Home Blog Page 556

Trump says US ready for additional sanctions against Russia in wake of deadly attacks on Ukraine.

Monday 8,September ,2025 {HMC}  US President Donald Trump said Sunday he is prepared to implement a new phase with additional sanctions on Russia, speaking in the wake of overnight attacks that killed four people and injured dozens in Ukraine.

Talking to reporters before departing for the US Open tennis final in New York City, Trump answered affirmatively when asked if he was ready to move forward with more sanctions on Russia.

The confirmation comes after Russia launched a record 818 drones and missiles overnight, according to Ukraine’s Air Force command, surpassing the previous high of 728 from July.

Trump also addressed domestic policy questions, saying that federal intervention in Chicago would not constitute warfare but rather urban cleanup efforts, despite his social media posting on Chicago alluding to a famous Vietnam War movie.

Asked about embattled Health and Human Services Secretary Robert F. Kennedy Jr., who faced tough questioning before a congressional committee last week, Trump described him as “a different kind of a guy” with “a lot of good ideas.”

Source AP

Puntland deploys troops to block voter registration in Sool region

Monday 8,September ,2025 {HMC} Puntland authorities have deployed troops to parts of the Sool region in an attempt to halt voter registration for one-person, one-vote elections launched by Somalia’s federal government and the newly declared Northeastern administration.

Residents told HOL that Puntland forces moved into Boocame district and the nearby Falariyale area, where federal and Northeastern electoral commissions had begun registration.

Both areas are home to Puntland Vice President Ilyas Osman Lugatoor, who has openly rejected voter registration there.
Local sources say the vice president is mobilizing his clan-based forces and has warned that they will resist any attempt to carry out registration. Lugatoor recently visited the contested districts, declaring them part of Puntland and laying foundation stones for development projects funded by his administration.

The moves heighten fears of armed confrontation between Puntland and the Northeastern administration, which broke away earlier this year with backing from Mogadishu. Last week, Northeastern President Abdikadir Ahmed Firdhiye, alongside Somalia’s Interior Minister, inaugurated voter registration for local elections in Las Anod.

Puntland leaders strongly oppose the creation of the Northeastern state and remain at odds with the federal government over territorial claims and election models.

Source Hiiraan online

VI{DAAWO MUQAALKA} Ciidamo ka cabasnaya mushaar la’aan oo Xeray Xaruntii Degmada Gaalkacyo

0

 

Isniin 08, Sep 2025 {HMC}Ciidamo ka cabasnaya mushaar la’aan oo Xeray Xaruntii Degmada Gaalkacyo

 

 HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

{DAAWO MUQAALKA} Waaliidkeey oo ika Diiday Yurub ineey ii Diraan Darteed ayaa AS ugu Biiray

0

Isniin 08, Sep 2025 {HMC} Waaliidkeey oo ika Diiday Yurub ineey ii Diraan Darteed ayaa AS ugu Biiray

 HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

 

{DAAWO MUQAALKA} Yaa ku Awood Badan biyo Xireenka wabiga Niil oo ay isku haaystaan Masar iyo Itoobiya.?

0

Isniin 08, Sep 2025 {HMC}Yaa ku Awood Badan biyo Xireenka wabiga Niil oo ay isku haaystaan Masar iyo Itoobiya.?

 HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

 

Muwadiin soomaaliyeed oo la dilay xilli uu Salaad kasoo baxay.

Isniin, 8 Sep 2025 {HMC} Wararka ka imaanaya magaalada Durban ee xarunta gobolka Kwazulu Natal ee dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabayay Cabdi Xuseen Fiidow (Cabdi Jaqaf ), halkaasi xalay lagu dilay.

Sida aan wararka ku helnay Cabdi Jaqaf, ayaa la dilay xilli uu kasoo baxay masaajid uu salaad cishaha kusoo dukaday, waxaana la sheegay in dilka ninkan uu ka dambeeyay nin kale oo Soomaali ah oo la sheegay in uu khilaaf kala dhaxeeyay.

Goobjoogayaal ,ayaa ku warramay in Cabdi Jaqaf lagu dilay xaafada Soomaalida ka degan tahay magaalada Durban markii uu salaad kasoo baxay, lamana oga ilaa hadda sababta rasmiga ah ee keentay dilka ninka Soomaaliga ah u geestay muwaadin kale oo Soomaaliyeed.

Dalka Koonfur Afrika oo si joogto loogu dilo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee halkaasi ganacsiga ku leh, ayaa mararka qaar la sheegaa in ay Soomaalida dhaxdopoda is dilaan, sidoo kale isku adeegsadaan kooxo kale oo gaangistaro dadka dila ah.

 

Maxaa looga hadlayaa Shirka maanta ka furmaya Addis Ababa.

Isniin, 8 Sep 2025 {HMC} Magaalada Addis Ababa xarunta Dalka Itoobiya waxaa maanta ka dhacaya Shirka looga hadlayo Isbaddelka Cimillada iyo Saamaynta taban ee Afrika ka dhaxashay, waxaa ka qaybgalaya Madax uu kamid yahay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Meertada labaad ee Shirka Cimillada Afrika waxaa lagu lafaguri doonnaa sidii looga gaashaaman lahaa saamaynta khatarta badan ee qaaraddaan ka dhashay, in la sameeyo qorshe isku xiraya Madaxda Afrikaanka ah iyo sidii xal wadajir ah loo raadin lahaa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu uga hadlayo saamaynta isbaddelka Cimillada ay ku reebtay dalka ka jeedin doonna shirkaan isaga oo kulamo gaar gaar ah la qaadan doonna madaxda kala duwan.

Madaxda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la kulmayo waxaa kamid ah Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Kenya William Ruto iyo mas’uuliyiin kale.

Haweeney sun ku dishay qoyska Nin ay kala tageen oo xukun lagu riday.

Isniin, 8 Sep 2025 {HMC} Maxkamad ku taalla Australia ayaa xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay Erin Patterson kaddib markii ay sun ku dishay saddex kamid ah qoyska Nin ay kala tageen halka dhaawac daran uu suntaas kala kulmay qof kale sida lagu sheegay eedaha loo jeediyay.

Erin ayaa qadasho ku marti qaadday xubnahaan inkasta oo la sheegay in uu ka cudur daartay Ninkii ay kala tageen, kaddib waxa ay sun u marisay hilibkii ay cuneen Dadkaas oo markii dambe dhintay, dhacdadaan oo dhacday Bishii July sanadkii 2023 ayaa tan iyo xiligaas la baarayay.

Dacwad oogaha ayaa sheegay in aanay jirin qoomamo ay haweenaydaan ka muujineyso ficilkaas galaaftay nolosha saddex ruux iyo dhaawaca joogtada ah ee qofka kale soo gaaray, waxa uu dalbaday in aan laga qafiifin xukunkaas ku dhacay ee xabsi daa’inka ah.

Dadka ee dishay ayaa kala ah: Hooyada iyo aabaha ninka ay kala tageen iyo walaashiis, lama sheegin colaadda intaas la ee sababtay in ay dil wadareed arxan-daran ay u gaysato qoyskaas sida lagu sheegay warka kasoo baxay dacwad oogaha.

Erin Patterson oo ah 50 jir waxaa ay qaadanaysaa xabsi aan racfaan lahayn isla markaana aan laga qafiifin doonin, waxaa la sheegay in kiiskeeda uu saamayay guud ahaan dalka Australia maadaama arrinteeda ay la socdeen Dad badan.

{DAAWO SAWIRADA} Sida Madaxweyne Xasan Shiikh Loogu soo dhaweeyay Magaalada Addis Ababa.

0

Axad, 7 Sep 2025 {HMC} Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya halkaas oo uu kaga qaybgali doono Meertada Labaad ee Shirka Cimilada Afrika.

Madaxwaynaha ayaa Shirka ka jeedin doona khudbad taabanaysa dhinacyo ay ka mid yihiin ajandayaasha hortabinta leh ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u dajisay maaraynta iyo yaraynta saamaynta taban ee isbeddelka cimilada uu dalka ku leeyahay, isaga oo sidoo kale kulamo-doceedyo la yeelan doona madaxda dhiggiisa ah ee goobjoogga ah.

Ardayda Gobolka Banaadir oo laga Mabnuucay in aysan taleefoonnada casriga ah u qaankarin iskuulada.

0

Axad, 7 Sep 2025 {HMC} Agaasinka Waxbarashada Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar ku saabsan in iyadoo lagu guda jiro fulinta qodobbadii kasoo baxay War-murtiyeedkii Jowhar, in ardayda dugsiyada gobolka aysan soo qaadan karin taleefoonnada casriga ah (smartphones) inta lagu guda jiro waqtiga waxbarashada.

Tallaabadan ayaa agaasinka waxbarashada Gobolka Banaadir waxa uu ku tilmaamay in ay u qaadeen si loo xakameeyo saameynta taban ee ay taleefoonnadan ku leeyihiin waxbarashada iyo akhlaaqda ardayda.

Maamulka ayaa sidoo kale ka codsaday waalidiinta in ay si dhow ula shaqeeyaan maamulada iyo dugsiyada si loo hubiyo in ardaydu aysan wadan taleefoonnada casriga ah, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo jawiga waxbarashada iyo sidii loo ilaalin lahaa edbinta iyo anshaxa ardayda.

“Annagoo fulinayna qodobbadii kasoo baxay War-murtiyeedkii Jowhar, waxaa dugsiyada Gobolka Banadir la wadaagnay in ardayda aan loo ogolaan in ay soo qaataan taleefoonnada casriga ah (Smartphones), si loo xakameeyo saameynta taban ee ay ku leeyihiin waxbarashada iyo akhlaaqda ardayda, Waxaan ka codsanaynaa waalidiinta sharafta leh in ay si dhow ula shaqeeyaan Maamulka iyo Dugsiyada, kaalintoodana ka qaataan hubinta in ardaydu aanay soo qaadan taleefoonnada casriga ah.” ayaa lagu yiri Bayaanka kasoo baxay agaasinka Waxbarashada ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Waxa ay arintaani muujinaysaa sida ay maamulka gobolka uga go’an tahay inay kor u qaadaan tayada waxbarashada iyo anshaxa guud ee dugsiyada, iyadoo la xakameynayo saameynta qalabka teknolojiyadda ee laga yaabo inay carqaladeeyaan waxbarashada.