Home Blog Page 438

China sends new navy fleet on escort mission in Gulf of Aden, waters near Somalia

Sunday, Oct 12, 2025 {HMC A new fleet of the Chinese People’s Liberation Army Navy set sail from a military port in Qingdao, east China’s Shandong Province, on Saturday to take over an escort mission from the previous fleet in the Gulf of Aden and waters off Somalia.

This 48th navy fleet comprises a missile destroyer, a missile frigate and a supply vessel — with two helicopters and dozens of special forces members on board.

In preparation for the mission, the fleet conducted training focused primarily on the use of weapons, the tasks involved in providing a convoy escort, and measures necessary for replenishment during the mission.

China in December 2008 began dispatching naval ships to carry out vessel protection operations in both the Gulf of Aden and waters off Somalia.


Officers and soldiers wave goodbye at a port in Qingdao, east China’s Shandong Province, Oct. 11, 2025. A new fleet of the Chinese People’s Liberation Army Navy set sail from a military port in Qingdao, east China’s Shandong Province, on Saturday to take over an escort mission from the previous fleet in the Gulf of Aden and waters off Somalia.

This 48th navy fleet comprises a missile destroyer, a missile frigate and a supply vessel — with two helicopters and dozens of special forces members on board. (Photo by Liu Zaiyao/Xinhua)


Guided-missile destroyer Tangshan sets sail at a port in Qingdao, east China’s Shandong Province, Oct. 11, 2025. A new fleet of the Chinese People’s Liberation Army Navy set sail from a military port in Qingdao, east China’s Shandong Province, on Saturday to take over an escort mission from the previous fleet in the Gulf of Aden and waters off Somalia.

This 48th navy fleet comprises a missile destroyer, a missile frigate and a supply vessel — with two helicopters and dozens of special forces members on board. (Photo by Liu Zaiyao/Xinhua)


A farewell ceremony is held for a Chinese navy fleet at a port in Qingdao, east China’s Shandong Province, Oct. 11, 2025. A new fleet of the Chinese People’s Liberation Army Navy set sail from a military port in Qingdao, east China’s Shandong Province, on Saturday to take over an escort mission from the previous fleet in the Gulf of Aden and waters off Somalia.

This 48th navy fleet comprises a missile destroyer, a missile frigate and a supply vessel — with two helicopters and dozens of special forces members on board. (Photo by Liu Zaiyao/Xinhua)


Officers and soldiers wave goodbye to comprehensive supply ship Taihu at a port in Qingdao, east China’s Shandong Province, Oct. 11, 2025. A new fleet of the Chinese People’s Liberation Army Navy set sail from a military port in Qingdao, east China’s Shandong Province, on Saturday to take over an escort mission from the previous fleet in the Gulf of Aden and waters off Somalia.

This 48th navy fleet comprises a missile destroyer, a missile frigate and a supply vessel — with two helicopters and dozens of special forces members on board. (Photo by Liu Zaiyao/Xinhua)

 

Source Hiiraan Online

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 12-10-20225

0

Axad 12. October  2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 12-10-20225

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

Senataro ka tirsan Aqalka Sare: Aqalka sare wuxuu noqday meel mushaar kaliya lagu qaato oo aan wax shaqo ah ka socon?

0

Axad, Oct 11, 2025 {HMC} Qaar ka mid ah senatarada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in golahoodu ku fashilmay gudashada doorkii iyo masuuliyaddii ka saarnayd xal u helidda khilaafaadka soo noqnoqday ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada qaarkood.

Intii lagu guda jiray dood ay yeesheen senataradu, waxay sheegeen in Aqalka Sare uu isagu ku dhex milmay khilaafka labada dhinac, isla markaana aanu muuqan kaalintii dhabta ahayd ee loo aas-aasay.

Qaar ka mid ah xubnaha ayaa xusay in goluhu u egyahay meel lagu qaato mushaar kaliya, halkii laga rabay inuu noqdo gole mideeya dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe.

Annagu weligeen sanatarro masii ahaan doonno waxaa loo baahan yahay in aan noqono kuwo wax ku biiriya dowlad dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri mid ka mid ah senatarada doodda ka hadlay.

Senator Cabdiqani Geelle, oo matala Puntland, ayaa sheegay in sababta waxqabad la’aanta Golaha Aqalka Sare ay tahay in maamul goboleedyadu si toos ah ula xiriiraan dowladda federaalka, halkii uu Aqalka Sare noqon lahaa dhexdhexaadiye iyo wakiil rasmi ah oo matala dowlad-goboleedyada.

“Waxaa jira xildhibaano aan xitaa tegi karin deegaannadoodii, taasna waxay muujineysaa sida uu u liito xiriirka Aqalka Sare iyo shacabka ay metelaan,” ayuu yiri Senator Geelle.

Geelle ayaa intaas ku daray in meesha laga waayay hirgelinta nidaamka dastuuri ah oo qeexaya kaalinta Aqalka Sare iyo sida uu uga shaqeyn lahaa danaha dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka.

Aqalka sare oo ka kooban 54 xubnood ayaa la dhisay sanadkii 2016. Waa gole matala dowlad-goboleedyada Federaalka, waxaana loo dhisay si uu u ilaaliyo nidaamka federaalka. Waxay matalaan danaha dowlad-goboleedyada, iyagoo hubiya in go’aamada federaalka aysan dhaawicin xuquuqdooda, dhexdhexaadiyaa khilaafaadka ka dhasha dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Milatariga Soomaaliya oo la Wareegay Gaadiid Dagaal oo uu Watay Sarkaal Hore?

0

Axad, Oct 11, 2025 {HMC} Milatariga Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaadiid dagaal oo uu watay Col. Cali Xuubeey, oo horay uga tirsanaa ciidamada qalabka sida balse aan haatan ka mid ahayn.

Gadiidka Korneelkaan ayaa lagu qabtay xilli uu taliyuhu ku sugnaa agagaarka xeebta Liido, iyadoo lagu arkayay astaanta milatariga Soomaaliya, sida sarkaalkaan ku cadeeyay qoraal uu baraha Bulshada la wadaagay.

Col. Cali Xuubeey, oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay ciidamada milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa dowlad-goboleedka Hirshabeelle, ayaa si cad uga falceliyay dhacdadan, Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay sida wax u dhaceen, isagoo ku tilmaamay arrinta mid aan halkaas ku dhamaan doonin.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya dadaal xooggan ugu jirto dib u habeynta iyo la xisaabtanka hubka iyo hantida ciidan ee dowladda.

Maalin kahor, militariga ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota dadka sida sharci darrada ah u haysta gaadiidka milatariga, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga iyo kala dambeynta gudaha ciidamada.

Sida laga dheehan karo tallaabadan, dowladda federaalka ayaa muujinaysa in aysan aqbaleyn in gaadiidka dagaalka iyo hubka dowladda lagu haysto si gaar ah ama loo adeegsado si ka baxsan nidaamka milatari.

Wasiir Fiqi “Gaari iyo askari aan heyb laheyn ma dhex socon doono magaalada Muqdisho”?

0

Axad, Oct 11, 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday inaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka lagu arki karin gaari iyo askari aan heyb laheyn.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in talaabadaan ay kaga gol leeyihiin xaqiijinta amniga iyo ka hortaga ficilada Al-shabaab, kadib weerarkii dhawaan kooxdu ku qaaday Godka Jilicow oo ay u adeegsatay gaari lagu soo buufiyay caalama hay’ada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

“Xukuumaddu waxay soo saari doonta xeer ku saabsan in gaari iyo askari aan heyb laheyn uusan dhex socon doonin dalka iyo magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Wasiir Fiqi in kooxda Al-shabaab ay bilaawday iney fursad ka dhex raadiso adeegsiga gaadiidka dowladda, hayeshee taasi haatan dowladdu u diyaar garoowday.

“Khawaarijta markii ay kusoo gaban waayeen gaadiidka dad weynaha waxay bilaabeen iney isticmaalaan mid loo ekeysiiyay kuwa dowladda,arin dhif iyo naadir ah ayay aheyd dibna uma soo noqon doonto”ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, iyadoo bilowgii bishaan xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ku weerareen godka Jilicow oo ka mid xarumaha NISA ee gobolka Banaadir gaari Cabdi bile ah oo ay kusoo buufiyeen caalamada NISA.

Madaxweynaha Soomaaliya oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka.

0

Axad, Oct 11, 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyo ku aaddan maalinta qiimaha badan ee Calanka dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalinta 12 Oktoobar ay ahmiyad weyn u leedahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed maadaama oo ay ku beegan tahay markii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka turjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimadeenna.

“Maanta waa maalin ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed. Waxa ay ku beegan tahay markii 71 sanno ka hor halyey Maxamed Cawaale Liibaan uu hindisay calanka Soomaaliyeed oo ka turjumaya Qarannimada, Gobonnimada, Midnimada iyo Wadajirka Shacabka Soomaaliyeed oo halgan dheer u soo galay sidii ay u hanan lahaayeen xornimadooda iyo talada dalkooda.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan xoojinta dowladnimadooda, difaaca dalkooda iyo ilaalinta danaha qarankooda, si loo ilaaliyo dhaxalka awooweyaasheenna, jiilasha danbe na loogu diyaariyo mustaqbal wanaagsan.

DHAMMAAD.

{DAAWO MUQAALKA} Faahfaahino laga helaayo dagaal dhexmaray Pakistan iyo Afqaanistaan

0

Axad  12. October 2025 {HMC} {HMC} Faahfaahino laga helaayo dagaal dhexmaray Pakistan iyo Afqaanistaan

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Soomaaliya oo kamid Noqotay Baarlamaanka Afrika

0

Axad  12. October 2025 {HMC} {HMC} Soomaaliya oo kamid Noqotay Baarlamaanka Afrika

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Dal islaam ah oo Xarun Ciidan ku yeelanaya Mareeykanka

0

Axad  12. October 2025 {HMC} {HMC} Dal islaam ah oo Xarun Ciidan ku yeelanaya Mareeykanka

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} Puntland oo Maxkamadeeyneyso Dadkii watay Maraakib ka kalluumeeysaneysay Xeebaha Soomaaliya.

0

Axad  12. October 2025 {HMC} {HMC} Puntland oo Maxkamadeeyneyso Dadkii watay Maraakib ka kalluumeeysaneysay Xeebaha Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA