Home Blog Page 442

Maydad horleh oo laga helay dhismaha burbursan ee Gaza?

0

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Howlgallo lagu raadinayo dad muddo lagu la’aa Nolol ama Geeri ayaa ka billowday Magaalada Gaza gaar ahaan goobaha markii hore ay adkayd in la tago sababo la xiriira ciidanka Israa’iil oo tooganayay Dadka u dhowaada Goobahaas.

Difaaca Madaniga ah ee Gaza ayaa sheegay in ay heleen in ka badan Maydadka 50 ruux oo jirkooda ka muuqato toogasho loo gaystay, qaarkood waxa ay ku dhinteen guryaha burburay ee duqaynta arxan-darrada ah ee halkaas ka gaysteen ciidanka ku duullay.

Maydadka lasoo helay waxaa la geeyay goobo gaar ah oo lagu xaqiijinayo Dadkaas ehelkooda si loo geliyo diiwaanka Dadka ku dhintay dagaalkii socday labada sanno ee Xamaas iyo Israa’iil ku dhexmaray Magaalada Gaza ee Dhulka Falastiin.

Wakaaladda Wararka AFP oo soo xiganaysa Agaasimaha isbitaalka Al-Shifa, Dr Maxamed Abuu Salmiya ayaa sheegay in isbitaalkooda keliya la geeyay 33 Mayd oo jirkooda gubtay, waxa uu intaas ku daray in dadkaan la dilay saacadihii ugu dambeeyay dagaalka.

Heshiiska dhexmaray Xamaas iyo Israa’iil ayaa dhigaya in xabbadu joogsato, Maxaabiista labada dhinac is dhaafsadaan, Dadka dib ugu laabto guryahooda, ciidan hubiya xabbad-joojinta la geeyo magaalada Gaza iyo Gargaarka la fasaxo.

Boosaaso oo marin u noqotay dagaalyahannada calooshood u shaqeystayaasha ah ee loo diro dagaalka Suudaan?

0

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Warbixin ay si wadajir ah u daabaceen wargeyska The Guardian iyo warbaahinta Kolombiyada ee La Silla Vacía ayaa shaacisay in saldhig militari oo Imaaraadku ku leeyahay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari loo adeegsado meel lasii mariyo dagaalyahannada Kolombiyaanka ee loo diray dagaalka ka socda Suudaan.

Mid ka mid ah dagaalyahannada Kolombiyada, oo magaciisa loo qariyey sababo amni, ayaa sheegay in safarkiisu uu ka bilowday magaalada Bogotá ee Kolombiya, halkaas oo uu ku saxiixay heshiis uu bishii ku qaadanayo $2,600. Kaddib waxaa la geeyay Itoobiya, waxaana lagu sheegay in tallaabada xigta ay ahayd safar uu ku tagay saldhig Imaaraadku leeyahay oo ku yaalla Boosaaso, ka hor inta aan loo gudbin magaalada Nyaala ee Suudaan.

Imaaraadka Carabta ayaa lagu eedeeyay inay maalgelin iyo hub siinayaan ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ee dagaalka kula jira ciidanka dowladda Suudaan, inkastoo eedeymahaas ay Abu Dhabi si joogto ah u beeniso.

Warbixintu waxay muujineysaa in Boosaaso ay noqotay meel istiraatiiji ah oo ay Imaaraadku u adeegsadaan hawlgalladooda milatari ee gobolka, taas oo sare u qaaday su’aalo ku saabsan doorka Soomaaliya ee dagaalka Suudaan iyo isticmaalka dhulkeeda ujeeddooyin ciidan oo aan daahfurneyn.

Saldhigga Boosaaso, oo Imaaraadku dhisay dhowr sano ka hor, waxaa markii hore loo sheegay inuu u adeegayo tababarka ciidamada badda Puntland, balse marar badan ayaa la sheegay in uu noqday xarun militari oo Imaaraadku si madax-bannaan u maamulo.

Imaaraadka Carabta ayaa muddo dheer lagu eedeeyay inay maalgelin iyo hub siinayaan RSF, inkasta oo ay si joogto ah u diidaan eedeymahaas. Warbixintan cusub ayaa dib u soo noolaysay su’aalihii ku saabsan doorka Imaaraadka ee dagaalka Suudaan iyo sida ay Puntland uga war hayso ama uga oggol tahay in dhulkeeda loo adeegsado hawlgallo ciidan oo qarsoodi ah.

Dibadbaxyo Xoogan oo Ka Dhacay Ceergaabo oo Ka Dhan ah Ciidamada Somaliland

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Dibadbaxyo waaweyn ayaa xalay ka dhacay magaalada Ceergaabo, xarunta gobolka Sanaag, iyada oo ay shacabka deegaanka ku muujiyeen caro iyo cambaareyn ku aadan dil ka dhacay deegaanada gobolka oo ay geysteen ciidamada maamulka Somaliland.

Dadka dibadbaxa dhigayay ayaa laamiyada magaalada ku gubayay taayiro, isla markaana xirey wadooyin badan oo muhiim ah, iyaga oo codkooda ku cabiraya sida ay uga xunyihiin falkaas dilka ah. Waxaa la sheegay in ciidamo ka tirsan Somaliland ay goobta yimaadeen, halkaasoo ay rasaas ku fureen dadka mudaaharaadayay

 

Rasaastaas ayaa sababtay dhimashada wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Xamse, oo ka mid ahaa dhalinyarada sida weyn looga yaqaan magaalada Ceergaabo, kaasoo ku geeriyooday goobta banaanbaxa

 

Qaar ka mid ah dadka dibadbaxa dhigayay ayaa si dareen leh uga hadlay gabood falka ciidamada Somaliland, iyaga oo ku adkeystay in banaanbaxyada aysan joojin doonin inta laga helayo caddaalad iyo in dadka ka dambeeyay dilka la soo qabto oo gacanta loogu soo dhigo maamulka Somaliland

 

Dibadbaxyada ayaa qayb ka ah kacsanaan siyaasadeed iyo mid bulsho oo sii xoogeysanaysa gudaha gobolka Sanaag, halkaasoo ay weli ka taagan yihiin xiisado u dhexeeya shacabka deegaanka iyo maamulka Somaliland.

Maamulka Hirshabeelle oo deegaanadeeda ka mamnuucday in kasoo dagaan diyaarado hub iyo ciidan sida.

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada maamulka Hirshabeelle ayaa lagu mamnuucay in garoomada diyaaradaha deegaanada Hirshabeelle kasoo dagaan diyaarado hub iyo ciidan sida

 

Warka kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in la mamnuucay in diyaaraduhu soo qaadan ciidan iyo hub toona, islamarkaana digniintan si rasmi ah loo gaarsiiyay dhamaan hay’adaha, shirkadaha iyo agencies-ka ka howlgala garoomada diyaaradaha ee hoos yimaada deegaanada maamulka Hirshabelle

 

Waxa si adag loo mamnuucay in diyaarado ciidan hubeysan ama kuwa sida hub iyo qalab milatari sharci darro ah ay soo galaan garoomada diyaaradaha, iyadoo aan la marin nidaamka iyo habraaca dowladda HirShabelle,” ayaa lagu yiri warqadda kasoo baxday maamulka Hirshabelle

 

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku caddeysay in ficil kasta oo noocaas ah uu yahay jebin sharci iyo khatar amni, islamarkaana cid kasta oo lagu helo ama lagu tuhmo arrintan laga qaadi doono talaabo adag

 

“Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada waxay mar kale ku celinaysaa in aan la aqbali doonin diyaarad kasta oo hub ama ciidan wadata oo aan la ogayn” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Hirshabeelle

 

Amarkaan kasoo baxay Hirshabelle ayaa kusoo aadaya, iyadoo siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda deegaanada maamulkaas ay daraynayaan hoggaanka maamulkaasi, islamarkaana ay doonayaan iney ciidan iyo hub la tagaan si ay u abuuraan cadaadis siyaasadeed

 

Maamulka Jubalanad iyo Qaramada Midoobay oo kawada hadlay Xaalada Gobolka Gedo

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan, oo haatan ku sugan gobolka Gedo, ayaa si adag u dhaliilay Dowladda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku eedeeyay in ay wado qorshe halis gelinaya amniga, adeegyada bulshada, iyo xasiloonida gobolka

 

Sida lagu daabacay boga Warbaahinta Jubaland, Warbixin dheer oo uu siiyey mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa Madaxweyne ku-xigeenku kaga warbixiyay xaaladda bini’aadantinimo ee kasii dareysa qaybo kamid ah Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo

 

Waxa uu sheegay in tallaabooyinka ay qaaday Dowladda Federaalka sida xayiraadda garoomada diyaaradaha, joojinta mashaariic horumarineed, iyo faragelinta maamulka deegaanka ay keentay dhibaatooyin ba’an oo saameyn ku yeeshay nolosha shacabka

 

Waxaa muuqata in Villa Soomaaliya ay si ula kac ah u wado qorshe lagu duminaayo nidaamka Federaalka ee dastuuriga ah, taasoo khatar ku ah midnimada ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan

 

Wuxuu intaa ku daray in “shakhsiyaad dano gaar ah wata aysan noqon karin kuwa go’aamiya masiirka shacabka reer Gedo.”

 

Kulanka fogaan-aragga ah oo uu la yeeshay Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray dadaallada dib-u-heshiisiinta beelaha walaalaha ah ee muddo dheer colaaddu ka dhex jirtay, gaar ahaan degmada Luuq

 

Waxaa la isku raacay in bil gudahood la qabto gogol nabadeed, si loo dhiso kalsoonida bulshada, iyadoo Qaramada Midoobay ay ballanqaadday taageero buuxda oo arrimahaasi la xiriira

 

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu dambeyn baaq u diray waxgaradka Jubbaland, isaga oo ugu yeeray in ay mideeyaan codkooda si ay u difaacaan xuquuqda iyo masiirka gobolka Gedo, kana hortagaan, sida uu sheegay, faragelinta gardarrada ah ee Dowladda Soomaaliya

 

Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli khilaafka u dhexeeya Dowladaha Federaalka iyo Jubbaland uu mar kale cirka isku shareeray, iyadoo gobolka Gedo uu mar kale noqday xarunta xiisadaha siyaasadeed ee Soomaaliya.

Maydad horleh oo laga helay dhismaha hoostiisa ee Gaza

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Howlgallo lagu raadinayo dad muddo lagu la’aa Nolol ama Geeri ayaa ka billowday Magaalada Gaza gaar ahaan goobaha markii hore ay adkayd in la tago sababo la xiriira ciidanka Israa’iil oo tooganayay Dadka u dhowaada Goobahaas

 

Difaaca Madaniga ah ee Gaza ayaa sheegay in ay heleen in ka badan Maydadka 50 ruux oo jirkooda ka muuqato toogasho loo gaystay, qaarkood waxa ay ku dhinteen guryaha burburay ee duqaynta arxan-darrada ah ee halkaas ka gaysteen ciidanka ku duullay

 

Maydadka lasoo helay waxaa la geeyay goobo gaar ah oo lagu xaqiijinayo Dadkaas ehelkooda si loo geliyo diiwaanka Dadka ku dhintay dagaalkii socday labada sanno ee Xamaas iyo Israa’iil ku dhexmaray Magaalada Gaza ee Dhulka Falastiin

 

Wakaaladda Wararka AFP oo soo xiganaysa Agaasimaha isbitaalka Al-Shifa, Dr Maxamed Abuu Salmiya ayaa sheegay in isbitaalkooda keliya la geeyay 33 Mayd oo jirkooda gubtay, waxa uu intaas ku daray in dadkaan la dilay saacadihii ugu dambeeyay dagaalka

 

Heshiiska dhexmaray Xamaas iyo Israa’iil ayaa dhigaya in xabbadu joogsato, Maxaabiista labada dhinac is dhaafsadaan, Dadka dib ugu laabto guryahooda, ciidan hubiya xabbad-joojinta la geeyo magaalada Gaza iyo Gargaarka la fasaxo.

Puntland & Daacish oo ku dagaalamay Gobolka Bari

Sabti, Oct 11, 2025 {HMC} Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Difaaca Dowlad-Goboleedka Puntland iyo Daacish ayaa ka dhacay Togga Walisoor ee Gobolka Bari, waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac inkasta oo aan tiro rasmi ah lasoo gudbin.

 

Saraakiil katirsan Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay dileen xubno katirsan Daacish oo dagaal toos ah isaga hor yimaadeen isla markaana ay ka qabsadeen deegaanka lagu dagaalamay

 

Dhanka Puntland waxaa la xaqiijiyay in uu ku dhintay Nabadoon Cabdi Hayaan oo kamid ahaa Odoyaasha dhaqanka ee ku biiray howlgallada Dowlad-Goboleedka Puntland halka ay dhaawacmeen labo kale sida wararku sheegayaan

 

Puntland ayaa tilmaamtay in ay sii xoojinayso howlgallada ka dhanka ah Daacish oo wajigii saddexaad maraya, Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowaan sheegay in ay u baahan yihiin in lagu garab istaago howlgalladaan si loosoo afjaro.

{DAAWO MUQAALKA} Israa’iil oo weerar ku qaaday wadanka Lubnaan

0

Sabti 11. October  2025 {HMC} Israa’iil oo weerar ku qaaday wadanka Lubnaan

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Todobaad ka dib Wada hadaladii fashilmay ee Kismaayo Maxaa la gudboon MW Xasan.?

0

Sabti 11. October  2025 {HMC} Todobaad ka dib Wada hadaladii fashilmay ee Kismaayo Maxaa la gudboon MW Xasan.?

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Ragii Dilay Hooyo iyo sedax Caruur ay dhashay oo Maxkamad lasoo taagayo

0

Sabti 11. October  2025 {HMC} Ragii Dilay Hooyo iyo sedax Caruur ay dhashay oo Maxkamad lasoo taagayo

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA