Home Blog Page 449

UK oo ballanqaadday inay sii wado taageerada Soomaaliya ee dhinaca xuquuqda aadanaha iyo maamul wanaagga?

Khamiis Oct 09 , 2025 {HMC} Boqortooyada Ingiriiska ayaa ballanqaadday inay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya ee ku saabsan xoojinta xuquuqda aadanaha iyo nidaamyada maamul wanaagga, iyadoo arrintaas lagu muujiyay qaraar cusub oo ay UK Arbacadii shalay ka jeedisay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay ee magaalada Geneva.

Hadalkii ay ku jeedisay magaca kooxda asaasiga ah ee Ingiriiska, safiirka xuquuqda aadanaha ee UK Eleanor Sanders, ayaa sheegtay in qaraarkan uu qayb ka yahay ballanqaadka UK ee taageeraya safarka Soomaaliya ee dhinaca nabadda waarta, horumarka, iyo isla xisaabtanka.

Tan iyo 1993, Soomaaliya waxay tallaabooyin muhiim ah ka qaaday dib u dhiska dalka, xoojinta maamulka, iyo horumarinta xasilloonida iyo dib u heshiisiinta. Waxaan ammaaneynaa madaxda Soomaaliyeed sida ay u sii wadaan wada shaqeynta ay la leeyihiin golahan iyo guud ahaan nidaamka xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.

“Sidoo kale waan ognahay in Soomaaliya ay weli la tacaalayso caqabado waaweyn oo dhinaca xuquuqda aadanaha ah, balse waan soo dhoweyneynaa diyaarinta dowladda ee ay ku wajahday arrimahan si toos ah oo furan,” ayay tiri Sanders.

Dowladda UK waxay sheegtay in qaraarku ujeedkiisu yahay in la xoojiyo kaalmo farsamo iyo dhisidda awoodda hay’adaha garsoorka iyo amniga ee Soomaaliya.

“Qaraarkan wuxuu calaamad u yahay tallaabo taariikhi ah oo Soomaaliya u qaadday hore. Wuxuu beddelayaa muddo dheer oo uu jiray nidaam Khabiir Madaxbannaan ah, isagoo hadda u gudbayo iskaashi cusub oo lala yeesho Xafiiska Sare ee Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha. Isbeddelkan wuxuu muujinayaa awoodda sii kordheysa ee hay’adaha Soomaaliya, ballanqaadka dib u habeynta, iyo biseylka iskaashiga ay la leedahay beesha caalamka,” ayay tiri Sanders.

Qaabka cusub, diiradda waxaa la saari doonaa taageeridda mudnaanta qaran ee xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, iyadoo weli la sii wadi doono kormeerka iyo warbixinnada guud ee dadweynaha.

Ka hor xaaladdan, xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya waxaa kormeeri jiray khubaro madaxbannaan oo uu magacaabay Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Khabiirka hadda xilka haya, Ms. Isha Dyfan oo u dhalatay Sierra Leone, ayaa la magacaabay bishii May 2020, waxaana sannadkii hore loo kordhiyay muddada shaqadeeda si ay u sii waddo qiimaynta, kormeerka, iyo warbixinta ku saabsan xaaladda xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya.

Xiindheere: Hooyo iyo Saddex Gabdhood oo Lagu Dilay Guryahooda xilli Habeen ah?

Khamiis Oct 09 , 2025 {HMC} Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya dhacdo naxdin leh oo ka dhacday bartamaha habeenimadii xalay, kadib markii maleeshiyo hubaysan ay weerar ku qaadeen guri ay deganaayeen hooyo iyo carruurteeda, halkaas oo ay ku dileen afar dumar ah oo isku qoys ahaa.

Dilka ayaa la xaqiijiyay inuu dhacay xilli ay hurdayeen hooyada iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, Wararka deegaanka laga helayo ayaa tilmaamaya in maleeshiyadu si arxan darro ah rasaas ugu fureen hooyada iyo gabdhaheeda, iyaga oo si gaar ah ugu dhuftay madaxa, taas oo sababtay dhimashadooda.

Sida ay dadka deegaanka sheegeen, falkaan ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo hore u jiray, waxaana la rumeysan yahay in dilkan uu ahaa mid si gaar ah loo soo qorsheeyay, Waxaa intaas dheer, in maydadka dumar ka la dilay weli aan la aasin.

Marxuumad hooyada ah iyo saddexdeeda gabdhood ayaa la sheegay in aysan wax rag ah joogin guriga xilliga uu falka dhacayay, taasoo laga dhaxlay in maleeshiyada falka gaysatay ay si fudud u fuliyaan dilka.

Falka kadib, maleeshiyadii weerarka gaysatay ayaa la sheegay inay ka carareen deegaanka, mana cadda halka ay ku sugan yihiin, Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo qabtay weerarka, mana jirto wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ama maamulka gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka Xiindheere ayaa muujinaya cabsi iyo murugo ku saabsan dhacdadan, iyaga oo codsanaya in si degdeg ah cadaaladda loo helo, maydadkana loo oggolaado in si sharaf leh loo aaso, Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli deegaanka uu horey uga jiray xasillooni darro la xiriirta colaado qabiil, taas oo weli xal waara aan loo helin.

Hooyo iyo Saddex Gabdhood oo Lagu Dilay Deegaankan Xiindheere.

Khamiis Oct 09 , 2025 {HMC}  Wararka naga soo gaaraya deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya dhacdo naxdin leh oo ka dhacday bartamaha habeenimadii xalay, kadib markii maleeshiyo hubaysan ay weerar ku qaadeen guri ay deganaayeen hooyo iyo carruurteeda, halkaas oo ay ku dileen afar dumar ah oo isku qoys ahaa.

Dilka ayaa la xaqiijiyay inuu dhacay xilli ay hurdayeen hooyada iyo saddex gabdhood oo ay dhashay, Wararka deegaanka laga helayo ayaa tilmaamaya in maleeshiyadu si arxan darro ah rasaas ugu fureen hooyada iyo gabdhaheeda, iyaga oo si gaar ah ugu dhuftay madaxa, taas oo sababtay dhimashadooda.

Sida ay dadka deegaanka sheegeen, falkaan ayaa salka ku haya aanooyin qabiil oo hore u jiray, waxaana la rumeysan yahay in dilkan uu ahaa mid si gaar ah loo soo qorsheeyay, Waxaa intaas dheer, in maydadka dumar ka la dilay weli aan la aasin.

Marxuumad hooyada ah iyo saddexdeeda gabdhood ayaa la sheegay in aysan wax rag ah joogin guriga xilliga uu falka dhacayay, taasoo laga dhaxlay in maleeshiyada falka gaysatay ay si fudud u fuliyaan dilka.

Falka kadib, maleeshiyadii weerarka gaysatay ayaa la sheegay inay ka carareen deegaanka, mana cadda halka ay ku sugan yihiin, Ilaa iyo hadda ma jirto cid loo qabtay weerarka, mana jirto wax jawaab rasmi ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka ama maamulka gobolka Galgaduud.

Dadka deegaanka Xiindheere ayaa muujinaya cabsi iyo murugo ku saabsan dhacdadan, iyaga oo codsanaya in si degdeg ah cadaaladda loo helo, maydadkana loo oggolaado in si sharaf leh loo aaso, Dhacdadan ayaa kusoo beegmeysa xilli deegaanka uu horey uga jiray xasillooni darro la xiriirta colaado qabiil, taas oo weli xal waara aan loo helin.

Israa’iil iyo Xamaas oo wada gaaray heshiis.

Khamiis Oct 09 , 2025 {HMC} Israa’iil iyo Xamaas ayaa heshiis is afgarad oo hordhac ah ku wada gaaray magaalada Sharma shiikh ee dalka Masar, kadib wada hadalo ay dhexdhexaadiyeen Mareykanka,  Masar, Turkiga iyo Qatar.

Heshiiskaan is afgarad ayaa imaanaya kadib laba sano oo dagaalo lagu hoobtay ay ka socdeen marinka Gaza, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada Israa’iil iyo xoogaga hubeysan ee Xamaas.

Warsaxafadeed ay soo saartay Xamaas ayaa lagu xaqiijiyay in la gaaray heshiiskan xabad joojin ah, kaddib wada hadalo adag oo ay dhinacyada ku dhexmaray  magaalada Sharma Shiik ee dalka Masar.

Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiskaan lagu sheegay waxaa ka mid ah in ciidamada Israa’iil inay gabi ahaanba ka baxaan marinka Gaza iyo in la fuliyo is weydaarsi maxaabiis si loo soo afjaro dagaalka lagu hayo shacabka Falastiin.

Wadahadaladan ayaa ku yimid qorshe uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, waxayna u gogol xaareysa in la joojiyo dagaalka iyo in la furo waddooyin la marsiiyo gargaarka bani’aadannimo.

Ugu dambeyntii dagaalka mudada labada sano ah u dhaxeeyay Israa’iil iyo Xamaas waxaa lagu dilay in ka badan 70 kun oo ka mid ahaa shacabka reer Falastiin, kadib duqeymo aanan loo meel dayan oo ay Israa’iil ku garaaceysay labadii sano ee la soo dhaafay dadka ku nool Gaza.

{DAAWO MUQAALKA} Heshiis laga gaaray joojinta dagaalka Qaza iyo wararkii ugu dambeyay

0

Khamiis  9. October  2025 {HMC} Heshiis laga gaaray joojinta dagaalka Qaza iyo wararkii ugu dambeyay

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Amaanka Xarardheere oo la adkeeyay iyo dhaq dhaqaaqya ciidan

0

Khamiis  9. October  2025 {HMC} Amaanka Xarardheere oo la adkeeyay iyo dhaq dhaqaaqya ciidan

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

Ruushka oo ka baxaya heshiiska xakameynta hubka nukliyeerka.

0

Arbaco Oct 08, 2025 {HMC} Dowladda Ruushka ayaa ka baxaya heshiiska xakameynta hubka nukliyeerka ee Dowladda Mareykanka uu kula jiray

Heshiiskan oo soo socday muddo 25 sanno ah ayaa loo arkayay in uu yahay kan ugu muhiimsan ee xakameynta nukliyeerka.

Heshiiska uu Ruushku hadda ka baxayo waxaa la saxiixay sannadkii 2000, wuxuuna ahaa “Plutonium Disposition Agreement, sida ay Baahisay wakaalada Wararka ee Reuters.

Ujeeddadiisu waxay ahayd in labada dal ay baabi’iyaan 34 tan oo plutonium ah, oo ah walaxda ugu muhiimsan ee laga sameeyo qaraxyada nukliyeerka.

Ruushka wuxuu albaabka u furaya dib u qaabeynta nukliyeerkiisa, taa oo ka dhigan hanjabaad looga jawaabayo taageerrada uu Mareykanka siinayo Ukraine, oo Ruushku ugu sheegayo inay ka dhalan karto cawaaqib in batoonnada bambada nukliyeerka la riixo!

 

Maxay ka dhigantahay warbaahinta Afrika ee laga daahfuray Itoobiya.?

0

Arbaco Oct 08, 2025 {HMC} Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa maanta daahfuray warbaahin cusub oo uu ku sheegay in ay noqon doonto codka Afrika, taas oo loogu magac daray Pulse of Africa.

Munaasabadda daahfurka ayaa ka dhacday xarunta warbaahintan oo ku taal Addis Ababa , waxaana lagu sheegay in ay tahay bilow taariikhi ah oo Itoobiya ku muujinayso awooddeeda cusub ee dhanka warbaahinta iyo hal-abuurka fikirka qaaradeed.

Hase yeeshee, furitaanka warbaahintan wuxuu xambaarsan yahay farriimo siyaasadeed iyo istiraatiijiyad ka ballaaran inta indhaha laga arko, mid muujinaysa in Abiy Axmed doonayo in Itoobiya noqoto xarunta cusub ee fikirka Afrika, iyo in uu isaga laftiisu isu muujiyo sidii hoggaamiye cusub oo qaaradda u horseedaya jiho mideysan.

Warbaahinta Pulse of Africa waxaa lagu tilmaamay in ay ka duwanaan doonto warbaahinta caalamiga ah ee marar badan Afrika u sawirta meel dhibaato, saboolnimo iyo dagaal joogto ah.

Abiy wuxuu sheegay in Afrika aysan u baahnayn cid kale ka hadasho, balse ay tahay in ay iyadu codkeeda iyo sheekadeeda gudbiso.

Laakiin marka si siyaasadeed loo eego, furitaanka warbaahintan waa tallaabo si qoto dheer loogu dhisay istiraatiijiyad cusub oo ku wajahan laba jihaba , gudaha Itoobiya iyo qaaradda Afrika.

Gudaha Itoobiya, waxay noqoneysaa aalad cusub oo lagu xoojinayo fikradda midnimada qaranka iyo kalsoonida shacabka, xilli uu ra’iisul wasaaruhu wajahayo cadaadis siyaasadeed iyo dhaqaale oo gudaha ka jira, halka dhanka Afrika ay u adeegayso sidii cod midaysan oo uu isaga ku hadlo.

Marka dal uu dhisto warbaahin qarameed, had iyo jeer waxaa ku duugan sir siyaasadeed.

Ma aha kaliya in la doonayo in la helo meel lagu faafiyo warar wanaagsan ama lagu difaaco dawladda, balse waa qayb ka mid ah dhismaha awoodda qaranka.

Warbaahin qaran waxay noqon kartaa aalad lagu hagayo fikradaha bulshada, lagu cabbiro dareenka dadweynaha, lana dhiso shucuurta qaranimo.

Abiy si wanaagsan ayuu u fahmay in qarnigan aan dagaalku ahayn mid kaliya lagu dagaallamo qoriga, balse lagu dagaallamo sheeko iyo xog. Haddii aad adigu maamusho sheekada, waxaad maamuleysaa maskaxda dadka. Sidaas darteed, Pulse of Africa waa hub siyaasadeed iyo mid fikir.

Dhinaca kale, furitaanka warbaahintan wuxuu imanayaa xilli Abiy Axmed wajahayo dhibaatooyin badan oo gudaha ah, khilaafka gobollada, kacdoonka siyaasadeed , dhaqaalaha oo hoos u dhac uu ka muuqdo, iyo kalsoonida shacabka oo dhaawacantay.

Si kastaba, halkii uu ka qarin lahaa xaaladdaas, wuxuu doortay inuu abuuro muuqaal kale oo xoog leh, in Itoobiya ay tahay dal hal-abuurnimo leh, mid horumar sameynaya, mid hoggaamin karta Afrika.

Waxaa la dareemayaa in Abiy u adeegsanayo warbaahinta cusub sidii qayb ka mid ah olole istiraatiiji ah oo uu ku dhisayo sumcaddiisa gudaha iyo dibadda labadaba.

Tani ma ahan markii ugu horreysay ee Abiy adeegsado mashaariic waaweyn si uu u dhiso muuqaal hoggaamineed.

Wuxuu hore u furay mashruucii Green Legacy ee lagu beeray malaayiin geedo, biyo-xireenka GERD ee uu ku muujiyey awoodda Itoobiya, dhismaha kaabayaal waaweyn sida jidad iyo garoomo, iyo hadda warbaahin qaaradeed oo uu leeyahay.

Mid kasta oo ka mid ah mashaariicdan waxaa laga dhex akhriyaa hal aragti in Abiy Axmed doonayo in taariikhda lagu xasuusto sidii hoggaamiye Afrika, fikirkiisana laga arko Addis Ababa oo noqota xarun cusub oo siyaasadeed iyo warbaahineed.

Siyaasadda uu adeegsanayo waxay xambaarsan tahay calaamado Pan-Africanism ah , taasoo ah fikraddii laga dhaxlay hoggaamiyayaashii sida Kwame Nkrumah iyo Julius Nyerere oo ku taamayay midnimo Afrika.

Laakiin farqiga u dhexeeya Abiy iyo hoggaamiyeyaashaas waa in Pan-Africanism-kii hore lagu dhisay halgan xorriyadeed, halka midda Abiy ay u muuqato mid lagu dhisayo halgan sumcad iyo hoggaamin cusub. Isaga wuxuu doonayaa in Itoobiya noqoto xarunta Afrika ee warbaahinta, amniga iyo diblomaasiyadda, xilli mar horaba ay Addis Ababa saldhig u ahayd Midowga Afrika.

Siyaasiyiinta qaabkaas u dhaqma waxaa lagu tilmaamaa ‘visionary populists’ hoggaamiyeyaal abuura mashaariic waaweyn iyo rajo muuqata, balse mararka qaar aysan hubin sida loo dhameystiro.

Abiy wuxuu si cad u qaadanayaa jidkan, isagoo isku dayaya inuu isu muujiyo hoggaamiye mustaqbalka Afrika ee cusub. Warbaahinta cusub ee uu daahfuray waxay u adeegaysaa sidii muraayad uu dunida ku tuso sawir cusub oo ah Afrika guuleysaneysa, isaga oo ah wajiga Afrikaas cusub.

Tusaalaha uu ka dhaxlay hoggaamiyeyaashii hore waa mid muuqda, wuxuuna tixraacayaa in Kwame Nkrumah uu warbaahinta u adeegsaday inuu faafiyo aragtidiisa midnimada Afrika, Julius Nyerere wuxuu warbaahinta iyo waxbarashada u adeegay sidii uu bulshada ugu beddeli lahaa, Gaddafi wuxuu warbaahin iyo lacag u adeegsaday inuu ku xoojiyo doorkiisa qaaradeed.

Abiy-na wuxuu isku dayayaa in uu isku daro saddexdooda, isagoo adeegsanaya fikir, muuqaal iyo saameyn.

Xigasho Iman Jamac

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- Hadaladii Adkaa ee Mucaaradka kasoo yeeray iyo Qorshaha DF, iyo Go’aanka Banaanbaxa.

0

Arbaco  8. October  2025 {HMC} FALANQEYN:- Hadaladii Adkaa ee Mucaaradka kasoo yeeray iyo Qorshaha DF, iyo Go’aanka Banaanbaxa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Dalka in uu Bur buro madooneyno waa in aan Difaanaa

0

Arbaco  8. October  2025 {HMC} Dalka in uu Bur buro madooneyno waa in aan Difaanaa

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA