Home Blog Page 810

{DAAWO MUUQAALKA} Maxaa saakay ka cusub ee Deegaanka ceel hareri ee Gobolka Hiiraan.?

0

Axad 08, June 2025 {HMC} Maxaa saakay ka cusub ee Deegaanka ceel hareri ee Gobolka Hiiraan.?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUUQAALKA} DFS Oo Gudi Baaris ah udirtay Dil ka dhacay Deegaanka Qabno ee Gobolka Hiiraan.

0

Axad 08, June 2025 {HMC} DFS Oo Gudi Baaris ah udirtay Dil ka dhacay Deegaanka Qabno ee Gobolka Hiiraan.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

Shacabka Garoowe oo xalay sameeyay isu soo bax oo lagu taageerayo guusha ciidamada Puntland.

Axad 08, June 2025 {HMC} Dadweynaha Garoowe ee caasimada Puntland ayaa xalay sameeyay isu soo bax ballaaran oo lagu taageerayo guusha ciidamada difaaca Puntland ka soo hoyeen Hawlgalka dagaalka Daacish.

Boqollaal kamid ah dadweynaha Garoowe, oo ay weheliyaan mas’uuliyiin dowladeed ayaa xalay isu soo bax weyn ku muujiyay taageeridda ciidamada dowladda ee hawlgalkii u danbeeyay ku dilay tiro badan oo kamid ah firxadkii Daacish kana xoreeyay Taliskii Miraale.

Isu soo baxan oo ka dhacay fagaaraha aargada jidka 30-ka ee caasimadda ayaa lagu muujiyey sida ay dadweynuhu u taageersan yihiin qabashadii Miraale iyo Baalade sare, halkaasi oo ay ciidamadu saacado kooban kaga saareen kooxdii Daacish oo in ka badan 10 sano difaacyo adag ka qodanayay.

Sidoo kale, dhammaan mas’uuliyiintii dowladda ee ka qeyb galay isu soo baxii xalay ayaa bogaadiyay guusha ciidamada iyo hawlgalka Calmiskaad oo geba-gabo maraya, waxaana ay ku baaqeen in la sii laba jibbaaro garab istaaga ciidamada.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {08-06-2025}

Axad 08, June 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

Warka waxaa soo jeedinayo ::Yaasiin Ali Ahmed

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGAYSO WARKA SUBAXNIMO

Soomaaliya oo war ka soo saartay xayiraada safarka ee Mareykanka

Axad 08, June 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay tallaabada Mareykanka ku mamnuucay muwaadiniin Soomaaliyeed ee doonaya in ay tagaan dalkaasi.

Safaaradda Soomaaliya ee Washington, D.C., oo mataleysa dowladda, ayaa sheegay in ay wada hadallo la yeelan doonaan Mareykanka si loo xalliyo arrimaha amniga iyo walaaca safarada.

“Soomaaliya waxay qiimeyn gaar ah siisaa xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga kala dhaxeeya Dowladda Mareykanka. Waxaan diyaar u nahay inaan wadahadal miro-dhal ah la furno Mareykanka si loo xalliyo walaacyada la muujiyey, anagoo daneynayna xoojinta amniga iyo iskaashiga labada dal.”

Hadalka safiirka oo sii socda ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba ka shaqeyneysaa horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed, la dagaalanka argagixisada, iyo kobcinta nabadda iyo xasilloonida gudaha iyo gobolka”

Hadalka Danjiraha ayaa ku soo aadaya xilli dalal kale ee Xayiraada Mareykanka lagu soo rogay ay qaadeen tillaabooyin kala duwan iyo cambaareyn.

Somaliland oo sheegtay iney aqoonsiga kala laabatay Somalia

Axad 08, June 2025 {HMC} Somaliland ayaa shaacisay inay aqoonsigii kala noqotay dowlada Soomaaliya hadda kadibna ay ugu yeerayso “Maamulka Soomaaliya”

War saxaafaddeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu naqdiyay sheegashada Somalia ee dhulka Somaliland.

Wasaaradda Arrimaha dibaddu waxa ay sheegtay in Somaliland ay ahayd qaran madaxbannaan oo 26kii June 1960kii xornimadeeda ka qaadatay Ingriiska, isla markaana ay aqoonsadeen 35 dal.

Xukuumadda Somaliland waxa kaloo ay bayaamisay in midowgii Somaliland la gashay 1960kii Soomaaliya aan la ansixin oo shacbiga Somaliland afti ku diideen sannadkii 1961kii. Waxaanay xustay in arrintaasi ay ahayd wixii uu ka dhashay xasuuqii loo geystay shacbiga Somaliland, taasi oo keentay in 1991kii Somaliland dib ula soo noqoto madaxbannaanideedii.

Somaliland ayaa dhinaca kale waxay cambaareysay khariirad ay baahisay BBC-du oo ka dhigay Somaliland inay qayb ka tahay Soomaaliya. Waxayna intaas ku dartay in khariiradaasi ay wax u dhimayso wax loogu yeeray madaxbannaanida Somaliland.

“Wasaaradda Arrimaha Dibaddu waxa ay ugu baaqday idaacadda BBC-da maadaama oo ay tahay warbaahin caalamiya inay dhawrto sugnaanshaha wararka. Waxa kaloo ay BBC-da ku boorisay inay khariiradaas ka saaraan warbaahuntooda, isla markaana saxaan iyo inay yaqiinsadaan madax bannaanida xudduudaha Jamhuuriyadda Somaliland” ayaa lagu yiri War saxaafadeedka

HOOS KA DAALACO WAR-SAXAAFADEEDKA SOMALILAND.

Dabley hubeysan oo Qoys isla socday ku dishay Magaalada Gaalkacyo.

Axad 08, June 2025 {HMC} Dabley hubeysan ayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ku dilay lamaane wada socday.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in koox hubeysan ay weerar ku qaadeen Saciid Gunre Cali baar iyo xaaskiisa oo ka soo baxay Beerta Bilan ee magaalada Gaalkacyo, iyagoo saarnaa gaari ay wateen.

Goobta falku ka dhacay ayaa ah inta u dhaxeysa Beerta Bilan iyo Kaamka Tawakal ee duleedka magaalada Gaalkacyo qeybta uu ka taliyo maamulka Puntland.

Allaha u naxariistee labadii ruux ee saarna gaariga ayaa halkaas ku nafwaayey. Ma cadda illaa hadda sababta keentay weerarkan ay ku naf waayeen labada ruux, waxaase loo malaynayaa inuu salka ku hayo dilalka la xiriira aanooyinka qabiilka.

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Horjoogayaal laga Dilay AS

0

Sabti 07, June 2025 {HMC} Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Horjoogayaal laga Dilay AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay07-6-2025.

0

sabti 07, june 2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUUQAALKA} Baaq Hawiye iyo Macawiisleyda Ha Isku Duubnaadaan”Sanweeyne

0

Sabti 07, June 2025 {HMC} Baaq Hawiye iyo Macawiisleyda Ha Isku Duubnaadaan”Sanweeyne

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA