Home Blog Page 965

Madaxweynaha Algeria oo warqadaha Aqoonsiga ka guddoomay Safiirka Soomaaliya.

Talaado 29, April 2025 {HMC} Madaxweynaha Jamhuuriyadda Aljeeriya, Abdelmadjid Tebboune, ayaa maanta si rasmi ah warqadaha aqoonsiga uga guddoomay Yuusuf Xasan Axmed (Yuusuf Jeego), oo ah safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Algeria.

Munaasabadda waraaqaha aqoonsiga lagu guddoomay ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Jaaliyadda Dibadda iyo Arrimaha Afrika ee Algeria, Maxamed Ataf.

Safiir Yuusuf Jeego ayaa sheegay inuu si hagar la’aan ah uga shaqeyn doono xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Algeria.

Soomaaliya iyo Algeria ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed, iyaga oo ka wada shaqeeya dhinacyada amniga dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Pakistan oo ku hanjabtay ineey india u adeegsan doonto hubka nukliyeerka ah.

Talaado 29, April 2025 {HMC} Saraakiisha sirdoonka milatariga Pakistan, ayaa la wadaagay hoggaanka sare ee dawladda Pakistan inay arkayaan suragalnimada weerar ay Hindiya doonayso inay ku soo qaado gudaha Pakistan.

Wasiirka difaaca Pakistan, Khawaja Asif ayaa ku dhawaaqay inay Hindiya soo weerarri doonto Pakistan, isagoo ku sheegay xaaladan inay ku riixeyso milatariga Pakistan inay si dhammeystiran isku diyaariyaan, sida lagu sheegay warbixin gaar ah oo ay baahisay wakaaladda wararka ee Reuters.

Pakistan , ayaa sidoo kale ku dhawaaqday inay adeegsan doonto hubkooda nukliyeerka haddii ay dhacdo khatar ku wajahan jiritaankeeda; ma aha inay Pakistan sugi doonto in la isla gaaro weerarrada nukliyeerka, balse isla marka uu dhaco ku xad-gudubka madax bannaanida Pakistan , waxay qaadi doonta Islamabad weerar nukliyeer.

Dowladda Pakistan , ayaa feejignaan sare gelisay milatariga Pakistan, kaddib markii ay Hindiya sare u qaaday hanjabaada ka dhanka ah Pakistan, sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay baahisay wasaaradda difaaca Pakistan.

Ma cadda haddii hadalka ka soo baxay dawladda Pakistan uu la xiriiro mid ay ku doonayso inay ku daboosho dhaqdhaqaaqyada aan horey loo arag ee ay wadaan milatariga Pakistan oo nidaamyo gantaallo oo aan horey loo geyn xadka Hindiya, hadda halkaa ku daabulaya, sidoo kale diyaaradaha milatariga Pakistan waxay billaabeen inay dibadda kala yimaadaan tiknoolajiyada ay ugu horreeyaan nidaamyada la socodka hawada iyo agab kale oo milatari, halka Turkiga u muuqdo mid ku lug yeeshay xiisadan, kaddib markii 48 saac ee u dambeysay diyaaradaha milatariga Turkiga ay ka degayeen garoommada milatariga ee ku yaalla Pakistan, iyadoo markii dambe wasaaradda difaaca Turkiga ay sheegtay in diyaaradaha milatari ee Turkiga oo lagu arkay garoommada Pakistan inaysan wax hub ah geyn,balse halkaa ay u tageen inay shidaal ka qaataan!

Mareykanka oo lacag tirabeel ah kusoo rogaya muhaajiriinta…………

Talaado 29, April 2025 {HMC} Sharci-dejiyeyaasha xisbiga Jamhuuriga ayaa wada qorshesiinaya Madaxweyne Donald Trump awood ballaaran oo uu ku dallaci karo qaxootiga doonayamagangelyo gudaha Maraykanka kharashaad aad u culus — iyagoo soo jeediyay in ugu yaraan$1,000 laga qaado codsi kasta.

Qorshahan ayaa ka mid ah liis dheer oo ah kharashaad cusub ama kordhin lagu sameynayo
lacagaha socdaalka, sida ay ka doodayaan Guddiga Cadaaladda ee Aqalka Wakiillada oo ay
Jamhuurigu hoggaamiyaan, xilli xisbiga uu isku dayayo inuu sharciyeynta ku meel-mariyo
ajandaha siyaasadeed ee Trump.

Sida ay muujinayaan xogaha ugu dambeeyay ee Xaiska Tirakoobka Amniga Gudaha, ku dhawaad54,000 oo qof oo ajaanib ah ayaa magangelyo ka helay Maraykanka sannadkii 2023.Dalka Afghanistan — oo ka mid ah meelaha dadka ugu badan ay ka yimaadeen — ayaa $1,000 udhigmo mushaarka labo sano iyo badh. Dalka Venezuela, celcelis ahaan, waxaa saddex biloodlagu kasbadaa lacagtaas.

“Madaxweyne Trump iyo Jamhuuriga Aqalka Wakiillada waxa ka go’an inay soo celiyaan
nidaamka socdaalka, xoojiyaan amniga qaranka, isla markaana xakameeyaan maamulka xaddhaafka ah ee dowladda,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay guddiga xilli la shaacinayay qoraalkasharcigan.

Guddiga Cadaaladda — oo ka mid ah guddi-hoosaadyada dejinta miisaaniyadda Aqalka Wakiillada— ayaa diyaarinaya qaybtiisa gaarka ah oo ka mid noqonaysa hindise-sharciyeed baaxad leh ooJamhuurigu doonayaan inay ku meel-mariyaan ajandaha Trump ee dhimista canshuuraha,xakameynta socdaalka, iyo kor u qaadista wax-soo-saarka tamarta.

Qayb ka mid ah sharcigan ayaa siinaysa Trump awood dheeraad ah oo uu ugu dallaci karo
lacagahaas badan dadka raadinaya magangelyo iyo codsadayaasha kale ee socdaalka, taasooshardi looga dhigay sii joogista gudaha Maraykanka.
Xeerku wuxuu dhigaya in codsi kasta oo magangelyo laga qaado ugu yaraan $1,000 — taasoonoqonaysa markii ugu horreysay taariikhda Maraykanka ee qaxooti lagu amro inay bixiyaan

Waxaa sidoo kale lagu soo rogi doonaa khidmad $1,000 ah dadka heysta oggolaanshaha kumeel-gaarka ah (parolees), $550 lixdii biloodba mar oo lagu bixinayo ruqsadda shaqada, iyo$1,500 oo lagu dalbanayo beddelka xaaladda si loo helo kaarka cagaaran (green card) hortiisagarsooraha socdaalka.

Sidoo kale, Jamhuurigu waxay doonayaan in la saaro khidmad aad u culus oo ah $8,500 qof kastaoo doonaya inuu kafaala-qaado ilmo ku jira xabsiyada dowladda federaalka — iyadoo $5,000 lagasoo celinayo dhowr sano kadib oo keliya haddii ilmuhu aan lagu xukumin in la masaafuriyosababo la xiriira maqnaansho maxkamadeed.

“Lacagtaas waxay hor istaagi doontaa inta badan dadka doonaya inay kafaala-qaadaan
carruurta,” ayuu bartiisa bulshada ku qoray Aaron Reichlin-Melnick, oo ah khabiir sare oo katirsan Golaha Socdaalka Maraykanka (American Immigration Council).
Hindise-sharciyeedkan ayaa sidoo kale soo jeedinaya in la maalgeliyo shaqaaleynta 10,000 oowakiillo cusub oo ka tirsan Laanta Socdaalka iyo Kastamyada (ICE) iyo baarayaasha dambiyadaee ka tirsan Waaxda Amniga Gudaha.

Waxaa intaas dheer, xeerku wuxuu qorsheynayaa in dhammaan dacwadaha sharciyada tartankaganacsiga ee ay gacanta ku hayso Guddiga Ganacsiga Federaalka (FTC) lagu wareejiyo WaaxdaCaddaaladda, taasoo meesha ka saaraysa awood muhiim ah oo ay leedahay hay’adda madaxbannaan.

Tallaabadan ayaa markii hore lagu soo jeediyay xeer kale oo sanadkan hore la horkeenay,
waxaana si diirran u taageeray Elon Musk oo ah la-taliyaha Trump ee hagaajinta wax ku
oolnimada dowladda.

{DAAWO MUQAALKA} Maxaa ka Jiro Mooshinka laga Wado Gudoonka Baralmaanka?

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Maxaa ka Jiro Mooshinka laga Wado Gudoonka Baralmaanka?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Ma dhabaa in As ay gubeen Deegaanka Aboorey?

0

Isniin  28, April  2025 {HMC Ma dhabaa in As ay gubeen Deegaanka Aboorey?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Soomaali ku dhimatay duqayn ka Dhacday Yemen

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Soomaali ku dhimatay duqayn ka Dhacday Yemen

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee Caalamka 28-04 2025.

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineyna Dhacdooyinkii Ugu Dambeeyay Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA

{DAAWO MUQAALKA} Muxuu ahaa Jacaylka Ku Billowday Farriinta Facebook iyo Qisadii Ka Danbeysay?

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} Muxuu ahaa Jacaylka Ku Billowday Farriinta Facebook iyo Qisadii Ka Danbeysay?

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} “Goorma ayuu Soo Gabagabooba Dagaalka As ee Soomaaliya ka socda”. Sadad Alio

0

Isniin  28, April  2025 {HMC} “Goorma ayuu Soo Gabagabooba Dagaalka As ee Soomaaliya ka socda”. Sadad Alio

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo kawada hadlay arrimo muhiim ah,

Isniin 28, April 2025 {HMC} Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Türkiye ee Soomaaliya, Danjire Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhanka horumarinta dekedaha, dib-u-dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha, iyo kor u qaadista adeegyada gaadiidka badda, si loo taageero kobaca dhaqaale ee Soomaaliya.

Wasiir Cabdulqaadir ayaa uga mahadceliyay Dowladda Türkiye taageerada joogtada ah ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo adkeeyay go’aanka Dowladda Federaalka ee ku aaddan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay diyaar garowga Türkiye ee ku aaddan taageeridda dadaallada horumarineed ee Soomaaliya, isaga oo muujiyay muhiimadda iskaashi waara oo labada dal dhexmara.

Ugu dambeyn, labada dhinac waxay isku raaceen in la xoojiyo wada-shaqeynta si loo sii dardargeliyo horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha dalka.