JIMCO , 18 July 2025 {HMC} Halkan ka daawo Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 18/07/2025
HOOS KA DAAAWO MUUUQALKA
JIMCO , 18 July 2025 {HMC} Halkan ka daawo Wararka Ugu Waa Weeyn Soomaaliya iyo caalamka 18/07/2025
HOOS KA DAAAWO MUUUQALKA
Axad 18 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :SHUKRI BARYARE
Farsamadii ::Ismail abdiqadir
Jimco, 18 July 2025 {HMC}Xiisadda ka aloosan waqooyiga Itoobiya ayaa mar kale cirka isku shareertay, wax ka yar saddex sano kaddib heshiiskii nabadeed ee Pretoria lagu gaadhay dhammaadkii dagaalkii labada sano socday ee Tigray. Warbixin cusub oo ay daabacday DW ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Eriteriya ay si qarsoodi ah u taageerayaan kooxo hubeysan oo Itoobiya gudaheeda ka dagaalamaya, taasoo cabsi gelisay dadka deegaanka oo ka baqaya in dagaal hor leh uu qarxo.
Dadka ku nool magaalada Mekele ee xarunta gobolka Tigray ayaa sheegay inay ku nool yihiin cabsi iyo hubanti la’aan. “Ma qorsheyn karno wax, waxaan iska ilaalineynaa in dagaal cusub uu qarxo,” ayay tidhi haweeney deegaanka ah. Qiimaha nolosha oo sare u kacay iyo fursadaha shaqada oo yaraaday ayaa sababay in nolosha dadka deegaanku adkaato, waxkastaana waxay ku tiirsan yihiin nabad buuxda oo la helo si ay u dhistaan nolol cusub.
Dagaalkii hore, ee gobolka gilgilay ciidamada Eriteriya ayaa garab siiyay dowladda Itoobiya ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed, iyagoo dagaal kula jiray Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF). Balse heshiiskii Pretoria ee dagaalka lagu soo afjaray lagama qaybgalin dowladda Eriteriya, taasi oo ay xukuumada Asmara ka cadhootay, waxaana laga cabsi qaba in ciidamada Eriteriya ay hubeeyaan jabhado kasoo horjeeda xukuumada Addis Ababa.
Gobolka Tigray ayaa wajahayaa dhibaatooyin siyaasadeed oo gudaha ah. TPLF oo horey u ahayd awoodda ugu weyn ee gobolka ayaa hadda wajahaysa kala qaybsanaan. Jeneral Tadesse Werede, oo horey u ahaa taliyaha ciidamada difaaca Tigray (TDF), ayaa loo magacaabay madaxa maamulka kumeelgaadhka ah ee gobolka. Isagoo beeniyay wararka sheegaya dagaal soo socda, ayuu sheegay in aanu wax dagaal ahi ka imaan doonin dhinaca Tigray.
Dhanka kale, Guddoomiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa lagu eedeeyay inuu xidhiidh la leeyahay Eriteriya, inkastoo uu isagu arrintaas si adag u beeniyay. Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay cadaadis saarto dowladda federaalka Itoobiya si looga fogaado xiisado cusub. Khilaafka Werede iyo Gebremichael ayaa horseed u noqon kara colaad aan la mahadin.
Sida laga soo xigtay, Gerrit Kurtz oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga Caalamiga ah ee SWP, Eriteriya waxay u aragta in ay faa’iido siyaasadeed iyo mid amni ka dhaxli karto haddii Itoobiya ay noqoto dal ay ka jiraan khilaafaad gudaha ah. Waxa uu sheegay in Eriteriya ay taageerto kooxaha hubeysan ee mucaaradka Itoobiya sida jabhada Fano oo ka dagaalanta gobolka Amxaarada.
Dagaal ay Fano la galeen ciidamada federaalka bishii Maarso ayaa sababay dhimashada in ka badan 300 oo qof iyada oo Asmara lagu eedeeyay in ay lug ku lahayd. Tani waxay muujinaysaa sida Eriteriya ay u adeegsaneyso kooxo maxalli ah si ay u wiiqdo awoodda dowladda Itoobiya.
Sida lagu sheegay warbixinay daabacday hay’adda The Sentry oo fadhigeedu yahay Mareykanka, Eriteriya waxay si baahsan u bililiqeysatay hantidii Tigray intii lagu guda jiray dagaalkii hore. Warshadaha dahabka, sisinta, farshaxanka dhaqanka iyo xitaa dad ayaa la sheegay in laga tahriibiyay gobolka, iyadoo hantidaas laga iibiyay suuqyada caalamka si loogu maalgeliyo hawlgallada Eriteriya ee gudaha Itoobiya.
Warbixintu sidoo kale waxay sheegtay in Eriteriya
ay hub ka iibsatay dalal uu kamid yahay Ruushka, kaddib markii cunaqabatayntii hubka ee Qaramada Midoobay laga qaaday sanadkii 2018. Wasiirka WarfaafintaEriteriya, Yemane Ghebremeskel, ayaa warbixintaas ku tilmaamay “sheeko la sameeyay” oo ujeeddadeedu tahay in Eriteriya lagu eedeeyo dhibaatooyinka gobolka.
Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa dhanka kale lagu eedeeyay inuu isticmaalo xeelado uu wiiqayo dhammaan kooxaha mucaaradka ah si aysan isugu tagin oo aysan halis ugu noqon xukunkiisa. Tani waxay keentay inuu mar mar la heshiiyo kooxo gaar ah, qaarna uu cadaadis saaro.
Waxaa sidoo kale jira cabsi ah in Abiy uu uga faa’iidaysan doono xiisadda Tigray ololaha doorashada qaranka ee dhici doonta sanadka dambe. Waxa uu sidoo kale mar kale soo nooleeyay doodda ku saabsan baahida Itoobiya u qabto inay hesho marin badeed, taasoo keentay khilaaf diblomaasiyadeed oo ay la gashay Soomaaliya, waxayna dad badan ka baqayaan in tani ay keento dagaal cusub oo gobolka ah.
jumaca , 18 July 2025 {HMC } Israa’iil oo markii ugu horysay ka shallaayneyso Goob ay duqeeyn ka geeysatay oo ku taallo Qassa
jumaca , 18 July 2025 {HMC } Soomaaliya oo War ka soo saartay Weerarada Israa’iil ay ku qaaday Suuriya.
jumaca , 18 July 2025 {HMC } Puntland oo shaacisay Sababta ay ku Diidan tahay dhismaha Maamulka SCC KHAATUMO.
Jimco, 18 July 2025 {HMC}Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlayay sidii loo furi lahaa waddooyinka degmada Shangaani ee ku xirmay dhagaxyada laga ilaaliyo xarumaha Bangiga Dhexe iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, si dhowaan dib-u-dhis loogu sameeyo.
Kulanka waxaa goobjoog ku ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda, Guddoomiyaha Bangiga dhexe iyo taliyaasha qeybaha Gobolka Banaadir ee Booliska iyo Nabad Sugidda, waxaana lagu lafa-guray sidii amniga Xarumaha dowladda loo ilaalin lahaa, sidoo kalane loo furi lahaa waddooyinka xiran si dib loogu dhiso oo shacabku u helaan jidad ay maraan.
Guddoomiye Muungaab iyo mas’uuliyiinta kale ayaa isku afgartay in la furo waddooyinka xiran si dib loogu hawlgaliyo, waxaana kulanka lagu meelmariyay qorshe amni oo uu Maamulka Gobolka Banaadir soo bandhigay, kaas oo suurtogalinaya in waddooyinka xiran la hawlgaliyo oo dib loo dhiso iyadoo amniga xarumaha muhiimka ah ee goobta ka dhawna la ilaalinayo.
Dr Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa tan iyo markii uu xafiiska yimid waxa uu ku guuleystay dhagax-dhigga mashaariic lagu dhisayo waddooyin badan, kuwaas oo qaarkood muddo dheer u xirnaa burbur iyo dhagaxyo lagu jaray dartood.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay caqabadaha jira iyo dagaalada in lagu xaliyo wada hadal, si looga fogaado dhibaatooyinka la dhasha dagaalka.
“Soomaaliya waxaa ay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee Suuriya, iyadoo taageereysa madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo go’aamada siyaasadeed ee qarankaa” ayaa lagu yiri qoraalka kaso baxay Wasaaradda arrimaha Dibadda Soomaaliya.
Warsaxafadeedkan kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya, xili Israa’iil ay weerar duqeymo ku qaaday xaruumaha Wasaaradda Difaaca Suuriya iyo meel u dhow madaxtooyada dalkaas, waxaana duqeymahaasi ay geysteen khasaarooyin kala duwan oo naf iyo maalba keh.
Jimco, 18 July 2025 {HMC} Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay si buuxda u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Suuriya, iyada oo ku baaqday in la ilaaliyo madaxbanaanida iyo midnimada dalkaasi.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay caqabadaha jira iyo dagaallada in lagu xalliyo wada hadal, lagana fogaado dagaal.
“Soomaaliya waxay u aragtaa in xal kasta oo lagu wajahayo caqabadaha horyaalla dalka Suuriya uu ku saleysnaado is-ixtiraam, wadahadal, iyo ilaalinta maslaxadda shacabka Suuriya” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda.
Qoraalka oo sii socda ayaa lagu yiri “Soomaaliya waxaa ay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee Suuriya, iyadoo taageereysa madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo go’aamada siyaasadeed ee qarankaa”
Hadalka Dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadaya xilli Israa’iil ay weerar duqeymo ku qaaday xarruumaha wasaaradda difaaca iyo meel u dhow madaxtooyada, iyadoo sheegtay inay difaceyso bulshooyinka Druze ee gobolka.
Sidoo kale, dagaal u dhaxeeya kooxaha Druze iyo Bedouin ayaa ka socda gobolka Suwayda, isaga oo sababay dhimashada boqolaal, halka ay ku dhaawacmeen kumanaan.