Home Blog Page 439

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio Hiiraanweyn 12-10-2025

0

Axad  12. October 2025 {HMC} {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo : Abdimaajid Abdirahmaan Aadan

Farsamadii ::Yasin Ali Ahmed

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

 

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Pakistan iyo Afgaanistaan oo Ka socdo Xaduudka Labada Dal.

0

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Iska horimaad u dhaxeeya ciidanka xadduudda ee Pakistan iyo Afgaanistaan ayaa ka socda xadka labada dal, iyadoo iska horimaadkan lala xiriiriyay weerarkii duqeynta ee Pakistan ay ka geysatay caasimadda Afgaanistaan ee Kabul.

Afgaanistaan ayaa ciidamo ku daabushay goobaha ay ka socdaan dagaalka ay kula jiraan ciidanka Pakistan oo ka socda toddobo goobood oo ku yaal xadka labada dal.

Telefishinka Al Jazeera ayaa ka soo xigtay sarkaal ka tirsan dawladda Afgaanistaan in ciidamada Afgaanistaan ay hadda ku jiraan dagaallo toos ah oo ay la galeen ciidamada Pakistan, kaasoo ka socda toddobo goobood oo ku teedsan xadka, iyadoo la sheegay in la isku adeegsaday hub culus iyo madaafiic, halka labada dhinac uu midba midka kale ku eedeynayo inuu dagaalka billaabay.

Dhinaca kale Dowladda Pakistan ayaa ku qasbanaatay inay kiciso diyaaradaheeda dagaalka si ay u farageliyaan dagaalka caawa ka socda xadka ee u dhaxeeya ciidanka Pakistan iyo Afgaanistaan.

{DAAWO MUQAALKA} As oo lagasaarayo Deegaana ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

0

Sabti 11. October  2025 {HMC} As oo lagasaarayo Deegaana ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN: Dhismaha cusub ee JL iyo waxa ka socda Gedo.

0

Sabti 11. October  2025 {HMC} FALANQEYN: Dhismaha cusub ee JL iyo waxa ka socda Gedo.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Burkina Faso oo Cashar u dhigtay Dowladda Mareykanka.

0

Sabti 11. October  2025 {HMC} Burkina Faso oo Cashar u dhigtay Dowladda Mareykanka.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 11-10-2025.

0

Sabti 11. October  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Kumanaan qof oo barakacayaal ah ayaa bilaabay in ay u lugeeyaan Magaalada Gaza.

0

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Kumanaan qof oo barakacayaal ah ayaa bilaabay inay u lugeeyaan waqooyiga wadada al-Rashid ee ku wajahan magaalada Gaza ka dib bilawga xabad joojinta.

Waxa ay ku soo noqon doonaan waa burburkii baahsanaa ee uu ka tagay dagaalkii socday muddada labada sano ah.

Sida laga soo xigtay muqaal sawirka dayax-gacmeedka oo laga soo saaray horraantii bishan cilmi-baarayaal ka tirsan Jaamacadda Gobolka Oregon, 198,883 dhismo oo ku yaalla Marinka Gaza ayaa loo maleynayaa in ay waxyeelo soo gaartay tan iyo bilowgii dagaalka.

Burburka dhismayaasha ayaa laga arki karaa guud ahaan Qaza, iyadoo magaalada Gaza ay ka mid tahay meelaha ugu daran.

Cilmi-baarayaashu waxay qiyaaseen in 74% dhismayaasha ku yaal agagaarka magaalada ugu weyn ee marinka ay u badan tahay inay waxyeelo soo gaartay tan iyo 7dii Oktoobar 2023.

XIGASHO BBC

Maxay yihiin Ciidamada hubeysan ee ay Xamaas soo dhoobeen waddooyinka Magaalada Qaza?

0

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC}  Ciidamada ammaanka ee Xamaas oo hubeysan ayaa la soo dhoobay waddooyinka Magaalada Gaza ee goobihii ay Israa’iil isaga baxday.

Waxay buuxinayaan shaqada sugidda ammaanka sababtoo ah faahfaahin lagama bixin cidda maamuli doonta Gaza weli lama go’aansan.

Qorshaha Madaxweyne Trump ayaa ku baaqaya in ugu dambeyntii la geeyo ciidamo xasilin oo caalami ah, oo loo badinayo inay ka kooban yihiin askar ka kala socta dalalka Carabta iyo Muslimka, kuwaasoo taageeraya booliska Falastiin.

Wasaarada cadaalada ee Israel ayaa daabacday liiska 250 maxbuus oo falastiiniyiin ah oo ay sii dayn doonto si ay ugu bedelato la haystayaasha Israel ee Xamas gacanta ugu jira.

Liiskaas kuma jiraan todoba maxaabiis falastiiniyiin ah oo Xamaas ay dalbatay si ay qayb uga noqoto isdhaafsiga – oo ay ku jiraan Marwan Barghouti iyo Ahmad Saadat, kuwaasi oo ay Falastiiniyiintu muddo dheer u arkayeen calaamado iska caabin ah.

Sarkaal sare oo Falastiini ah oo aqoon u leh wada-hadallada ayaa BBC u sheegay in ergayga Mareykanka Steve Witkoff uu ballan qaaday inuu ku cadaadin doono Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, laakiin Israa’iil ayaa si adag u diiday in lagu daro liiska saraakishan.

BBC-da waxay fahansan tahay in Xamaas ay sidoo kale riixayso sii deynta maxaabiis dheeraad ah oo suurtagal ah.

Kuwani waxay la xiriiraan maxaabiis Falastiini ah oo la sii daayay sannado ka hor taasoo qayb ka ahayd xilligii maxabiis is-dhaafsigii a la haystayaashii Gilad Shalit – ka dibna dib loo soo qabtay 7dii Oktoobar.

Xamaas ayaa ku doodaysa in maadaama ay qayb ka ahaayeen afduub hore, in aan lagu darin tirada 250.

XIGASHO BBC

Dadka ka soo horjeeda tiknoolajiyada Ai waxa ay u shaqeeyaan masiixu-dajaal, Madaxa shirkadda PayPal.

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Madaxa shirkadda PayPal , Peter Thiel ayaa hadallo la yaable ah jeediyay maanta.

Madaxa shirkadda PayPal ninka lagu magacaabo Peter Thiel oo ah bilyaneer Mareykan-Jarmal ah ayaa ku eedeyay dadka ka soo horjeeda horumarka aadanaha oo ay tiknoolajiyada Ai ka mid tahay in ay yihiin kuwa u adeegaya masiixu-dajaal,

wuxuuna uu intaa raaciyay mr Peter Thiel in caqabadaha la xiriira isbeddelka cimilada, tiknoolajiyada, iyo siyaasaddu ay u noqon karaan waddo kuwa raacsan masiixu dajaal ayna ku heli karaan awood caalami ah, sida ay baahisay Washington Post.

{DAAWO SAWIRADA} Waqooyiga Kuuriya oo Soo bandhigtay Gantaalo Cusub oo gaari karo Mareykanka

0

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Dowladda uu hogaamiyo Kim Jong Un ee Waqooyiga Kuuriya ayaa soo bandhigtay gantaallo nukliyeer ah oo si toos ah u gaari kara dalka Mareykanka iyo gantaal lagu sheegay inuu yahay midkii ugu sarreeyay oo Waqooyiga Kuuriya ay sameyso kaas oo lagu magacaabo Hwasong-20.

Gantaalada ayeey waqooyiga kuuriya ku soo bandhigeen sannad guurrada 80-aad ee xisbiga talada Dalkaasi haya, sida lagu arkaayay Muqaal uu Baahiyay TVga Ruushla ee RT.

Bandhigan ay sameeysay Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ah mid fariin xambaarsan oo si toos ah ugu socoto Mareykanka iyo Xulufadiisa.