Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

Maxaa iska beddelay Baasaboorka Dalka UK iyo safarka Midowga Yurub?

Arbaco-27-March-2024 {HMC}  Daddka u safraya xilliga fasaxa Midowga Yurub waxa qabanaya sharciga baasaboorka ee 10-sano.

Fasax tagayaasha ayaa looga digayaa in aysan ku dhicin “sharciga 10-ka sano ee baasaboorka” kaas oo burburin kara qorshayaasha safarka ee Midowga Yurub.

Dadka safarka ah ee UK waxa ay qaadan jireen ilaa sagaal bilood oo dheeri ay ka qaadan jireen baasaboorka hore, looguna dari jiray midka cusub, sidaas ayeeyna ku noqon jirtay baasboor 10 sano iyo sagaal bilood jira. Laakiin ka bixitaankii UK ee Midowga Yurub (Brexit), waddamada Midowga Yurub ma aqbali doonaan baasaboor la bixiyay 10 sano ka hor.

laa 32 milyan oo qof ayaa dalbaday baasaboorada noocaas ah ka hor sharciga cusub, balse lama oga inta qof ee uu saameeynayo sharcigan.

Mid ka mid ah dadka uu saameeyay ayaa ah Nathan Barnes oo loo diiday inuu raaco diyaarad ku socotay Faransiiska.

Mr Barnes, oo 31 jir ah kana mid ah shaqaalaha caafimaadka ee Norwich, ayaa ku sii jeeday magaalada Limoges isaga iyo gabar alkuntiisa ah si ay qoyskooda u soo booqdaan.

Lama garanayo inta qof ee uu arinkani saameeyay.

In kasta oo uu duullimaadka uu kasoo hubiyay khadka internetka, isla markaana uu maray halka lugu hubiyo ammaanka iyo baasaboorka, haddana waxa lagu joojiyay albaabka looga gudbo diyaaradda.

“Baasaboorkeyga waxaa la bixiyay in ka badan 10 sano ka hor,” ayuu yiri. “Dhib ayeey ku ahayd arinkan , kaliya waxay igu yiraahdeen ‘waan ka xunahay ma fuuli kartid diyaardda.”

Tan iyo markii UK ay ka baxday Midowga Yurub, dadka safarka ah ee u socda dhammaan dalalka ku jira Midowga Yurub oo ay ku jiraan Iceland, Norway, Lichtenstein iyo Switzerland, laakiin aanay ku jirin Ireland, waa inay haystaan ​​​​baasaboor la bixiyay muddo ka yar 10 sano, ka hor taariikhda bixitaankooda.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27-04-2024}

Sabti -27-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed farsamadii :Mohamed Baryare...

{DAAWO MUQAALKA} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan

Sabti -27-April-2024 {HMC} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/kEXArUNODmw

WARARKA