Arbaco 8. October 2025 {HMC} Shirar looga hadlayo Dhismaha Jubaland Cusub oo ka socda Gobolka Gado
Arbaco 8. October 2025 {HMC} Shirar looga hadlayo Dhismaha Jubaland Cusub oo ka socda Gobolka Gado
Arbaco 8. October 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo Beenisay Hishiis Qarsoodi ah ineey la gashay Sweden
Arbaco 8. October 2025 {HMC} Taallo loo Dhismayo Caaqilkii Mareeykanka uu ku Dilay Gobolka sanaag
Arbaco 8. October 2025 {HMC} Wararka ugu waa weeyn Soomaaliya iyo Caalamka 08-10-20225

War kasoo baxay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu beeniyay warar lagu hadal hayo Baraha Bulshada oo la xiriira in Xukuumaddu heshiis qarsoodi ah la gashay Dalka Sweden si dalkooda dib loogu soo celiyo Soomaalida ku nool Dalkaas.
Qoraalka Xukuumadda ayaa lagu sheegay in aanay jirin wax isku xiraya heshiiska isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed, sidaas awgeed waxa ay Xukuumaddu waxba kama jiraan ku tilmaamtay wararka la faafiyay.
“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u beenineysaa warbixinnada saxaafadeed ee dhowaan lagu sheegay in Soomaaliya iyo Sweden ay wada galeen “heshiis qarsoodi ah” oo isku xiraya gargaarka horumarineed iyo dib-u-celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri qoraalka Xukuumadda Soomaaliya soosaartay.
“Eedeymahan waa kuwo been abuur ah, marin-habaab ah, isla markaana aan sal iyo raad toona lahayn. Ma jirto heshiis qarsoodi ah ama shuruudeysan oo Soomaaliya ay la gashay waddan kale oo ku saabsan soo celinta muwaadiniinteeda ama qaybinta gargaarka horumarineed.” Ayaa lasii raaciyay qoraalka.
Xukuumadda ayaa xiriirka Soomaaliya & Sweden ku sheegtay “Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Sweden waa mid soo jireen ah, kuna dhisan is-ixtiraam iyo sharciga caalamiga ah. Dhammaan wada-shaqeynta iyo wada-xaajoodyada waxaa lagu fuliyaa heer diblomaasiyadeed oo daahfuran, iyadoo lagu hubinayo kormeerka Golaha Wasiirrada iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowliga ah”.
Arbaco 08, Oct 2025 {HMC} Golaha Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobay ayaa maanta u codeynaya Qaraarka Soomaaliya ay kula soo wareegeyso Maareynta Madaxabannaan waajibaadkeeda Qaran ee Arrimaha Xuquuqul Insaanka oo QM maamuli jirtay.
Shirweynaha 60aad ee Xuquuqul Insaanka oo maanta lagu soo gabagabayn doonno Magaalada Geneva ee xarunta Dalka Switzerland, Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyay dedaal gelisay sidii ay dib ugu soo ceshan lahayd si madaxbannaan ay u maamusho arrimaha Xuquuqul Insaanka.
Wasiirka Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa shirar doceedyo la qaadatay dalalka xubnaha ka ah Golaha Xuquuqul Insaanka iyada oo taageero xooggan ka heshay Dalal badan.
Soomaaliya waxaa u dhisan 11 xubnood oo ka shaqeynaya Xuquuqul Insaanka Soomaaliya, waxaa intaas dheer in Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka meelmariyay qaraar ku saabsan gunaanadka xilka Xeeldheeraha Madaxabannaan ee Xaaladda Xuquuqul Insaanka Soomaaliya.
Isbaddelka Soomaaliya ay sanadihii dambe samaysay waxaa kamid ah in laga qaaday cunaqabatayntii Hubka ee muddo dheer saarnayd Dalka, Daynta laga cafiyay, Kursiga Golaha Ammaanka oo ay heshay cod ay ku fadhiisatay iyo guullo kale.
Arbaco 08, Oct 2025 {HMC} Shifaa Cabdirashiid oo ah Gabar asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya isla markaana dhalashada labaad ka haysata Dalka Finland ayaa ka sheekeesay xaaladdii adkayd ay kala kulantay Ciidanka Israa’iil ee gacanta ku dhigay iyada oo kooxdii la socotay ee u gurmatay Shacabka Gaza.
Waxa ay tilmaamtay in ciidanka ay u qaadeen Dadkii la socday doomaha jabinayay Xayiraadda Israa’iil ay saartay Gaza oo gacanta u galay, waxa ay intaas ku dartay in dhibaato xooggan ay kala kulmeen helista cunnada oo saacado badan ku qaadatay in ay helaan.
Sababta waxa ay ku sheegtay in aanay ahayn cunno halkaas ka jirta balse ciidanka Israa’iil ku ciqaabayeen Dadkaan u gurmanaya Shacabka Falastiin ee macluusha & Amni darrada ay ka dameyso isugu darsantay.
“Dhibaato badan ayaa jirta, xabsiga ayay nagu jirdileen oo 30 saac ayay nagu gaarsiiyeen raashinka, dhulka ayay noogu tuurayeen cunnada, welwelka ugu weyn waa dadka Falastiin, waxaa naloo daayay in aan haysano baasaboor Yurub ah, dadka aan haysan waxaa naloo sheegay in la gaynayo Jordan” Ayay tiri Shifaa Cabdirashiid.
Samafalaasha kala dhalashada duwan ayaa ka mideysan in ay gaaraan hadafkooda ah u gurmashada Dadka Falastiin ee dhibaataysan, waxa ay direen fariimo isku mid ah oo la xiriira in xaalado adag ay wajahaan Dadkaan loona baahan yahay in xayiraadda ka dulqaaddo Israa’iil.
Qaarkood ayaa diinta Islaamka ku qaatay xabsigii lagu xiray kaddib markii ay arkeen dulqaadka ay muujiyeen muslimiinta lala xiray ee dhibaatooyinka xooggan ay u gaysanayaan ciidanka Yuhuuda balse kordhiyay ku xirnaanta alle iyo aysan israacin xaaladaha ay wajahayeen.
Arbaco 08, Oct 2025 {HMC} Dowladda Eretareeya ayaa raadinaysa dhabbihii ay u mari lahayd in Maraykanka uu ka qaado cunaqabataynta muddo kahor uu saaray, dedaallo kala duwan oo Washington & Asmara sameeyeen si ay isku fahmaan ayaa miiska lasoo dhigay soo jeedintaas oo aan weli lagu guulaysan.
Diblumaasiyiin u dhashay Dalka Eretareeya ayaa soo jeediyay in Maraykanka uu qaado tallaabo uu meesha uga saarayo cunaqabatayntaas oo dhibaato siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulsho ku ah Dalkaas, waxa ay diyaariyeen qorshe cad oo Madaxweyne Donald Trump loogu gudbinayo arrintaan.
Eretareeya ayaa sababaha ay cunaqabataynta u mutaysatay lagu sheegay in colaad muddo soo jiitamaysay ay ku wajahday Itoobiya oo ay ka go’day 1993dii, faragelin ay ku samaysay Soomaaliya iyo xaaladaha siyaasadda ee Gobolka Geeska Afrika oo galaangal xooggan ku yeelatay Dowladdaas sida hadalka loo dhigay.
Maamulkii xiligaas Maraykanka joogay ayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horgeeyay qaraarka lagu xoojinayay cunaqabataynta 23kii December sanadkii 2009 oo Asmara lagu eedeeyay in ay taageertay ‘AS’ waxaana loo cuksaday qaraarka tirsigiisu yahay 1907, 13 dal ayaa xiligaas u codaysay cunaqabatayntaan, hal dal ayaa diiday mid kalena wuu ka aamusay.
Maraykanka iyo Eretareeya ayaa sanadihii u dambeeyay isaga soo dhawaanayay sidii hore balse Maamulka Madaxweyne Donald Trump ma qaadan go’aan uu ku qaadayo cunaqabataynta mar haddii sidii hore aanay ahayn Xukuumadda Asmara, waxaa socda dedaallo Washington looga dhaadhicinayo sida wararku sheegayaan.
Arbaco 08, Oct 2025 {HMC} Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay dagaalka lagula jiro argagixisada Soomaaliya, balse ay ku baaqayso in dalalka kale ee daneeya amniga iyo mustaqbalka Soomaaliya ay kordhiyaan taageeradooda dhaqaale.
Wakiilka Kumeelgaarka ee Maraykanka ee Qaramada Midoobay John Kelley oo ka hadlayay kulan ay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay yeesheen ayaa sheegay in Soomaaliya weli ay ku jirto xaalad dagaal, isagoo xusay in iskaashiga u dhexeeya Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika uu muhiim u yahay nabadda iyo xasilloonida qaaradda.
“Maraykanku wuxuu weli u taagan yahay dagaalka argagixisada ee Soomaaliya, balse hadda waa waqtigii dalalka kale ee daneeya amniga iyo mustaqbalka Soomaaliya ay kordhin lahaayeen kaalmooyinkooda dhaqaale,” ayuu yiri John Kelley.
Wuxuu intaas ku daray in wadashaqeynta xooggan ee u dhexeysa Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ay gacan ka geysan karto sidii loo gaari lahaa nabad, amni iyo barwaaqo waarta oo Afrika oo dhan ah.
Maraykanku wuxuu sidoo kale soo dhoweyay dadaallada Midowga Afrika ee lagu xoojinayo la-dagaalanka argagixisada, isagoo ballan qaaday in dalkiisu sii wadi doono taageerada ku aaddan nabadda iyo amniga guud ahaan Afrika.
Maraykanka wuxuu sidoo kale ku booriyay in Si degdeg ah loo joojiyo rabshadaha Suudaan, isagoo bogaadiyay dadaallada Wakiilka UN Lamamra ee ku aaddan isku dubaridka jawaabta UN iyo AU iyo IGAD.
Maraykanku wuxuu sheegay in hawlgallada nabadda ee UN, AU, iyo kuwa gobolka ee ka socda meelaha qaar ee Afrika ay muhiim tahay in la mideeyo siyaasadaha, tilmaamaha, iyo habraacyada si loo kordhiyo waxtarka dadaalladaas.
Arbaco 8. October 2025 {HMC} Eretareeya oo Dadaal ugu jirto in cunaqeeybateeynta laga qaado