Friday, May 17, 2024
spot_imgspot_img

Mbappe oo sheegay in uusan go’aan ka gaarin mustaqbalkiisa xilli ciyaareedka soo socda.

Khamiis jan-4 2024-{HMC} Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ayaa sheegay in uusan go’aan ka gaarin halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda xilli uu qandaraaskiisu uu galayo lixdii bilood ee ugu dambeysay.

Mbappe ayaa sannadkii hore sheegay in aanu u cusboonaysiin doonin heshiiska uu kula jiro kooxda Paris Saint-Germain kaas oo dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedka {2023-24}, markaas oo uu si xor ah uga tagi karo Paris.

Kabtanka France, oo muddo dheer lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Real Madrid, ayaa hadda xor u ah inuu heshiis hordhac ah la galo koox cusub.

Ugu horreyn, aad ayaan ugu faraxsanahay sanadkan,” ayuu Mbappe u sheegay suxufiyiinta kadib markii Paris Saint-Germain ay 2-0 kaga badisay Toulouse finalkii Super Cup-ka Faransiiska Arbacadii.

Maya, weli ma gaarin go’aankayga.” ayuu yiri Mbappe oo raaciyay “Laakiin si kastaba ha ahaatee, heshiiska aan la galay Madaxweyne {Nasser Al-Khelaifi} xagaagan, dhib malahan waxa aan go’aansado. ayuu yiri Mbappe.

Warbaahintu waxay sheegtay bishii Sebtembar in Mbappe uu oggolaaday inuu ka tanaasulo gunnooyinka loo yaqaan ‘Loyality’ ee qiimahoodu yahay 100 milyan oo Yuuro {$ 109.17 milyan} haddii uu beeca xorta ah kaga tago Paris Saint-Germain.

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {16-05-2024}

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ::Abdiqani Osoble Farsamadii ::Abdirahman Macalin Muse HOOS...

{DAAWO MUUQAALKA} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024

Khamiis-16-May-2024 {HMC} Wararka ugu waa weyn Soomaaliya iyo Caalamka 16/5/2024 HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/E45ZjX7VNoA

WARARKA