Tuesday, May 7, 2024
spot_imgspot_img

Raashinkii La siin jiray ciidanka kumaandooska Danab oo La hakiyay.

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} Dowladda Mareykanka ayaa hakisay cunnadii ay siin jirtay ciidanka kumaandooska Danab, kadib markii ay soo shaac baxday musuq-maasuq ku saabsan iibsashada gargaarka cuntada iyo shidaalka ee lasiiyo ciidamada Danab.

Go’aanka lagu hakiyay raashiinkii Danab ayaa waxaa loo gudbiyay wasiir ku xigeenka wasaaradda gaashaandhigga iyo taliyaha ciidamada xoogga dalka Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ku sugan safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi.

 

Joojinta kaalmada ayaa dhabar jab weyn ku ah ciidamada Danab oo muddo dheer ku tiirsanaa taageerada Mareykanka si ay u fuliyaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

Dhinaca kale, wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya ayaa tallaabadan ka dib bilowday baaritaan ku saabsan leexsashada raashiinka ciidanka Danab ee ciidamada xoogga dalka.

 

Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay baaritaanka ay sameysay in loo xiray saraakiil lagu eedeynayo ku lug lahaanshaha musuq maasuqa lunsashada raashinka ciidanka Danab.

 

Dowladdu waxay sheegtay in daneeyayaasha ay la wadaagi doonto natiijada kasoo baxa baaritaanka.

 

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06-05-2024}

Isniin 6 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06-05-2024}

Isniin 6 May, 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Abdiqani Osoble Farsamadii...

WARARKA