Sunday, May 5, 2024
spot_imgspot_img

{DAAWO SAWIRADA} Masuul Ka Tirsan Maamulka Gobolka Banadir oo Ka Qeyb Galay Madal Muhiim Ah

Khamiis -25-Apr-2024 {HMC}  Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cusmaan Maxamed ayaa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ugu qeyb galay Madasha Magaalooyinka Bariga Afrika oo ay ku midaysan yihiin Dawladdaha Hoose ee Soomaaliya, Uganda, Burundi, Congo, Kenya, Koonfurta Suudaan iyo Rwanda.

Madasha ayaa looga hadlay Dardargelinta Iskaashiga Dawladaha Hoose ee Wadamada Bariga Afrika, Daadajinta Adeegyada guud illaa iyo heer Dawlad Hoose, Daadajinta Awoodaha, Khayradka, Dhaqaalaha iyo in Talooyinka shacabka ay qeyb ka noqdaan talooyinka lagu horumarinaayo Dawladdaha Hoose ee Bariga Africa.

Shirkaan oo socday 21 – 25 April, ayaa waxaa sidoo kale Dawladda Hoose ee Muqdisho ugu qeyb-galay Agaasimaha Waaxda Arrimaha Dibadda iyo Hey’addaha Caalamiga Mudane Maxamed Xasan iyo xubno kale, iyadoona gaba-gabada Madashaan laga soo saaray War-Murtiyeed ujeedkiisu ahaa Iskaashi iyo in si wadajir loo xaliyo caqabadaha heysta Dawladdaha Hoose ee Bariga Africa, isla markaana ay iska taageeraan dhinacyada tababarada iyo aqoon is weydaarsiga.

Dawladda Hoose ee Muqdisho ayaa Madashaan ka mid noqotay kadib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan ku biirtay Ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

{DHAGEYSO} Warka Habeenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {04-05-2024}

Sabti 4, May 2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Wark Habenimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo ;Yaasiin Ali...

{DAAWO MUUQAALKA} Dowladda ma amrin in meydadka laga saaro iskuul Buluusiya””Taliska Booliska

Sabti-4-May-2024 {HMC} Dowladda ma amrin in meydadka laga saaro iskuul Buluusiya""Taliska Booliska HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/QyOJvEC1pNI

WARARKA