Home Blog Page 450

{DAAWO MUQAALKA} FALANQEYN:- Hadaladii Adkaa ee Mucaaradka kasoo yeeray iyo Qorshaha DF, iyo Go’aanka Banaanbaxa.

0

Arbaco  8. October  2025 {HMC} FALANQEYN:- Hadaladii Adkaa ee Mucaaradka kasoo yeeray iyo Qorshaha DF, iyo Go’aanka Banaanbaxa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Dalka in uu Bur buro madooneyno waa in aan Difaanaa

0

Arbaco  8. October  2025 {HMC} Dalka in uu Bur buro madooneyno waa in aan Difaanaa

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO MUQAALKA} Jawaahir Barqaab Maxay ka tiri Haweeney dhawaan shegtay in Cagaf- Ilkaha uu ka riday.

0

Arbaco  8. October  2025 {HMC} Jawaahir Barqaab Maxay ka tiri Haweeney dhawaan shegtay in Cagaf- Ilkaha uu ka riday.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DAAWO SAWIRADA} Hay’adda SoDMA Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi oo heer qaran ah.

0

Arbaco Oct 08, 2025 {HMC} Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi heer qaran ah oo muhiim ah, kaasoo ay ka soo qaybgaleen wakiillo ka kala socday Wasaaradaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Maamul-goboleedyada iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankan wadatashiga ah oo socday muddo sedex bari ah oo u dhexeysay 28_30 June , ayaa diiradda lagu saaray xoojinta habraacyada ilaalinta iyo awoodda baarista ee SoDMA, iyadoo loo marayo hanaan wadatashi loo dhan yahay. Ujeeddada ugu weyn ayaa ahayd in la sameeyo habraacyo baariseed oo mideysan oo heer qaran ah, kuwaas oo lagu ogaanayo loogana falcelin karo kiisaska ku tagrifalka gargaarka bini’aadantinimo.

Ujeeddooyinka kulanka waxaa ka mid ahaa:

1: In la dardargeliyo dadaallada lagu xoojinayo isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta gargaarka bini’aadantinimo.

2: In la sameeyo habraacyo baariseed oo ay isla oggol yihiin dhammaan hay’adaha khuseeya.

3: In la dhiso awoodda baaris ee SoDMA iyo la-hawlgalayaasheeda, iyada oo la siinayo tababaro iyo agab farsamo.

4: In la xaqiijiyo in bulshada ay si ammaan ah, qarsoodi ahna u soo sheegi karaan kiisaska ku saabsan leexsashada gargaarka.

Wadatashigan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay SoDMA ku horumarinayso daahfurnaanta, hufnaanta iyo la xisaabtanka ku saleysan maamulka gargaarka bini’aadantinimo, si loo ilaaliyo xaqa iyo karaamada dadka nugul ee ay saameeyeen musiibooyinka.

Somalia Welcomes New UN Human Rights Resolution.

0

Wednesday Oct 08, 2025 {HMC} The Federal Republic of Somalia welcomes the adoption of a new resolution by the United Nations Human Rights Council on Wednesday, October 8, which reaffirms the international community’s commitment to strengthening human rights, good governance, and institutional resilience in Somalia.

This important resolution represents a renewed chapter in Somalia’s cooperative engagement with the Council, underscoring shared principles of partnership, accountability, and respect for human dignity. It stands as a testament to the tangible progress achieved in Somalia’s state-building journey and to the Government’s unwavering determination to advance national reforms that safeguard the rights and freedoms of all citizens.

The Federal Republic of Somalia values this milestone as a reflection of mutual trust and constructive dialogue between Somalia and its international partners. The transition from an independent expert mandate to a collaborative framework with the Office of the High Commissioner for Human Rights demonstrates growing national ownership, institutional maturity, and an evolving capacity to address human rights challenges through nationally driven solutions.

The Federal Republic of Somalia expresses deep appreciation to all member states and partners who have supported this resolution and continue to stand with Somalia in its reform agenda.

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 08-10-2025.

0

Arbaco  8. October  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

Banaan bixii la filayay in Muqdisho uu ka dhaco maalinta bari ah oo markale dib loo dhigay

0

Arbaco Oct 08, 2025 {HMC} Banaan bixii la filayay in Muqdisho uu ka dhaco maalinta bari ah ayaa markale dib loo dhigay waxaana Dowlada iyo Madasha Samata bixinta ay ku heshiiyeen in la magacaabo gudi labada dhinac ah oo ka shaqeeya amniga iyo in si nabad ah loo qabto banaan baxa.

Goordhaw ayey dhinacyadu warbaahinta la wadaagi doonan heshiiskan kasoo baxay shir ay yeesheen Taliyayaasha Nabad sugida iyo Booliska iyo Xubna kamid ah Madasha samata bixinta oo ay kamid ahaayeen Xasan Cali kheyre iyo Cabdiraxman Cabdi shakuur.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya kormeer ku tagay Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka.

0

Arbaco Oct 08, 2025 {HMC} Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kormeer ku tagay Taliska Taakuleynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Xarunta Villa Baydhabo.

Kormeerka ayaa ujeeddadiisu ahayd u kuurgelidda shaqada baaxadda leh ee ay hayaan saraakiisha iyo shaqaalaha taliska, iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada taakuleynta ee lagu taageerayo ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.

Taliyaha Taliska Taakuleynta, G/sare Ibraahim Sheekh Maxamed Maxamuud, ayaa Wasiirka uga warbixiyay howlaha talisku hayo iyo qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada taageerada ciidanka.

Wasiir Fiqi ayaa ku bogaadiyay saraakiisha iyo howlwadeenada dadaalka ay ku bixiyeen taageerada geesiyaasha Xoogga Dalka, isagoo xusay in Wasaaraddu ka go’an tahay xoojinta adeegyada muhiimka u ah guusha dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Sidoo kale,

Wasiirku wuxuu uga mahadceliyay saaxiibbada caalamka garab istaaga iyo taageerada joogtada ah ee ay siiyaan taliska iyo Ciidamada Xoogga Dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Bogaadiyey Dib ula Wareegidda Maareynta Madaxabannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha.

0

Arbaco Oct 08, 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bogaadiyey tallaabada ay Soomaaliya si buuxda dib ugula soo wareegtay hannaanka madaxa-bannaan ee maareynta, kormeerka iyo ka-

warbixinta arrimaha xuquuqul insaanka, isaga oo hoosta ka xarriiqay in ay tahay waajibaad qaran oo in ka badan soddon sano laga maamulayay dalka dibaddiisa.

“Maanta waa maalin taariikhi ah maadaama Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar la taaban karo oo dhinaca dowladnimada ah, isla markaana ay diyaar u tahay in ay si madaxbannaan u fuliso waajibaadkeeda qaran iyo midka caalamiga ah ee ku aaddan dhowrista iyo ilaalinta Xuquuqda Aadanaha,” ayuu tilaamay Madaxwaynuhu Jamhuuriyaddu.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in ay sii ambaqaaddo ilaalinta karaamada iyo xuquuqda muwaadiniinteeda iyada oo la kaashaneysa qaybaha kala duwan ee daneeyayaasha heer gobol iyo caalami.

VIDEO {DAAWO MUQAALKA} Shirar looga hadlayo Dhismaha Jubaland Cusub oo ka socda Gobolka Gado

0

Arbaco  8. October  2025 {HMC}  Shirar looga hadlayo Dhismaha Jubaland Cusub oo ka socda Gobolka Gado

 

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA