Home Blog Page 446

Puntland oo soo qabatay doonmo ajaanib ah oo kalluumeysi sharci-darro ah ka wadey xeebaha Somaliya .

Jimco  10, Oct 2025 {HMC}  Ciidanka Ilaalada Canshuuraha Puntland ayaa gacanta ku dhigay doonyo kaluumeysi oo si sharci-darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Puntland.

Hawlgalka oo socday muddo toddobo cisho ah, ayaa si qorsheysan loogu fuliyay qaybo kala duwan oo ka mid ah xeebaha Puntland. Intii uu socday waxaa lagu soo qabtay asida ay sheegtay wasaaraddu far doonyood oo kaluumeysi sharci-darro ah, kuwaas oo ay lahaayeen ajaaniib.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu sheegay in saddex ka mid ah doomahaasi ay lahaayeen muwaadiniin Yemeniyiin ah, halka midda afraadna laga leeyahay dalka Iran. Sidoo kale, saddex huuri oo kaabayaal u ahaa kaluumaysiga sharci-darrada ah ayaa iyaguna lagu qabtay hawlgalka.

Labo kamid ah doomaha ay leeyihiin Yemeniyiinta ayaa durbaba la horgeeyay Maxkamadda Degmada Baargaal, taas oo ku ridday ganaax lacageed iyo xukuno kale oo waafaqsan shuruucda Puntland ee la xiriira kaluumaysiga sharci-darrada ah.

Dhinaca kale, hal doon iyo saddex huuri oo ay leeyihiin Yemeniyiinta iyo midda laga leeyahay dalka Iran, oo ay wateen 45 shaqaale ajaanib ah, ayaa loo soo wareejiyay magaalada Boosaaso, si loo horkeeno Maxkamadda.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Ciidanka Ilaalinta Canshuuraha Puntland ayaa digniin adag u diray ganacsatada Soomaaliyeed iyo kuwa ajaanibta ah ee si sharci-darro ah uga kalluumeysanaya xeebaha Puntland.

Sidoo kale, Puntland waxay ku goodisay in cid kasta oo is-hortaagta ciidamada ama adeegsanaysa maleeshiyaad hubeysan si ay uga hortagto howlgalka, laga qaadi doono tallaabo adag oo sharci ah, iyadoo la horgeyn doono hay’adaha garsoorka iyo amniga.

 

11 Pakistani soldiers, 19 militants killed in clash in northwest near Afghan border

0

Thuesday 9, Oct 2025 {HMC} Pakistani security forces raided a hideout of the Pakistani Taliban near the Afghan border before dawn Wednesday, triggering a fierce gunbattle that left 11 soldiers and 19 militants dead, the military said.

The operation took place in Orakzai district in the restive northwestern province of Khyber Pakhtunkhwa, according to a statement from the military.

The military described the slain insurgents as “Khwarij, ” a term which the government uses for militants it claims are backed by India, including members of the banned Tehrik-e-Taliban Pakistan and the Baloch Liberation Army.

Pakistani authorities have long accused New Delhi of supporting separatists in Balochistan and Pakistani Taliban fighters, allegations India denies.

In a brief statement, the Pakistani Taliban claimed responsibility for attacking troops in Orakzai.

SOURCE AP

Maxay tahay kooxda TTP ee Laga yaabo in ay sababto Dagaal ka dhax qarxa Pakistan iyo Afgaanistaan?

0

Khamiis 9, Oct 2025 {HMC} Duqeymo diyaaradeed ayaa caawa ka dhacay caasimadda Afgaanistaan ee Kabul, iyadoo la sheegay in duqeymahan lagu beegsaday hoggaamiyeyaal ka tirsan Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP) , kaddib markii kooxdan weerar askar badan oo ka tirsan ciidanka Pakistan lagu dilay ay shalay ka fulisay xadka u dhaxeeya Pakistan iyo Afgaanistaan.

Dagaalka ay waddo kooxda Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP) wuxuu salka ku hayaa isku dhacyo siyaasadeed, diimeen, iyo amni oo muddo dheer soo jiitamayay gudaha Pakistan, gaar ahaan gobollada xadka u dhow Afgaanistaan.

Si kooban haddaan u faahfaahiyo:

Kooxda TTP waxaa la aas-aasay 2007, kadib markii Pakistan ay duqeysay xarunta Laal Masjid ee magaalada Islamabad, halkaas oo ay ku sugnaayeen culimo iyo arday jihaadiyiin ah.

Weerarkaasi wuxuu kiciyay caro weyn oo ka dhalatay dhanka diimeed, taas oo dhalisay midowga kooxo kala duwan oo ka dagaallamayay waqooyiga Waziristan iyo koonfurta xadka ay Pakistan la wadaagto Afgaanistaan. Waxaa kooxdan hoggaaminayay Baitullah Mehsud, oo markii dambe lagu dilay duqeyn uu Maraykanka fuliyay.

TTP waxay sheegtay in ay u dagaallamayso difaaca shareecada Islaamka iyo in la rido dawlad ay u aragto mid u adeegta Maraykanka, gaar ahaan kadib markii Islamabad ay taageertay dagaalkii Mareykanka ee ka dhanka ahaa Al Qaacida.

TTP ma aha Taliban Afgaanistaan, balse waxay ka dhalatay fikrad la mid ah oo ku saleysan Jihaad ka dhan ah dawladda Pakistan, iyagoo u arkaya nidaamka Islamabad mid ridoobay.

Ujeeddadoodu waa in Pakistan laga hirgeliyo dawlad Islaami ah oo ku saleysan shareecada iyo in laga eryo ciidamada Maraykanka ee markaas joogay gobolka.

Kooxdu waxay isku darsatay hababka Taliban Afghanistan iyo Al Qaacida , waxayna fulisay weerarro waaweyn sida qaraxii 2014 ee dugsiga ciidamada ee Peshawar, kaas oo lagu dilay in ka badan 130 carruur ah, taas oo argagax gelisay caalamka.

Markii Taalibaan ay dib ula wareegtay xukunka Afgaanistaan sannadkii 2021, TTP waxay heshay meel ay si nabad ah uga hawlgasho, gaar ahaan xadka labada dal. Taalibaan waxay ku adkaysanaysaa in aysan si toos ah u taageerin TTP, balse Pakistan waxay ku eedeysaa in TTP ay saldhigyo ku leedahay gudaha Afgaanistaan oo ay halkaas ka qorsheyso weerarro.

Taalibaan waxay u aragtaa TTP walaal Islaami ah, waxayna ka baqaysaa in haddii ay dagaal la gasho ay lumiyaan taageerada kooxaha kale ee jihaadiga ah ee gobolka.

Pakistan waxay ku cadaadinaysay Taalibaan inay xakameyso TTP ama ay ka saarto xadka, balse Taalibaan ma aysan fulin. TTP-na waxay sii kordhisay weerarradeeda gudaha Pakistan,gaar ahaan Baluchistan iyo Khyber Pakhtunkhwac iyadoo beegsanaysa saldhigyo ciidan iyo saraakiil amni.

Ugu dambeyntii, Pakistan waxay rumeysan tahay in aanay suurtagal ahayn amni iyo xasillooni ay hesho ilaa TTP la tirtiro. Balse TTP waxay u aragtaa duqeynta iyo howlgalada Pakistan mid ku dhiirrigelinaya jihaadkooda.

W/Q Iman Jamac

Dowladda Pakistaan oo Caawa Madaafiic ku garaacday Caasimadda Afgaanistaan.

0

Khamiis 9, Oct 2025 {HMC} Ciidamada amaanka Pakistan ayaa subaxnimadii Arbacada weerar ku qaaday goob ay ku sugnaayeen kooxda Talibanka Pakistan oo ku dhow xuduudka Afgaanistaan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo sababay dhimashada 11 askari iyo 19 maleeshiyo ah, sida ay ciidamadu sheegeen.

Howlgalka ayaa ka dhacay degmada Orakzai ee gobolka waqooyi-galbeed ee Khyber Pakhtunkhwa, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay militariga.

Milatarigu waxa ay ku tilmaameen falaagada la dilay “Khwaarij,” oo ah erey ay dawladdu u adeegsato xagjiriinta ay ku andacoonayso in ay taageeraan Hindiya, oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ururka la mamnuucay ee Tehrik-e-Taliban Pakistan iyo Ciidanka Xoraynta Baloch.

Dowladda Pakistan ayaa muddo dheer ku eedeeyay New Delhi inay taageerto gooni u goosadka Balochistan iyo dagaalyahanada Taliban Pakistan, eedeymaha India ayaa beenisay.

Hadal kooban oo ay soo saareen Talibanka Pakistan ayay ku sheegteen mas’uuliyadda weerar lagu qaaday ciidamada ku sugan Orakzai.

Duqeymo culus oo caawa gilgiley magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afgaanistaan.

0

Khamiis 9, Oct 2025 {HMC} Duqeymo culus ayaa caawa gilgiley magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afgaanistaan, iyadoo dadku maqleen guuxa diyaarado dagaal oo dul wareegaya caasimadda Afghanistan.

Ilaa hadda cidna ma sheegan mas’uuliyadda weerarradaas, balse Pakistan ayaa maanta ku eedeysay Taalibaan inay martigelisay kooxo argagixiso oo ka danbeeya weerarro ka dhacay gudaha Pakistan.

Wasiirka Difaaca ee Pakistan, Khawaja Asif, ayaa maanta hadal kulul ku sheegay in samirka Islamabad uu hadda gaaray xadka ugu dambeeya,isagoo tilmaamay in Taalibaan ay ku fashilantay joojinta weerarrada kooxda Tehrik-e-Taliban Pakistan (TTP) oo saldhigyo ku leh dhulka Afgaanistaan.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntu lagu bartilmaameedsatay deegaanno ku dhow xarumaha dawladda ee Kabul, balse faahfaahinta khasaaraha wali lama hayo.

Taalibaan weli kama hadlin dhacdada, hase yeeshee saraakiil Afghan ah ayaa ku tilmaamay duqeynta xadgudub cad oo ka dhan ah madaxbannaanida dalka.

Weerarkan wuxuu dhacay saacado kaddib markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Afgaanistaan uu booqday Hindiya ,safar Islamabad u aragtay mid calaamad u ah in Kabul ay isu rogayso dhinac siyaasadeed oo cadowtinimo u muuqda. Pakistan waxay u arkaysaa xiriirka Taalibaan iyo Hindiya inuu khatar ku yahay amnigeeda, halka Taalibaan ay u doonayso safarkaas inuu noqdo fariin madax-bannaani ah ay ku soo bandhigayso.

Duqeymahan ayaa la rumeysanyahay inay calaamad u yihiin xiriirkii Taalibaan iyo Pakistan inuu si dhab ah u burburay. Islamabad waxay isku dayaysaa inay cadaadis ku saarto Kabul si ay uga hortagto TTP, halka Afgaanistaan ay isku dayayso inay muujiso madax-bannaanideeda iyo in aysan sii ahaanin gacanta Pakistan.Weerarkan wuxuu u muuqdaa mid bilow u noqon kara dagaal hoose oo cusub oo u dhexeeya labada daris ee hore isugu dhowaa.

Iman Jamac

Israaiil oo dhowr duqeynah caawa ka fulisay marinka Qasa,

0

Khamiis 9, Oct 2025 {HMC} Israaiil ayaa dhowr duqeyn oo ay ku jirto weerar caawa ay fulisay ka geysatay marinka Qasa, xilli la shaaciyay heshiis xabbad-joojin ah oo la gaaray Si tan aad u fahanto

Mar kasta oo heshiis la gaaro ka hor inta aan qallinka lagu duugin, waxay Israaiil caado u leedahay inay fuliso weerarro arxan darro ah, illaa saakay weerarrada socdana waa kuwa ay uga danleedahay Israa|l inan la dhaqangelin xabbad-joojinta oo dhaqangalkeeda uu billaabanayo marka la saxiixo oo la filayo inay Axadda dhacdo, ka hor muddadaa waa wax la filan karo inay weerarrada sii socdaan.

{DAAWO MUQAALKA} Maxay ONLF ku diidantahay sida ay Itoobiya rabto in ay u maamusho Shidaalka DDS.

0

Khamiis  9. October  2025 {HMC} Maxay ONLF ku diidantahay sida ay Itoobiya rabto in ay u maamusho Shidaalka DDS.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- Maxaa sababay Dilalka Haweenka iyo Caruurta loo dilayo Qabiilka, iyo Xiisad Caawa taagan

0

Khamiis  9. October  2025 {HMC} FALANQEYN:- Maxaa sababay Dilalka Haweenka iyo Caruurta loo dilayo Qabiilka, iyo Xiisad Caawa taagan

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Afar malyan oo Dollar ayeey AS u marsiisay Akoonkeeda.

0

Khamiis  9. October  2025 {HMC} Afar malyan oo Dollar ayeey AS u marsiisay Akoonkeeda.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

UK oo ballanqaadday inay sii wado taageerada Soomaaliya.

0

Khamiis 9, Oct 2025 {HMC} Dowladda Ingiriiska ayaa ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya ee ku saabsan xoojinta xuquuqda aadanaha iyo nidaamyada maamul wanaagga, iyadoo arrintaas lagu muujiyay qaraar cusub oo ay UK Arbacadii shalay ka jeedisay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva.

Hadalkii ay ku jeedisay magaca kooxda asaasiga ah ee Ingiriiska, safiirka xuquuqda aadanaha ee UK Eleanor Sanders, ayaa sheegtay in qaraarkan uu qayb ka yahay ballanqaadka UK ee taageeraya safarka Soomaaliya ee dhinaca nabadda waarta, horumarka, iyo isla xisaabtanka.

Tan iyo 1993, Soomaaliya waxay tallaabooyin muhiim ah ka qaaday dib u dhiska dalka, xoojinta maamulka, iyo horumarinta xasilloonida iyo dib u heshiisiinta. Waxaan ammaaneynaa madaxda Soomaaliyeed sida ay u sii wadaan wada shaqeynta ay la leeyihiin golahan iyo guud ahaan nidaamka xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Dowladda UK waxay sheegtay in qaraarku ujeedkiisu yahay in la xoojiyo kaalmo farsamo iyo dhisidda awoodda hay’adaha garsoorka iyo amniga ee Soomaaliya.

“Qaraarkan wuxuu calaamad u yahay tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya u qaadday hore. Wuxuu beddelayaa muddo dheer oo uu jiray nidaam Khabiir Madaxbannaan ah, isagoo hadda u gudbayo iskaashi cusub oo lala yeesho Xafiiska Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha. Isbeddelkan wuxuu muujinayaa awoodda sii kordheysa ee hay’adaha Soomaaliya, ballanqaadka dib u habeynta, iyo biseylka iskaashiga ay la leedahay beesha caalamka,” ayay tiri Sanders.

Qaabka cusub, diiradda waxaa la saari doonaa taageeridda mudnaanta qaran ee xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, iyadoo weli la sii wadi doono kormeerka iyo warbixinnada guud ee dadweynaha.

Ka hor xaaladdan, xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya waxaa kormeeri jiray khubaro madaxbannaan oo uu magacaabay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Khabiirka hadda xilka haya, Ms. Isha Dyfan oo u dhalatay Sierra Leone, ayaa la magacaabay bishii May 2020, waxaana sannadkii hore loo kordhiyay muddada shaqadeeda si ay u sii waddo qiimaynta, kormeerka, iyo warbixinta ku saabsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.