Home Blog Page 410

Galgadud regional court sentences men accused of killing mother and child.

0

Sunday 19 Oct 2025 {HMC} The Galgaduud Regional Court of the Galmudug Administration today sentenced three men accused of killing a mother and her three daughters in an area under the Qayib City of the Galgaduud region.

The court’s judiciary said that there was no evidence that the three men, Ayuub Mohamed Abdi, Galad Ahmed Hussen and Abdi Osman Abdullahi, killed Mother Sahro Artan Hirsi and her three daughters, Nuuro Ahmed Mahmoud, Xawo Ahmed and Fa’iso Ahmed.

The judiciary also said that the heirs refused to take the oath or have the defendants swear, and this step did not result in their conviction.

 

Trump oo Si cad u sheegay in uu Mareykanka khiyaamay Shiinaha.

0

Axad 19 Oct 2025 {HMC} Madaxweynaha Dalka Mareykanka Trump ayaa Fox News u sheegay ; “Shiinaha wuxuu na khiyaamay laga soo bilaabo maalintii ugu horreysay.

Richard Nixon ayaa oggolaaday in arrintan dhacdo, isagaa u albaab uu tartan nagula galo u furay Shiinaha.”

Sannadkii 1972, madaxweynihii Mareykanka Richard Nixon ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay Beijing, taasoo ahayd markii ugu horraysay ee hoggaamiye Mareykan ah uu si rasmi ah u booqdo Shiinaha.

Safarkaasi wuxuu jebiyay go’doonkii diblomaasiyadeed ee Shiinaha, wuxuuna horseeday in la furo xiriir ganacsi iyo mid siyaasadeed oo cusub.Shiinaha ayaa si tartiib ah ugu biiray nidaamka ganacsiga caalamka, ugu dambeynna wuxuu helay xubinimada WTO (World Trade Organization) sannadkii 2001.

Trump wuxuu rumeysan yahay in xiriirkaas uu sababay in Mareykanka uu waayo awooddiisii warshadaha, halka Shiinaha uu ka faa’iiday si uu u noqdo quwad dhaqaale.

Sida uu sheegay, shirkadaha Mareykanka ayaa u guuray Shiinaha si ay u helaan shaqaale jaban, taasoo keentay in shaqooyin badan laga waayo gudaha Mareykanka, halka Shiinaha uu kobcay dhaqaale ahaan.

Hadalka Shiinaha wuxuu na khiyaamay, wuxuu ka tarjumayaa aragtida Trump ee ah in Shiinaha uu si cadaalad darro ah uga faa’iidaysatay heshiisyada ganacsiga, isagoo adeegsanaya farsamooyin ay ka mid yihiin:

inuu xaday tiknoolajiyada Mareykanka, shirkadaha shisheeye ku qasbay inay xogtooda la wadaagaan, taa oo ay weheliyay kordhinta wax soosaarka dibadda loo dhoofinayo, halkaana waxaa ku lumay awooddii ganacsi ee Mareykanka.

Pakistan oo dayax-gacmeed casriga ah u dirtay hawada sare.

0

Axad 19 Oct 2025 {HMC} Dowladda Pakistan ayaa maanta hawada sare u dirtay dayax-gacmeed nooca casriga ah ee hyperspectral, kuwaasoo la socon kara isbeddelada dhulka , waxayna qaban karaan dhaqdhaqaaq iyo soo gudbinta warbixino aysan awoodin dayax-gacmeedyada kale, iyadoo Pakistan ay ku dhawaaqday inay tani u tahay guul taariikhi ah.

 

Dayax-gacmeedkan waxaa laga diray xarunta Jiuquan Satellite Launch Centre ee waqooyi-galbeed ee dalka Shiinaha, tallaabo ay Pakistan iyo Shiinaha sare ugu qaadayaan iskaashigooda tiknoolajiyada casriga ah, sida uu weriyey RT.

Xukunkii edeysanayaashii loo heystay dilka hooyo iyo caruurteeda.

0

Axad 19 Oct 2025 {HMC} Maxkamadda gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa maanta xukunno ku riday saddex nin oo ku eedeysnaa in ay dileen Hooyo iyo saddexdeeda gabar oo ku sugnaa deegaan hoos yimaada Magaalada Qaayib ee gobolka Galgaduud.

Garsoorka Maxkamadda ayaa sheegay in ay waayeen caddeymo saddexda nin ee kala ah Ayuub Maxamed Cabdi,⁠ Galad Axmed Xuseen ⁠iyo Cabdi Cisman Cabdulaahi ay dileen Hooyo Sahro Cartan Xirsi iyo saddex gabar oo ay dhashay kuwaasi oo kala ah Nuuro Axmed Maxamuud, Xaawo Axmed iyo Faa’iso Axmed.

Sidoo kale, Garsoorka ayaa sheegay in dadka leh dhaxalka ay diideen in ay dhaartaan ama dhaariyaan eedeysaneyaasha, tillaabadaasina aysan keeneyn in lagu helay dambiga.

Garsoorka Maxkamadda, Cabdi Cisman iyo Galad Axmed ayaa lagu xukumay tacsiir shan sano ah, halka Ayuub Maxamed lagu xukumay saddex sano ah.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 19-10-2025.

0

Axad, 19 Oct 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

DFS oo ku dhawaaqday in bilaha soo socda dhalinyaro badan shaqo abuur loo sameynayo.

Axad 19 Oct 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa awood siisay in ka badan 1,000 dhalinyaro ah, iyada oo labaray xirfado ganacsi oo fure u noqday fursado shaqo-abuur iyo isku-filnaansho.

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay munaasabadda qalin-jabinta dhalinyarada ka faa’iideysatay Barnaamijka Dhaqaalaha loo Dhan yahay ee Baxnaano, kaas oo qayb weyn ka qaatay kobcinta xirfadaha ganacsi iyo dhiirrigelinta isku-filnaanshaha dhalinyarada Soomaaliyeed.

 

Munaasabadda qalin-jabinta ayaa lagu qabtay Muqdisho, waxaana ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wasiiro ka tirsan Xukuumadda Dan-Qaran, xildhibaano labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ururrada bulshada rayidka iyo marti sharaf kale.

 

Masuuliyiinta madasha ka hadlay ayaa bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ay ku leedahay horumarinta dhalinyarada iyo natiijada la taaban karo ee ka dhalatay mashruuca Baxnaano.

 

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Xildhibaan Yusuf Mohamed ayaa ugu dambeyn hambalyo u diray dhalinyarada qalin-jabisay, isaga oo xusay in bilaha soo socda la qorsheynayo in xirfado shaqo lagu abuuro in ka badan 40,000 dhalinyaro ah si loo sii xoojiyo dadaallada lagu yaraynayo shaqo la’aanta iyo saboolnimada dalka.

 

Barnaamijka Baxnaano ayaa qayb ka ah dadaallada ay dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunku ku doonayaan in lagu horumariyo nolosha bulshada Soomaaliyeed, lana xaqiijiyo koboc dhaqaale oo waara.

Xiisad ka dhalatay Maxkamadeyntii Raggii loo heystay dilka Hooyo iyo saddexdeeda Gabdhood.

Axad 19 Oct 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xiisad adag ay ka dhalatay fadhigii Maxkamadda Gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu dhageysanayay dacwad ku saabsan dilka hooyo iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, kuwaas oo dhawaan lagu dilay magaalada Qaayib.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug iyo ehellada marxuumiinta ayaa maanta si wadajir ah uga baxay fadhigii maxkamadda, kadib markii garsoorayaashu sheegeen in xeer-ilaalintu keeni weyday caddaymo ku filan oo lagu xukumo eedeysanayaasha, kuwaas oo tiradoodu ahayd saddex nin.

 

 

Garsoorayaasha ayaa soo jeediyay in eedeysanayaasha la dhaariyo, islamarkaana loo xukumo magta marxuumiinta, maadaama aan la helin caddayn rasmi ah oo dilka lagu furo. Hase yeeshee, ehellada dhibbanayaasha ayaa arrintaas diiday iyagoo ka baxay Fadhiga Maxkamada sida ay sheegayaan wararka.

Maxkamada gobolka Galgaduud oo soo jeedisay in dhaar lagu leeyay raga ku eedeysan dilka hoyo iyo gabdhaheed maadama lagu waayay cadeymo kufilan ayaa lasoo warinayaa in buuq ka dhashay soo jeedintaas

Goobta maxkamadda ayaa markaas kaddib gashay xaalad kacsanaan ah, waxaana la sheegay in buuq uu ka dhex dhacay qoysaska iyo saraakiil amni.

Fadhigii maxkamadda ayaa la xiray iyadoo aan wax natiijo ah laga gaarin, xiisaduna ay weli taagan tahay gudaha magaalada Dhuusamareeb

RW Soomaaliya oo Khudbad ka jeediyey Shirka Nabadda Afrika.

Axad 19 Oct 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka 5-aad ee Nabadda iyo Horumarka Afrika oo lagu qabtay magaalada Aswan ee dalka Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kaas oo cinwaankiisu yahay “Awoodda Afrika ee Horumarka iyo Isbeddelka Adduunka Casriga ah” ayaa sheegay in Soomaaliya ay cagta saartay waddada horumar waara, iyada oo ka gudubtay dhibaatooyinkii amni, dhaqaale iyo siyaasadeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay guulaha la taaban karo ee dowladdu gaartay, kuwaas oo ay ka mid yihiin: Dib-u-dhiska dowladnimada iyo hay’adaha Qaranka,
Deyn cafinta, kor u qaadista xiriirka Soomaaliya la leedahay waddamada gobolka iyo caalamka,
Qaadista cunaqabateyntii hubka ee saarneyd dalka muddada dheer, iyo
Amni oo hormar ballaaran laga gaaray gaar ahaana dhankan la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale soo bandhigay Hannaanka Qaran ee Isbeddelka 2025–2030, oo ah qorshe diiradda saaraya lix tiir oo waaweyn:
Sida Dib-u-dhiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha,
Kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka,
Horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka,
Amniga cuntada iyo horumarinta beeraha,
Ilaalinta deegaanka iyo horumarinta tamarta nadiifta ah,
Daahfurnaanta maamulka iyo hufnaan dowladeed oo dhab ah.

“Soomaaliya maanta waa dal kasoo baxay colaado iyo burbur, kuna socdo dhabbihii horumar iyo barwaaqo waarta, iyadoo aan cidna laga reebaynin dadaallada qaran ee lagu dhisayo mustaqbal mideysan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Masar doorkeeda joogtada ah ee ay ku taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dib-u-dhiska iyo iskaashiga, isagoo xusay in xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sii xoogeysanaya.

Somali Police Arrest Suspect Accused of Murdering Wife in Mogadishu

Sunday 19 Oct 2025 {HMC} The Somali Police Force at the Garasbaaley police station has apprehended a suspect identified as Abshir Sheikh Abdisalan Mohamed, who is accused of murdering his wife using a knife.

The suspect is currently in police custody. According to the Commander of the Benadir Regional Police Division, Colonel Mahdi Omar Mumin, the accused will be transferred to the competent court to face legal proceedings.

This swift arrest by the Somali Police demonstrates the commitment of law enforcement agencies to ensuring that perpetrators of violent crimes, particularly those involving domestic violence, are brought to justice.

SOurece Sonna

Somali Authorities Apprehend Fugitive Wanted for Sexual Assault and Extortion with Interpol Assistance

Sunday 19 Oct 2025 {HMC} The Office of the Attorney General of the Federal Republic of Somalia has announced the successful apprehension and rendition of a fugitive suspect, Jamac Abdi Mahmud, who was wanted by justice agencies on grave charges. The suspect was located and detained in Rwanda and is now in the custody of Somali authorities.

The Attorney General’s Office confirmed that Jama Abdi Mahmud was being sought for crimes including Sexual Assault, extortion and blackmail through indecent video recordings, and other acts of violence committed against Somali women.

The operation was conducted through a vital collaboration between the Office of the Attorney General and the Somali Police Force’s Interpol division. The fugitive was safely flown back to the country, arriving yesterday, October 18, 2025, and was immediately handed over to the Criminal Investigation Department (CID).

The Attorney General’s Office thanked the Governments of Rwanda and the Somali Police, especially the Interpol department, for their quick and effective cooperation in tracking the suspect and ensuring his return to face justice.

The press statement, released today, October 19, 2025, confirmed that the accused will be quickly transferred to the competent court to face trial and accountability under the law. The Attorney General’s Office concluded by emphasizing its commitment to combating crimes involving sexual violence, extortion, and protecting the dignity of Somali women.

SOurece Sonna