Home Blog Page 698

Madaxweyne Xasan Shiikh oo tagay halka lagu sameeyo Diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar.

Jimco, 18 July 2025 {HMC} Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, ayaa booqasho ku tagey xarruunta Xarunta Teknolojiyadda Turkga Özdemir Bayraktar oo ah goob lagu farsameeyo diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee qeyb ka qaata dagaalka AS.

Madaxweyne Xasan Shiikh oo uu wehliyay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa warbixino ka dhageystay madaxda iyo injineerada xarunta, kuwaas oo ka hadlay teknoolojiyadda casriga ah, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drone) iyo qalabka difaaca.

Intii uu socday kormeerka, Madaxweyne Xasan Sheekh Türkiye ku boggaadiyay horrumarka ay ka sameeyeen warshadaha, isaga oo sheegay in Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto khibradaha Awoodda Difaaca iyo Tiknoolajiyadda loogu dardar galiyo dagaalka AS.

Xarunta Özdemir Bayraktar ayaa kamid ah meelaha ugu horreeya ee laga soo saaro qalabka Tiknoolajiyadda casriga ah sida Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn.

Turkiga ayaa Diyaaradahiisa aan duuliyaha laheyn qeyb ka qaataan duqeymaha cirka ah iyo dagaalka AS.

Xuutiyiinta oo ku guuleystay in ay xiraan dekad muhiim ah oo ku taalla Israa’iil

Jimco, 18 July 2025 {HMC} Dekedda magaalada Eilat ee Israel ayaa hawlaheeda joojin doonta laga billaabo maalinta Axadda, kaddib markii ay iska bixin weyday deymaha lagu lahaa oo ka dhashay hoos u dhac weyn oo ku yimid dakhligeedii, kaasoo ay sababeen weerarrada Xuutiyiinta ee Badda Cas.

Wargeyska ganacsiga iyo dhaqaalaha ee Israel ee The Calcalist ayaa khamiistii tebiyey in dawladda hoose ee Eilat ay xannibtay akoonnadii bankiga ee dekedda, kuwaasoo lacagtoodu gaareyso ku dhowaad 10 milyan oo shekel ($3 milyan), sababtuna ay tahay canshuur aan la bixin.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in dekeddu ay diiwaan-gelisay hoos u dhac baaxad leh oo ku yimid dakhligii soo geli jiray, taasoo salka ku haysa weerarrada Xuutiyiintu ku hayaan maraakiibta xiriirka la leh Israel.

Hay’adda Maraakiibta iyo Dekedaha Israel ayaa Arbacadii sheegtay in “dhibaato dhaqaale oo ay gashay awgeed, taasoo ka dhalatay colaadda socota, ay dawladda hoose ee Eilat ku wargelisay maamulka dekedda la wareegidda dhammaan akoonnadeeda bankiga sababo la xiriira deymaha ay dawladda hoose ku leedahay.”

“Natiijo ahaan, waxaa nalasoo gaarsiiyey ogeysiis ka yimid Hay’adda Maraakiibta iyo Dekedaha oo tilmaamaya in Dekedda Eilat la filayo inay xirnaato oo ay joojiso dhammaan hawlihii laga billaabo Axadda soo socota,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Dakhliga dekedda Eilat ee sanadkii 2024 ayaa hoos ugu dhacay 42 milyan oo shekel ($12.5 milyan), taasoo ah hoos u dhac ku dhow 80 boqolkiiba marka loo eego 212 milyan oo shekel ($63 milyan) oo ahayd dakhligii sanadkii 2023, kaddib markii maraakiibtii loo weeciyey dekedaha Ashdod iyo Haifa ee ku yaal Badda Mediterranean-ka.

Ilo-wareedyo ka tirsan dekedda ayaa u sheegay wargeyska The Calcalist in xiritaankani uu “astaan u noqon doono guul ay gaareen Xuutiyiinta iyo khasaare ku yimid dhaqaalaha Israel.” Xuutiyiinta Yemen, oo sidoo kale loo yaqaan Ansar Allah, ayaa billaabay inay weeraraan Israel iyo maraakiibta ku socota Israel ee maraya gobolka Badda Cas, si ay uga jawaabaan dagaalka Israel ay ka waddo Gaza.

Israel waxay dishay ugu yaraan 58,000 oo Falastiiniyiin ah, ayna dhaawacday in ka badan 140,000 oo kale, kuwaasoo intooda badan ay yihiin haween iyo carruur. Sida ay sheegtay hay’adda samafalka caalamiga ah ee Save the Children, waxaa la qiyaasayaa in carruur gaareysa 21,000 ay maqan yihiin.

Oded Forer, oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Israel kana tirsan xisbiga midigta ee Yisrael Beiteinu, ayaa u sheegay warbaahinta Middle East Eye in xiritaanka dekeddu ay tahay “ceeb iyo weji gabax ku ah dawladda Israel.”

Sida uu sheegay Forer, oo ah guddoomiyaha guddiga baarlamaanka (Knesset) u qaabilsan xoojinta iyo horumarinta Negev iyo Galilee, dawladdu “ma awoodin inay meesha ka saarto khatarta ku wajahan waddooyinka maraakiibta ee taga Eilat, taasoo keentay in ficil ahaan la ceejiyo albaabka ganacsiga koonfureed ee Dawladda Israel.”

“Bilooyin ayaan ka digeynay burburka dekedda Eilat ee ka dhashay ku guul-darraysiga wax ka qabashada hanjabaadaha Xuutiyiinta,” ayuu yiri Forer. “Halkii ay si go’aan leh uga shaqeyn lahayd sidii ay furan lahayd waddooyinka maraakiibta, ayna hirgelin lahayd siyaasad taageero ah, dawladdu waxay u ogolaatay in dekeddu ay aamusnaan ku burburto. Maalin kasta oo dhaafta waxay dhaawac dheeri ah u geysanaysaa deegaannada durugsan, dhaqaalaha iyo madax-bannaanida.”

Ganacsiga ugu weyn ee faa’iidada u soo saari jiray dekedda dagaalka ka hor wuxuu ahaa dejinta baabuurta cusub ee imaan jirtay Israel. Sannadkii 2023, waxaa dekedda lagu dejiyey ku dhowaad 150,000 oo baabuur, waxaana ku soo xirtay 134 markab. Sannadkii 2024, wax baabuur ah lagama dejin, tirada maraakiibta ku soo xiratayna waxay hoos ugu dhacday 64, sida lagu sheegay xog ka soo baxday Wasaaradda Gaadiidka Israel. Laga soo billaabo bishii May 2025, lix markab oo keliya ayaa ku soo xirtay dekedda sannadka oo dhan.

‘Cidlo ayey nooga dhaqaaqeen’
Bishii la soo dhaafay, dawladdu waxay ansixisay deeq lacageed oo gaareysa 15 milyan oo shekel ($4.5 milyan) oo loogu talagalay dekedda si loogu daboolo deymaha isku ururay tan iyo markii uu dagaalku billowday, iyadoo dekedda lagu qeexay “hanti qaran oo istiraatiiji ah.” Laakiin ilo-wareedyo ka tirsan dekedda ayaa u sheegay wargeyska The Calcalist in dawladda Israel aysan siin taageero ku filan.

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta dekedda, dawladdu waxay ka filaysay shirkad gaar loo leeyahay inay “kaligeed isku filnaato muddo hal sano iyo siddeed bilood ah.” “Cidla ayey nooga dhaqaaqeen. Tani waa wax laga naxo, waana guul ay Xuutiyiintu ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Eilat iyo dhaqaalaha Israel,” sida ay ilo-wareedyo ka tirsan dekedda u sheegeen wargeyska The Calcalist.

Natiijada khasaaraha maaliyadeed, mas’uuliyiinta dekedda waxay sheegeen inay ku qasbanaadeen inay shaqada ka eryaan shaqaale fara badan. “Waxaan lahayn 113 shaqaale; maanta waxaa haray 47,” ayuu yiri madaxa ururka shaqaalaha dekedda bishii la soo dhaafay. “Waxaa jira shaqaale aan mushahar haysan iyo gunno shaqo la’aan midna,” ayuu raaciyey.

{DAAWO MUUQAALKA} Wararkii Ugu Dambeeyay 17-7-2025.

0

khamiis , 17 July 2025 {HMC} Wararkii Ugu Dambeeyay 17-7-2025.

          HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

{DHAGEYSO} Warka Habeeenimo ee Radio Hiiraanweyn 17 07 2025

Khamiis, 17 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo :Abdiqani Osoble

Farsamadii ::Yasiin Ali Ahmed

{DAAWO MUUQAALKA} FALANQEYN:- Macawisleydda Hiiraan oo Heegan lagaliyay & Kulamo la yeeshay, Xaalada Sanaag iyo MW Deni.

khamiis , 17 July 2025 {HMC} FALANQEYN:- Macawisleydda Hiiraan oo Heegan lagaliyay & Kulamo la yeeshay, Xaalada Sanaag iyo MW Deni.

                 HOOS KA DAAWO MUUQAALKA FALANQEYNTA

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

0

 

khamiis , 17 July 2025 {HMC }  Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah

 

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Muqaalo AS ay duubeen ayaa laga Helay Taleefoonadooda.

0

 

khamiis , 17 July 2025 {HMC }   Muqaalo AS ay duubeen ayaa laga Helay Taleefoonadooda.

 

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

{DAAWO MUUQAALKA} Maxkamadda Ciidamada oo lasoo Taagay Haween Basaasnimo lagu eedeeyay

0

khamiis , 17 July 2025 {HMC } Maxkamadda Ciidamada oo lasoo Taagay Haween Basaasnimo lagu eedeeyay

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQALKA

Dowladda Soomaaliya oo Hirgelisay War Lalis Warbaahineed Casri ah (Media Satellite Teleport)

Muqdisho, 17 July 2025 {HMC} Muddo haatan laga joogo 35 sano kadib, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u hirgelisay war laliskii ugu horeeyay ee warbaahinta (Media Satellite Teleport), oo qeyb ka qaadanaya horumarinta isgaarsiinta iyo tebinta casriga ah ee warbaahinta dalka.

Xaruntan cusub ee casriga ah ee ku shaqeysa nidaamka digitalka ayaa u saamixi doonta Warbaahinta Qaranka baahinta tooska ah ee barnaamijyada kala duwan ee warbaahinta, iyadoo la adeegsanaysa dayax-gacmeedyo gaar ah, taasi oo looga maarmi doono in adeegyadaasi loo maro dalalka dibedda.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa Golaha Wasiirrada u sheegay in xaruntan cusub ay sidoo kale siyaabo kala duwan oo amniga ay ka mid tahay u isticmaali karaan hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa kulankoodii toddobaadlaha oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa lagu bogaadiyay Wasaaradda Warfaafinta oo ku guulaysatay hirgelinta War-laliskan casriga ah ee (MEDIA SATELLITE TELEPORT), kaas oo u suurtagaliyay Warbaahinta Qaranka in ay tayayso adeegyadeeda Warbaahineed.

Wasaaradda Warfaafinta ayaa xustay in mashruucan cusub ee dhaqan galey uu qeyb ka yahay qorshaha lagu ballaarinayo dhismaha kaabayaasha casriga ah ee warbaahinta, digital-ka, horumarka tiknoolojiyadda la xiriira iyo weliba abuurista fursado shaqo.

Soomaaliya waxay lahaan jirtey Teleport Analogue ah oo hoos imaan jiray war laliskii hore ee dalka oo dagaallada sokeeye ku burburay 34 sanno ka hor.

{DAAWO MUUQAALKA} Howlgal laga fuliyay beeraha SH-Hoose oo khasaaro lagu gaarsiiyay AS.

0

khamiis , 17 July 2025 {HMC } Howlgal laga fuliyay beeraha SH-Hoose oo khasaaro lagu gaarsiiyay AS.

 

 

 

HOOS KA DAAWO MUUQALKA