadir M. Ducaale. Hayb ahaan waa Warsangeli, Cumar, Nuux Cumar.
Wadar-guud
Dhulbahante: 12
Warsangeli: 8
Ogaadeen: 1
Fiqishini: 0
Majeerteen: 0
Madhibaan: 0
Axmed Harti: 0
Dir: 0
W/Q Mohamed Yusuf Bakayle.
FG. Kama dhigna Qabyaalad ee waxay ka turjumaysaa inaad si fudud u fahamto metelaada beeshaadu ka heshay Golaha Wasiiradda Maamulka Woqooyi-bari.

Galgadud regional court sentences men accused of killing mother and child.
Sunday 19 Oct 2025 {HMC} The Galgaduud Regional Court of the Galmudug Administration today sentenced three men accused of killing a mother and her three daughters in an area under the Qayib City of the Galgaduud region.
The court’s judiciary said that there was no evidence that the three men, Ayuub Mohamed Abdi, Galad Ahmed Hussen and Abdi Osman Abdullahi, killed Mother Sahro Artan Hirsi and her three daughters, Nuuro Ahmed Mahmoud, Xawo Ahmed and Fa’iso Ahmed.
The judiciary also said that the heirs refused to take the oath or have the defendants swear, and this step did not result in their conviction.
Trump oo Si cad u sheegay in uu Mareykanka khiyaamay Shiinaha.
Axad 19 Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump ayaa Fox News u sheegay ; “Shiinaha wuxuu na khiyaamay laga soo bilaabo maalintii ugu horreysay.
Richard Nixon ayaa oggolaaday in arrintan dhacdo, isagaa u albaab uu tartan nagula galo u furay Shiinaha.”
Sannadkii 1972, madaxweynihii Mareykanka Richard Nixon ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay Beijing, taasoo ahayd markii ugu horraysay ee hoggaamiye Mareykan ah uu si rasmi ah u booqdo Shiinaha.
Safarkaasi wuxuu jebiyay go’doonkii diblomaasiyadeed ee Shiinaha, wuxuuna horseeday in la furo xiriir ganacsi iyo mid siyaasadeed oo cusub.Shiinaha ayaa si tartiib ah ugu biiray nidaamka ganacsiga caalamka, ugu dambeynna wuxuu helay xubinimada WTO (World Trade Organization) sannadkii 2001.
Trump wuxuu rumeysan yahay in xiriirkaas uu sababay in Mareykanka uu waayo awooddiisii warshadaha, halka Shiinaha uu ka faa’iiday si uu u noqdo quwad dhaqaale.
Sida uu sheegay, shirkadaha Mareykanka ayaa u guuray Shiinaha si ay u helaan shaqaale jaban, taasoo keentay in shaqooyin badan laga waayo gudaha Mareykanka, halka Shiinaha uu kobcay dhaqaale ahaan.
Hadalka Shiinaha wuxuu na khiyaamay, wuxuu ka tarjumayaa aragtida Trump ee ah in Shiinaha uu si cadaalad darro ah uga faa’iidaysatay heshiisyada ganacsiga, isagoo adeegsanaya farsamooyin ay ka mid yihiin:
inuu xaday tiknoolajiyada Mareykanka, shirkadaha shisheeye ku qasbay inay xogtooda la wadaagaan, taa oo ay weheliyay kordhinta wax soosaarka dibadda loo dhoofinayo, halkaana waxaa ku lumay awooddii ganacsi ee Mareykanka.



