Sabti 11. October 2025 {HMC} Siyaasiyiinta iyo Shacabka Falastiin oo ka digay in Dad Ajnabi ah Madax looga dhigo
Madaxda Gobolka Sanaag oo diiday eedeymaha AFRICOM ee ku saabsan dilka Caaqil Cumar Cabdillaahi.
Jimco, Oct 10, 2025 {HMC} Madaxda sare ee ciidamada, booliska, nabad sugidda iyo maamulka gobolka Sanaag ayaa si adag u diiday eedeymaha loo jeediyay Caaqil Cumar Cabdillaahi Cabdi, oo lagu dilay duqeyn Mareykanku ka fuliyay gobolka bishii September, iyagoo ku tilmaamay dilkiisa mid xaq darro ah oo aan wax sal iyo raad lahayn.
Caaqil Cumar, oo ka mid ahaa nabadoonnada ugu waaweyn ee gobolka Sanaag, ayaa lagu dilay 13-kii September 2025 deegaanka Jicanyo, oo ku dhow degmada Ceel Buh.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa markii dambe sheegay in weerar uu ka fuliyay deegaanka lagu bartilmaameedsaday qof ay sheegeen inuu ka mid ahaa ganacsatada hubka ee kooxda Al-Shabaab, balse ma aysan shaacin magaca qofka la duqeeyay.
Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in goobta iyo waqtiga duqeyntu ay dhacday ay si buuxda ugu beegantahay halka lagu dilay Caaqil Cumar Cabdillaahi.
Feysal Cabdillaahi, taliyaha nabad sugidda gobolka Sanaag, ayaa sheegay in dhacdadaasi ay ahayd mid lama filaan ah. “Dhacdadii ka dhacday 13 September 2025 inta u dhaxeysa Ceel Buh iyo Baran ee gobolka Sanaag waxay ahayd dhacdo anaga nagu cusub, dhacdo noocaasi ah kama dhicin inta aan ogahay.
Qof gaarigiisa iska wata oo la duqeeyay, waxay nagu noqotay argagax, anaga oo masuuliinta ah xitaa waan garan weynay waxa aan uga jawaabno maxaa yeelay waxaa la yiri cirka ayaa laga soo duqeeyay. Masuul aan ahaado, laakiin xaga dhaqankana waan ka tirsanahay, waan soo wada shaqeynay marxuumka iyo aabihii. Marxuumka wuu ahaa haldoorka bulshada ee muuqda,” ayuu yiri Feysal Cabdillaahi.
Wuxuu sheegay in aan la garan sababta dilka ka dambaysay. “Ma garan karno waxa lagu dilay, mana ahan wax aan fahmi karno. Wax arimo argagixiso oo loogu tuhmayay iyo meel lagu dacweeyay anaga ma maqal. Hadda marka dadka ay maqlaan guux diyaaradeed waxay yiraahdaan waa nala dul joogaa.
Waxaan rabnaa in la faahfaafiyo sababta lagu dilay iyo cida laga soo raacay,” ayuu raaciyay Feysal Cabdillaahi.

Sareeyo Guuto Cabdillaahi Cumar Canshuur, taliyaha qeybta sagaalaad ee ciidamada Daraawiishta gobollada Sanaag iyo Hayland ee Puntland, ayaa sheegay in uu si fiican u garanayay Caaqilka. “Waxaan aqoon isku laheyn Caaqil Cumar muddo dheer oo aan kasoo wada shaqeynay dhinca badda ilaa 80-meeyadii.
Wuxuu ahaa nabad doon aad looga yaqaanay deegaanka. Waxaan ku ogeyn inuu ka shaqeeyo arrimaha bulshada, wuxuu kamid ahaa ragii 1992 la dagaalamay Al-Shabaab, hadda wuxuu difaac kula jira Puntland dagaalka hadda socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish. Beesha ugu dhimashada badan dagaalka lagula jiro kooxahaasi ayuu nabad doon u ahaa. Ciidanka dhimanayay wuxuu ahaa nabadoonkooda,” ayuu yiri Canshuur.
Wuxuu sheegay in dilka uu ahaa mid sharci darro ah. “Caaqilkaasi waxaa lagu dilay sifo sharci darro ah oo xaq darro ah.
Mudo 20 maalmood ah wuxuu joogay Boosaaso wuxuuna la fadhiyay Madaxweyne Siciid Deni, hadii uu dambiile ahaa waa la qaban lahaa, oo hadii anaga naloo sheegi lahaa waan qaban lahayn.
Waxaan u arkaa in si kutala gal ah loo dilay. Keligiis ayuu gaariga watay markii la dilayay. Duqeyntaasi waxay dhalisay buuq, kacdoon iyo amni darro oo deegaanka soo wajahday. Waxaan jecelnahay in naloo soo cadeeyo sababta dilkiisa,” ayuu yiri Sareeyo Guuto Cabdillaahi Cumar Canshuur.
Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sanaag, G/sare Aadan Axmed Cali, ayaa sheegay in duqeynta lagu dilay Caaqilka ay ahayd mid aan la garan cida geysatay ilaa AFRICOM ay sheegatay.
“Mudo toddobaad ah waxaa la weysanaa cida geysatay duqeyntii lagu dilay Caaqil Cumar Cabdillaahi, kadib waxaa sheegtay oo report aad u kooban soo saaray AFRICOM, iyagoo aan caddeyn qofka ay dileen, magacna aaney sheegin.
Taariikhda duqeynta iyo goobta lagu dilay Caaqilka ay is leeyihiin waxaa caddaatay in Caaqilka ay dileen ciidanka Mareykanka. Wuxuu Caaqilka ahaa nin caan ah oo ma ahayn nin qarsoon, ma ahayn qof la raadinayay oo keymaha ku jiray oo la waayay oo sidaasi darteed black list ku jiray. Wuxuu ahaa dadka ugu horeeyay nabad gelyada bulshada iyo odayaasha dhaqanka. Wuxuu ahaa nin si dhow ula shaqeeya dowlada iyo cadaalada,” ayuu yiri Aadan Axmed Cali.
“Haddii aan nahay laamaha amniga waxaa cadeyneynaa in ninkaasi uusan aheyn nin argagixiso ah oo la raadinayay oo suuroobi karta in saddex gantaal lagu dhufto isagoo gaarigiisa wata.
Maadaama uu ahaa nin weyn, bulshada kacdoon ayey sameeyeen, waxaa laga rabaa Mareykanka inay cadeeyaan sababta ay u dileen nabad doonka. Waxaan ku baaqayaa in dowlada Mareykanka ay jawaab cad ka bixiso,” ayuu yiri Taliyaha qaybta Booliska gobolka Sanaag G/sare Aadan Axmed Cali.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Siciid Axmed Jaamac, ayaa isna sheegay in Caaqil Cumar uu ahaa haldoor bulshada dhexdeeda caan ah. “Caaqil Cumar Cabdillaahi wuxuu caan ka ahaa gobolka, xaliyana xaalad kasta. Waan la soconay xaaladiisa.
Wax dambi ah oo naloo sheegay ama aan aniga ku ognahay ma jirto. Wax eed ah ama dambi ah oo uu lahaa Caaqilka nalooma sheegin haddii aan nahay maamulka gobolka. Wax xan ah oo isaga ka dhan ah xitaa ma hayno.
Wuxuu ahaa haldoor ka shaqeeyay arrimaha horumarka gobolka iyo isku xirka dowlada iyo bulshada. Wuxuu muddooyinkii dambe ka shaqeynayay xalinta arrimo dagaal dhacay. Mareykan ayaa sheegtay dilka, waxaan ka sugeynaa inuu faahfaahin ka bixiyo.
Bulshada iyo anigaba ma hayno wax xog ah oo ku saabsan dilkiisa iyo sababta ka dambeysa,” ayuu yiri Siciid Axmed Jaamac.
“Anaga haddii aan nahay maamulka gobolka, waxaan cadeyneynaa in Caaqilka uu nala shaqeyn jiray, aadna aan ugu qanacsaneyn, waxaan sugeynaa inuu cadaalad helo,” ayuu yiri Siciid Axmed Jaamac, guddoomiyaha gobolka Sanaag.
Diidmada madaxda amniga iyo maamulka gobolka Sanaag ayaa kusoo beegantay xilli bannaanbaxyo iyo kulamo isdaba joog ah ay ka socdaan gobolka iyo sidoo kale deegaano ka tirsan Puntland.
Madaxda iyo ehellada marxuumka ayaa dalbanaya caddeymo iyo faahfaahin ku saabsan sababta dilka Caaqilka, iyagoo ku baaqay in dowladda Mareykanka ay si cad uga jawaabto dhacdadan.

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa tobannaan sano ka fuliyay duqeymo gudaha Soomaaliya oo lagu beegsanayo dagaalyahannada Al-Shabaab iyo Daacish.
AFRICOM waxay sheegtaa in weerarrada si taxadar leh loo qorsheeyo si looga fogaado waxyeellada shacabka, hase yeeshee mas’uuliyiinta Soomaaliyeed iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa si joogto ah u dhaliila daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka. Baaritaanno madax-bannaan ayaa mararka qaarkood muujiyay in dad rayid ah oo aan wax xiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ay waxyeelo kasoo gaarto.
XIGASHO HIIRAAN ONLINE
Ra’iisul Wasaaraha Masar iyo Madaxweynaha Kenya ayaa ka wada hadlay iskaashiga Shirka COMESA.
Jimco, Oct 10, 2025 {HMC} — Ra’iisul wasaaraha dalka Masar, Mostafa Madbouly ayaa maanta oo Khamiis ah la kulmay madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyagoo ka wada-hadley iskaashiga labada dal, iyadoo uu ka qayb-galayo shir-madaxeedka 24-aad ee suuqa Bariga iyo Koonfurta Afrika (COMESA) ee ka socda Nairobi.
Madbouly, oo ka qeyb galayay shirka isagoo ka wakiil ah Madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi, ayaa u gudbiyay Sisi salaan uu u diray madaxweynaha Kenya, waxa uuna muujiyay sida Masar ay uga mahadcelineyso martigelinta Kenya ee xaflada. Waxa uu sidoo kale Ruto ugu hambalyeeyay xilka guddoomiyaha ururka ee sanadka soo socda.
Ra’iisul wasaaruhu wuxuu xaqiijiyay in Masar ay diyaar u tahay iskaashi iyo taageero buuxda oo ay siiso Kenya si ay u xaqiijiso guusha guddoomiyenimadeeda oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah kooxaha ugu muhiimsan uguna guulaha badan dhaqaalaha gobolka ee Afrika.
Intii uu socday kulanka, Madbouly wuxuu xusay dardargelinta xiriirka labada dal ka dib booqashadii madaxweynaha Kenya ee Masar bishii Janaayo 2025 wuxuuna muujiyay rabitaanka Madaxweyne Sisi inuu ku booqdo Kenya fursadda ugu macquulsan.
Waxa uu hoosta ka xariiqay rabitaanka Masar ee ah in ay qabato guddiga wadajirka ah ee labada waddan si degdeg ah iyo in ay taageeraan iskaashiga ka dhexeeya qaybahooda gaarka ah, gaar ahaan meelaha mudnaanta leh sida warshadaha dawooyinka.
Madbouly waxa kale oo uu iftiimiyay xidhiidhka dhow ee Masar ay la leedahay wadamada webiga Niil, isaga oo soo qaatay biyo xidheenka Julius Nyerere ee Tansaaniya, oo lagu dhisay caawinta Masaarida, tusaale ahaan taageerada Masar ee horumarinta gobolka.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dhowr arrimood oo gobolka ah oo danta guud ah, oo ay ku jiraan xaaladda Gaza iyo dadaallada lagu guuleystay ee Masar, iyadoo la kaashaneysa la-hawlgalayaasheeda, si loo gaaro heshiis ku saabsan wajiga koowaad ee xabbad joojinta.
Madaxweyne Ruto ayaa dhankiisa sheegay inuu rajaynayo inuu qaabilo Madaxweyne Sisi oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha waaweyn ee qaaradda. Waxa uu muujiyay taageerada uu u hayo dadaalka Masar ee Gaza iyo sida uu ugu faraxsan yahay shaqada Madaxweyne Sisi ee lagu gaarayo xabbad-joojin.
Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Wasiirka Maalgashiga iyo Ganacsiga Dibadda ee Masar, Hassan El Khatiib, iyo Safiirka Masar ee Kenya, Hatem Youssry.
Egypt’s PM, Kenya president discuss cooperation on sidelines of COMESA summit.
Friday 10, Oct 2025 {HMC} Egyptian Prime Minister Mostafa Madbouly met with Kenya President William Ruto on Thursday to discuss bilateral cooperation, on the sidelines of the 24th Summit of the Common Market for Eastern and Southern Africa (COMESA) in Nairobi.
Madbouly, who was attending the summit on behalf of President Abdel Fattah al-Sisi, conveyed Sisi’s greetings to the Kenyan president and expressed Egypt’s appreciation for Kenya’s hosting of the event. He also congratulated Ruto on assuming the chairmanship of the bloc for the upcoming year.
The prime minister affirmed Egypt’s readiness to cooperate and provide full support to Kenya to ensure the success of its chairmanship of what he described as one of the most important and successful regional economic groupings in Africa.
During the meeting, Madbouly noted the momentum in bilateral relations following the Kenyan president’s state visit to Egypt in January 2025 and expressed President Sisi’s desire to visit Kenya at the earliest possible opportunity.
He underscored Egypt’s keenness to hold the joint committee between the two countries soon and to support cooperation between their private sectors, particularly in priority areas like the pharmaceutical industry.
Madbouly also highlighted Egypt’s close relations with the Nile Basin countries, citing the Julius Nyerere Dam in Tanzania, built with Egyptian help, as a prime example of Egypt’s support for development in the region.
The meeting also addressed a number of regional issues of common interest, including the situation in Gaza and Egypt’s successful efforts, in cooperation with its partners, to reach an agreement on the first phase of a ceasefire.
For his part, President Ruto said he looked forward to receiving President Sisi, whom he described as one of the great leaders on the continent. He expressed his support for Egypt’s efforts in Gaza and his appreciation for President Sisi’s work to achieve a ceasefire.
The meeting was also attended by Egypt’s Minister of Investment and Foreign Trade, Hassan El Khatib, and Egypt’s Ambassador to Kenya, Hatem Youssry.

Trump oo ku guul-darraystay inuu helo billada Nabadda Kadib markii la ogaaday,,,
Jimco 10, Oct 2025 {HMC} Trump ayaa ku guul-darraystay inuu helo billada Nabadda ee Nobel-ka oo dadaal badan uu ku bixiyay , taa beddelkeeda waxaa sannadkan lagu dhawaaqay inay ku guuleysatay haweenayda María Corina Machado, oo ah hoggaamiyaha mucaaradka Venezuela oo taageerro badan ka hesha reer galbeedka iyo xataa Trump ayaa marar badan boggaadiyay dhaqdhaqaaqyadeeda.
Dhowr fallanqeeyaal ayaa warbaahinta u sheegay in doorashada ah Trump in laga leexiyo billadan oo la siiyo Maria ay leedahay macne siyaasadeed oo loo fasiran karo in guddiga Nobel-ka uu si cad u muujiyay jihada ay dabayshu u socoto, taa oo ah taageeridda dhaqdhaqaaqyada mucaaradka ee ka dhanka ah dawladaha xukun adag, halkii uu ka abaalmarin lahaa halganka diblomaasiyadeed ee Trump ee xabbad-joojinta Qasa.
Falanqeeyeyaasha ayaa tilmaamaya in go’aankan uu si dadban u muujinayo in reer Galbeedku doonayaan in ay xoojiyaan fariinta ah in isbeddelka dimoqraadiyadeed uu ka iman doono gudaha dalalka ay joogaan hoggaamiyeyaasha doonaya inay xukunka dheereystan sida Venezuela, halka la iska indho tiray kaalinta Trump ee heshiisyada nabadeed ee Bariga Dhexe.
Xilliga lagu dhawaaqay billadan, waa waqti ay saq dhexe u ahayd Trump , oo wali lama helin falcelintiisa inuu ku guul darraystan billadan uu sida weyn u doonayay oo xataa mar la soo weriyey inuu Norway oo xarun u ah guddiga bixiya inuu ugu hanjabay haddii aan la siin billadan inuu cunaqabateyn saari doono.
W?Q Iman Jamac.
Hindiya oo dib u soo celisay xiriirkeedii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Afgaanistaan.
Jimco 10, Oct 2025 {HMC} Hindiya ayaa dib u soo celisay xiriirkeedii diblomaasiyadeed ee buuxa ee ay la lahayd Afgaanistaan, iyadoo sare u qaaday heerka safaaraddeeda ku taalla Kabul.
Waxaa sidoo kale la go’aamiyay in la ballaariyo bixinta fiisooyinka iyo in dib loo bilaabo duulimaadyada tooska ah, si loo xoojiyo ganacsiga iyo iskaashiga labada dal, kaddib wadahadallo ay Delhi ku yeesheen wasiirka arrimaha dibadda Hindiya, Subrahmanyam Jaishankar iyo dhiggiisa Afgaanistaan, Amir Khan Muttaqi.
Wadahadallada waxaa dhinac socday agab caafimaad oo ay Hindiya ku wareejisay Afgaanistaan, iyadoo xiriirkan uu ka caraysiinayo Pakistan.
{DAAWO MUQAALKA} Waxaa La soo wada qabtay Ragii Dilay Hooyo Uur leh iyo Caruurteeda.
Jimco 10, Oct 2025 {HMC} Ciidamada Ammaanka ee ka howlgala Galmudug ayaa soo qabtay laba ka mid ah saddex eedeysane oo dhawaan aagga deegaanka Qaayib dil ugu geystay haweeney iyo carruur ay dhashay, kadib howlgal qaatay ku dhawaad 24 saacadood.
Ciidamada ayaa weli ku raad-jooga eedeysane kale oo la aamisan yahay inuu ku lug lahaa dilka dadkaas, sida ay Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Digniin Adag Soo Saaray.
Jimco 10, Oct 2025 {HMC} Ciidanka XDS Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku caddeynayo digniin adag oo ku socota shaqsiyaadka ku hawlan isticmaalka calaamadaha iyo astaamaha gaarka u ah Ciidanka XDS, iyadoo lagu amray in si buuxda looga fogaado isticmaalka agabkaas aan sharciyeysneyn.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qof kasta oo lagu qabto isagoo si aan sharci ahayn u adeegsanaya agabka, astaamaha ama darajooyinka Ciidanka Xoogga Dalka, laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan xeerarka ciidamada.
Taliska ayaa si gaar ah uga digay in cid aan ciidanka ahayn ay isticmaasho:
Dareeska Ciidanka XDS
Darajooyinka Ciidanka XDS
Calaamadaha iyo astaamaha kale ee gaarka u ah Ciidanka XDS
Sidoo kale, digniin ayaa loo jeediyay ganacsatada leh garaashyada, iyadoo lagu amray inaysan:
Midab ama beddelin karin gaadiidka Ciidanka XDS
Dayactir u samayn karin ama cillad bixin karin gaadiidka Ciidanka XDS
Iibin karin qalab ama adeegyo la xiriira gaadiidka Ciidanka XDS
Taliska Ciidanka XDS ayaa ku celiyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarradan, iyadoo la wargeliyay in dhammaan ganacsatada iyo bulshada looga baahan yahay inay ka fogaadaan iibinta iyo isticmaalka astaamaha ciidanka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay baaq lagu amrayo in lala socdo sharciyada ciidamada, lana ixtiraamo sumcadda iyo astaanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

{DAAWO MUQAALKA} Qaar ka kamid ah ragii gowracay Hooyada iyo Caruurteeda oo la soo qabtay.
Jimac 10. October 2025 {HMC} Qaar ka kamid ah ragii gowracay Hooyada iyo Caruurteeda oo la soo qabtay.



