Home Blog Page 658

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Radio Hiiraanweyn 3- 8-2025

Axad 3 August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Yaasin ALI /Roodo Xuseen

Farsamadii ::Ismail abdiqadir

Ruushka iyo Ukraine oo isku fara saaray .

Axad 03 August 2025 {HMC} Gantaalka Ruushka ayaa burburiyay guryo iyo dhismayaal rayid ay degganaayeen oo ku yaalla magaalada koonfurta Ukraine ku taalla ee Mykolaiv, sida ay sheegeen saraakiisha maxalliga ah.

Ugu yaraan saddex qof oo rayid ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhaawacmeen magaalada u dhow Badda Madow, oo marar badan ay duqeeyeen ciidamada Ruushka.

Waaxda Gurmadka Degdegga ah ee Ukraine ayaa soo bandhigtay sawirrada dab-damiskii goobta ku sugnaa kaddib markii uu gantaalku dhacay. Gelinkii hore ee Axadda dab weyn oo kayd shidaal ka billowday ayaa ka kacay meel u dhow goobta loo tamashlaha tago ee Badda Madow ee Ruushka ee Sochi – oo ay mas’uuliyiinta Ruushku ku eedeeyeen weerar ay qaadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine.

Gegida diyaaradaha ee Sochi ee isla aagga – degmada Adler – duulimaadyadii ayaa la joojiyay.

Barasaabka gobolka Krasnodar Veniamin Kondratyev ayaa ku sheegay barta Telegram in haraaga diyaarada ay ku dhaceen haan shidaal, 127 dabdamis ayaana la tacaalayay dabka.

Dastuurka maamulka Waqooyi Bari oo la dhaqan geliyay.

Axad 03 August 2025 {HMC} Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay martigelisay munaasabad taariikhi ah oo lagu saxiixay Dastuurka cusub ee Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kaas oo si rasmi ah u dhaqan galay kadib saxiixa hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee maamulka, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye.

Munaasabadda lagu ansixiyay dastuurkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin heer federaal ah, oo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Yuusuf Cali (Cali Xoosh), kaas oo si weyn u bogaadiyay tallaabadan, kuna tilmaamay “heshiis bulsho oo udub dhexaad u ah dowlad-dhis la mahadiyo.”

Dastuurka Maamulka Waqooyi Bari ayaa dhigayaa in maamulka uu aqoonsan yahay jiritaanka Puntland, balse uusan aqoonsaneyn Somaliland, taas oo muujinaysa mowqif siyaasadeed oo si cad u qeexan.

Dastuurku sidoo kale waxa uu sheegaya in maamulka uu xukumo dhul gaaraya 200 mayl oo badeed, isla markaana uu yahay maamul furan oo u diyaar ah in lagu soo biiro.

Qorshaha Xiga ee Maamulka Cusub ayaa ah In la qabto doorashada Baarlamaanka Maamulka Waqooyi Bari, taas oo noqon doonta tallaabada koowaad ee dhismaha hay’ado sharci-dejin rasmi ah.

Doorashada Madaxweynaha maamulka, oo dhici doonta kadib marka la dhiso baarlamaanka, si loo helo hoggaan rasmi ah oo loo dhan yahay.

Dhismayaal dowladeed iyo hay’ado adeeg, si loo bilaabo bixinta adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo ammaanka.

Qorshe la xiriira la shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in maamulka yeesho xiriir sharci ah oo ay ku wada shaqeyn karaan hay’adaha dowladda dhexe.

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah, Cabdiqaadir Firdhiye, ayaa sheegay in maamulka cusub uu noqon doono “mid nabad ku dhisan, siyaasaddiisuna tahay mid lagu dhisayo heshiis iyo wada-tashi.”

Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa loo arkaa mid ku imaanaya xilli xasaasi ah oo ay ka jiraan khilaafaad siyaasadeed iyo is-bedbedel dhinaca maamulka ah gobollada waqooyi ee dalka, iyadoo dad badan ay arrintan ku tilmaamayaan fursad lagu hagaajin karo ka qaybgalka siyaasadeed iyo horumarinta bulshada gobolka.

Koox weerar ku qaaday Warshadda Birta ee Dayniile.

Axad 03 August 2025 {HMC}Koox hubeysan ayaa xalay weerar ku bilowday rasaas culus ku qaaday Warshadda Birta ee ku taalla degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay degganaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, maadaama aysan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda ama hay’adaha ammaanka.

Warshadda Birta oo ka mid ah dhismayaasha muhiimka ah ee ku yaalla Dayniile, ayaa la sheegay in ay ka barakaceen dadkii shacabka ahaa ee deganaa, kaddib markii ay dowladda la wareegtay dhulkaasi.

Qof ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay  ayaa sheegay in xalay ay ahayd “habeen cabsi badan”, isagoo intaas ku daray:

“Rasaas culus ayaa bilaabatay abaare 3:00 fiidnimo, waxaana dareenay in cabsi badan, dhulka la weeraray waxaa deganaa dad shacab ah oo laga barakiciyay, saaka xaalada way degan tahay.” ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Uganda Sheegtay Xubno ka tirsan AS lagu dilay G/Sh/Hoose.

Axad 03 August 2025 {HMC} Sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada Gaashaandhiga Uganda Ciidanka Xoogga Dalka iyo ciidamada milateriga Uganda oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, ayaa si wadajir ah u fuliyey howlgal qorsheysan oo milatari, si looga xoreeyo kooxda AS magaalada istiraatiijiga ah ee Bariire, oo qiyaastii 50km u jirta caasimadda Muqdisho dhanka koonfur-galbeed.
Weerarkan milatari wuxuu qeyb ka yahay howlgallo ballaaran oo socda gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo diiradda lagu saaray in AS  laga saaro magaalooyinka Bariire, Sabiid, Anole, iyo Awdheegle, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda.
Intii lagu guda jiray howlgalka, in ka badan 50 dagaalameyaal oo ka tirsan AS ayaa la dilay, waxaana ka mid ahaa saddex sarkaal oo muhiim ah:
1.Mohammed Abdallah – Khabiir ku takhasusay hubka lidka taangiyada
2.Sadam Ibrahim – Khabiir ku xeel dheer qaraxyada nooca IED
3.Abas – Taliyaha ciidanka lugta ee kooxda
Ciidamada huwanta ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dagaalku wali uu socdo, iyadoo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda ay weli ku sugan yihiin gudaha magaalada Bariire, kuna howlan yihiin sifeynta deegaanka si loo sugo amniga buuxa, loona ciribtiro dagaalyahanada haray.
Dowladda Uganda waxay si adag u beenisay warar ay faafiyeen warbaahinta taageerta AS  kuwaas oo sheegaya khasaare xooggan oo gaaray ciidamada huwanta. Uganda waxay ku tilmaantay wararkaas “borobagaando aan sal iyo raad lahayn.”

{DAAWO MUUQAALKA} Ciidamada Danab oo Billlaabay Howlgalo ka dhan ah AS

0

Axad 03 August 2025 {HMC} Ciidamada Danab oo Billlaabay Howlgalo ka dhan ah AS

 

HOOS KA DAAWO MUUlQAKA

{DAAWO MUUQAALKA} Khilaafka u dhaxeeyo Dowladaha Hindiya iyo Mareeykanka oo sii Xoogeeystay.

0

Axad 03 August 2025 {HMC} Khilaafka u dhaxeeyo Dowladaha Hindiya iyo Mareeykanka oo sii Xoogeeystay.

HOOS KA DAAWO MUUlQAKA

 

{DAAWO MUUQAALKA} Puntland oo Ciidamo u Direeyso Gobolka Sanaag.

0

Axad 03 August 2025 {HMC}  Puntland oo Ciidamo u Direeyso Gobolka Sanaag.

HOOS KA DAAWO MUUlQAKA

 

Maamulka Netanyahu oo dalbatay in lagu garabsiiyo sidii Xamaas looga sii deyn lahaa Maxaabiista

Axad 03 August 2025 {HMC} Xukuumadda Benjamin Netanyahu ayaa walaac ka muujisay muuqaal dhaqdhaqaaqa Xamaas ay kasoo duubtay Maxaabiista Israa’iil ee gacanta ugu jira kuwaas oo jirkooda ka muuqato macluusha ka dhalatay go’doonka saaran Dhulka Falastiin.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil Gideon Sa’ar ayaa ku qaylo-dhaamiyay in kulan degdeg ah oo looga shaqeynayo sii deynta dadkaas in ay isugu yimaadaan Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee daneynaya xaaladda Bariga Dhexe.

Gideon waxa uu tilmaamay in aanay indhaha laga qabsan Karin xaaladda ay ku sugan yihiin Maxaabiista Yuhuudda ah ee Xamaas heysato kuwaas oo macluusha ka dhalatay go’doonka cuntada ay sababtay in jirkooda isbaddelo oo xitaa qaarkood la aqoonsan waayo.

Waxa uu iska indha-tiray in Xukuumadda uu Wasiirka Arrimaha Dibadda ka yahay ee ka dambeysa go’doonkaan ay qaaddo tallaabooyin lagu burburinayo xayiraadda dhinaca cuntada ah ee saaran Marinka Gaza.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Radio HIiraanweyn 03 08 2025

Axad, 03 August 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Ali Ahmed

Farsamadii :: Muuse Cali Xeroow

HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO