Home Blog Page 559

Ruushka oo weerar culus ku qaaday caasimada Ukriane ee Kyiv?

0

Axad ,07 SEPTMPER 2025 {HMC}Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay dhowr iyo toban kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar habeeninmo oo uu Ruushka ka geystay caasimadda Ukraine ee Kyiv.Somali cuisine

Booliiska Ukraine ayaa sheegay in labada qof ee meydadkooda laga helay goobtii weerarka ka dhacay degmada Svyatoshynsky ee Kyiv ay ahaayeen haweeney 32 jir ah iyo wiilkeeda oo jiray laba bilood oo keliya.

Dhismihii ay daganaayeen ayaa si qaybo ah u burburay weerarka Ruushku ku qaaday, kaas oo sidoo kale dab qabadsiiyey dhismayaal deris ah, baabuurro iyo bakhaarro.

Booliisku waxay sidoo kale xaqiijiyeen in 16 qof oo kale ay ku dhaawacmeen weerarkaasi lagu qaaday magaalada Kyiv.

Duqa magaalada Kyiv Vitaliy Klitschko ayaa ka warbixiyay dab ka kacay dhismo dowladeed oo ku yaalla bartamaha degmada Pecherskyi – isagoo sheegay in dabkan ay u badan tahay inuu ka dhashay diyaarad Drone ah oo Ruushku leeyahay.

Ruushka ayaan weli ka hadlin duqeymahan, balse wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay in ciidamadooda difaaca cirka ay soo rideen ama qabteen 69 diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine, kuwaasoo ku sugnaa tiro ka mid ah gobollada Ruushka.

Weerarada habeenimo ee Ukraine ayaa imaanaya iyadoo Vladimir Putin uu sii adkeynayo

Ra’iisul Wasaaraha Japan Shigeru Ishiba oo iscasilaya?

0

Axad ,07 SEPTMPER 2025 {HMC}Ra’iisul Wasaaraha Dalka Japan Shigeru Ishiba ayaa la sheegay in uu qorsheynayo iscasilaad si uu u badbaadiyo mustaqbalka Xisbigiisa ee LDP sida ay baahisay Warbaahinta NHK, waxa uu beeniyay in qorshahaan uu ka dhashay cadaadis ka yimid guuldarradii Doorashada.

Tan iyo Bishii Oktoobar, waxa uu Ra’iisul Wasaare Shigeru qaadayay tallaabooyin uu ku muujinayo awoodda Xisbigiisa balse markii dambe waxaa la dhadhansiiyay guuldarro taariikhi ah oo ilaa haatan aad loo hadal hayo.

Waxyaabaha inta badan loo tiirinayo guuldarrada siyaasadeed uu la kulmay Ra’iisul Wasaare Shigeru Ishiba waxaa qayb ka ah canshuurta Madaxweynaha Maraykanka uu dulsaaray gaadiidka waddankaas lagu sameeyo ee Dalkiisa loo iib geeyo.

Shigeru Ishiba oo ah 68 sano jir ayaa xilkaan la wareegay 1dii Oktoobar sanadkii hore 2024, waa hoggaamiyaha Xisbiga Talada Japan haya ee LDP, siyaasadda muddo dheer ayuu ku jiray isaga oo dareemaya culayska xooggan ee saaran.

 

MW DG Koofur Galbeed oo xarig jaray Garoonka Diyaaradaha Buur Hakaba?

0

Axad ,07 SEPTMPER 2025 {HMC}Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta xariga ka jaray Garoon Diyaaradaha ee degmada Buur Hakaba Gobolka Baay oo Shacabka Magaaladaas ay dhisteen.

Munaasabadda xarig jarka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka waxaana kamid ah Agaasimaha Hay’adda Duullista Rayidka iyo xubno kale oo isla madasha uga hadlay baahida loo qabay garoonkaan.

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa bogaadiyay isku tashiga ay sameeyeen Dadka Degmada Buur Hakaba, waxa uu soo jeediyay in ay ku daydaan Bulshada kale ee Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed.

Qaar kamid ah Dadka Deegaanka ee Degmada Buur Hakaba ayaa sheegay in garoonkaan uu fududeynayo isu socodka Dadka maadaama si joogta ah ay u adeegsanayaan Diyaaradaha ka degaya Garoonkaan sida ay hadalka u dhigeen.

19kii Agoosto 2025, Garoonka cusub ee Degmada Buur Hakaba waxaa caga-dhigatay Diyaaraddii ugu horraysay, tani waxa ay degmadaan ku xirtay Degmooyinka kale ee Dalka sida Ganacsiga iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ku Wajahan Itoobiya.

Axad ,07  SEPTMPER 2025 {HMC} Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaa uuna ka qayb-geli doonaa shirka 2-aad cimilada ee Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Addis Ababa waxa uu sidoo kale kulamo doceedyo la qaadan doonaa madaxda kala duwan ee Afrika oo ka qeyb ah shirka cimilada Afrika ee halkaas ka qabsoomaya.

Sidoo kala madaxweynaha ayaa hadal ka soo jeedin doono shirweynaha warbixino ku saabsan xaaladaha Deegaanka iyo dhibaatooyinka isbeddelka cimilada Soomaaliya, waxaana sidoo kale madaxweynaha uu la yeelan doontaa kulamo gaar gaar ah madaxda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku howlan Deegaanka iyo wax ka qabashada isbeddelka Cimilada ee ka qeyb galaya shirka.

Socdaalkan ayaa ku soo aadaya xili RW Itoobiya uu qorsheynayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeyb galo furitaanka biyo-xireenka ay Itoobiya ka sameysatay Wabiga Nile, kaasi oo si adag uga soo horjeedo dowladda Masar.

Masar ayaa biyo-xireenka ay Itoobiya fureyso u aragta halis ka dhan ah danaha qarankeeda.

Putin oo diiday soo jeedin ka timi xulufada Ukriane, digniina u diray.

Axad ,07  SEPTMPER 2025 {HMC} Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa diiday soo-jeedimaha Reer Galbeedka ee ku saabsan in la geeyo “ciidan xaqiijinaya ammaanka” Ukraine maalinta xigta marka xabbad-joojin la gaaro, kadib shir ka dhacay magaalada Paris oo lagu doonayay in lagu dhameystiro qorshayaasha dammaanad-qaadka amniga.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sheegay in 26 ka mid ah xulafada Ukraine ay si rasmi ah uga go’an tahay inay ciidamadooda geeyaan “dhul, bad iyo cirba” si ay gacan uga geystaan ​​sugidda ammaanka xilliga uu dagaalka istaago.

Macron ma uusan shaacin magacyada dalalka ku lugta leh qorshahan.

Putin ayaa isku dayay inuu joojiyo dadaalkaas, isagoo digniin u diray in ciidamo kasta oo la geeyo Ukraine ay noqon doonaan “bartilmaameed sharci ah,” gaar ahaan haddii ay hadda muuqdaan, inkasta oo aan jirin qorshe deg-deg ah oo ciidan lagu dirayo.

Wararkii ugu dambeeyey Ciidanka DANAB oo howlgallo ka dhan ah AS ka fuliyay J/Hoose

Axad ,07  SEPTMPER 2025 {HMC} Ciidamada Kumaandooska DANAB ayaa howlgallo ka dhan ah ‘AS’ ka fuliyay duleedka Magaalada Kismaayo Gobolka Jubada Hoose Dowlad-Goboleedka Jubbaland, waxa uu ujeedku ahaa sidii ay uga hortagi lahaayeen duullaan ka dhan ah sida wararku sheegayaan.

Saraakiisha hoggaaminaya ciidanka DANAB ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegay in ay khasaara xooggan gaarsiiyeen xubno katirsan ‘AS’ oo ku sugnaa deegaannada ay ka fuliyeen howlgalkaan sida ay hadalka u dhigeen.

Diyaaradaha Maraykanka ee duulliye la’aanta ah ayaa duqeeyay goobo ay joogeen AS isla markaana ay ku diyaarinayeen duullaan ka dhan ah Ciidanka DANAB iyo saraakiisha Ameerikaanka ah ee la jooga xeradooda.

Ma jiro war faah-faahin oo weli kasoo baxay Dowladda Federaalka, Taliska Maraykanka Qaaradda Afrika ee AFRICOM loosoo gaabiyo iyo Dowlad-Goboleedka Jubbaland, maalmo kahor ‘AS’ ayaa weerar ku qaadday ciidamadaan inkasta oo Maraykanku sheegay in aanay waxba ku gaarin.

Itoobiya oo shaacisay in diyaar u tahay sidii aan u gaari lahayd Badda Cas”

Axad ,07  SEPTMPER 2025 {HMC}  Taliyaha Kulliyadda Difaaca Itoobiya, Janaraal Bulti Tadesse oo la hadlay Ciidamo tababar loosoo xiray ayaa sheegay in Dalkiisa ay ka go’an tahay sidii u gaari lahaa Badda Cas isla markaana uga mid noqon lahaayeen awoodaha baratamaya.

Bulti ayaa sheegay in dadkiisa looga baahan yahay in ay is diyaariyaan si haddii loogu guuldaraysto nabad iyo is faham ku gaarista badda cas loo adeegsado awoodda aan laga maarmin sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa aan diyaar u nahay Maskax iyo nafsad ahaan in aan gaarno Badda Cas, Hannaan diblumaasi, Nabad iyo Is faham waa ujeedkeenna, haddii loo baahdo in aan fulino amarka Dowladdeenna Mustaqbalka iyanna waa halkeeda” Sidaasi waxaa yiri Janaraal Bulti Tadesse oo ah Taliyaha Kulliyadda Difaaca Itoobiya.

Horay sidaan oo kale waxaa horraantii bishaan September hadal kan lamid ah shaaciyay General Teshome Gemechu oo ah Agaasimaha Guud ee Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga Military ee Wasaaradda Gaashaandhigga.

Eretareeya ayaa qudheeda sheegtay in Xukuumadda Abiy Ahmed ay doonayso sidii ay u qabsan lahayd Dekedda Casab, sidoo kale Madaxweyne Isaias Afwerki ayaa tilmaamay in sidoo kale Itoobiya ay doonayso in ay qabsato qayb kamid ah Badda Soomaaliya.

Somali President praises students and teachers as 2024–2025 exam results released

Saturday September 6, 2025  {HMC}-  Somali President Hassan Sheikh Mohamud on Saturday praised educators and students after the release of the 2024–2025 national examination results, marking a milestone in the country’s effort to rebuild its education system after decades of conflict.

At a ceremony organized by the Ministry of Education, Culture and Higher Education, the president also launched the 2025–2026 school year and celebrated the completion of a nationwide teacher training program that reached 3,000 educators.

According to the ministry, 37,052 students sat for the Grade 12 national exams this year, with 34,742 passing and 2,310 failing, representing a national pass rate of 93.8 percent. Mogadishu recorded the highest turnout, with 23,674 candidates, followed by Southwest (5,904), Galmudug (3,223), Hirshabelle (2,974), Jubaland (2,097), and Khatumo (1,520).

President Mohamud commended the ministry’s staff for successfully administering the exams and for what he described as crucial efforts to provide Somali children with a “quality and unified education.” He also urged the Higher Education Commission to strengthen university-level standards and promote research, stressing that Somalia’s development depends on the knowledge of its youth.

Education officials hailed the results and teacher training program as a significant achievement, underscoring progress in expanding access to learning despite insecurity and limited resources.

Source Hiiraan online

Feeding Our Future: Kenyan man indicted in widening U.S. child nutrition fraud case

Saturday September 6, 2025  {HMC}- Federal prosecutors have indicted a 28-year-old Kenyan man accused of helping his brother conceal millions of dollars stolen from a U.S. child nutrition program in what authorities call the nation’s largest COVID-19 fraud scheme.

Ahmednaji Maalim Aftin Sheikh, a resident of Nairobi, was charged with conspiracy to commit international money laundering. Prosecutors allege Sheikh received wire transfers and bulk cash from his brother, Abdiaziz Shafii Farah, and invested the proceeds in Kenyan real estate through sham companies. One purchase included an apartment building in the South C neighbourhood of Nairobi, near Nairobi National Park. He also acquired land in Mandera, a town bordering Somalia and Ethiopia.

Farah, described as the leader of the so-called “Empire” group, was sentenced last month to 28 years in prison after being convicted of wire fraud, passport fraud, bribery, and money laundering. Jurors found he and his co-defendants stole tens of millions of dollars by claiming reimbursement for meals that were never served. In all, prosecutors say the broader conspiracy drained more than $250 million from federal programs intended to feed children during the pandemic.

According to the indictment, Farah and Sheikh exchanged photos of large stacks of cash and coordinated wire transfers disguised as “family support.” On Aug. 29, 2021, Sheikh sent Farah a photo of $138,000 in cash. Weeks later, he sent images of banker’s boxes filled with $270,000. By late December 2021, Sheikh reported receiving more than $1.2 million in transfers. In one exchange, Farah told him, “You are gonna be the richest 25 year old InshaAllah,” to which Sheikh replied, “I love you so much.”

Acting U.S. Attorney Joseph Thompson condemned the theft. “I share the outrage of my fellow Minnesotans at seeing money meant to feed hungry children converted into fortunes half a world away,” he said. “Sheikh’s indictment shows yet again what we are up against. But we cannot shrink from confronting this crisis.”

FBI Special Agent in Charge Alvin Winston called the conduct “a shameful theft,” saying Sheikh and his co-conspirators turned taxpayer funds for hungry children into real estate investments abroad.

Sheikh is the 74th person charged in the sprawling investigation, which has already led to the conviction of Feeding Our Future’s former CEO, Aimee Bock, and more than a dozen others. Prosecutors said funds laundered abroad, including the money sent to Sheikh, cannot be recovered.

The FBI, IRS Criminal Investigations, and the U.S. Postal Inspection Service are leading the probe. Authorities have not confirmed whether they will seek Sheikh’s extradition from Kenya.

South West State President Inaugurates Buurhakaba Airport.

Saturday September 6, 2025  {HMC}-The President of South West State of Somalia, H.E. Abdiaziz Hassan Mohamed (Laftagareen), today officially inaugurated the newly constructed airport in Buurhakaba district.

The facility, built through a joint effort between the South West administration and the local community, is among key development projects aimed at improving services and enhancing connectivity within the region.

 

Source SONNA