Talaado 2, Sep 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.Somali history books
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo si meeqaam sare ah loogu soo dhoweeyey Madaxtooyada Serbia.
Belgrade, 2,Sep 2025 {HMC} – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta magaalada Belgrade kulan miro dhal ah kula yeeshay dhiggiisa Jamhuuriyadda Serbia, Mudane Đuro Macut, iyaga oo ka wada hadlay arrimo dhowr oo ay ka mid yihiin, xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, iyo wada-shaqeynta amniga, waxbarashada iyo caafimaadka.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa waxaa Qasriga madaxtooyada Serbia loogu sameeyay soo dhaweyn iyo maamuus heer sare ah, iyada oo labada dowladdood ay kala saxiixdeen Heshiis wada-shaqeyn ah oo la xiriira caafimaadka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay ka jiraan fursado maalgashi oo ay ka mid yihiin dhaqaalaha buluugga ah, Beeraha, iyo Xoolaha, kuwaas oo ganacsatada Serbia siinaya fursad maalgashi ay ku sameyn karaan.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ku casuumay dowladda iyo ganacsatada Serbia in ay booqdaan Soomaaliya, si loo sii ballaariyo iskaashiga labada dal, loona sahmiyo ilaha ku habboon ee ay maalgashi ku sameyn karaan.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahad celiyey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Serbia Mudane Đuro Macut soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen isaga iyo wafdiga la socda, isaga oo xusay in la sii xoojin doono iskaashiga diblumaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal.
— Dhammaad —
{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Xamse oo ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweyne Firdhiye
Talaado 2, Sep 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Xamse oo ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweyne Firdhiye
{DAAWO MUQAALKA} Ciidamada dowlada oo biyo dhaamin u sameyay dadkii saameyen abaaraha
Talaado 2, Sep 2025 {HMC} Ciidamada dowlada oo biyo dhaamin u sameyay dadkii saameyen abaaraha
{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu dambeyay Caalamka 02/9/2025
Talaado 2, Sep 2025 {HMC} Dhacdooyinkii ugu dambeyay Caalamka 02/9/2025
{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Xamse oo ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweyne Firdhiye
Talaado 2, Sep 2025 {HMC} Madaxweyne Xasan iyo R/wasaare Xamse oo ka qeyb galaya caleemo saarka madaxweyne Firdhiye
Mandheera Oo Bannaanbax ka dhan ah Ciidanka Jubbaland oo ka dhacay .
Talaado 2, septemper 2025 {HMC} Magaalada Mandera ayaa maanta waxaa ka dhacay mudaharaad ballaaran oo ay sameeyeen shacabka deegaanka, kuwaas oo ku dhawaaqayay in ciidanka Jubaland laga saaro deegaannadooda.
Banaanbaxayaasha oo sitay boorar iyo calaamado ay ku qornaayeen ereyo ay ka mid yihiin “Murkomen ha iscasilo”, ayaa ku eedeeyay dowladda Nairobi in ay halis gelisay madax-bannaanida Kenya, iyadoo ogolaatay in ciidamo shisheeye ay si xor ah ugu dhaqaaqaan gudaha Mandera.
Dadka mudaharaadayay ayaa sheegay in joogitaanka muddada dheer ee ciidamada Jubaland ee soo gudbay xadka, intii ay socdeen howl-gallada amniga, uu kordhiyay xiisadaha isla markaana dhaawacay kalsoonida shacabka ee ku aaddan awoodda dowladda Kenya ay ku ilaalinayso muwaadiniinteeda.
“Maxaa ciidamo shisheeye ugu socdaan waddooyinkeenna halka booliiska iyo militarigeenna la hareer mariyay?” ayuu yiri mid ka mid ah dadka mudaharaaday.
Sidoo kale, shacabka ayaa si gaar ah weerar afka ah ugu qaaday Wasiirka Gaadiidka Kipchumba Murkomen, iyagoo ku baaqay inuu xilka iska casilo, waxayna ku eedeeyeen dayacaad iyo in uu ka gaabiyay ka jawaabidda cabashooyinka amni ee gobolka.
Dowladda Kenya weli kama aysan hadlin arrintan, hase yeeshee hoggaamiyeyaasha deegaanka ayaa uga digay in haddii aan si degdeg ah wax looga qaban cabashooyinka, mudaharaadyadu ay kasii dari karaan maalmaha soo socda.
Somali Envoy in Nairobi Meets EALA Member to Boost Regional Cooperation
Tuesday 2, septemper 2025 {HMC} The Ambassador of the Federal Republic of Somalia to the Republic of Kenya, H.E Jabril Ibrahim Abdulle received Hon. Kennedy Musyoka Kalonzo, Member of the East African Legislative Assembly, for a courtesy call.
The two officials held constructive discussions on Somalia’s role in EAC and explored pathways to enhance regional collaboration.
The Ambassador expressed his appreciation for the constructive engagement and visit.
Source sonna

Foreign Affairs Minister holds talks with his Serbian counterpart
Tuesday 2, septemper 2025 {HMC} The Minister of Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Republic of Somalia, H.E. Abdisalam Abdi Ali, held talks in Belgrade with the Minister of Foreign Affairs of the Republic of Serbia, H.E. Marko Djuric.
The discussions focused on enhancing bilateral relations between Somalia and Serbia, particularly in the areas of economy, agriculture, construction, and education. The two ministers also reviewed opportunities for advancing joint international projects and reaffirmed their commitment to building strong ties based on mutual interests and longstanding friendship.
Minister Abdisalam emphasized the importance of the talks, stating: “We discussed bilateral relations and international issues, recalling the long-standing friendship between Somalia and Serbia.”
For his part, Minister Djuric stressed Serbia’s pride in its historical ties with Somalia, noting: “Serbia takes pride in its historic relations with Somalia and remains committed to strengthening cooperation across multiple sectors.”
Source sonna

State Minister for Foreign Affairs discusses cooperation with Turkish Deputy Foreign Minister
Tuesday 2, septemper 2025 {HMC} The State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation of the Federal Government of Somalia, H.E Ali Mohamed Omar met with the Deputy Minister of Foreign Affairs of Türkiye, H.E Nuh Yılmaz.
The officials discussed strengthening bilateral relations and regional developments.
The Minister conveyed Somalia’s gratitude for the warm welcome and Türkiye’s steadfast support from humanitarian relief to security, development, and now economic partnership.
Source sonna




