Home Blog Page 966

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo kawada hadlay arrimo muhiim ah,

Isniin 28, April 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka horumarinta dekedaha, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka badda, si loo taageero kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay go’aanka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay diyaar garowga Türkiye ee ku aaddan taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda iskaashi waara oo labada dal dhexmara.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo sii dardargeliyo horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {28-04-2025}

Isniin 28, April 2025 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Warka waxaa soo jeedinayo ::Dhaqane Qaliif Abdi

Farsamadii ::Mohamed Baryare Haamud

HOOS KA DHAGEYSO WARKA HABEENIMO

{DAAWO MUQAALKA} Wararkii ugu Dambeeyay 28-4-2025.

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Wararkii ugu Dambeeyay Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY.

{DAAWO MUQAALKA} Wasiirka Cusub ee Gaashaan Dhiga oo Soo Dhaween loogu Sameeyay Xarar Dheere

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Wasiirka Cusub ee Gaashaan Dhiga oo Soo Dhaween loogu Sameeyay Xarar Dheere

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} “AS Waxaan uraacay Muxaadaro aay Noo Qabteen Daraadeed” Daruur Bashiir

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} “AS Waxaan uraacay Muxaadaro aay Noo Qabteen Daraadeed” Daruur Bashiir

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Hoowl Galo Dad lagu Soo Qabqabtay oo laga Sameeyay Magaalada Xudur

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Hoowl Galo Dad lagu Soo Qabqabtay oo laga Sameeyay Magaalada Xudur

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dhaqanka Soomaaliyeed oo Taageray Dagalka Dalka Looga Xoreynayo AS

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Dhaqanka Soomaaliyeed oo Taageray Dagalka Dalka Looga Xoreynayo AS

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Sacuudiga oo Soo Saray Amaro Saameeynayo Gudashada Xajka

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Sacuudiga oo Soo Saray Amaro Saameeynayo Gudashada Xajka

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa kasoo Baxay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeele?

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Maxaa kasoo Baxay Shirka Golaha Wasiirada Hirshabeele?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Wasiirkii Beeraha ee dalka Namibia oo Shaqadii laga Eryay + Sababta

Isniin 28, April 2025 {HMC} Madaxweynaha dalka Namibia, Netumbo Nandi-Ndaitwah, ayaa shaqada ka ceyrisay Wasiirkii Beeraha, Kalluumeysiga, Biyaha iyo Dib-u-habeynta Dhulka, Dr. Mac-Albert Hengari.

War kasoo baxay madaxtooyada oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu isticmaalay awoodaha uu u siiyay Qodobka 32(6) ee Dastuurka Namibia si uu xilka uga qaado wasiirka.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Dr. Hengari la xiray Sabtidii, iyadoo lagu eedeeyay dambiyo culus oo ay ka mid yihiin kufsi, tacaddi ka dhan ah haweenka iyo afduub.

Waxaa jira warar is-khilaafsan oo sheegaya inuu iscasilay ka hor inta aan xilka laga qaadin. Hengari ayaa sheegay: “Waan iscasilay, laakiin faahfaahin intaas dhaafsiisan ma bixin karo.”

Eedeymaha loo haysto ayaa sheegaya in Hengari uu kufsaday gabar 21 jir ah sanadkii hore, kadibna uu isku dayay inuu laaluusho si ay dacwadda u laabato.

Dr. Hengari ayaa bishii Maarso loo magacaabay Wasiirka Beeraha dalkaasi, isaga oo muddo kooban hayay.