Axad , 20 July 2025 {HMC } Puntland oo Dalbatay in Baaritaan lagu sameeyo Hubka shacabka Gacanta u galay.
HOOS KA DAAWO MUUQALKA
Axad , 20 July 2025 {HMC } Puntland oo Dalbatay in Baaritaan lagu sameeyo Hubka shacabka Gacanta u galay.
Axad , 20 July 2025 {HMC } FAAH FAAHIN Dagaal Culus oo ka socda Galgaduud.
Axad , 20 July 2025 {HMC } Dowladda Soomaaliya oo warkasoo saartay HIshiiska laga Gaaray Coolaada ka jirta Koongo.
Axad, 20 Jully 2025 {HMC}Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal culus uu mar kale ka qarxay deegaanka Meersiis oo hoostaga degmada Ceelbuur.
Dagaalkaan ayaa u dhexeeya maleeshiyaad hubeysan oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Guriceel iyo Ceelbuur, kuwaasoo muddooyinkii dambe isku hayay arrimo la xiriira muranno dhuleed iyo ismaandhaafyo la xariira saami qeybsiga kheyraadka deegaanka.
Sidoo kale dagaalka ayaa salka ku haya, kadib markii dhawaan naleeshiyaad ka soo jeedo magaalada Ceelbuur ay dad rayid ah ku dileen deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud.
Goob-joogayaal ku sugan deegaanka ayaa sheegay in la maqlayo dhawaqa rasaas culus iyo hubka waaweyn, iyadoo ay jiraan warar aan la xaqiijin oo sheegaya khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaalka.
Dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda, iyagoo ka cabsi qaba in dagaalku ku faafo deegaanno hor leh.
Mas’uuliyiinta maamulka gobolka weli kama aysan hadlin xaaladda, balse wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in dadaallo nabadeed hore loogu jiray uu fashilmay, taasoo keentay in colaadda dib u qaraxdo maanta.
Dagaallada sidan oo kale ah ayaa horay uga dhacay deegaanno badan oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaasoo saameyn xun ku yeeshay nabadgelyada, dhaqaalaha iyo isku socodka dadka shacabka ah.
Axad, 20 Jully 2025 {HMC} Ciidamada Mareykanka ayaa tan iyo bilowgii sanadkan 2025 ilaa bartamihii bisha Luulyo fuliyay 51 duqeyn cirka ah gudaha Soomaaliya, taasoo celcelis ahaan ka dhigan laba weerar toddobaadkii.
Duqeymahan ayaa lagu sheegay kuwo ka tarjumaya olole joogto ah oo ka dhan ah argagixisada, iyo sidoo kale ballanqaad istiraatiiji ah oo ku wajahan xasilinta gobolka Geeska Afrika.
Xogta laga helay Taliska AFRICOM ayaa muujinaysa in 32 ka mid ah duqeymahaasi lala beegsaday kooxda ISIS-Somalia, halka 19 kale lagu qaaday al-Shabaab. Isbeddelkan wuxuu muujinayaa in Mareykanka uu hadda si gaar ah u fiiro gaar ah u siinaayo ISIS-Somalia, oo lagu tilmaamay koox sii xoogeysaneysa oo leh hiigsi caalami ah, gaar ahaan gobolka Bari ee Puntland.
AFRICOM ayaa si cad u sheegtay in inta badan duqeymahan lagu fuliyay codsi ka yimid dowladda Soomaaliya, arrintaas oo xoojinaysa sharcinimada howlgalka.
Duqeymadu sidoo kale waxay muujinayaan in Mareykanku uu beddelay istiraatiijiyaddiisa dagaalka ee Soomaaliya, iyadoo la arkayo in weerarrada hadda aad uga bateen waqooyiga bari, gaar ahaan deegaannada u dhow Boosaaso. Tani waxay la xiriirtaa dhaq-dhaqaaqyo amni darro oo looga shakisan yahay ISIS-Somalia inay halkaas ka wado abaabul ciidan iyo saldhigyo sirdoon.
Sidoo kale, xiriirka milatari ee Mareykanka iyo Soomaaliya ayaa si muuqata u xoogeysanaya, iyadoo Taliyaha AFRICOM, General Michael Langley, uu dhowr jeer kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiil sare oo Soomaaliyeed si loo dardargeliyo iskaashi ku saleysan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argigixisada.
Axad , 20 July 2025 {HMC } Shirka Mucaaradka iyo Madaxda Dowladda oo ka Furmaya Muqdusho.
Axad , 20 July 2025 {HMC } Maxaa kasoo kordhay Markabkii ku xayirnaa Dekada Boosaaso.?
Axad, 20 Jully 2025 {HMC} Somaliland ayaa sheegtay in go’aankii ay Qaramada Midoobay xayiraadda hubka kaga qaaday Soomaaliya uu ahaa mid khaldan, kadib markii shalay xeebaha Puntland lagu qabtay markab sida hub aad u badan.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa X ku sheegay in go’aanka lagaga qaaday xayiraadda hubka Soomaaliya uu sababay kaliya qalalaase.
“Go’aanka Qaramada Midoobay kaga qaaday xayiraadda hubka waddanka fashilmay ee Soomaaliya wuxuu horseeday cawaaqib baaxad leh oo sababay xasillooni darro. Halkii uu gacan ka geysan lahaa nabadda iyo xasilloonida, wuxuu xoojiyay kooxaha xagjirka ah wuxuuna sii huriyay amni darrada ka jirta gobolka,” ayuu yidhi wasiirku.
Wuxuu sidoo kale beesha caalamka ugu baaqay in si degdeg ah dib loogu eego go’aanka qaadista cunaqabataynta hubka. “Beesha caalamku waa inay si degdeg ah dib u eegis ugu sameeyaan tallaabadan, iyagoo tixgelinaya khataraha sii kordhaya ee ku wajahan Geeska Afrika,” ayuu yidhi.
Hadalka wasiirka ayaa yimid kadib markii maamulka Puntland Jimcihii gacanta ku dhigay markab loo malaynayo in laga leeyahay Turkiga oo siday shixnad aad u badan oo hub ah iyo dabaabado dagaal. Markabkaas ayaa la geeyay dekedda Boosaaso, mana cadda waxa Puntland ka yeeli doonto.
Xogaha qaar ayaa sheegaya in markabkani u socday magaalada Muqdisho, isla markaana hubka saarnaa uu ahaa deeq loo waday dowladda federaalka. Laakiin Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay warbaahintu wax ka waydiisay arrintan, ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo.
Puntland dhankeeda waxay sheegtay in laga yaabo in hubka loo waday kooxaha argagixisada ah ee ka dagaallama gudaha Soomaaliya, waxayna xuseen in uu yahay hub badan oo khatar galin kara ammaanka. Sidaas darteedna, waxay sheegeen inay dowladda federaalka kula xisaabtami doonaan.
Dhowr baabuur oo siday hub fudud ayaa bilihii lasoo dhaafay lagu qabtay meelo ka mid ah Soomaaliya, iyadoo aan la ogayn cidda ay u rarnaayeen. Baabuurtaasi waxaa dhacday maleeshiyaad beeleed.
Waxaa jira falanqeeyayaasha qaar oo dowladda dhexe ku eedeeya inay ku guuldarreysatay xakameynta fiditaanka hubka. Waxay sheegeen in Soomaaliya aanay weli diyaar u ahayn in laga qaado cunaqabataynta hubka.
Dhanka kale, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa qabta aragti ka duwan taas, iyada oo sheegtay in oggolaanshaha hubku uu wax ka tarayo la dagaalanka argagixisada.
Axad, 20 Jully 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo : Yasiin Ali Ahmed
Farsamadii :: Muuse Cali Xeroow
HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO
Axad, 20 Jully 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiis xabad-joojin ah oo dhexmaray DRC Congo iyo kooxda hubeysan ee M23.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tillaabada xabbad joojinta ay qeyb ka qaadaneyso nabadda iyo xasilloonida ka gobollada bari ee DRC Congo.
“Soomaaliya waxay si qoto dheer uga mahadcelinaysaa kaalinta dhexdhexaadinta ee ay qaadatay Dowladda walaalaha ah ee Qatar, taasoo gacan weyn ka geysatay fududeynta wadahadallada lagu qabtay magaalada Doha, kuna dhiirrigelisay labada dhinac in ay miiska wadahadalka isugu yimaadaan” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Dowladda Soomaaliya ayaa ku boorrisay dhinacyada in ay ka dhabeeyaan heshiiska xabbad joojinta ah, si loo helo nabad waarta.