Home Blog Page 574

Austria oo markii ugu horreysay Soomaali ku celisay dalkooda

Arbaco  3,Sep 2025 {HMC}   Austria ayaa markii ugu horreysay muddo ku dhow labaatan sano ah Soomaaliya dib ugu celisay laba qof oo Soomaali ah. Labadan nin ayaa Talaadadii lagu soo dejiyey caasimadda Muqdisho, sida uu sheegay wasaaradda arrimaha gudaha ee Austria. Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in raggan lagu xukumay dambiyo kala duwan, oo ay ku jiraan kiisaska maandooriyaha.

Soomaalida ayaa sanadkan noqotay qaxootiga saddexaad ee ugu badan ee magangelyo ka codsada Austria. Toddobadii bilood ee ugu horreeyay sanadkan waxaa la gudbiyey 648 codsi. Guud ahaan 463 qof ayaa helay magangelyo buuxda, halka 334 qof loo oggolaaday qaabilaad ku meel gaar ah, waxaana degenaansho bani’aadamnimo la siiyey 12 qof. Heerka guud ee aqbalaadda codsiyada Soomaalida sanadkan wuxuu gaaray 44 boqolkiiba.

Soomaaliya ayaa weli loo arkaa waddan ka mid ah kuwa ugu xasillooni darran qaaradda Afrika. Kooxda Al-Shabaab ayaa sanadkan kordhisay weerarrada, iyadoo bartamihii Maarso isku day weerar loo geystay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo sababay dhimasho dad badan.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee Austria ayaa sheegtay in tallaabadani ay muujinayso siyaasad magangelyo oo adag, joogto ah isla markaana cadaalad ah. Waxaa sidoo kale dhawaan qof lagu celiyey Suuriya, halka qorsheyaal la xiriira musaafurinta Afgaanistaan ay socdaan. Wasiirka arrimaha gudaha Gerhard Karner ayaa la kulmay dhiggiisa Jarmalka Alexander Dobrindt si ay uga wada hadlaan sidii ay labada dal uga wada shaqayn lahaayeen musaafurinta qaxootiga.

{DAAWO MUQAALKA} Ruushka oo weeraro Culus ku qaaday UKraine.

0

Arbaco 3, Sep 2025 {HMC} Ruushka oo weeraro Culus ku qaaday UKraine.

 HOOS KA DAAWO  MUUQALKA

 

{DAAWO MUQAALKA} 40 Tuulo oo Baladweyne ku taalla oo laga Wado Daaweeynta Xoolaha Si Bilaasha ah.

0

 

Arbaco 3, Sep 2025 {HMC}40 Tuulo oo Baladweyne ku taalla oo laga Wado Daaweeynta Xoolaha Si Bilaasha ah

 

 HOOS KA DAAWO  MUUQALKA

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio HIiraanweyn 3 09 2025

0

Talaado , 3 SEPTMPER 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Radio Hiiraanweyn merchandise

Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Ali Ahmed

Farsamadii :: Muuse Cali Xeroow

                 HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO

{DAAWO MUQAALKA} Duqeeyn ka dhacday Hiiraan oo lagu Dilay Saraakiil AS ah.

0

Arbaco 3, Sep 2025 {HMC}Duqeeyn ka dhacday Hiiraan oo lagu Dilay Saraakiil AS ah.

 HOOS KA DAAWO  MUUQALKA

 

Mareykanka oo weerar ka fuliyay Venezuela.

Arbaco 3,Sep 2025 {HMC} Mareykanka wuxuu fuliyay weerarkii ugu horreyay oo ka dhacay xeebaha dalka Venezuela, kaddib markii maraakiibta dagaal ee Mareykanka ay rasaas ku fureen dooni ay ku sheegeen in loo aqoonsaday inay adeegsanayeen kooxo argagixiso ah oo maandooriye waday, iyadoo weerar uu dhaliyay dhimasho iyo dhaawac gaaray Kooxda markabkaa la socotay,

sida uu warbaahinta waxyar ka hor u sheegay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Marco Rubio oo sidoo kale ah la-taliyaha amniga.

Howlgal gaar ah oo lagu diray Sargaal sare oo ka tirsanaa AS.

Arbaco 3,Sep 2025 {HMC} Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo maanta ciidamada NISA ay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Hiiraan, kaas oo lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgaka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Shaw oo qiyaastii 20 KM dhanka galbeed ka jira demada Jalalaqsi, iyada oo uu u dhacay sidii loo qorsheeyay.

Ilo wareedyo xilkas ayaa innoo sheegay in ciidamada howlgalka qaaday ay soo dileen horjooge sare oo lagu magacaabo Xuseen Cabdullahi Dalab, isa markaana magaciisa afgarashada uu ahaa (Caamir), kaas oo ka tirsanaa amniyaadka kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaana ayaa sidoo kale sheegay in ninkan uu ahaa halis, isla markaana uu ka howlgali jiray gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee HirShabelle.

Ciidamada NISA ayaa soo afjaray, kadib markii ay beegsadeen goob uu ku sugnaa Caamir, waxaana sidoo kale jira khasaare kale oo Al-Shabaab lagu gaarsiiyay howlgalkaasi.

NISA ayaa maalmihii u dambeeyay xoojisay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada HirShabelle iyo Galmudug oo ay weli ku xoogan tahay kooxda.

Howlgalka ugu dambeeya oo dhacay bartamaha bishii hore, ayaa lagu beegsaday guri ku yaalla deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo uu shir uga socday horjoogayaal iyo xubno la shaqeynayay Khawaarijta, waxaana halkaas dilay toddobo xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyada oo la burburiyay goobtii ay ku shirayeen.

Sidoo kale, 13-kii Agoosto howlgal kale oo laga fuliyay deegaanka Daarunimca ee Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa looga hortagay maleeshiyaad qorsheynayay weerar ka dhan ah ciidamada difaaca shacabka kaddib markii la helay xogtooda, waxaana halkaas lagu dilay afar xubnood uu ku jiro horjooge Cabdullaahi Ganeey oo ilaa sanadkii 2009, door weyn kulahaa hoggaaminta dagaallada kooxda Khawaarijta ah, sida lagu sheegay qoraalka.

Howlgalka kale oo isna dhammaadkii Agoosto ka dhacay deegaanka Nooleeye ee gobolka Galgaduud, ayaa lagu burburiyay gaari Cabdi Bile ah oo ay Khawaarijtu si xad-dhaaf ah ugu soo rareen saanad ciidan, kaas oo ay u wadeen maleeshiyaad qorsheynayay inay carqaladeeyaan amniga degmada Ceeldheer, Ciidanka NISA ayaana ku guuleystay in guud ahaan la gubo gaarigii iyo saanaddii uu siday taas oo fashilisay dhagartii argagixisada.

Taliska NISA ayaa intaasi kusii daray inay sii wadi doonaan beegsiga kooxaha Khawaarijta, si looga xoreeyay deegaannada ay ku sugan yihiin ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabbuuti,

0

Talaado 2,Sep 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimadda Jabuuti ee dalka Jabbuuti, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee caasimadda Jabbuuti kusoo dhaweeyay Wasiirrrada Arrimaha Dibedda iyo Gudaha dalka Jabuuti iyo xildhibaanno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Jabuuti.

Safarka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye waxaa ku wehliya xildhibaanno ka tirsan BFS iyo wasiirro ka tirsan Galmudug.

In ka badan kun qof oo ku dhintay Musiibo ka dhacday Suudaan.

Talaado 2,Sep 2025 {HMC} Kun qof (1,000) ayaa ku geeriyooday markii uu dhulka la go’ay magaalo ku taal buuraha Jebel Marra ee bartamaha gobolka Darfur ee dalka Suudaan oo lagu magacaabo Tarasin, waxaana dhammaan dadkii magaalada ku noolaa ka badbaaday kaliya hal qof, mid ka mid ah dhacdooyinkii ugu argagaxa badnaa oo ka dhacay Suudaan.

Magaaladan waxay caan ku ahayd beeraha liinta , waxaana maalintii labaad dhul go’a ku hoos jira boqollaal meyd , oo ay qariyeen dhagaxyada iyo carro, taasoo ka dhigaysa hawsha samatabbixinta mid aad u adag, xilli ay Suudaan markii horaba la daalacaysay dagaallada sokeeye ee muddada dheer ka socda

Qiimaha dahabka oo halkii ugu sareeyay gaaray.

Talaado 2,Sep 2025 {HMC}  Qiimaha dahabka ayaa si weyn sare ugu kacay iyadoo ay sii socoto baahida xooggan ee loo qabo ee ka timid hubaal la’aanta dhaqaale ee adduunka ka jirta.

Qiimaha dahabka ayaa kor u kacay ku dhawaad saddex meelood sanadkan. 28.4 gram ayaa lagu kala iibsanayaa qiimo ka badan 3-kun iyo shan boqol oo doolar.

Dadka ka faalooda arrimaha dahabka waxay walaac ka muujiyeen canshuuraha madaxweyne Trump, dulsaarka sareeya iyo walaac laga qaba madaxbannaanida bangiga dhexe ee Mareykanka. Dhammaan arrimahaas ayey sheegeen in ay qiimaha kor u qaadeen.

Trump ayaa sidoo klae weeraro isdaba joog ah ku qaaday guddoomiyaha keyda federaalka, Jerome Powell, iyo sidoo kale iskudaygii dhawaan uu doonayay in uu ku eryo guddoomiye Lisa Cook ayaa la sheegay in ay keentay.

Madaxa bangiga dhexe Yurub, Christine Lagarde, ayaa isniintii ka digtay hadii Trump uu xaqiro madaxbannaanida bangiga dhexe in taasi ay ka dhigan tahay “khatar aad u daran” oo ku wajahan dhaqaalaha adduunka.

Waxay sheegtay hadii lagu qasbo bandhiga in uu ka jawabao siyaasadaha Trump in ay taasi tahay wax “aad looga walaaco” oo sameyn ku leh dhaqaalaha Mareykanka iyo adduunka oo dhan.

Kororka qiimaha dahaba ayaa sidoo kale ka yimid sababo badan oo ay ku jirto duullaanka Ruushka ee Ukraine oo siyaasada guud ee adduunka saameysay.