Monday, May 6, 2024
spot_imgspot_img

Xuutiyiinta Yamen oo Weeraray markab Marayay xeebaha Soomaaliya

Jimco -26-Apr-2024 {HMC} – Markab dagaal oo ay leyihiin ciidmada badda ee boqortooyada UK ayaa soo riday gantaal ay kooxda Xuutiyiinta Yemen ku rideen markab ganacsi oo marayey Badda Cas.

Kooxdan oo ay Iiraan taageerto ayaa xiisad weyn ka abuuray Badda Cas oo ah marin muhiim u ah isku gooshka ganacsiga dunida.

Markabka HMS Diamon ayaa difaacay markab ganacsi oo marayey Gacanka Cadmeed oo weerar kala kulmay kooxda Xuutiyiinta Arbacadii.

Sida ay sheegtay wasaaradda difaaca, markabka oo adeegsanayey hannaanka Viper missile ee lagu burburiyo gantaallada ayaa ka hortagay gantaallada ay soo rideen kooxda ee ay ku bartilmamaeedsadeen markabka ganacsi.

Markabka dagaal ayaa hadda ku sugan gobolka si uu uga hortago weerarada Xuutiyiinta.

Xoghayaha Difaaca UK Grant Shapps ayaa u mahad-celiyay shaqaalaha markabka si ay gacan uga geystaan “badbaadinta nolosha bad-maaxiinta aan waxba galabsan” iyo ilaalinta maraakiibta.

Turkiga oo si cajiib ah u muujiyay ‘sida ay uga go’an tahay’ xasiloonida Soomaaliya
“Ingiriisku wuxuu sii wadaa inuu safka hore kaga jiro jawaabta caalamiga ah ee Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto weerarrada halista ah ee maraakiibta ganacsiga, kuwaas oo galaaftay nolosha maraakiibta caalamiga ah,” ayuu intaas raaciyey.

Waxa uu u sheegay The Times in ay ahayd markii ugu horreysay oo markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda ee Royal uu qabto gantaal dagaal tan iyo dagaalkii Khaliijka 1991-kii.

Xuutiyiinta oo gacanta ku haya dhul badan oo Yemen ah, oo ay ku jirto caasimadda Sanca ayaa bartilmaameedsanaya maraakiib ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Israa’iil iyo Reer-galbeedka si ay uga jawaabaan dagaalka Israa’iil ee ka socda Qasa.

Silsiladaha sahayda caalamiga ah ayaa hadda wajahaya khalkhal ba’an iyo kor u kaca kharashaadka taas oo ka dhalatay qaar ka mid ah shirkadaha maraakiibta ee ugu waaweyn oo safarro ka weeciyay badda cas – mid ka mid ah marinnada maraakiibta ugu mashquulka badan adduunka.

Arbacadii, Xuutiyiintu waxay sheegteen inay weerar ku qaadeen markabka Maersk Yorktown ee Maraykanka oo marayey gacanka Cadmeed.

MOD waxay sheegtay in ku daadgureynta HMS Diamond ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ay qayb ka tahay jawaabta ballaaran ee UK ay ka bixiso weerarrada Xuutiyiinta.

Tan waxaa ka mid ah ka hortagga hubka sida sharci darrada ah loo geynayo Yemen, cunaqabatayn lagu soo rogay xubnaha Xuutiyiinta, iyo in la qaado weeraro lala beegsado bartilmaameedyada millatari.

HMS Diamond, ayaa gobolka ka fuliyey howlago bilihii December iyo January, isagoo qudhiisu la kulmay saddex weerar oo kala duwan oo ay fuliyeen ciidamada Xuuthiyiinta, iyagoo ku guuleystay inay burburiyaan sagaal diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah oo wata gantaalaha Sea Viper iyo qoryo.

Markabkan dagaal ee ciidamada badda Ingiriiska eeHMS Diamond, ayaa ku qalabaysan gantaalada Sea Viper, iyo sidoo kale qoryaha darandooriga u dhaca.

Sidoo kale markabka ayaa laga qaaday weeraro duqaymo ah oo lala beegsaday Xuutiyiinta Yemen 11 janayo.

Xuutiyiinta Yemen, ayaa wali wada beegsiga maraakiibta ganacsi ee maraya badda cas iyagoo sheegay inay ku taageerayaan howlgaladooda Falastiin.

{DAAWO MUQAALKA} Somaliland oo war ka soo saartay imaanshaha ciidanka Turkiga ee xeebaheeda

Isniin 6, May 2024 {HMC}  Somaliland oo war ka soo saartay imaanshaha ciidanka Turkiga ee xeebaheeda HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/KUNAfRVFTAE

{DAAWO MUQAALKA} Amaro Cusub oo la dul dhigay Shacabka ku nool Degmada Berdaale

Isniin 6, May 2024 {HMC} Amaro Cusub oo la dul dhigay Shacabka ku nool Degmada Berdaale HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/o3AXNztMMtg

WARARKA