Home Blog Page 973

African peacekeeping mission in Somalia ‘needs 8,000 more troops’

0

Sunday 27 April , 2025 {HMC} The African peacekeeping mission in Somalia requires an additional 8,000 troops, even as Burundi is expected to withdraw its contingent, a statement from military heads from troop-contributing countries said.

The African Union Support and Stabilization Mission in Somalia, or AUSSOM, is tasked with combating the Al-Shabab group, whose attacks are stoking fears of a terrorist resurgence in the Horn of Africa nation.

But Burundi’s planned pullout, which diplomatic sources said was triggered by a spat with Mogadishu over the state of its soldiers’ equipment, would deprive the mission of around one-fifth of its current manpower.

Envoys from Djibouti, Ethiopia, Egypt, Kenya, Uganda, Somalia, the African Union, and multilateral organizations held a three-day meeting in Uganda this week to discuss the security situation in Somalia and the progress of AUSSOM.

In a statement, the officials said insufficient troops had created security gaps “resulting in the resurgence of Al-Shabab taking control of significant territory in both Middle and Lower Shabelle.”

“As a consequence, both Jowhar and Mogadishu are under imminent threat by Al-Shabab,” the statement said.
Somalia has long struggled with the violent Islamist insurgency.

However, the Al-Qaeda-linked group had been forced onto the defensive in 2022 and 2023 by Somali forces backed by African Union-led peacekeepers.

Recent attacks in key towns have provoked worries of the organization’s resurgence, with the militants targeting President Hassan Sheikh Mohamud’s convoy in the capital, Mogadishu, in March.

The security representatives recommended “an additional 8,000 to AUSSOM Troops to address the current security situation in Somalia so as not to roll back the hard-earned gains.”

The mission, which replaced the previous ATMIS deployment, has 11,146 soldiers.

But the withdrawal of Burundi troops with no prospect of replacement “will create more gaps and exacerbate the already deteriorating situation,” the statement added.

Somalia and Burundi have been at loggerheads over the number of troops Burundi should contribute to the mission, with Mogadishu requesting only around 1,000 Burundian soldiers — far below Burundi’s proposal of 2,000.

According to an African diplomat, Somalia “felt that Burundi was not sufficiently equipped for such a large number of soldiers.”

“Our government saw the Somali proposal as a lack of consideration, a lack of respect when you consider the sacrifices Burundi has made to bring peace back to Somalia,” a senior Burundian official said.

A statement by the AU dated April 15 instructed the UN office in Somalia to facilitate the repatriation of Burundi’s contingent.

The envoys also addressed the mission’s significant financial challenges, urging international partners to address the deficit of $96 million for ATMIS and $60 million to cover four months of AUSSOM — which has been in operation since January.

SOURCE 

{DAAWO MUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 27/04/2025

0

Axad 27, April  2025 {HMC} Waxaa halkan idin kugu soo gudbineynaa Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka ee Warbaahinta Hiiraanweyn

Hoos ka daawo Wararka ugu waa weyn

Booliska somaliland oo ka digay calamo baraha bulshada lagu arkay oo aan ahayn kan Somalialnd

Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Booliiska Somaliland ayaa sharci-darro ku tilmaamay calamo ay ku qoran yihiin magacyo beeleed, kuwaas oo ay dadka qaar baraha bulshada ku baahiyeen ka hor munaasabadda 18-ka May.

Taliyaha Ciidanka Booliiska, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan ‘Cabdi Dheere’, oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ciidamada booliisku sharciga la tiigsan doonaan cid kasta oo lagu arko calan aan ahayn ka Somaliland.

“Maalmahan waxa aynu baraha bulshada ku aragnay calamo aan sharci ahayn oo ay dadku sitaan, taas oo sharci-darro ah. Ciidanka booliiska waxaan amarnay inay qabtaan cid kasta oo sidata, lana horgeeyo sharciga. Dalkeenuna wuxuu leeyahay calan qaran oo kaliya,” ayuu yidhi Taliye Cabdi Dheere.

Waxa uu intaas ku daray in xilligan lagu jiro u diyaar garowga munaasabadda 18-ka May, oo kaliya calanka Somaliland la qaadan karo, suuqyadana lagu iibin karo, isla markaana aysan bannaaneyn in la soo bandhigo calamada xisbiyada.

Dadka isticmaala baraha bulshada, oo qaarkood mucaarad ku ah xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa baahiyay muuqaallo ay ku labisan yihiin calamo lagu xardhay magacyada beelo gaar ah, iyagoo sheegay inay 18-ka May si gaar ah ugu dabaaldegi doonaan.

MW xasan sheekh “Bilo walba qaraxyo ayaanu la kulmi jirnay, laakiin hadda aad bay u yar yihiin.”

Sabti, 26 Abriil, 2025 {HMC} Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuusan weli go’aan ka gaarin inuu isku sharaxi doono mar kale doorashada madaxweynaha ee 2026.

Xasan Sheikh ayaa ku celiyey in go’aan kasta oo ku saabsan suurtagalnimada inuu u tartamo mar saddexaad sanadka 2026 uu ku xirnaan doono xaaladda siyaasadeed marka wareegga doorashada uu soo dhowaado.

Wuxuu xusay in waxa uu diiradda hadda saarayo ay tahay xoojinta amniga dalka, kobcinta dhaqaalaha, iyo hirgelinta codbixinta tooska ah ee muddo dheer la sugayay.

Wareysi uu siiyay Nation Media oo ah warbaahin laga leeyahay Kenya, ayuu Madaxweyne Maxamuud ku sheegay in xaaladda amniga ee caasimadda Muqdisho ay si weyn u hagaagtay tan iyo markii uu xilka qabtay bishii May 2022. Muddadaas wuxuu sheegya in lagu xasuusto dagaallo xooggan oo dowladdiisay ku qaadday kooxda Al-Shabaab.

“Amniga Muqdisho aad ayuu u soo hagaagay tan iyo 2022 markii aan xafiiska la wareegay,” ayuu yiri Madaxweyne Maxamuud. “Bilo walba qaraxyo ayaanu la kulmi jirnay, laakiin hadda aad bay u yar yihiin.”

Wuxuu sheegay in kororka amniga uu si toos ah u horseeday koboc dhaqaale iyo dhismooyin ka socda caasimadda, isagoo tusaale u soo qaatay ballaarinta goobaha ganacsiga.

“Waxaa la iigu doortay barnaamij ah la dagaalanka argagixisada iyo soo celinta dimuqraadiyadda Soomaaliya. Taasi waxay ahayd ajandahaygii doorashada,” ayuu yiri. “Haddii aad dib u fiiriso barnaamijkaygii siyaasadeed ee doorashadii hore, waxaan si weyn ugu guuleystay daciifinta awoodda Al-Shabaab.”

Madaxweyne Xasan Sheikh waxa uu sheegay hadafkiisa ugu weyn inuu yahay, in Soomaaliya u soo celiyo dimuqraadiyad dhab ah. Wuxuu si gaar ah u adkeeyey muhiimadda uu shaqsiyan siiyo hirgelinta nidaamka codbixinta tooska ah.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo kulan muhiim ah la qaatay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Axad, 27 Abriil, 2025 {HMC} Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa kulan mira dhal ah kula qaatay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.

Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya oo ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida uu uga shaqeeyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale bogaadiyay hogaamintiisa Golaha Shacabka iyo sida ay uga shaqeynayaan shuruucda furaha u ah horumarka dowladnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa amaanay xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya Shiinaha iyo Soomaaliya, waxa uuna tilmaamay in dowladda Shiinaha ay Soomaaliya uga duwantahay dalalka kale islamarkaana xiriirka ka dhaxeeya uu yahay mid mudo aad u dheer soo jiray hadana uu meel wanaagsan marayo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horeyn bogaadiyay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada wadan oo hada meel wanaagsan maraya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa si gaar ah u bogaadiyay xiriirka ka dhaxeeya baarlamaanadda labada wadan oo meel wanaagsan maraya muhiimna ay tahay in la xoojiyo lana dardargeliyo.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka iyo Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya ayaa isla gartay in labada baarlamaan ay dhex marto wada shaqeyn joogta iyo is dhaafsi dhinaca qibrada ah iyo sidoo kale in kor loo qaado aqoonta iyo tayada howlwadeenadda Golaha Shacabka.

 

Hay’adda FAO oo sheegtay in malaayiin qof oo soomaali ah wajahayaan cunto la’aan

Axad, 27 Abriil, 2025 {HMC} Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Qaramada Midoobay (FAO) ayaa ku dhawaaqday in Soomaaliya ay markale wajahayso xaalad bini’aadantinimo oo halis ah, iyadoo lagu qiyaasayo in ku dhawaad shan milyan oo qof ay ku sugan yihiin xaalad cunto la’aan daran.

Sida lagu xusay warbixin cusub oo FAO ay soo saartay, isbeddelka cimilada oo ay ka mid yihiin abaaraha daba dheeraaday, roobabka aan degganeyn ee sababay fatahaado, iyo saameynta colaadaha iyo barakaca joogtada ah ayaa si weyn u dhaawacay awooddii dadka Soomaaliyeed ay ku heli lahaayeen cunto ku filan. Waxaa intaas dheer, sicir-bararka raashinka iyo adeegyada aasaasiga ah ayaa si ba’an u saameeyay nolosha dadweynaha, gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada miyiga iyo xeryaha barakacayaasha.

FAO waxay sheegtay in qiyaastii 4.7 milyan oo Soomaali ah ay wajahayaan heerar kala duwan oo cunto la’aan daran ah inta u dhaxaysa bilaha soo socda, iyadoo in ka badan 700,000 oo ka mid ah dadkaasi ay khatar ugu jiraan xaalad macluul ah haddii aan la helin gargaar degdeg ah.

“Mudnaanta koowaad waa badbaadinta nolosha, taageeridda habnololeedka bulshada, iyo horumarinta adkeysiga bulshada Soomaaliyeed si ay ula qabsadaan xaaladaha adag,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay FAO.

Hay’addu waxay ugu baaqday beesha caalamka, hay’adaha samafalka, iyo dowladaha deeq-bixiyayaasha ah inay si degdeg ah ugu gurmadaan Soomaaliya, iyagoo bixinaya taageero dhaqaale, sahay raashin, adeegyo caafimaad, iyo barnaamijyo xoojinaya wax-soosaarka beeralayda iyo xoolo-dhaqatada.

Xaaladda cunto ee Soomaaliya ayaa ah mid si xawli ah ugu sii xumaaneysa, iyadoo khubaradu ay uga digeen in haddii roobabkii la filayay ay yaraadaan ama ay saameeyaan rabshadaha cusub, ay macquul tahay in xaalad macluul rasmi ah laga dhawaaqo qaybo ka mid ah dalka.

Ugu dambeyntii FAO iyo hay’adaha la shaqeeya waxay dadaal badan ku bixinayaan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadan, balse taageerada caalamiga ah ayaa weli ah mid aad loogu baahan yahay si looga hortago musiibo bini’aadantinimo oo hor leh.

{DAAWO MUQAALKA} Xildhibaan Diini ”Dagaalka AS lama siyaasadeeyn karo”

0

Axad  27, April  2025 {HMC Xildhibaan Diini ”Dagaalka AS lama siyaasadeeyn karo”

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Midowga Afrika oo Baaq kasoo saaray Xaalada Soomaaliya.

0

Axad  27, April  2025 {HMC Midowga Afrika oo Baaq kasoo saaray Xaalada Soomaaliya.

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

{DAAWO MUQAALKA} Ciidama loo diyaariyay dagaalka AS oo tababar loogu sooo xiray gobalka Hiiraan

0

Axad  27, April  2025 {HMC} Ciidama loo diyaariyay dagaalka AS oo tababar loogu sooo xiray gobalka Hiiraan

HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA 

Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland oo Howlgallo Ka Fuliyay Buuraha Gobolka Bari

Axad, 27 Abriil, 2025 {HMC}  Taliska Daraawiishta Dowlad Goboleedka Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay howlgalo ay saacadihii la soo dhaafay ka sameeyeen inta u dhaxeysa deegaannada Turmasaale iyo Makadaan ee gobolka Bari.

Howlgallada ay ciidamada sameeyeen ayay waxaa ay ku beegsadeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Xubnaha Daacish oo ku yaalla Buuraha Caalmiskaad.

Ciidanka ayaa howlgallada ay sameeyeen waxaa ay ku soo saareen miinooyin ay xubnaha Daacish ku aaseen deegaannada howlgallada ka socdaan.

Sidoo kale, Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Daacish oo miinooyin ku aasayay dhulka ay marayaan ciidanka howlgallada ka wada gobolka Bari.

Howlgallada ay wadaan ciidanka Puntland ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland magaalada Boosaaso uu tababar ugu soo xiray cutubyo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan ciidamada PMPF.

Saciid Deni ayaa ku dhawaaqay in ay billaabayaan howlgal ka dhan ah AS oo ay ku qaadi doonaan dhulka Buuraha ee gobolka Bari.