Saturday, April 27, 2024
spot_imgspot_img

nin qirtay in uu dil bareer ah u geestay Maxamed Cabdi Xaashi oo Xukun Dil ah oo lagu riday

Arbaco-27-March-2024 {HMC}  Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa xukun dil ah ku riday gacankudhiigle Cabdi Maxamuud Xaashi oo dil bareer ah ugu geestay deegaan dhaca duleedka degmada Caabdudwaaq marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Xeer ilaalinta maxkamadda gobolka Galgaduud ayaana ku eedeesay Cabdi Maxamuud Xaashi in si kas ah u dilay marxuumka , waxa ayna maxkamadda soo bandhigtay caddeymo muujinaya dilkaasi, marqaatiyaal iyo qoraygii dilka lagu geestay.

Maxkamadda horteeda ayaana lagu weediiyay ninka dilka geestay in uu galay dambiga lagu soo eedeeyay, waxa uuna ninkaasi qirtay in si bareer ah u dilay marxuum Maxamed Cabdi Xaashi, isaga oo codsaday in loo gacan galiyo ehelada marxuumka uu dilay.

Garsoore Axmed Salaad Kulane oo kamid ah garsoorayasaha maxkamadda gobolka Galgaduud ayaana ugu dambeyn ku xukumay dil toogasho ah Cabdi Maxamuud Xaashi oo ah qisaasta marxuumkii uu dilay ee Maxamed Cabdi Xaashi.

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa sidoo kale shalay xukun dil ah ku riday gacankudhiigle Cabdixakiin Axmed Cigaal oo isna maxkamadda horteeda ka qirtay in dil bareer ah u geestay marxuum weriye samafale Cabdixaxiin Axmed Bulxan.

{DHAGEYSO} Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn {27-04-2024}

Sabti -27-April-2024 {HMC} Dhageystayaal halkan waxa aan idiin kugu soo gudbi neynaa Warka Subaxnimo ee Warbaahinta Hiiraanweyn Warka waxaa soo jeedinayo:Yaasiin Ali Ahmed farsamadii :Mohamed Baryare...

{DAAWO MUQAALKA} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan

Sabti -27-April-2024 {HMC} Beeraleyda qaadka Kenya oo Muqdisho yimid sheegayna arrin yaab leh oo ay rabaan HOOS KA DAAWO MUQAALKA WARBIXINTA https://youtu.be/kEXArUNODmw

WARARKA