Sabti , 19 July 2025 {HMC } Madaweynaha Puntland oo Amar ku bixiyay in Boosaas la geeyo Markab Hub siday oo Xeebaha lagu qabtay.
HOOS KA DAAWO MUUQALKA
Sabti , 19 July 2025 {HMC } Madaweynaha Puntland oo Amar ku bixiyay in Boosaas la geeyo Markab Hub siday oo Xeebaha lagu qabtay.
Sabti , 19 July 2025 {HMC } Sidee u caawiyeen Soomaaliya Diyaaradahan aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ?
Sabdi, 19 Jully 2025 {HMC} Wasiirka caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab ayaa shaaca ka qaaday in heshiiskii wadashaqaynta maamulka SSC KHATUMO iyo Puntland aysan qayb ka ahayn gobolada Sanaag iyo Haylaan.
Wasiirka ayaa sheegay in 6-dii October 2023 la go’aamiyey qaabka loola shaqaynayo SSC KHATUMO, habka wax loo sii ambaqaadayo iyo difaaca deegaamada xuduudaha xiga.
Wasiir Maxamed Cabdiwahaab waxa uu tibaaxay in goboladaasi ay yihiin khad cagaaran isla markaana dadkoodu ay u codeeyeen Puntland isimadooduna go’aan ka qaateen shirka ka socda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.
“Arrinta Sanaag iyo Haylaan ma ahan wixii laysla ogaa oo lagula shaqaynayey SSC KHATUMO, waa Khad Cagaaran, waa dad reer Puntland ah isimadoodaa go’aan soo saaray shacabkooda ayaana codeeyey”, Wasiirka caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab.
Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa dooneysa gobolada Sanaag iyo Hayland ay degaan beesha Warsangeli lagu biiriyo maamulka cusub ee Khaatumo ee hadda lagu dhisayo magaalada Laascaanoid.
Sabdi, 19 Jully 2025 {HMC} Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Markab xamuul ah oo ku socdaalayay calanka dalka Comoros, kaasi oo ay Ciidanka Puntland ku qabteen xeebaha degmada Bareedo ee gobolka Raas Casayr.
Markabka oo magaciisu yahay Sea World ayaa ka soo baxay dalka Turkiga, iyada oo warar soo baxaya ay sheegayaan inuu siday hub iyo saanad ciidan.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in markabka ay saameeyeen dabeylaha badda cas, isaga oo maciin biday xeebaa gobolka Bari, halkaasi oo lagu qabtay.
Waxaa qorshuhu ahaa inuu 21 bishaan July yimaada dekadda Muqdisho, si uu u dejiyo shixnada uu sido.
Weli Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland kama hadlin xaaladda markabka xamuulka ah ee la sheegay inuu siday hubka.
Sabdi, 19 Jully 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.
Warka waxaa soo jeedinayo : Mustaf Cali Caddow
Farsamadii :: Muuse Cali Xeroow
HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO
Jimco, 18 July 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn
Warka waxaa soo jeedinayo :Abdiqani Osoble
Farsamadii ::Yasiin Ali Ahmed
jumaca , 18 July 2025 {HMC } Ciidamada Danab oo Beegsaday Goob aay Ku Sugnaayeen AS
jumaca , 18 July 2025 {HMC } Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka 18-07-2025
Friday July 18, 2025 {HMC} – The mid-term review meeting of the first Somalia-Ethiopia Joint Ministerial Commission began today in Addis Ababa, bringing together senior officials from both sides to evaluate progress and chart the way forward in bilateral cooperation.
In his opening remarks, Amb. Zerihun Abebe, Director General for African Affairs at Ethiopia’s Ministry of Foreign Affairs, said the meeting offers an opportunity to strengthen ties across key sectors including trade, education, health, labor and skills, and civil aviation.
In return, Mohamed Isack Ibrahim (Fatiir), Director General for East African Community Affairs at Somalia’s Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation, emphasized the importance of deepening people-to-people relations. He reaffirmed Somalia’s commitment to addressing common challenges in security and development.
The meeting is expected to cover bilateral, regional, and multilateral issues of shared concern, while identifying new areas of cooperation for the mutual benefit of both countries.
jumaca , 18 July 2025 {HMC } Xiisada itoobiya iyo ereteriya oo laga cabsi qabo inuu Dagaal uu isku badalo.