Home Blog Page 567

Zambia: Wasiir hore oo loo xukumay lunsi hanti dadweyne

Jimco 5 Sep 2025 {HMC} Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Zambia, Joseph Malanji ayaa lagu riday xukun afar sano oo xabsi ah, kadib markii maxkamad ku heshay dambiyo la xiriira musuqmaasuq iyo lunsasho hanti dadweyne.

Malanji ayaa lagu eedeeyay inuu ku kacay falkaas intii uu xilka hayay u dhexeeyay 2018 illaa 2021, xilligaas oo uu ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Zambia.

Eedeymaha loo jeediyay ayaa soo shaac baxay sanadkii 2021-kii, xilligaas oo la xiray kadib markii la ogaaday inuu ku lug lahaa hantida luntay.

Waxaa ka mid ahaa hanti ay dowladda sheegtay inuu si sharci darro ah u qaatay laba diyaaradood oo helicopter ah oo markii dambe laga soo helay gudaha Koonfur Afrika.

Maxkamadda ku taalla caasimadda Lusaka ayaa go’aanka ku dhawaaqday, iyadoo sheegtay in dambiyadaasi ay dhaawacayaan kalsoonida shacabka iyo hay’adaha dowladda.

Garsoorayaasha ayaa ku nuuxnuuxsaday in mas’uul kasta oo xil qaran haya lala xisaabtami doono haddii lagu helo ku takri-fal awoodeed ama musuq.

Xukunka Malanji ayaa loo arkay digniin loo diray wasiirrada iyo saraakiisha kale ee dowladda Zambia, si looga hortago ku takrifalka hantida shacabka.

Trump oo magaca ka bedelay Wasaaradda Gaashaandhigga.

Jimco 5 Sep 2025 {HMC}  Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Khamiistii sheegay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu qorsheynayo inuu Jimcaha saxiixo awaamir fulineed oo lagu beddelayo magaca Wasaaradda Gaashaandhigga loona bixinayo “Wasaaradda Dagaalka.”

Sida lagu sheegay warqad ka soo baxday Aqalka Cad, amarkan ayaa awood u siin doona Xoghayaha Gaashaandhigga Pete Hegseth, Wasaaradda Gaashaandhigga, iyo saraakiisha ka hooseysa inay adeegsadaan magacyo kale oo labaad sida “Xoghayaha Dagaalka,” “Wasaaradda Dagaalka,” iyo “Xog-haye ku xigeenka Dagaalka” marka ay isticmaalayaan waraaqaha rasmiga ah iyo xiriirrada dadweynaha.

Tallaabadan, oo taabadiisa gaarka ah kaga tagi doonta hay’adda ugu weyn ee dowladda, kuna kici doonta sida la filayo boqollaal milyan oo doollar, ayaa faraysa Hegseth inuu soo jeediyo tallaabooyin sharci-dejin iyo kuwa fulineed oo lagama maarmaan u ah in magac beddelka laga dhigo mid joogto ah.

Tan iyo markii uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo, Trump wuxuu bilaabay inuu magacyada ka beddelo goobo iyo hay’ado kala duwan, oo uu ku jiro Gacanka Mexico (Gulf of Mexico), iyo inuu soo celiyo magacyadii asalka ahaa ee saldhigyada militariga ee la beddelay kaddib dibadbaxyadii cadaaladda isirka.

Magac beddelidda wasaaraduhu waa wax iska yar, waxayna u baahan tahay ansixinta Koongareeska, balse xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa aqlabiyad ciriiri ah ku leh aqallada Senate-ka iyo Wakiillada, waxaana hoggaamiyeyaasha xisbiga ee Koongareesku aanay muujin rabitaan weyn oo ay kaga hor imanayaan mid ka mid ah qorshayaasha Trump.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Mareykanka waxaa loogu yeeri jiray Waaxda Dagaalka (War Department) illaa sannadkii 1949-kii, markaasoo Koongareesku uu isku daray Ciidammada Dhulka, Badda, iyo Cirka kaddib Dagaalkii Labaad ee Adduunka. Sida ay sheegeen taariikhyahannadu, magacan waxaa loo doortay qayb ahaan si loo muujiyo in xilligii Nukliyeerka, Mareykanku uu diiradda saarayay ka hortagga dagaallada.

In magaca mar kale la beddelo waxay noqon doontaa mid qaali ah waxayna u baahan doontaa in la cusbooneysiiyo boorarka iyo warqadaha rasmiga ah ee aysan isticmaalin oo keliya saraakiisha Pentagon-ka ee Washington, D.C., balse ay sidoo kale adeegsadaan xarumaha militariga ee daafaha dunida.

Dadaal uu sameeyay Madaxweynihii hore Joe Biden oo lagu doonayay in magacyada looga beddelo sagaal saldhig oo lagu maamuusayay hoggaamiyeyaashii gooni u goosadka ama Confederacy loo yaqaan, ayaa waxay Ciidanka ku kici lahayd $39 milyan. Dadaalkaas waxaa horraantii sanadkan meesha ka saaray Hegseth.

Kooxda maamulka Trump u qaabilsan yaraynta dowladda, oo loo yaqaan Waaxda Hufnaanta Dowladda (Department of Government Efficiency), ayaa doonaysay inay kharash-dhimis ku sameyso Pentagon-ka si ay lacag u keydiso.

Qorshe muddo soo jiray

Dadka dhaliila qorshahan ayaa sheegay in magac beddelka la qorsheeyay uusan ahayn oo keliya mid qaali ah, balse sidoo kale uu yahay arrin aan loo baahnayn oo ka jeedinaysa Pentagon-ka shaqadiisa.

Hegseth ayaa sheegay in magac beddelku “uusan ku saabsanayn erayo oo keliya—balse uu ku saabsan yahay ruuxda dagaalyahannimo.”

Sannadkan, mid ka mid ah xulafada ugu dhow Trump ee Koongareeska, Guddoomiyaha Guddiga Kormeerka ee Aqalka Wakiillada Mareykanka, James Comer oo Jamhuuri ah, ayaa soo bandhigay hindise sharciyeed u fududeynaya madaxweynaha inuu dib u habeyn iyo magac beddel ku sameeyo hay’adaha.

“Waan sameyn doonnaa. Waan hubaa in Koongareesku uu nala raaci doono haddii aan u baahanno… Gaashaandhigga is-difaacid. Waxaan rabnaa inaan is-difaacno, laakiin sidoo kale waxaan rabnaa inaan weerar qaadno haddii ay qasab noqoto,” ayuu yiri Trump bishii hore.

Trump ayaa sidoo kale xusay suurtagalnimada magac beddelka bishii Juun, markaasoo uu soo jeediyay in magaca markii hore loo beddelay si uu u noqdo mid “siyaasad ahaan sax ah.”

Laakiin qaar ka mid ah maamulka Trump, dadaalkan wuxuu soo jiray waqti aad uga fog.

Intii lagu jiray muddadii xileedkii hore ee Trump, Agaasimaha hadda ee FBI-da Kash Patel, oo muddo kooban ka soo shaqeeyay Pentagon-ka, wuxuu lahaa qoraal uu ku soo gabagabeeyo iimaylladiisa oo u dhignaa: “Madaxa Shaqaalaha ee Xoghayaha Gaashaandhigga & Waaxda Dagaalka.”

“Waxaan u arkaa inay tahay maamuus lagu xusayo taariikhda iyo dhaxalka Wasaaradda Gaashaandhigga,” ayuu Patel u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters sannadkii 2021-kii.

Maxay tahay Colaada Udhaxeyso Madaxweyne Cirro Iyo Dowladda Somaliya ?

Jimco 5 Sep 2025 {HMC}-Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay colaad abuurnimo, isaga oo usoo jeediyay in ay nabada ka shaqayso.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka shaqaynayso in ay colaad ka abuurto dhul nabad ah, xilli dowladda Soomaaliya ay taageero buuxda siisay maamulka cusub ee Waqooyi Barri, ee xaruntiisutahay Laascaanood.

Xukuumada Soomaaliya hal fariin ayaan u diraya, dadka Soomaaliyeed waxa ay u baahanyihiin nabad iyo horumar, dowlada Soomaaliya waxay ku foogantahay in ay maalinba guri nabad ah ay guluf iyo colaad iyo xasillooni daro ka abuurto, marka waxaan odhan lahaa taa iska daaya oo dadkiina horumar uga shaqeeya” ayuu yidhi Madaxweyne Cirro.

Somaliland ayaa kasoo horjeeda maamulka cusub ee Waqooyi Bari, oo dowladda Soomaaliya ay taageersantahay, iyada oo gobolka Sool u aragta qayb kamid ah dhulkeeda oo aan laga jari karin.

Waxaana baryahandambe warbaahinta qaar sheegaysa in laga yaabo in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu booqasho ku tagi doono magaalada Laascaanood, taasi oo Somaliland dhankeeda anay soo dhawayn doonin.

Dhanka kale, maamulka Waqooyi Bari, ayaa aaminsan in dhamaan gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay kamid yihiin dhulkiisa, isla markaana ay waajibtahay in xukunka maamulka lagu fidiyo. Madaxweyne Firdhiye ayaa xilligii uu doorashada ku jiray sheegay in uu magaalada Ceerigaabo soo galin doono gacanta maamulkiisa.

Masar oo ku eedeysay dowladda Itoobiya inay shaki gelinayso ciidamadeeda .

Jimco 5 Sep 2025 {HMC}–  Dowladda Masar ayaa si dadban uga jawaabtay hadaladii safiirka Itoobiya ee uu ku duray ciidamada Masar ee la keenayo Soomaaloya, iyada oo ku tilmaamtay in Addis Ababa ay abuurayso shaki ku saabsan ujeedooyinka Masar ee Soomaaliya.

Ilo diblumaasiyadeed oo Dowladda Masar ka tirsan ayaa sheegay in Itoobiya ay isku dayayso in ay khalado aragtida ku saabsan ka qaybgalka ciidamada Masar ee hawlgallada AUSSOM ee Soomaaliya.

Waxay ku eedeeysay Itoobiya in ay abaabulayso in dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya ay ka horyimaadaan ciidamada Masar ama diidaan inay la shaqeeyaan ciidamada la keenayo Soomaaliya.

Masar ayaa caddeysay in hawlaheeda Soomaaliya ay yihiin kuwo hufan, ku dhisan iskaashi, isla markaana aysan lahayn qorshe qarsoon oo ka dhan ah Itoobiya. Ciidamada Masar ayaa lagu sheegay in ujeedadoodu tahay iskaashi nabad ilaalin iyo taageero la dagaalanka kooxaha argagixisada sida al-Shabaab, oo aan wax khatar ah ku hayn Itoobiya.

Ka qaybgalka Masar ee hawlgallada ATMIS ayaa si rasmi ah waxaa u soo dhoweeyay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, taasoo tilmaantay in uu ka tarjumayo doorka sii kordhaya ee Masar ee xasilloonida iyo ammaanka Soomaaliya.

Golaha Nabadgelyada iyo Ammaanka Midowga Afrika ayaa horey u ansixiyay ka qaybgalka Masar, iyada oo sidoo kale la dhammeystiray tababarka ugu horreeyay ee ciidamada Masar ee loogu diyaariyay hawlgalka nabad ilaalinta.

Bishii Agoosto 2024, Masar iyo Soomaaliya waxay saxiixeen borotokool iskaashi milatari oo soconaya 2025–2029, iyadoo Masar sidoo kale u dirtay Muqdisho qalab milatari.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku adkaysatay in ka qeybgalka Masar ee howlgalka AUSSOM uu yahay go’aankan madax-bannaan oo dhex maray labada dal, ayna Itoobiya waxba saamayn ku yeelan karin.

 

 

 

Ganacsade lagu xiray magaalada Laascaanood

 

Jimco 5 Sep 2025 {HMC}– Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa xiray ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo kamid ahaa musharaxiinta iskusoo taagay xilka madaxweynaha maamulkaas, balse looga reebay markii uu buuxin waayay sharuudaha doorashada.

 

Xarigiisa ayaa loo sababaynayaa inuu lahaa abaabulka dabley ka caraysan sababtii looga reebay doorashada, kuwaas oo weeraray ciidamadii sugayay amniga hoteelka ay ka dhacaysay doorashada, waxaana iska hor imaadkaas dhacayuu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Si arrintaan xal looga gaaro, ayaa isimada dhaqanka waxay laamaha amniga ku wareejiyeen ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo horey loogu jaray Waaran soo xiris ah, inkastoo uu markii hore ka dhego adaygay awaamiirta hay’adaha amniga kasoo baxay.

Muuqaal baraha internetka lasoo dhigay ayaa lagu arkayay odayaasha dhaqanka ee beeshiisa oo eedeysane Maxamed Jabuutaawi ku waeejinaya laamaha amniga, si uu u wajaho eedeymaha loo heysto, iyo in xal laga gaaro dadkii ku geeriyooday iska hor imaadkaadkaas, kuwaas oo la sheegay in aanan weli la aasin, khilaaf ka taagan awgeed.

Salaadiinta dhaqanka ayaa sheegay in cid kastoo dhibaato ka geysata degaanada maamulkan gacan bir ah lagusoo qaban doono, iyagoo sheegay in ay la shaqeynayaan laamaha amniga ee maamulka.

Maxamed Jabuutaawi oo ah ganacsade weyn oo ka ganacsatada Qaadka, ayaa kamid ahaa dadkii doorka weyn kasoo qaatay dhismaha maamulkii hore ee SSC Khaatumo. Sidoo kale, waa ganacsade hubaysan oo leh gaadiid dagaal iyo maleyshiyaad.

Dhinaca kale, Ciidamada Booliiska Woqooyi Bari Soomaaliya ayaa sheegay inuu Maxamed Jabuutaawi qeyb ka yahay 7 eedaysane oo loo haysto falkan oo dhacay 29-kii Bishii August.
Booliisku waxay sheegeen inay raadinayaan labada Eedaysane oo ay ku raad joogaan, haddii aysan deg deg isugu dhiibin Laamaha Amaanka waxay sheegayaan inay soo qaban doonaan.

HirShabelle isbeddel ma u baahantahay.?

0

Jimco 5 Sep 2025 {HMC} 11 November 2020 ayey aheyd markii Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanayo Ali Gudlawe Hussein Xilka lo doortay , sharciyan waxuu waqtigiisa ku “ekaa 11 November 2024 , balse Muddo kororsi ay siisay DFS ayaa lagu heshiiyay 1 sano taasi oo ku beegan 11 November 2025.

Waqtigaasi 5ta sano ah Madaxweynaha HirShabelle keligiis ayaaa ka ahaa darawalka saxda ah oo qof kale oo shirka kula aheyd talo ama xitaa lagu marsiiyoonayo ma jiro , waxey aheyd waqti ku filan qof Madaxweyne ah oo go”aan leh inuu shaqo ku qabto madama uu Barasho iyo la qabsi u baahneyn oo kahor 7 sano uu Jowhar marna ahaa Madaxweyne ku xigeen marna Guddoomiye Gobol.

2 sano ayey marka horaba ku qaadatay in Gole wasiirrro so dhiso August 2022 , Marka laga so tego in la magacaabay 86 wasiir wax ku saabsan arrimaha Dowladnimada lagama shaqeyn , waxaa la siyaasadeedyay mashaariicdii oo idil lama dhisin Ciidan , lama dhisin hey”ado Dowladeed oo tayo leh oo HirShabelle sida la” ogyahay waa meesha ugu tabar liidato shirarka dalka iyo dibadda ka dhaco dhamaan dhaqaalahi world bank 13% ayaa laga fuliyay taasi oo xitaa ku baxday mushaar , lama maareyn dhaqaale kale oo waxaaba si xisaab la”an ah loo isticmaalay deeqaha rasmiga ah ee ay DFS baxiso ee sanadlaha ah , waxa jiro hal mashruuc oo Jowhar jid laami ah ka dhisi lahaa horayna Jowhar MCH ugu sameeyay kaasi waxaa maamulo DFS oo si toos ah lacagta u baxiso.

Heshiis Bulsho ma Jiro oo maalin kasta qabaa”illada ayaa marba qolo la isku diraa si aysan u tashan oo u midoobin , kuwa dulmanayaal ah ayaa haddane horboodo oo iyagane aan si sharaf leh kula joogin.

Si kastaba Md Ali waxan aaminsanahay in waqti ku filan uu qaatay intaasne ay ceeb iyo xaqiiq ugu filantahay , Bulshadaas uu si sharaf leh ugu dhex baxo, doorasho la”aado , Nidaamka HirShabelle dib u heshiiisiin rasmi ah lagu billaabo , dowlad dhis laga shaqeeyo,
bulshada la isku keeno, ragga kale ee joogo qabaa”illada ay kaso jeedan iyo dadkooda aaminaan oo ay ka baxaan riyada aan macnaha laheyn ee ku dhisan in qof si indho la”aan lo taagero kaasi oo aan kursiigiisa xitaa aan xal u heyn qabiil kale inuu kuraastoda ah maamulo iskaba dhaafe.

HirShabelle kuma sii jiri karto boorso iyo Mashaariic la musuqo oo maalinba hal shaqsi shirkadiisa ku dhaco.

Isbeddelka waa muhiiim waxana ka horreeyo siyaasad xasiloon oo HirShabelle bulshadeeda si dhab ah ugu heshiiiiso.

 

{DAAWO MUQAALKA} FALAQEEYN;-Xaalada Jowhar ee Caawa iyo Ciidamada Dowlada oo la wareegay Xarumo.

0

Khamiis 4, Sep 2025 {HMC} FALAQEEYN;-Xaalada Jowhar ee Caawa iyo Ciidamada Dowlada oo la wareegay Xarumo.

 HOOS KA DAAWO MUUQAALKA 

[DHAGEYSO WARKA] Warka Habeenimo ee Hiiaanweyn.

0

Khamiis 4 Septemper 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo- Muuse ali Herrow

Farsamadii. Yaasiin Ali Ahemed

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 04-09/2025

0

Khamiis 4, Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.Somali history books

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Df oo Shuruudo cusub hordhigtay dadka wata Baasaboorka Shisheeye.

0

Khamiis 4, Sep 2025 {HMC} Df oo Shuruudo cusub hordhigtay dadka wata Baasaboorka Shisheeye.

 HOOS KA DAAWO MUUQAALKA