Home Blog Page 576

Somali National Army Provides Water Relief to Communities in Middle Shabelle

Tuesday  2, septemper  2025 {HMC}  he Somali National Army (SNA) continues to serve not only on the frontlines against terrorism but also in supporting communities facing daily hardships.

Elite Gor Gor Commandos, led by Colonel Saahid Farah Jama Jareer, Commander of the 1st Gor Gor Battalion, carried out a water distribution exercise for residents of Gumarre and Xagaay-deeg in Middle Shabelle region.

Local communities expressed their gratitude to the soldiers for extending much-needed assistance and demonstrating state presence in their areas.

The SNA leadership reiterated its dual commitment: defeating al Shabaab militants and assisting vulnerable civilians across Somalia.

Source sonna

Booliska Soomaaliyeed oo Gubay 250 Kartoon oo Daroogo ah?

0

Talaado 2, sep 2025 {HMC}Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa maanta shaaciyay in meel fagaare ah lagu gubay 250 kartoon oo daroogo ah, kuwaas oo lagu qabtay isku day sharci-darro ah oo lagu doonayay in dalka Soomaaliya lagu soo geliyo, Goobta lagu gubay daroogada ayaa ku taalla magaalada Muqdisho, iyadoo gubistu ay ku timid amar rasmi ah oo ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

Intii uu socday shir jaraa’id oo uu qabtay Gaashaanle Cabdifitaax, wuxuu sheegay in daroogadan lagu soo qabtay Dekedda Muqdisho iyo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, xilli laga shakiyay dhaq-dhaqaaqyo lagu doonayay in lagu soo galiyo maandooriyaha dalka gudihiisa.

“Waxaa maanta meel fagaare ah lagu gubay 250 kartoon oo daroogo ah, kuwaas oo la doonayay in si sharci darro ah dalka lagu soo geliyo. Waxaa gacanta ku dhigay ciidanka ammaanka, waxaana maxkamadda gobolka Banaadir ay xukuntay in la gubo si looga hortago khatarteeda,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa digniin adag u diray cid kasta oo isku dayda in ay dalka soo geliso daroogo, isaga oo carrabka ku adkeeyay in la adkeeyay la socodka amniga iyo kormeerka meelaha laga soo galo dalka, sida dekedaha, garoomada, iyo xuduudaha.

Booliska Soomaaliyeed ayaa horey ugu guuleystay in ay fashiliyaan dhowr isku day oo daroogo lagu soo gelin lahaa dalka, iyadoo tallaabadan maanta la qaaday ay mar kale muujineyso sida ay ciidamada ammaanku uga go’an tahay la dagaalanka dambiyada la xiriira maandooriyeyaasha iyo badbaadinta bulshada Soomaaliyeed.

Mareykanka oo wareysiyada fiisaha socdaalka ee Soomaalida u wareejiyay safaaradda Nairobi?

0

Talaado 2, sep 2025 {HMC}Dowladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo 1-da Nofeembar 2025 dhammaan wareysiyada fiisaha socdaalka ee dadka ka imaanaya Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan lagu qaban doono safaaradda Maraykanka ee Nairobi, Kenya.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah xeerar cusub oo dhigaya in codsadayaasha fiisaha socdaalka ay wareysiga ku galaan qunsuliyadda mas’uulka ka ah meesha ay deggen yihiin, ama dalka dhalashadooda haddii ay sidaas codsadaan.

Dadka ka imaanaya Eritrea ayaa wareysiyadooda ku geli doona Nairobi ama Addis Ababa, halka kuwa ka socda Suudaan lagu qaban doono Qaahira, iyo dadka reer Suuriya oo loo diri doono Camman ama xaalado gaar ah Bayruut.

Dalal kale oo aan lahayn adeegyo qunsuliyadeed oo joogto ah ayay Dowladda Maraykanka sheegtay in loo qoondeeyay xarumo gaar ah, sida Jabuuti oo loogu talagalay dadka reer Yemen iyo Johannesburg oo loogu talagalay dadka reer Zimbabwe.

Waxaa kale oo la sheegay in xeerarkan cusub ay khuseyn doonaan codsadayaasha barnaamijka Diversity Visa (DV Lottery) laga bilaabo sannadka DV-2026, taasoo micnaheedu yahay in guuleystayaasha Green Card-ka Maraykanka wareysiyadooda lagu xiro halka ay deggen yihiin ama dalalka dhalashadoodu tahay.

{DAAWO MUQAALKA} Nuuca daroogadaan aan qabanay waa ka qatar badan tahay” Xeer ilaaliye ku xigeenka Qaranka.

0

Talaado 2, Sep 2025 {HMC}  Nuuca daroogadaan aan qabanay waa ka qatar badan tahay” Xeer ilaaliye ku xigeenka Qaranka.

 

 HOOS KA DAAWO  MUUQALKA

Warka Duhurnimo ee Warbaahint Hiiraanweyn 2-09 – 2025

Talaado 2 Septemper  2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

 

Warka waxaa soo jeedinayo :Shukri Baryare /Roodo Xuseen 

Farsamadii ::Ismail Abdiqadir

{DAAWO MUQAALKA} DEG DEG-:Booliska Soomaaliya oo gubay daroogo halis ah…

0

Talaado 2, Sep 2025 {HMC} DEG DEG-:Booliska Soomaaliya oo gubay daroogo halis ah…

 

 

 HOOS KA DAAWO  MUUQALKA

Nabdoon Caan ahaa oo lagu dilay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo

0

Talaado 2, sep 2025 {HMC}kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa Xalay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo ku dilay Nabadoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo oo ka mid ahaa Nabadoonada caanka ka ah magaalada Baladxaawo.

Dableyda geysatay dilka Nabadoonka ayaa si deg deg ah uga baxsatay goobta ay ku dileen Nabadoonka, mana la oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkiisa.

Laamaha amaanka degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo ayaa sheegeen iney wadaan baaritaano la xariira dableyda geysatay dilka Nabadoon Buurdhuubo.

Gudoomiyaha degmada Beledxaawo Shire Cabdul Keynan ayaa ka tacsiyeeyay dilka loo geystay Nabdoon Aadan Maxamuud Buurdhuubo oo uu tilmaamay inuu ahaa shaqsi muhiim u ahaa nabadeynta gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Baladxaawo.

“Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid allaha u naxariisto Nabadoon Aadan mohamuud Burdhuube oo Gacan ka xaqdaran ku dishay Degmada Beled-xaawo oo ahaa shaqsi muhiim ah kana tirsana Golaha Guurtida Degmada Waxaa si gaar ah ugu tacsiyaynayaa Qoyska, qaraabada, salaadiinta dhaqanka iyo dhammaan bulshada ree balad-xaawo waxaan leeyahay Samir iyo iimaan Allah naga wada siiyo Nabadoonka Qabrigisane allaha u waasiciyo!” ayuu yiri guddoomiye Shire Cabdul Keynan.

Allah u naxariista dilka Nabadoon Aadan Buurdhuubo ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalmahii lasoo dhaafay gobolka Gedo ay ka jireen khilaafaad siyaasadeed adag oo u dhaxeeya dowladda Fedaraalka iyo maamulka Jubbaland iyo waliba falal amni daro ah oo ay ku lug leeyihiin kooxo hubeysan.

Soomaliya iyo Turkiga oo wada hadal ka yeeshay xiriirka labada dal?

0

Talaado 2, sep 2025 {HMC}Dowladdaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii Turkidu u laba jibaari lahaayeen taageerada ay u fidiyaan dalka.Somali cuisine

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Balcad, ayaa bartiisa X ku sheegay inuu kulan miro-dhal ah la yeeshay Wasiir-ku-xigeenka Arrimaha Dibadda Turkiga, Nur Yilmaz oo ay ka wada hadalkeen xiriirka labada dal.

Cali Balcad wuxuu uga mahadceliyay dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, laga soo bilaabo gurmadka bani’aadannimo, amniga iyo horumarinta, ilaa iskaashiga dhaqaale ee hadda socda.

 

Madaxweyne Xasan Sheikh iyo raysal wasaare Xamse oo ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweyne Firdhiye ?

0

Talaado 2, sep 2025 {HMC}Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare Soomaaliya, Senator Cabdullaahi Timacadde, ayaa sheegay madaxweynaha Soomaaliya iyo raysal wasaarihiisa inay kasoo qeyb gali doonaan caleemo saarka madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka sare ayaa ku ammaanay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay kaalin weyn ka qaadatay sidii goboladda Sool, Sanaag iyo degmada Buuhoodle looga saari lahaa daruufaha adag ee ay ku sugnaayeen, isagoo sheegay madaxweynaaha iyo raysal wasaaruhu inay guteen masuuuliyad iyo waajibaad qaran oo ka saarnaa ilaalinta midnimada dalka.

Senator Timacadde ayaa sheegay in xubnaha labada aqal ee laga soo doorto Sool, Sanaag iyo Cayn ay u midoobi doonaan inay u qareemaan sidii uu cagihiisa ugu istaagi lahaa maamulka cusub ee Waqooyi Bari. Wuxuuna sheegay in meesha laga saari doono tafaraaruqii horey uga dhex jira siyaasiyiinta labada gobol ku matala Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Senator Timacadde waxa uu ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Puntland, wuxuuna kamid ahaa siyaasiyiinta aadka ugu dhawaa madaxweyne Deni. Hase ahaatee, wuxuu kamid noqday siyaasiyiinta la dareenka noqday mowqifka ay qaateen reer Sool oo ah inay sameystaan maamul cusub.

IGAD and Japan Partner to Empower the Next Generation of African Leaders

Tuesday  2, septemper  2025 {HMC}  The Intergovernmental Authority on Development (IGAD) has launched the second cohort of its Leadership Academy (ILA). The program, a collaboration with the Government of Japan aims to address a critical leadership deficit and empower young leaders to drive peace and sustainable development across the region. The training is hosted at the Kenya School of Government (KSG) in Nairobi and brings together a diverse group of emerging young leaders from across IGAD’s member states. The delegates were selected from over 3,000 applicants, and they were commended as the region’s finest youth representatives by Dr. Nyambura.

The ILA was established to provide future leaders with the skills needed to navigate a rapidly developing, multi-cultural African society. It is anchored in the belief that Africa requires its own solutions to its unique challenges, and it is committed to fostering ethical, visionary, and gender-inclusive leadership. The program was approved by the IGAD Heads of State and Government Summit in July 2022 and has since been designed to build a critical mass of strategic and ethical leaders who will drive change.

Delivering remarks on behalf of Executive Secretary H.E. Dr. Workneh Gebeyehu, Director of Administration and Finance Josephat Onyari emphasized the important role of the youth, who make up 70% of the IGAD region’s population. “This programme is meant to stoke that fire in you to go out, actualize those ideas, and shape the destiny of our region,” Onyari stated. He also expressed gratitude to Dr. Nyambura, who developed the academy’s concept, and highlighted that the ILA extends beyond training to include comprehensive follow-up support through a functional Alumni Cohort network.

The Director General of the Kenya School of Government, Prof. Nura Mohamed, officially opened the training, reiterating KSG’s commitment to continuous collaboration with IGAD. He challenged the participants to become accountable leaders who can be trusted with public offices, stressing that “no one is too small to make a difference” and that true leadership is a “calling, not a title”. He shared key principles for the delegates to embrace, including:

  • Identifying their unique contributions and the legacy they wish to create.
  • Learning to articulate their abilities and believing in themselves.
  • Acknowledging that no one is too young to begin their leadership journey.

The ILA’s curriculum is a blend of African leadership philosophies and global best practices, covering good governance, peacebuilding, technology, and gender-responsive leadership. The program is fully funded, with all training-related expenses covered for the participants. It is designed to empower young people to become active partners in peace and development, ensuring their voices are amplified in regional and national dialogues.

The event was also graced by a representative from the Government of Saudi Arabia, which has a long-standing relationship with IGAD, fostering peace, good governance, and sustainability. The Saudi representative affirmed their country’s commitment to nurturing a new generation of ethical leaders, particularly focusing on youth and women as the backbone of the region’s future. The representative expressed continued interest in supporting initiatives that promote human and sustainable development throughout the broader African region. With the support of international partners and the commitment of institutions like KSG, the IGAD Leadership Academy is poised to create a lasting ripple effect of positive change throughout the Horn of Africa.

Source sonna