Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

in kabadan 80 AS ah oo lagu dilay howlgallo ka dhacay Goboladda Mudug, Shabeellada Hoose iyo Bakool

Arbaco-27-March-2024 {HMC} Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ka badan 80 Shabaab ah in lagu dilay howlgallo laga fuliyay Goballada Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.

Hawlgalka koowaad oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka oo ka dhacay degaanka Bacaadka Faarax Aadan oo hoos yimaada degmada Xarardheere, ayay dowladdu sheegtay in lagu dilay 40 Horjoogeyaal iyo dagaalamayaal Shaabaab ah.

Dowladda Soomaaliya waxa ay sheegtay, Shabaabka lagu dilay halkaas inay ahaayeen kuwa isku aruursanayay oo doonayay in ay weeraraan magaalada Xarardheere, oo sanad iyo bar ka hor laga xoreeyay gacanta Alshabaab.

Hawlgalka labaad oo ka dhacay hawdka Fiiqaay oo 15km qiyaastii u jira deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe, ayay dowladdu sheegtay in lagu dilay in ka badan 35 Shabaab ah, waxaana howlgalkaas iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo Saaxiibada caalamka.

Hawlgalkan ayay dowladdu tilmaamtay in sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan oo ay lahaayeen Shabaabkii soo weeraray Daaru-Nicma.

Hawlgalka Seddaxaad Lix ka tirsan Shabaab ayaa lagu dilay halka seddax kalana lagu dhaawacay. Hawlgalkan ayaa lagu bartimaameedsaday fariisin Shabaabku ku lahaayeen deegaanno hoos taga degmada Waajid ee gobalka Bakool.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27-04-2024}

Sabti -27-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed farsamadii :Mohamed Baryare...

{DAAWO MUQAALKA} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan

Sabti -27-April-2024 {HMC} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/kEXArUNODmw

WARARKA