Monday, May 6, 2024
spot_imgspot_img

Dowlada Soomaaliya oo Sheegatay in La Leexsaday Saadkii Ciidamada Kumaandoska Danab.

Jimco -26-Apr-2024 {HMC}  Dowladda Soomaaliya oo cadeysay in Saadkii ciidanka Danab la leexsaday loona xiray saraakiil ka tirsan ciidanka Danab.

warsaxaafadeedka dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya kadib markii Dowladda Mareykanka ay warqad u soo dirtay dowladda uguna sheegeen in Raashinka ciidanka la leexsaday ayna hakiyeen maalgelinta Saadka ciidanka Danab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee XFS oo warbixin ka soo saartay taageerada dowladda Maraykanka ee iskaashiga istiraatijiyadeed ee ay la leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Al-shabaab iyo bixinta taageerada muhiimka ah ee bini’aadantinimada iyo horumarinta.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in shaqada laga joojiyey saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo ku lug yeeshay nusuq lagula kacay saadka ciidanka Danab gaar ahaan raashiinka ka dib baaritaano la sameeyey.

Saadka Ciidanka kumandoska Danab iyo mushaharkaba waxaa bixiya dowlada Mareykanka, waxaana War saxaafadeedka lagu sheegay in natiijada baaritaanka lala wadaagay saraakiisha Mareykanka ee tababarada siiya ciidankaas.

Arrintaan ayaa imaanaysay xilli dolwadda madaxweyne Xasan sheekh loo jeedinaayo eedo badan oo la xariira dhinaca musuqmaasuqa iyo boobka xoolaha dadweynaha.

 

 

 

 

{DHAGEYSO} Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {06.05.2024}

Isniin-06-may -2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Duhurnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn. Warka waxaa soo jeedinayo ::Shugri Baryare & Mustaf...

{DAAWO MUQAALKA} Somaliland oo war ka soo saartay imaanshaha ciidanka Turkiga ee xeebaheeda

Isniin 6, May 2024 {HMC}  Somaliland oo war ka soo saartay imaanshaha ciidanka Turkiga ee xeebaheeda HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/KUNAfRVFTAE

WARARKA