Isniin 28, July 2025 {HMC}Maxaas Waxaa la qabsaday Markii Moqokori la qabsaday.”Xildhibaan C/Shakur.”
HOOS KA DAAAWO MUUQAALKA.
Isniin 28, July 2025 {HMC}Maxaas Waxaa la qabsaday Markii Moqokori la qabsaday.”Xildhibaan C/Shakur.”
HOOS KA DAAAWO MUUQAALKA.
Isniin 28 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :CAbdiqabi Cosoble – sahra gabe
Farsamadii ::Ismail abdiqadir
Isniin, 28 Jully 2025 {HMC}Faah-faahinno kala duwan ayaa waxaa laga helayaa dagaal goordhow dib uga qarxay duleedka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa Jubaland, iyada oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga socda aagga xerada UK oo uu ku sugan yahay Cabdirashiid Janan oo hoggaaminayo ciidamada dowladda ee ku sugan halkaasi, kadib markii loo magacaabay taliyaha Nabadsugidda ee Jubaland, kadibna uu sidaas ku tegay Gedo.
Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana lasoo warrinayaa in ciidamada gurmadyo ah oo ka kala yimid degmooyinka Doolow iyo Ceelwaaq ay gaareen degmada Beledxaawo, taas oo uu uga sii dareyso dagaalka haatan ka socda duleedka magaaladaasi.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dadka deegaanka ay intooda ka badan ka barakaceen xaafadahooda, si ay uga fogaadaan waxyeello kasoo gaarta dagaaka dib u qarxay.
Jubaland oo goor sii horreysay qoraal soo saartay ayaa dagaalka Beledxaawo ku eedeysay dowladda dhexe, waxayna sheegtay in lasoo weeraray ciidamadeeda.
“Goor hore oo shalay ah, ciidamadaasi waxay mar kale si toos ah u weerareen magaalada Beledxaawo, oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda Jubaland. Weerarkaasi wuxuu sababay barakac baahsan, burbur hantiyeed oo xooggan, iyo cabsi laga dhaxlay hub culus, oo si aan loo meel dayin loogu garaacay gudaha magaalada. Intaa kaliya kuma ekaan, ee ciidamadaasi waxay sidoo kale biliilaaysteen guryo ay dadkii lahaa ka qaxeen, taasoo si cad u muujinaysa in aanay wax dan ah ka lahayn shacabka iyo deegaanka” ayay tiri Jubaland.
Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo xalay ka dhacay gudaha degmada Doolow, kaas oo ay ka qayb qaateen ciidamada Itoobiya, kadib markii ay weerareen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada NISA, halkaas oo ay cagta mariyeen, kadibna ay gubeen xerada.
Sidoo kale, ciidamada Itoobiya ayaa gebi ahaanba waxay la wareegeen xerada, waxayna gacantana ku dhigeen Taliyihii ciidanka Nabadusgida ee Doolow iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.
Arrimahan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Taliya NISA ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay wada-hadallo kula leeyihiin madaxda dalka Itoobiya, iyada oo wada-hadalladaas lagu soo qaaday arrinta gobolka Gedo.
Isniin, 28 Jully 2025 {HMC}Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sharif Sheekh Axmed, ayaa war-saxaafadeed rasmi ah kasoo saaray weerarkii AS ay ku qaadeen magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan, isagoo bogaadiyay naf-hurnimada ciidamada Xoogga Dalka iyo xoogagga deegaanka ee si geesinimo leh uga hortagay weerarkaas.
Sharif Sheekh ayaa tacsi u diray halyeeyada ciidamada iyo shacabka ku dhintay weerarka, isagoo sidoo kale caafimaad u rajeeyay dhammaan dhaawacyada.
Shariif Sheekh wuxuu sheegay in weerarrada ceynkan ah ay yihiin caddayn buuxda oo muujinaysa dayaca dhanka amniga qaranka, isagoo ku eedeeyay madaxda dowladda Federaalka inay ka dhega fureysteen talooyin muhiim ah oo la siiyay.
“Waxaa muuqata dayac iyo halis taabanaysa amniga qaranka, isla markaana madaxda dowladu ay dhegaha ka xirteen tallooyinka muhiimka ah,” ayuu yiri.
Isniin, 28 Jully 2025 {HMC} Maamulka Jubbaland ayaa warsaxaafadeed si adag uga soo saartay dagaallada isdaba-joogga ah ee ka socda degmada Beledxaawo iyo deegaanka Doolow ee gobolka Gedo, iyada oo si toos ah ugu eedeysay Villa Somalia, gaar ahaan Madaxweynaha Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, in uu abaabulay weerarro lagu wiiqayo xasiloonida Jubbaland.
Jubbaland waxay sheegtay in ciidamo federaal ah oo ku sugan xerada UK ee duleedka Beledxaawo ay dhowr jeer weerarro ku qaadeen magaalada, iyadoo la adeegsanayo diyaarado dagaal iyo hub culus, taas oo sababtay barakac, burbur hantiyadeed, iyo cabsi xooggan oo ka dhalatay magaalada. Maamulka ayaa tilmaamay in weerarradan ay yihiin qorshe siyaasadeed oo loogu dan leeyahay carqaladeynta Jubbaland.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamo kale oo amaro ka hela Villa Somalia ay sidoo kale xalay weerar ku qaadeen xarumaha ciidamada Jubbaland ee magaalada Doolow, taas oo sii hurisay colaadaha gobolka.
Jubbaland waxay ku eedeysay Villa Somalia in ay dagaalka u wajahday si la mid ah Al-Shabaab, iyada oo si gaar ah u tilmaantay in weerarkii Maxaas ee Al-Shabaab ay la wareegeen uu muujinayo halista siyaasadeed ee ka dhalan karta hab-dhaqanka dowladda Federaalka.
Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in uu ka go’an yahay difaaca shacabka iyo dhulka Jubbaland, isla markaana uu diyaar u yahay in uu iska caabiyo qorshe kasta oo xasiloonida deegaanka wax u dhimi kara.

Isniin, 28 Jully 2025 {HMCPuntland ayaa cambaareysay weerarkii kooxda AS ay shalay kula wareegtay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa tacsi loogu diray ehelada iyo qoysaska dadkii ku dhintay weerarka, gaar ahaan saraakiisha iyo ciidanka geesiyaasha Soomaaliyeed ee ku naf waayey dagaalka lagula jiro kooxda AS
Sidoo kale, Puntland waxay ammaan u jeedisay ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleeyda, kuwaas oo muujiyey difaac geesinimo leh, iyagoo u taagan ilaalinta shacabka.
Puntland waxay ugu dambayn ugu baaqday beesha caalamka inay taageero muuqata siiso dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah ee khalkhalgelinaya xasilloonida Soomaaliya.


Isniin, 28 Jully 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in si rasmi ah loo soo afjaray khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasi oo ka dhashay heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland si ay uga hesho marin badeed iyo saldhig ciidan.
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in dadaallo ay Turkigu dhex-dhexaadin ka galeen ay horseedeen in Itoobiya aqbasho madax-bannaanida dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana labada dal ay ku heshiiyeen inay iska kaashadaan arrimo badan oo masiiri ah, maaddaama ay yihiin daris ka wada tirsan Midowga Afrika.
Xilligan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku sugan gaaray dalka Itoobiya si uu ugu biiro hoggaamiyeyaasha kale ee caalamka ka qeybgalaya Shirka Dib-u-eegista Nidaamka Cuntada ee Qaramada Midoobay (UNFSS+4).
Dhanka kale, Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin khilaaf dhab ah oo ka taagan doorashooyinka la filayo inay dhacaan sanadka 2026, balse ay jirto dood siyaasadeed oo caadi ah oo ku saabsan habka hirgelinta nidaamka cusub ee doorasho toos ah.
Wuxuu tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay si weyn u taageersan yihiin nidaamkaas, hase yeeshee qaybo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ay ka cabsanayaan in ay waayaan faa’iidooyin ay hore u haysteen.
Isniin 28, July 2025 {HMC} Dagaalka Gedo ma joogsanaayo inta Axmed Madoobe laga xureynayo Jubaland”’Cabdirashiid Janan”
HOOS KA DAAAWO MUUQAALKA.
Isniin 28, July 2025 {HMC}Ciidamo kusii Jeeda Dagaalka AS oo lagu soo bandhigay SH-Dhaxe.
HOOS KA DAAAWO MUUQAALKA.
Isniin 28, July 2025 {HMC} puntland oo war kasoo saartay qabsashadii AS ee Maxaas.
HOOS KA DAAAWO MUUQAALKA.