Home Blog Page 440

Dadka ka soo horjeeda tiknoolajiyada Ai waxa ay u shaqeeyaan masiixu-dajaal, Madaxa shirkadda PayPal.

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Madaxa shirkadda PayPal , Peter Thiel ayaa hadallo la yaable ah jeediyay maanta.

Madaxa shirkadda PayPal ninka lagu magacaabo Peter Thiel oo ah bilyaneer Mareykan-Jarmal ah ayaa ku eedeyay dadka ka soo horjeeda horumarka aadanaha oo ay tiknoolajiyada Ai ka mid tahay in ay yihiin kuwa u adeegaya masiixu-dajaal,

wuxuuna uu intaa raaciyay mr Peter Thiel in caqabadaha la xiriira isbeddelka cimilada, tiknoolajiyada, iyo siyaasaddu ay u noqon karaan waddo kuwa raacsan masiixu dajaal ayna ku heli karaan awood caalami ah, sida ay baahisay Washington Post.

{DAAWO SAWIRADA} Waqooyiga Kuuriya oo Soo bandhigtay Gantaalo Cusub oo gaari karo Mareykanka

0

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Dowladda uu hogaamiyo Kim Jong Un ee Waqooyiga Kuuriya ayaa soo bandhigtay gantaallo nukliyeer ah oo si toos ah u gaari kara dalka Mareykanka iyo gantaal lagu sheegay inuu yahay midkii ugu sarreeyay oo Waqooyiga Kuuriya ay sameyso kaas oo lagu magacaabo Hwasong-20.

Gantaalada ayeey waqooyiga kuuriya ku soo bandhigeen sannad guurrada 80-aad ee xisbiga talada Dalkaasi haya, sida lagu arkaayay Muqaal uu Baahiyay TVga Ruushla ee RT.

Bandhigan ay sameeysay Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa ah mid fariin xambaarsan oo si toos ah ugu socoto Mareykanka iyo Xulufadiisa.

 

Somali army warns civilians against unauthorized use of military uniforms

Saturday Oct 11, 2025 {HMC} The Somali National Army (SNA) has issued a nationwide warning against civilians wearing or displaying military uniforms, insignia, or using vehicles belonging to the armed forces, saying such actions threaten public safety and national security.
In a statement released Saturday, the army command said that “any person found using these items without proper authorization will be subject to legal and disciplinary measures consistent with the laws governing the armed forces.” The SNA stressed that the ban applies to all military uniforms, ranks, and symbols exclusive to the Somali National Army.

Authorities said the directive is part of ongoing efforts to prevent militants and criminals from exploiting the appearance of official soldiers. “This decision aims to safeguard national security and preserve the integrity of the armed forces,” the statement added.

The warning follows an attack in which  AS militants used a government military vehicle to carry out an attack on the Godka Jilicow detention facility in Mogadishu. The assault, which laid bare the weaknesses in the control of military equipment, prompted a government-wide security review.
In response, Mogadishu’s security agencies have intensified inspections of military vehicles across the capital. The Ministry of Internal Security has directed that “no privately owned garages or businesses shall modify, repair, or house Somali National Army vehicles without prior authorization.”
The SNA command also cautioned business owners and traders to avoid manufacturing or selling military clothing or insignia. “All commercial activities involving the sale or distribution of military-related materials are strictly prohibited,” the statement warned.
The army urged citizens to report any misuse of military uniforms or symbols, stressing the importance of public cooperation in protecting national security. The SNA command reiterated its commitment to discipline and accountability within the ranks, emphasizing that maintaining the integrity of the armed forces is essential to restoring stability in the country.

 

SOURCE HIIRAAN ONLINE

 

Madaxweynehii hore ee Suuriya oo aad u ciyaaro video game-ka ee internet-ka.

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Wargeyska Jarmalka ah ee DIE ZEIT, ayaa soo bandhigay warbixin uu ku sharraxay nolosha uu Moscow kaga noolyahay madaxweynihii xilka laga tuuray Suuriya ee Bashaar Al-assad, iyadoo warbixinta lagu sheegay inuu Bashaar degganyahay mid ka mid ah dhismayaasha raaxada ee ugu qaalisan Moscow , halkaas oo ay si adag u ilaalinayaan hay’adaha amniga ee Ruushka.

Gurigiisa wuxuu leeyahay musqulo marmar ah, waardiyayaal joogto ah iyo adeegyo heer sare ah, waxaana lagu warramayaa inuu si xad dhaaf ah ugu xiran yahay ciyaaraha video game-ka ee internet-ka, mana ka baxo inta badan gurigiisa, taa oo keentay inuu ciyaaraha internetka waqtigiisa u badan ku qaato si uusan nolosha xiran ugu cidloon.

Markii xukunka laga tuuray 8 bishii December 2024 Bashaar , isaga iyo qoyskiisa waxay u baxsadeen Ruushka , halkaa oo Putin uu magangalyo siyaasadeed ku siiyay, tan iyo markaana laguma arag meel fagaare ah.

Taliyaha Ciidanka Dhulka iyo Saraakiil ka socoto AUSSOM oo Gaaray Awdheegle.

0

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa guushii geesiyaasha Qarankeenna iyo Saaxiibada AUSSOM kadib maanta gaaray degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa Taliyaha Safarkiisa ku wehliyay Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga Dalka, kuwa Saaxiibada AUSSOM, Wasiirka Amniga Koonfur-galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen. Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa geesiyaasha qaranka, Saaxiibada AUSSOM iyo guud ahaan Saraakiishooda uga mahadceliyay guusha ay ka keeneen Awdheegle iyo sida ay ubaacsadeen Khawaarijtii gabbaadka ka dhigananeysay.

Taliyaha ayaa sidoo kale u balan qaaday Shacabkii degmada ee ka barakacay dhibaatada Khawaarijta inay guryahooda dib ugu soo laaban doonaan, ayna heli doonaan gurmad deg deg ah oo uga imaan doona Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

{DAAWO MUQAALKA} Faah faahin Nin Xaaskiisa ay ku Dishay Magaalada Xeraale

0

Sabti 11. October  2025 {HMC}  Faah faahin Nin Xaaskiisa ay ku Dishay Magaalada Xeraale

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Maxaa ka Soo baxay kulankii Aqalka Sarre. ?

0

Sabti, 11, Oct 2025 {HMC} Guddoomiye ku xigeenka labaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka labaad kalfadhiga 7-aad Golaha Aqalka Sare oo ajandihiisu ahaa Akhrinta labaad ee sharciga dhismaha Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed iyo akhrinta warbixin ku saabsan ka talo bixinta doorka matalaadda Aqalka sar Dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka Soomaaliya.

Ugu horrayn Guddoomiye ku xigeenka Guddiga arrimaha Dibadda Aqalka Sare Sanatar Cabdiwali Ibraahim Garyare, ayaa Sanatarrada la wadaagtay warbixinta akhrinta labaad ee sharciga dhismaha Hay’adda Maalgashiga Soomaaliyeed oo ay toosin, sixid iyo siiqayn ay ku sameeyeen qodobada qaar ee sharciga.

Dhinaca kale Guddoomiye ku xigeenka Guddiga arrimaha Gudaha Sanatar Cabdiqani Ugaas Geelle, ayaa dhankiisa Sanatarrada Aqalka Sare la wadaay warbixin ku saabsan doorka matalaadda Aqalka Sare ee Arrimaha dowladaha Xubnaha ka ah Dowlada Federalka Soomaaliya, iyadoo intaas kadib Sanatarradu ay ka dhiibteen aragtidooda iyo fikradaga ay ka qabaan warbixinta kaalinta Aqalka Sare ee matalaadda dowlad Goboleedyada.

Ugu dambayn, Guddoomiye Timacadde oo kulanka maanta shir Guddoominayay ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo doodda warbixinta doorka matalaadda Aqalka Sare ee Dowlad Goboleedyayada, si Sanatarradu u helaan waqti ku filan oo ay ku soo akhristaan kadibna laga doodo, loogana soo saaro qaraar Gole.

DHAMMAAD

Somalia, Djibouti welcome Gaza ceasefire, call for Palestinian independent state

Saturday Oct 11, 2025 {HMC} Somalia and Djibouti have welcomed the Gaza peace deal and applaud the regional and international efforts to secure a ceasefire, humanitarian access, and the prisoner release.

In a statement, Somalia’s Foreign Ministry on Friday reaffirmed its support for Palestinian rights, including the establishment of an independent sovereign state.

“Somalia hopes that this agreement will serve as a genuine step towards achieving a just and comprehensive peace that ends the suffering of the Palestinian people and consolidates security and stability in the region.”

Djibouti President Ismail Omar Guelleh, in a statement, commended the efforts of the US, Qatar, Egypt and Türkiye.

“We urge full implementation to secure peace, humanitarian access and a credible path to a two-state solution,” he said in a statement.

The Gaza ceasefire agreement was reached between Israel and Hamas early Thursday in Egypt’s Red Sea city of Sharm el-Sheikh, mediated by the guarantor states – Qatar, Egypt, the US, and Türkiye.

The 20-point ceasefire plan, first announced on Sept. 29, includes the release of all Israeli captives in exchange for Palestinian prisoners, a ceasefire, the disarmament of Hamas, and the rebuilding of Gaza.

Since October 2023, Israeli attacks have killed nearly 67,200 Palestinians in the enclave, most of them women and children. The relentless bombardment has left Gaza largely uninhabitable, leading to widespread starvation and diseases.

SOURCE SONNA

Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka Soomaaliya?

0

-Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u ansixiyay Guddiga Xuquuqul Insaanka oo ay horgeysay Wasiirka Arrimaha Qoyska, Khadiija Maxamed Al Makhzoumi, Kulankii maanta oo ay kasoo qayb galeen xildhibaanno badan, ayaa 142 cod ay ku oggolaadeen guddiga, hal xildhibaan ayaa ka aamusay, mana jirin wax diidmo ah oo la diiwaangeliyay.

Intii uu socday kulanka baarlamaanka, Wasiir Khadiija Al Makhzoumi ayaa si xooggan u adkaysay muhiimada dhameystirka guddigan, iyadoo sheegtay in beesha caalamka ay si weyn u sugayeen tallaabadan muhiimka ah, taasoo qeyb ka ah horumarka laga sameynayo dhinaca xuquuqul insaanka ee dalka.

Waxaana ay uga mahadcelisay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya sida aqlabiyada leh oo ay maanta fadhigii ay iskugu yimaadeen ay codkooda ku tageereen.

Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah xildhibaannada ayaa si cad u muujiyay walaacooda ka hor codbixinta, iyagoo su’aalo ka keenay habraaca xulista xubnaha guddiga iyo daahfurnaanta howlaha la xiriira.

Ansixinta guddigan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka xoojinta hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha, iyadoo Soomaaliya ay doonayso inay la jaanqaaddo heerarka caalamiga ah ee la xiriira ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta.

Somali Parliament Approves Independant National Human Rights Commission

Saturday Oct 11, 2025 {HMC} -Members of the Federal Parliament of Somalia on Saturday approved the Independent National Human Rights Commission during their session.

Minister of Family affairs and Human rights, Khadija Mohamed Al-Makhzoumi welcomed the approval of the Independent National Human Rights Commission by the Members of the House of the People of the Federal Parliament today, saying the country is committed to advancing human rights.

“This historic decision marks a significant step forward in strengthening justice, accountability, and the protection of human rights in Somalia. It is a proud moment for our nation and a major achievement for the Somali people. The establishment of this Commission, the result of careful planning and sustained effort, sends a clear message to the world that Somalia is committed to advancing human rights and building strong national institutions”, Al-Makhzoumi said.

“Alongside our recent success at the UN Human Rights Conference in Geneva, today’s milestone reflects the continued progress of the National Interest Government in promoting Somalia’s voice, values, and vision on the global stage”, she added.

SOURCE SONNA